Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Another Unfortunate Killing in Ceel-Bardaale

Recommended Posts

Dagaal mar kale ka qarxay Deegaanka Seemaal oo ka Tirsan Ceelbardaale ayaa Sababay dhimashadda Seddex Ruux oo halkaasi lagu dilay Alle Ha U Naxariistee Marxuum Daahir Maal iyo Wiil udhalay ayaa ka mid ahaa Dadka la dilay halka ninka kale lagu Magacaabo Afmadhan diid, Lama Garanayo cid weerarka ku horaysay Balse Dadka la dilay ayaa ka mid labadii beelood ee Dirir ku dhex martay Deegaanadda Ceel bardaale oo aan in muddo ah wax dhibaato ahi ka dhex dhicin.

Maaamulka Gobolka Gabiley iyo Maamulka Gobolka Awdal oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino Arimahaasi ayaanay noo suuro galin illaa hadda lama garanayo khasaaraha dhabta ah ee meesha yaala balse wararku waxa ay sheegayaa in khasaaruhu intaasi ka badanyahay.

Kala soco Wixii ka soo kordha Gabiley News oo si faahfaahsan idiinku soo gudbin doonta.

GND

Share this post

Link to post
Share on other sites

Gabiley(HWN)-Sida ay u xaqiijiyeen dad xog ogaal ah oo ku sugan Deegaanada Satiile ee Waqooyiga Gabiley, Shabakada Wararka Hadhwanaagnews u sheegay in sadex ayaa habeenkii xaley ahaa lagu dilay Deegaanka Seemaal, oo kamid ah agagaarka dhulbeereedka Ceel-Bardaale ee mudada badan colaadu ka taagnayd , waxaanay dadkaas ka ag dhow Deegaanka Seemaal sheegeen in sadexda qof ee lagu dilay halkaasi ahaayeen Aabo iyo Laba inan oo uu dhalay.

Majiro war rasmi ah oo cadeynaya cida ka danbaysay ama fulisay dilkaasi, haseyeeshee, wararka la isla dhex marayay ilaa saaka Magaalada Gabiley, waxa dilkan lagu xidhiidhinyaa in uu ku lug leeyahay ama ay geysteen shakhsiyaad aan la aqoonsan oo doonaya in ay rabshado mar kale ka bilaabmaan halkaasi, inkastoo dhinacyo kalena ay sheegayaan Warar kale oo kaas ka duwan, hadana wali ma cada cida dhab ahaan uga danbeysay falkan dilka foosha xun ah.

Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, Cali Aw Aadan Meecaad oo aanu subaxdii hore ku kalahnay si aanu wax uga weydiino dhacadadan xalay ka dhacady deegaankan ayaa, isagu gabi ahaanba ka gaabsadey in uu wax tafaasiil ah ka bixiyo ,haseyeeshee Taliyaha Ciidanka Qeybta Booliska Gobolka Gabiley, Rashiid Ismaaciil Warfaa oo hadhwanaagnews wax ka weydiisay ayaa sheegay in uu ka hadli karo oo kaliya marka uu Ciidankaa uu hada u direy in ay xog buuran ka keenaan deegaankaasi.

Ma aha markii u horeysay ee fal noocan oo kale ahi ka dhaco deegaandaasi haseyeeshee, waxa uu dilkani noqnonayaa markii afraad ee nooceeda ah oo dilka noocan oo kale ahi dhaco, iyadoo markasta oo deegaanadaasi ay ka dhacaan rabshadana aad looga naxo Gobolada Gabiley iyo Awdal maadaama ay is dhexgal xoogani ka dhexeeyo bulshooyinka labada Gobol sidaa daraadeedna ay aad uga walaacsan yihiin dhibaatada xiligan kasoo cusboonaatay guud ahaanba dadweynaha kunool deegaankani.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Those murderers should be brought to Justice ... they deserve to be hanged in front of everybody.

The conflict in Ceel-bardaale took too long and started in the 80s ... No government was able to solve this problem but at least, the killings should stop now.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Coofle   

Boorama-(Lug)-Alle Ha U Naxariistee 3 Marxuun ayaa saaka subaxdii ku dhintay degaanka Seemaal ee degmada Baki kadib markii ay kooxo maleeshiyo beeleed gacan ku

dhiiglayaal ah ay degaankaas saaka waabarigii weerar kaga soo qaadeen dhinaca Gebilay.

Sedexdan Marxuun ee shahiiday ayaa waxa ay wararku sheegayaan inay yihiin Wiil Abiihii iyo Adeerkii uu magacdooda oo aan wali la sixin ay kala yihiin Dayb Maal, Wiilkiisa iyo ninkale oo la yidhaa Af-Madhan-diid oo intuba ka soojeeda degaanka Dilla.

Raggan Dhintay ayaa wararka deegaankaas laga helayaa waxa ay sheegayaan in si arxan daro ah loo dilay laguna dilay maqaaxi ay lahaayeen oo degaankaas ku taalay isla markaana ay waqtigaas ku sugnaayeen.

Ma jiraan wax masuuliyiin ah oo ilaa hada ka hadashay arintan waxana magalada Boorama laga dareemayaa guux badan iyo dareen cadho ah oo kan dhan ah dhacdadan.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Hargeysa (GNS) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Saaka Kulan la qaatay Talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Taliyaha Booliska, Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo gaashaan Dhiga.

Madaxweynaha ayaa Masuuliyiintan Amar adag ku siiyay in ay Soo qabqabtaan dadkii geystay Dilkii xalay ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Gabiley iyo Boorama, waxana uu ku xoojiyay in aanay ka hadhin cidii gaystay Falkan

Sidaas waxa Madaxweynuhu ku sheegay War saxaafaddeed, ka soo baxay Qasriga Madaxtooyadda, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Gabiley News, War saxaafadeedkan oo dhamaytiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Warsaxaafadeed

Xalay, gelinkii danbe meesha la yidhaahdo Saameel oo u dhaxaysa degmooyinka Gabiley iyo Baki waxa ka dhacay shil foolxun waxaana lagu dilay 3 nin oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu saaka isugu yeedhay talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Booliska iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo gaashaan Dhiga waxaanu si Adag u Amray in ay raacdo galaan oo ay soo qabtaan dhagar qabayaashi dilkaas geystay meel kasta oo ay joogaana ay kaga daba tagaan.

Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaa ku adkeeyey in aanay ka soo hooyanin ilaa ay dhagar qabayaashaa soo qabtaan oo ay sharciga horkenaan.

Ugu danbay waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkaas ay gacanta ka xaqa darani dishay.

Waxaanu leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo iyagana naxariistii Janno ha ka waraabiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Gabiley (Gabiley News):- Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday oo ka mid ah Suldaadiinta Beesha Gibriil Abokor oo Galabta dhaawac fudud kasoo gaadhay jilibka ayaa isagoo gurigiisa ku sugan mar uu saxaafada la hadlayay isagoo ku hadlaya magaciisa, ka cuqaasha, Waxgaradka iyo ka salaadiinta Sacad Muuse sheegay inuu aad uga xun yahay waxa meeshaasi ka dhacay iyo xaqdarada dadkaasi lagu laayay oo uu sheegay inay tahay wax ka baxsan dhaqanka iyo diinta islaamkaba.

Suldaanku waxaa kale oo uu Dawlada ka codsaday intay talaabo deg deg ah ka qaadaan wixii falkaasi foosha xun gaystay, gacan ku dhiiglayaashana sharciga la horkeeno, isagoo dadkii ay dhibaatadu soo gaadhayna ka codsaday inaanay qaadin talaabo ilaa iyo inta ay wax kala cadaanayaan. Suldaanku isagoo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca cuqaasha beesha, waxgaradka gobolka Gabiley, iyo magaca salaadiinta Sacad Muuse waxaan aad uga xumahay waxa meeshaasi ka dhacay iyo xaqdarada dadkaasi lagu laayay oo ah wax dhaqanka iyo diinta islaamka toona sal iyo raad ku lahayn. Waa arin xun aadna u xun. Waxaan dawlada Somaliland ka codsanaynaa in talaabo dag dag ah laga qaado dadka waxaa ku kacay oo ah gacan ku dhiiglayaasha waxaa sameeyay, Sharcigana sida ugu dhakhsaha badan loo hor keeno. Cidda ay wax gaadheena waxaan ka codsanaynaa inaanay aargudasho degdeg ah samayn inta wax la hubsanayo. Dawladuna dhaliisheeda ayay ku leedahay oo iyadaa habsankaa samaysay.”

Shaqaaqadan kasoo cusboonaatay deegaanka Ceel Bardaale ayaa laga nastay mudooyinkii ugu danbaysay kadib markii heshiis dhex maray labada beelood ee muranka dhulku ka dhexeeyay, iyadoo xukuumada Somaliland faraha ka qaaday kadib markii la badalay labadii badhasaab ee inta badan ka shaqeeyay heshiisiinta labada beelood. Taasi oo ay gobolada Awdal iyo Gabiley hadda joogaan badhasaabyadii ugu tamarta iyo waxqabadka yaraa tan iyo intii Gabiley loo magacaabay gobolada. Lama soo hadal qaadin murankii Ceelbardaale sidii loo badalay badhasaabyadii heshiiska ka ciyaaray kaalinta la taaban karo ee soo xero galiyay labadii hogaamiye ee labada beelood.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Gabiley(HWN)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Korneyl Maxamed Saqadhi Dubad ayaa, goor dhaweyd soo gaadhay Magaalada Gabiley islamarkaana shir alabaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay Xarunta Maamulka Gobolka Gabiley Badhsaabka oo dib uga soo noqday goobtii dilku ka dhacay iyo masuuliyiin kale.

ilaa iyo hada majiro war kasoo baxay kulankaasi Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland kula qaatay Masuuliyiinta Gobolka Xarunta Maamulka Gobolka Gabiley kaas oo ilaa hada lagu jiro, laakiin waxaa siweyn looga dareemayaa gudaha Magaalada Gabiley dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog ah kuwaas, oo la filayo in ay u gudbayaan dhinaca deegaanka Ceel-bardaale ee dilku ka dhacay xalay ilaa iyo hadana majiraan warar kasoo kordhey xaalada deegaankaasi inkatoo wararka la isla dhex marayaa sheegayaan in ay jiraan gadood badan oo ku wajahan in uu kayimid dhinaca ehelada dadkii xalay lagu dilay maqaaxi kutaala tuulada Seemaal.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;763262 wrote:
Warsaxaafadeed

Xalay, gelinkii danbe meesha la yidhaahdo Saameel oo u dhaxaysa degmooyinka Gabiley iyo Baki waxa ka dhacay shil foolxun waxaana lagu dilay 3 nin oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu saaka isugu yeedhay talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Booliska iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo gaashaan Dhiga waxaanu si Adag u Amray in ay raacdo galaan oo ay soo qabtaan dhagar qabayaashi dilkaas geystay meel kasta oo ay joogaana ay kaga daba tagaan.

Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaa ku adkeeyey in aanay ka soo hooyanin ilaa ay dhagar qabayaashaa soo qabtaan oo ay sharciga horkenaan.

Ugu danbay waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkaas ay gacanta ka xaqa darani dishay.

Waxaanu leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo iyagana naxariistii Janno ha ka waraabiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Good move by the old man

Share this post

Link to post
Share on other sites

Gabiley (Gabiley News):- Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday oo ka mid ah Suldaadiinta Beesha Gibriil Abokor oo Galabta dhaawac fudud kasoo gaadhay jilibka ayaa isagoo gurigiisa ku sugan mar uu saxaafada la hadlayay canbaareeyay Falka Dilka ah waxaanu sheegay inuu aad uga xun yahay waxa meeshaasi ka dhacay iyo xaqdarada dadkaasi lagu laayay oo uu sheegay inay tahay wax ka baxsan dhaqanka iyo diinta islaamkaba.

Suldaanku waxaa kale oo uu Dawlada ka codsaday intay talaabo deg deg ah ka qaado wixii falkaasi foosha xun gaystay, gacan ku dhiiglayaashana sharciga la horkeeno, isagoo dadkii ay dhibaatadu soo gaadhayna ka codsaday inaanay qaadin talaabo ilaa iyo inta ay wax kala cadaanayaan. Suldaanku isagoo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca cuqaasha beesha, waxgaradka gobolka Gabiley, iyo magaca salaadiinta Sacad Muuse waxaan aad uga xumahay waxa meeshaasi ka dhacay iyo xaqdarada dadkaasi lagu laayay oo ah wax dhaqanka iyo diinta islaamka toona sal iyo raad ku lahayn. Waa arin xun aadna u xun. Waxaan dawlada Somaliland ka codsanaynaa in talaabo dag dag ah laga qaado dadka waxaa ku kacay oo ah gacan ku dhiiglayaasha waxaa sameeyay, Sharcigana sida ugu dhakhsaha badan loo hor keeno. Cidda ay wax gaadheena waxaan ka codsanaynaa inaanay aargudasho degdeg ah samayn inta wax la hubsanayo. Dawladuna dhaliisheeda ayay ku leedahay oo iyadaa habsankaa samaysay.”

Shaqaaqadan kasoo cusboonaatay deegaanka Ceel Bardaale ayaa laga nastay mudooyinkii ugu danbaysay kadib markii heshiis dhex maray labada beelood ee muranka dhulku ka dhexeeyay, iyadoo xukuumada Somaliland faraha ka qaaday kadib markii la badalay labadii badhasaab ee inta badan ka shaqeeyay heshiisiinta labada beelood. Taasi oo ay gobolada Awdal iyo Gabiley hadda joogaan badhasaabyadii ugu tamarta iyo waxqabadka yaraa tan iyo intii Gabiley loo magacaabay gobolada. Lama soo hadal qaadin murankii Ceelbardaale sidii loo badalay badhasaabyadii heshiiska ka ciyaaray kaalinta la taaban karo ee soo xero galiyay labadii hogaamiye ee labada beelood.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Gabileey(HWN) Goor dhaweyd kadib Shirkii Saqaadhi waxa Xabsiga Loo Taxaabay Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raage oo Xubin ka ahaa odayaashii sexeexay nabeda deegaankaasi dhawaan, Waxaanu Sheekhu hada ku xidhan Yahey Saldhiga Ciidanka Booliska Gabiley, waxaanay Wararku sheegayaan in Taliyaha Ciidanka Boolisku Amar ku bixiyay in lasoo Taxaabo odoyaashii kale ee kujirey sexeexa nabedgelyada deegankaasi .

Ilaa hada majiraan warar kasoo kordhay deegaanka xalay dilku ka dhacey Basle waxaaa jira dad kale oo Caan Magaalada ka ah oo Hadal heynteeda ay Jirto in xabsiga Loo Wada Taaxabo

Hargeysa(HWN) Xisbiga KULMIYE waxa uu si culus u cambaaraynayaa falkii axmaqnimada ahaa ee habbeenkii isniintii ee Dec, 05, 2011 ka dhacay Deegaanka seebaal oo u dhexeeya deegaanka Baki iyo Gabiley, kaas oo lagu dilay saddex nin oo goor habeenimmo ah la miray.

Dilkaas oo ahaa mid sharci darro ah, oo si bilow-aadantinimada ka baxsan loogu dilay dad aan waxba galabsan oo gurigooda iska hurda.

Xisbiga KULMIYE, isagoo dilkaas ka murugaysan waxa uu tacsi u dirayaa qoyayskii iyo ehlada ay ka geeriyoodeen raggaas la dilay.

Xisbiga KULMIYE isagoo soo dhawaynaya goaanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku amray wax-ka-qabashada falkaas foosha xun, waxa uu ku boorinayaa Hayadaha xukuumadda ee nabadgelyada u xilsaaran inay fuliyaan tallaabo adag oo si deg deg ah loogu soo qabanayo cid allaale cidii geysatay falkaas foosha xun oo sharcigana la horkeeno.

Xisbiga KULMIYE, waxa uu xukuumadda iyo hayadaha kale ee dawladda u soo jeedinayaa inay ku tallaabsadaan hawlgal dhakhso ah oo si dhammaystiran wax loogaga qabanayo xaaladda taagan eek u saabsan falkan foosha xun, si aanay u keenin xasarado kale oo wiiqa nabadgelyada iyo ammaanka guud, iyadoo si mug iyo miisaan leh loo waajaho dhacdadan iyo dhammaan duruufaha ku xeeran.

Ugu danbayn, xisbiga KULMIYE waxa uu ugu baaqayaa dadweynaha deegaanka falkaasi ka dhacay inay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabadgelyada guud, kana feejignaadaan wax kasta oo doc-wareemaya wadajirka iyo nabad ku wada noolaanshaha dadka wallaalaha ah ee danta iyo deegaanku ka dhexeeyo.

Allaa Mahad Leh

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE

Xasan Siciid Yuusuf.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this