Sign in to follow this  
Showqi

Reer Baadiye Jokes

Recommended Posts

Aaliyyah   

lol showqi kama fanayo walaalo - I simply said I dont enjoy reading a long story in somali..as long as it is one sentence im good. :D

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

intuu soo boodey buu yiri "hooyo hadaa jeceshahay maxaa u cuntey"

LOOOOL I love that baby caqli badanaa can I adopt him xaguu jooga :)

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mustafe   

Oday reer badiye ah oo xoolohiisa aad u jecel ayaa geeliisa waxaa u raaci jirey wiil yar oo uu adeer u yahay.

Willka shanta salaadood ba wuu tukan jirey odaygu laakiin ma tukan jirin. Odaygu ma jeclayn in wiilku tukado waayo wuxuu ka biqi jirey intuu salaada ku jiro in xoolaha wax ku dhacaan ama la xado. Odaygii maalintii dambe intuu willka u wacay buu ku yidhi:

 

Adeer duco hakugu dhacdee geela salaadda ka daa. Oo haddaadan salaadda ka dayneyn ta casar ka daa. Oo ta casar hadaadan ka daynayn ta maqrib ka daa. Oo haddaadan intaas yeeli karin bal nuu nuu da dambe uun ka daa (nuu nuu meaning ducada salaada ka dambaysa lol).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Maalinbaa nin ka yimid baadiyaha wuxuu arkay meel ay dad badani joogaan. Markaasaa intuu dadkii meesha joogey u soo dhowaaday uu yidhi: "Dadkaan badan mahaan xeey ka suubihaayaan?" Nin ka mid ah dadkaasi meesha joogay ayaa ku yidhi: "Nabiga xuskiisa ayaa lagu qabaa meeshaan". Ninkii reer baadiyaha ahaa ayaa intuu madaxa gacanta saaray yidhi: " MA DHINDHAY?!!!"

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Showqi;815883 wrote:
Maalinbaa nin ka yimid baadiyaha wuxuu arkay meel ay dad badani joogaan. Markaasaa intuu dadkii meesha joogey u soo dhowaaday uu yidhi: "Dadkaan badan mahaan xeey ka suubihaayaan?" Nin ka mid ah dadkaasi meesha joogay ayaa ku yidhi: "Nabiga xuskiisa ayaa lagu qabaa meeshaan". Ninkii reer baadiyaha ahaa ayaa intuu madaxa gacanta saaray yidhi: "
MA DHINDHAY
?!!!"

Hahahahahahahaha astaghfirullah showqi balo kugu dhici weysee dembiga naga yaree :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

LOL@ Ar ma dhindhay.

 

Mid reer baadiye ah ayaa waxa uu booqasho ku tagay Xamar, barigaa waxay ahayd maalin Oktoobertii loo dabaal dagayay, kolkii uu reerihii u laabtay ayaa la weydiiyay waxa uu ka la kulmay magaalada..Ninkii oo afka kolba dhinac u dhaqaajinaya ayaa yiri "Mahu meel ba'day waaye, anse waxaa iigu darneyd niman bareekeey(Dayuruad/Diyaarad) korkeeda iska soo tuuraayo ayakoon guud bureed maahee xabad kale aan sidan..Gab, reer xamar waa doqonimadaas.

 

Su'aal? ninka muxuu arkay? Showqi adiga ha ka jawaabin :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin reer baadiye ah oo aanan waligiis tukan ayaa maalintii danbe masjidka yimid, markuu dukaday ayuu wuxuu ag fadhiistay sheekh xertiisa cashar siinayo, ninkii xertii buu ka mid noqday oo cashar billaw ah baa asagana si gooni ah loogu bilaabay. Ninkii reer baadiye Qulhuwalaha (Suurada qulhuwalah) ayuu si fiican u xifdiyay. Maalintii danbe ayaa shiikhii iyo xertiisii waxaa looga yeeray qof xanuunsan inay quraan soo saaraan, baabuur ayaa masaajidka loogu keenay si loogu qaado. Ninkii reer baadiye xertii buu dhinac ka galay si uu ugu raaco quraanka iyo sabta la cuni doono. shiikhii baa intuu ninkii gacanta soo qabtay ku yiri "adiga quraan badan ma taqaanid oo Qulhuwalah kaliya uun baad taqaan ee naga har" ninkii asagoo ka xun arintaas buu shiikhii ku yiri "Shiikhoow anigana ragga ha iga reebin, Qulhuwalahana Quraanka haka reebin". shiikhii intuu la yaabay oo qoslay buu yiri ina keen haddaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin reer baadiye ah (xaayow) ayaa markii ugu horeysay wuxuu yimid magaaladii xamar, wuxuu magaalada ku arkay baabuur fara badan, wuxuuse aad ula sii yaabay baabuurka loo yaqaan (VW BEETLE) "eeg sawirka hoos". oo magaalada aad ugu badnaa. Ninkii baa maalintii danbe dib ugu noqday baadiyihii, markaasaa la weydiiyay maxaa kuugu yaabka badnaa ee aad xamar kusoo aragtay. ninkii inta uu dhabannada qabsaday buu yiri "Yaaya, aryaa diindiinka xamar duud weynaa, kaaga daranaa waa damuumaa" taasoo macnaheedu yahay "Diinka ku nool xamar waa mid duud ama dhabarkiisu weynyahay, orod iyo dheereynna wuu ku darsaday". wuxuu u qaatay in gaariga uu yahay Diin magaalooyinka ku nool.;)

 

Volkswagen-Beetle1.jpg

VW Beetle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Reer baadiye carbeed oon weligii tukan baa misaajid soo galay salaadii subax asagoo da-dagsan, Imaamki baa faataxadi kadib Suuratul Baqarah ku dhameeye labadii rakcadood, Reer baadiyihii iyadoo qoraxdi soo baxday dantuu lahaana ka habsaamay buu iska hadaafay dhinaca gurigiisa,

Subixii labaad buu haddana isagoo da-dagsan salaadi soo galay, saa imaamkii faataxada kadib suuratul fiil buu qabsaday, Reer baadiyihii Inta kabihiisa qabsaday buu gadaal u booday isagoo leh " Shalay baad Baqarah qorraxdii noogu soo saartay, Maanta fiil ma inaad gabalka noogu riddaad dooni"

 

macnaha labada suuradood

Baqarah Lo'

Fiil Maroodi

 

Iska fahma :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

Maalin baa waxaa wada joogay laba nin oo reer baaadiye ah oo xoolo wada ilaalinayay, mid ka mid ah ayaa geed fuulay si uu dusha uga fiirsho xoolahii ilaa halka ay daaqayaan, iyo iney bed qabaan, markaasuu arkay libaax ku soo dhawaaaaya xoolihii, markaasuu is yiri dhaqaso uga daadeg geedka oo libaaxa xoolaha ka dhici, lug buu wuxuu la waayey laantii geedka markaasuu soo dhacay ilaa hoos, laan geedka hoos uga taalay ay kahisay , mrkaasuu kii kale caawiyay oo geedkii ka soo dejiyey oo ku yiri, "Ilhaahaa kaa badbaadiyay", markaasuu kii geedka ka soo dhacay yiri ,, " ina adeerow xoow ii reebtay ?"

 

Thanks to Atheer Jimcaale

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this