Sign in to follow this  
Showqi

Reer Baadiye Jokes

Recommended Posts

Showqi   

Nin reer Baadiye ah ayaa wuxuu soo suuq geystay xoolo. Waa markii ugu horeysay ee uu magaalo yimaado. Xoolihii markii laga iibsaday, waxyaabihii uu u baahnaana: Kabo cusub, Bariis, Sonkor, Caleen-shaah, uu soo iibsaday. Ayaa wuxuu ku tashaday in uu baadiyihii dib ugu noqdo. Intii uu sii socday ayaa wuxuu arkay Masaajid laga eedaamayo (adimaayo), dadkuna ay sii galayaan. Ninku waligiis masaajid muu arag. Wuxuu is weydiiyey meeshan laga qaylinaayo, dadkuna ay ku sii qulqulayaan maxay tahay? Masaajidkii ayuu galay. Dadkii oo kabaha iska bixinaya oo weyseeysanaya ayuu arkay, isna sidii oo kale ayuu sameeyey. Safkii salaada ayaa la galay, isna wuu ka daba galay. Wixii ay sameeyaanba wuu ka daba sameeyey. Salaadii markii ay dhamaatay ayaa dadkii kala yaaceen. Wuxuu arkay in Kabihiisii cusbaa laga xaday. Reer baadiyihii hore dad daacad ah ayey ahayeen markaa iskumuu deyin in uu kabo kale xado. Isaga oo caga cad ayuu miyigii isaga noqday.

 

Safarkiisii labaad ayaa waxaa magaalada u soo raacay nin kale oo reer baadiye ah oo doonayey in uu xoolihiisa iib geeyo. Xoolihii markii ay iibiyeen. Wixii ay u baahnaayeena ay soo iibsadeen oo ay miyigii u sii socdaan, ayey waxay soo agmareen Masaajidkii, Eedaankii salaada ayaa yeedhay. Kii cusbaa ee ninka la socday ayaa wuxuu yidhi: Ina-adeerow waa maxay meeshan laga qeylinayo ee ay dadku ku sii yaacayaan? Kii kabaha laga xaday ayaa wuxuu yidhi: Waar waa Tuugadii oo isku habar wacaneysa, meeshaas bay ku ciyaaraan. Waxaa la yidhaahdaa ciyaar Tuugeed magaalada ayaa laga yaqaanaa kolna saf saf baa loo ciyaaraa kolna kali kali, kabahana waa la isaga xadaa..........:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

tooo long..I will read it in a bit - have to finish a movie im watching ""how to lose a guy in 10 days" ..an old movie from 2003 :)..Brb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aaliyyah;760232 wrote:
tooo long..I will read it in a bit - have to finish a movie im watching ""how to lose a guy in 10 days" ..an old movie from 2003
:)
..Brb.

:D:D two paragraphs too long for you?! then your somali is not great.. btw i think that movie has great tips for losing someone.. Good Luck;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

lol@good luck..yeah man totally trying to lose a farah and this movie comes handy :P..

 

as for two paragraphs being too long?..actually I dnt enjoy reading in somali but my somali is about perfect not showing off at all.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

loooool loved this joke! lool@ kabaha la iska xadaa...this reminds me the other day when I wore two different shoes lol one was mine and the other wasnt (they looked so much alike that I didnt notice till I got home) Taugh luck! but no one stole it i was rushing lool..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

surely, do you need to a watch a movie just to loose someone? Lol

Iga warejii sxb, umbaa kufilan. Or the hard way.

''maanta kabilaawata, hadalkaada marabi, telefonkeyga haiga so wicin'' lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D :D :D .. Showqi ....

 

Mid taas ku dhow baan maqlay anigu ..... Oo mid inta uu sxb kii kexeeyay buu ku wacdiyay inuu soo tukado. Markay salaadii ka baxeen ayuu kabihiisii waayay oo ogaaday in la xaday. Maalintii dambe ayuu Eedaankii maqlay, markaasuu intuu sidaa u eegay masaajidkii buu yidhi "Weligaaba qayli, walee anigaanad kabo dambe iga xadin" :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Cunug yar ayaa wuxuu arkey hooyadii oo uur leh, markaasuu ku dhahey "hooyo caloosha maxaa kuugu jira", waxey tiri "waxaan caloosha ku wadaa walaalkaa", wuxuu yiri "hooyo ma jeceshahey", waxey tiri "haa", intuu soo boodey buu yiri "hooyo hadaa jeceshahay maxaa u cuntey"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

come on people, where are the Reer Baadiye volks? We need Reer Baadiye Jokes here. Thanks JB you are the only person oo wax yar oo Reer Baadiyenimo ahi ay ku jirto. The rest of the people here are pretending to be reer magaal is nacay:p Bal Aaliyyah fiiri Af-Soomaaligii wey ka faanteyba:( Labo paragraph baaba ku dheeradey innanta....:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Nin xoolo dhaqato ah oo magaalada u yimid inuu ka dhamaysto dano uu laahaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah u daawasho tagay ciyaar dhex maraysa laba kooxood, ciyaartaas oo ahayd mid aad iyo aad u adag, ninkii reer miyiga ahaa wuxuu arkay ciyaaryahan isaga ula muuqda inuu si wanaagsan u cayaarayo oo la bedelayo substitute garoonkana ka sii baxaya markaasaa ninkii reer miyiga ahaa intuu dhiniiciisa midig eegay ayuu ku yiri nin ag fadhiyay ”Inta ay ciyaaryahankaas beddelayaan may kan dharka madmadaw sita badalaan oo aan isagu marnaba taaban banooniga halka ay ka badalayaan caayaartoogaas" wuxuuna kan dharka madmadaw ula jeeda garsooraha cayaarta ama refereega.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this