Sign in to follow this  
Siciid1986

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo Ku Baaqay Midnimo Dhexmarta Beelaha Hargeysa

Recommended Posts

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo Ku Baaqay Midnimo Dhexmarta Beelaha Hargeysa

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo ka mida Sallaadiinta waaweyn ee Somaliland, ayaa maanta ugua baaqay in beelaha ku abtirsada Habar-Magaado ay muujiyaan midnimo dhexdooda ah si ay mustaqbalka majaraha ugu qabtaan hogaanka dalka oo aan wakhtigan gacantooda ku jirin.

 

 

Suldaanka oo ka hadlayay munaasabad maanta lagaga dhawaaqayay urur siyaasadeed la yidhaahdo Wadajir oo lagu qabtay hotelka Shiraaqle ee Magaalada Hargeysa , ayaa ka hadlay waxa uu ugu yeedhay kala daadsanaan iyo midnimo la’aanta beelaha Habar-Magaado oo aan ka midaysnayn dhanka siyaasada, waxaana uu soo jeediyay in loo baahan is fahan buuxa oo dhexmara beelahan, maadaama oo ay yihiin kuwa ugu tirada badan Somaliland.

 

 

Waxa uu sheegay in beesha uu ka soo jeeda Madaxweynaha talada hayaa ay tahay mid isku duuban oo leh mawqif meelmar ah,taasoo sababtay in samaystaan yool siyaasadeed oo horseeday in ay ku guulaysteen hogaanka Somaliland.

 

“ Waar Somaliland wixii la odhan jiray ama la yidhaahdo siyaasadii wadanka waa lagu kala dhaqaaqay, siyaasada maanta socota cid bay faa’iido u tahay marka runta iyo xaqiiqda lagu wadahadlayo, beelo waa is raaceen urur kaliya ayay furteen, xisbigii hore ee ay ka soo baxeen oo lagu soo guulaystayna sidii Maskiibaa laga xuubsiibtay, rag baa gidaar loo diibay oo weli gidaarkii ku tiirsan oo moodaya in xisbigii lagula jiro. Maanta haday reero-reero noqoto horta Magaado ayaa ka badan iyo labada darafyada ee Bari iyo Galbeed, qoladiina axsaabta badan furaysaa isugu soo uruura xisbi magac kaliya leh oo wadajir oo Bariga iyo Galbeedka labada beelood ee degani ay ku jiraan,laakiin markaynu furano 17 xisbi waxa anagu dhacaysa ayaandaro dhakadan waa lagaa saarnaan” ayuu Suldaan Maxamed oo ay hadaladiisa ka muuqatay cadho xoog leh.

 

suldaan-maxamed1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji Xunjuf, niyow sidaa ha u aflagadeen Suldaanka Guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^loool@ suldaanka Guud eeh Somaliland this guy is bad news if he is the Somaliland Sultan why is he dividing the people of Somaliland into silly clan groups. Wa halki Siilaanyo qabyalaadi uff.

 

That said i respect the house of Sultanate and its part of the heritage of Somaliland and we are very proud of it, but this guy cannot be compared to the legendary sultan diiriye or Sultan Farax or any of his ancestors.

 

Somalilanders should dethrone this guy i mean this guy is entitled to his own opinion as an individual but he is claiming to be a Clan chief for an entire group. And he is making unacceptable remarks

 

Unity for the people of Somaliland that's what i preach.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

XX and his crew always loved the facts from their region be hidden. Suldaanku run buu ku adimay.. THE PROJECT is dividing the DURIYAD far a part.. And it already divided far more apart from other clans in the North ilaa ay isku hoobteen......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gheele wa habar habrahha kala ka culus wa tu mizaan weyn leh. Fasax bay ku maqnayd

 

A khadar adeer somaliland has passed the stage they used to listen to clan elders there are politicians who are leading the nation from every clan the only elders that are allowed in the political arena are the guurti members awoowo cabdi waraabe and mr selebaan gaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this