Sign in to follow this  
Saalax

Madaxweynaha Puntland oo xaqiijiyey in AMISOM la geynaayo Puntland

Recommended Posts

Saalax   

Madaxweynaha Puntland oo xaqiijiyey in AMISOM la geynaayo Puntland

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” ayaa xaqiijiyey in ciidamada ka socda Midowga Africa kuna hawlgala magaca AMISOM la geynaayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaayo boqolaal Soomaalida ku dhqan magaalada London iyo hareeraheeda ayaa khudbadiisi ku soo qaatey arrinta Gaalkacyo, waxaana madaxweynuhu sheegey in nabadgelyo xumo ay muddo badan ku soo laabatey magaalaada Gaalkacyo, waxaana uu yiri waxaa imaan doono ciidamo ka socda Midowga Africa, madaxweynaha ayaa dadka u sheegey in aysan arrintaasi noqon mid ay hadhow la yaabaan ee ay ogsoonaadaan in ciidamadaasi imaanayaan.

 

Dhawaan waxaa booqdey magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo Saraakiil ka socda AMISOM iyo Taliyaha guud ee xooga dalka Soomaaliya Gen Cabdulqaadir Diini, waxaana soo baxay warar sheegaya in ay u gogolxaarayaan ciidamo la geynaayo magaalada Gaalkacyo oo inteeda badan ay maamulaan Puntland marka laga reebo xaafad ay caasimad ka dhigteen maamulka Galmudug.

 

Afhayeenka Madaxtooyada ayaa mar uu waraysi siinaayey Horseed Media meesha ka sarey in ciidamo ku socda magaca AMISOM la geynaayo geyiga Puntland.

 

AMISOM ayaa dalbatey in la kordhiyo tirada ay ku joogaan Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay balaarin doonaan hawlagalada ay Soomaaliya ka wadaan, waxaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho 9000 oo askeri oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi kuwaas oo ogolaansho ka haysta Qaramada Midoobey, isla markaana ka socda Midowga Afrika.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Madaxweyne Faroole oo Sheegay inuu Codsadey in AMISOM Puntland La geeyo

 

RBC (London) Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxmuud Faroore ayaa waxuu shaaca ka qaaday war ay RBC kal hore qortay kaas oo ahaa in ciimada AMISOM qaarkood la geeyo deeganada Puntland si ay uga qeyb qaataan sugida amaanka deegaanada Puntland.

Mar uu Madaxweynuhu la hadlayey jaaliyada Puntland ee degan dalka UK ayaa waxuu sheegey inay codsadeen in ciidanka midowga Africa ee jooga magaalda Muqdisho qaarkood la geeyo magaala madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha oo la hadlayaya Jaaaliyada Puntland UK

Wuxuuna intaas ku darey Madaxweynuhu in ay tahay sababta Gaalkacyo ay ugu doorteen in ciidankaas la geeyo ayada oo amaankeedu xunyahay ayna noqotay meel furin ah oo dilalka qorsheysan laga soo agaasimo.

” Puntland waxaa duulaan qaawan kusoo wada dadka ka dagaalama koonfurta dalka Soomaaliya sidaas darted waxaanu doonaynaa in aanu adkeyno amaanka Soodinteena waana midaas sababta aanu u codsanay waxaana ku hanweynahay in ciidankaas uu nasoo gaaro bilaha soo socda”.sidaa waxaa yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Midowga Afrika ciidamo ayaa ka jooga Caasimada Soomaaliya waxaana ciidamadaasi ay ka kala socdaan wadamada Burundi iyo Uganda, waxa ayna xiligaan wajahayaan dagaal googan oo ay kula jiraan Al-Shabaab, inkastoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay la wareegeen inta badan magaalada Muqdisho.

Codsiga Puntland ee ku wajahan ciidamada AMISOM ayaa waxuu ku soo adayaa xili magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay Puntland iyo waliba dad shacab ah oo degan xaafada Garsoor ee magaaladaasi Gaalkacyo.

Abdiraxmaan guushaa abdi

RBC Radio

London uk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji Xunjuf;753023 wrote:
They are coming faroole is losing grip in parts of his Clan enclave mainly in Galkacyo General Bahuku is there to assist him.

57402494.jpg

 

You never had control in the parts you claim. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;753023 wrote:
They are coming faroole is losing grip in parts of his Clan enclave mainly in Galkacyo General Bahuku is there to assist him.

That may not be the reason, Xaaji Xunuf. Read below articale.

http://horseedmedia.net/2011/10/21/qaar-kamid-ciidamo-beeleedyadii-garsoor-oo-dowladda-lagu-wareejiyey/

 

I don't have all the facts but if the reports of AMISOM coming to Puntland is true , it is a big setback for Somalia. AMISOM size should diminish, not increase.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinfanin you are right but the garsoor issue is still not fully solved faroole handed over some of the check points to Clan locals allied to him who are tribally affiliated to the Garsoor Clan in fear they might defect to galmudug the situation is still fragile.Oba the imaam is busy with other stuff don't interrupt him man first Saracen and now Amisom .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Wiil Cusub;753075 wrote:
Siduu ku tagay oday Siilanyo dooxada nugaal if he didn't controlled

Pro-SL militia controls Laascaanood, not the people who are the majority in SL...

 

You should be absolute embarrassed to even bring up his visit since there were no people on the street, Saddam had more people on the street and less bodyguards.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If this is true, then Faroole will be making a huge mistake. Who is advising anyway?. Amison bring trouble than benefit and may energize local shabaab sleeper cells.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Wiil Cusub;753079 wrote:

 

Waa ceerigaabo ma sadexgeeskaa mise waa dhulkaad sheegatid

No one claims the part of Erigabo a certain secessionist minded clan lives.

 

 

Gacan ku dhiigle Siilaanyo ayaa awoodi waayey in uu soo booqdo Boqolaal ka mid ah Calooshood u shaqaystayaasha ka soo jeeda Beesha ********** oo lacagta uga qaata in ay ka mid yihiin Ciidankiisa.

 

Siilaanyo oo ku sugnaa maalintii shalay Magaalada Ceerigaabo oo labadeeda Xafadood loo kala degan yahay ******* iyo ***** ayaa waxa uu khudbado ka jeediyey dhinaca ay Beesha Isaaqu ka degan yihiin magaaladaas,hase ahaatee wuxuu awoodi waayey in uu ka soo talaabo khadka cagaran oo uu muujiyo geesimadii uu ku tegay duleedka magaalada Garoowe .

Siilaanyo iyo Jabahada SNM oo dadkooda been ku maaweelin jiray una sheegi jiray in ay soo xirayaan xadkii Ingiriiska ayaa maalintii Shalay awoodi waayey in uu 1 Km dhinaca Bari u soo dhaafo Xaafada ay Beeshiisu degto,waxaana arintan keentay markii uu ka war helay Gacan ku dhiigle Siilaanyo in gurmad xoog lihi ka socda dhamaan gobolka Sanaag iyo fariin loo soo diray oo ahayd "imaanshaaha Siilaanyo aad timaado degaan ********** maaha daandaansi ee Waa dagaal aad ku soo qaaday Beesha ********** waana mid aad gadaal uga shalaayi doonto"

 

 

Ceebtii iyo Fulaynimadii Siilaanyo waxa uu kula dhacay Wasiirkiisa Difaaca Cadami oo la sheegay in Xilka wasiirka difaaca SNMta ka qaadayo oo lagu bedelayo Xaabsade isagana loo dhiibayo xilka uu maanta hayo Xaabsade oo ah amaanta Amino Weris wasaarada warfaafinta.

 

 

Ugu danbayntii Bulshada Gobolka Sanaag waxay u hanbalyeenayaan Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee Maamulka Puntland sidii geesinamada lahayd uu ku tegay furinta iyo mudadii yarayd uu ku ururiyey Ciidanka isaga oo heegana ku geliyey in ka difaaca degaanka Jabahada SNM oo horay dhiig badan ugu daadisay.

 

AllSanaag

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this