Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Al shabaab desperat, trying to use Qabiil to defend the districts of Mogadishu

Recommended Posts

Kadib markii Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab uu maanta sheegay inay weli ku sugan yihiin magaaladda Muqdisho, ayaa waxay dib uga soo dhex muuqdeen xaafaddo ay horey uga baxeyn.

 

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo ku hubeysan ilaa toban ka mid ah gawaarida dagaalka oo loo-yaqaano Tiknikada oo ay saaran yihiin Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa lagu arkay xaafadaha Juungal, Argentin iyo Fagax.

 

Ciidamadaan oo aad u hubeysan ayaa waxay saldhigteen xaafaddo ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, isla-markaana dadka dib ugu laabtay xaafadahaasi ayaa waxay ka muujinayaan walaac xoog leh.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Xarakada Al Shabaab ay dooneyso in qaab Qabiil ay kula dagaalanto Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, inkastoo aysan weli taasi soo shaac bixin.

 

Ilo wareedyo ku sugan xaafaha Juungal, Arjantiin iyo Fagax ayaa waxay Shabakadda Warbaahinta ee Dhacdo.com ay u xaqiijiyeen, in ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay soo saldhigteen xaafadahaasi.

 

Ilo wareedyada ayaa waxay qeexayaan in dadka deegaanka ay walaac xoog leh ka muujinayaan, dib u soo laabadasha Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, xilli shalay oo qura ay qaarkood dib ugu soo laabteen xaafadahaasi.

 

Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya Dr Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu ugu baaqay Ciidmadda Xarakada Al Shabaab ee ku haray magaaladda Muqdisho, inay isa soo dhiibaan, haddii kalana sida uu hadalka u dhigay ay cagta marin doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inkastoo Shabaabka ay baneeyeen meelo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa la soo sheegayaa inay jiraan inay wali joogaan qeybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan deegaanada Waqooyi.

 

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaan wali gudaha u gelin degmooyinka qaar, sida degmooyinka Shibis iyo C/casiis oo si rasmi u faarujiyeen, iyo qeybo ka mid ah degmada Kaaraan.

 

Laakiin hadal heynta 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa aheyd Ciidamo deegaan ahaan ka soo jeeday oo isku uruursanayay degmada Yaaqshiid, kuwaasoo meelaha qaar sidooda u jooga difaacyo ka galay.

 

Isku day shalay Ciidamada Dowladda KMG ku doonayeen inay ku gaaraan Isgoyska Sanca ayaa dhicisoobay, kadib markii iska hor imaad lagala hor-yimid, waxaana Ciidamada oo ah kuwo hab beeleed u abaabulan ay isku xiran yihiin min Sanca ilaa Hotelkii Ramadaan.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya inay socdaan wada hadalo ku aadan sidii Ciidamadaas isku soo dhiibi lahaayeen, inkastoo wali shaki badan uu ka jiro qaabka is dhiibitaanka, waxaana warar kale tibaaxayaan in Ciidamadan ay ku tala galeen inay dagaalamaan.

 

Ciidamadan oo lagu qiyaasay ilaa shan boqol, kuna hubeysan 19-gaadiidka dagaalka ayaa ku kala sugan Xaafadaha Juungal, Isgoyska Fagax, agagaarka Hotel Lafweyn, Dugsigii Maxamed Axcmed Cali, Saldhiga Yaaqshiid iyo Hotelkii Ramadaan, halkaasoo ay difaacyo xoogan dhigteen.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadan uu hogaaminayo Suudi Axmed Jiis oo ka mid ahaa Ganacsatadii maamuli jirtay Dekeda macmalka aheyd ee Ceel-Macaan.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadan oo badan kuwii Xisbul Islaam ee deegaanada dhinaca Waqooyi ka soo jeeday ay ku xiran yihiin Ciidamo kale oo qeybo ka mid ah degmada Huriwaa ku sugan, gaar ahaan Ex-Koontarool Balcad, Warshadii Barafuunka ilaa Saldhiga Huriwaa kuwaasoo si toos u hoos taga Xasan Dahir Aweys.

 

 

Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay codsi u jeedisay dhalinyarada Shabaab inay si xushmad ah leh u soo dhoweyneyso hadii ay isku soo dhiibaan, iyadoo Dowladda u balanqaaday inay nabadgeli doonaan xerooyin lagu xareyn doono, si lagu dhaqan celiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

wararka ii so gaarayo waxey sheegaayan in reer cadaan, axmed laashin,cali maxaa xuseen and macalin xaashi ay abaabulaayan meeleshiyo beeledka,,,, Wey fashmilmeen big time!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

One day they tell you they are mujahedeen,when the going gets tough,they run to their clans for survival.Do they even know the religion???

Share this post


Link to post
Share on other sites

That's how they always worked.If u hear beledweyn is run by shabab, well it's the locals shababised & given few privileges.

When they need to settle a score they run to clan...far from religious org. CROOKS.

They use children as young as 5yr olds & women to spy...

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

the story of qabiil tactics is gone now, I ask the Somali politicians to put aside their political ambitions and differences at this difficult juncture and join hands to steer ourcountry to the path of peace & stability. I call on all Somalis to unite and rebuild our city.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

The somali leaders and politicians must realize now is the time bring their people together to save whatever is left of the country.Qabil politics hasnt worked in the past 20 yrs and will never work

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this