Sign in to follow this  
A_Khadar

Somaliland oo xabsiga dhigay Fanaan Axmed Biif

Recommended Posts

NGONGE   

It could be something unrelated to his songs. But if it turns out that the police arrested him for singing a simple song then whoever is in charge of the police needs to be sacked.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No ,, it was apparently a rift between him and another singer in Hargeisa. It has been resolved and all is good.

 

He showed a talent last night ,,, I thing 50% of Hargeisa was at his concert last night. Tickets were sold $15 each.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Aaliyyah;732591 wrote:
lol thats weird. Axmed biif was one of my favorite singers, laakin ma maqal hees uu SSC u qaday. khadar bal so gali if you have it ? I WONDER how I missed it
:D

 

salaam

I will look for it and share if I find it..

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Aaliyyah;732591 wrote:
lol thats weird. Axmed biif was one of my favorite singers, laakin ma maqal hees uu SSC u qaday.

He must have released the song on the week you quit music.:P

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^ Lol...I wanna hear it seriously! .hees SSC lo qaaday ima dhaafte :P...someone please post it!!

 

A_khadar you do that..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Abokor: This guy is not a killer,terrorist or a rebel.He is just an entertainer,artist.You trying to create a mountain out of an anthill.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally Posted by Abdul

XX and Abokor: I thought you guys said you are democratic and free country where freedom of speech is respected.

Imisa jeer ayaa lagu celin arintu maaha arin siyaasadeed

 

 

Fannaanka Caanka ah Axmed C/kariim Biif Oo Laga Siidaayay Xabsiga Hargeysa

 

Hargeisa (RBC Radio) Fananaka Weyne ee Somaliyeed Axmed C/kariim (Biif) ayaa Galabnimadii Khmiista laga kexeeyay Hotelki uu ka daganaa Magalada hargeysa Xarunta Somaliland.

Ciidamda amaanka Magalada hargeysa ayaa Fananka Dhigay Xabsiga dhexe Ee Magaladasi,isagoona in door ah Halkaasi Ku Xidhnaa, Fananka Oo Fiidnimada Khamiista Show ka dhigi Lahaa Magalada Hargeysa ayaa waxaa ay arintaasi Sababtay In Shacabka Magalada Kacaan isla Markaasina Ka dalbadaan Ciidamda amaanka In ay Si Deg deg ah U siidayan Fananka.

Markii Xabsiga Laga Siidayay ayuu Hadal kooban siiyay Warbaahinta Isagoona Sheegay in Xarigiisa ay ka danbeyaan Kooxo fanaanin ah oo Ku sugan hargeysa isla Markaasina ka xun joogitaanka Uu Haatan ku sugan yahay magaladaasi.

Fanan Axmed Biif ayaa sheegay intii Xabsiga ku Jiray In Si Wanaagsan Loola dhaqamay,waxaana uu Intaasi Raaciyay in showgiii uu ku lahaa Magalda Hargeysa uu Qabsan doono.

Axmed Biif ayaa u mahad Celiyay dhamaan shacabka ku dhaqan Hargeysa oo sheegay in ay ka Xumaaden Xadhigiisa Markii ay maqleen iyagoo soo buux dhaafiyay Gudaha Xabsiga iyo daafihiisa bacdamaa laga dhowrayay Show xiiso badan 7 bisha oo Xalay ku beegneyd.

Ugu danbytiina waa markii ugu Horeysay oo Fanan Biif Lagu Xidho gudaha Magalada Hargaysa oo U Tagay in uu ku Qabto Show Heeso ah Oo In Mudo ah dadka Reer Hargeysa ka Dhowrayen

Share this post


Link to post
Share on other sites

AlFanaan Axmed Biif oo Xalay qabtay Bandhigfaneed iyo Saacado kahor xabsiga Hargeysa laga siidaaye

Fanaanka Caanka ah Axmed Cabdikariin Maxamed’ Axmed Biif’ ayaa Xalay ku qabtay Hotelka banorama ee Magaalada Hargeysa Bandhigfaneed loogu Magacdaray Habeenkii Axmed biif iyo Hobolada Hargeysa,waxaana uu halakasi Fanaanku ka qaaday Heeso Dabacsan oo ka mida kuwa sida gaarka ah loogu yaqaan ayna aad u xiiseeyaan Bulshadu,waxaaana heesahaasi ka mid ahaa Heesta Qardho,Heesta Diiwaanka iyo Heesta Barkinta .

Fanaan Axmed Biif oo intii aanu xalayq aban Bandhigfaneedka Ka soo baxay Saldhiga Hargeysa oo saacado yar uu ku xirnaa ayaa markii uu dib u helay Xoriyadiisa waxa uu mahadnaq u jeediyay qeybihii kala duwanaa ee Bulshada kana qeybqaadatay Sii deyntiisa isagoo xusay inuusan Hilmaami karin sida Waanagsan eeay isagu howleen siideyntiisa Gaar ahan waxa uu hambalyo u jeediyay Bahda Fanaaniinta,Saxaafada,Milkiilaha Hotelka Crown ee Hargeysa Mudane Cismaan Cabdulaahi Cigaal’ Cismaan Hindi’ iyo Abwaan Maxamed xaashi Dhamac’ Gaariye’ waxaana Fanaaka uu tilmaamay in uu ku faraxsan yahay sii deyntiisa.

 

Waxa uu Axmed Biif Xusay in Taasi muujineyso sida Bulshada ku dhaqan Hoygii Fanka Hargeya ay aad uga qeybqaaateen Garab istaagidiisa .

Fanaanka oo aynu kula kulanay Hotelka Crown ee Hargeysa oo uu dagan yahay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xoriyadiisa oo uu dib u helay ka dib markii waqti kooban uu shalay ku xirnaa Saldhiga Hargeysa

Cabdulaahi Cabdi Xaashi

Cabdulaahi_heeb@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa loo xiray Axmed Biif? (xog rasmi ah)

Fanaanka Axmed Cabdikariim Maxamed Axmed Biif ayaa shalay lagu xiray Magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka Somaliland halkaas oo Fanaanka Show uga dhaganaa Xalay.

Ciidamada Police ee Maamulka Somaliland ayaa Xabsiga dhigay Fanaan Axmed Biif kadib markii uu soo dacweeyay Fanaan u dhashay Somaliland oo sheegay in uu qaaday Hees uu isagu horey u qaadi jiray.

Fanaanka Dacweeyay Axmed Biif ayaa Magaciisa lagu sheegay Maxamed Bk oo kamid ah Fanaaniinta Sida aadka ah looga yaqaano magaalada Hargaysa ee Maamulka Somaliland.

Maxamed Bk ayaa Policeka u gudbiyay CD, ay ku duubantahay hal hees oo Labada fanaan midba mar qaadayo waxaana uu Policeka u sheegay in Axmed Biif uu Heestaasi ka bililiqaystay sidaa darteedna uu doonayo in Xabsi la dhigo kadibna Maxkamad ay ku kala baxaan oo Heestiisii Xaqiida laga siiyo.

Axmed Biif ayaaa markaasi kadib waxaa Xabsiga dhigay Policeka oo ka soo shidaal qaatay CD,gii uu Fanaanka kale u soo gudbiyay waxaana Markii Xabsiga la dhigay Axmed Biif aad uga Carooday dhamaan dadweynaha Somaliland oo sheegay in qaabka ay u dhaqmeen Police ay tahay mid Cusurinimo laga dheehan karo Madaama Fanaanka Axmed Biif uu yahay Fanaan ka soo jeeda Gobolada Koofurta Soomaaliya isla markaana si Soomaalinimo ah uu ku yimid Somaliland.

Fanaaniinta Somaliland ayaa sidoo kale aad uga Carooday falka ay ku dhaqaaqeen Ciidanka Policeka ee Maamulka Somaliland waxaana ay dadaal dheer u galeen sidii ay ku soo dayn lahayeen Fanaanka oo Showgiisa uq absan lahaa taas oo markii dambe ay ku guulaysteen.

Hadaba Heesta labada fanaan muranku ku dhexmary ahaa ah HEESTA DIIWAAN JACEYL oo labada fanaanba midba mar ku luuqeeyay.

Heesta Diwaan jaceyl Waxaa Miraheeda Iskaleh Abwaan dhalinyaro ah oo lagu Magacaabo Maxamed Welcome waxaana Laxanka Saaray Fanaanka Caanka ah ee Shey Mire Dacar.

Heestaan ayaa sida Xogta aan ku helayno Waxaa markii hore loo dhiibay Fanaanka Maxamed BK waxaase markii uu heesta soo qaaday ku qanciwaayay qaabka uu heesta u qaaday Abwaankii Heesta Sameeyay waxaana uu markaas kadib heesta loo dhiibay Fanaanka Axmed Biif oo heesta si aad u wanaagsan ugu soo luuqeeyay.

Shey Mire Dacar oo ah ninkii la xameeyay ayaa Qadka Taleefoonka lagu waydiiyay Cida iskaleh Heesta Diiwaan Jaceyl waxaana uu sheegay in Heestaas la siiyay Fanaanka Axmed Biif oo isagu uu iska leeyahay.

Halkaankan Kadaawo Heesta Muranka dhalisay ee Diiwaan Jaceyl iyo Fanaan Axmed Biif.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Jacaylbaro;732608 wrote:
No ,, it was apparently a rift between him and another singer in Hargeisa. It has been resolved and all is good.

 

He showed a talent last night ,,, I thing 50% of Hargeisa was at his concert last night. Tickets were sold $15 each.

It is good that this is resolved....

 

Maybe cuz of the arrest,he got a good Publicy..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Jacaylbaro;732608 wrote:
No ,, it was apparently a rift between him and another singer in Hargeisa. It has been resolved and all is good.

 

He showed a talent last night ,,, I thing 50% of Hargeisa was at his concert last night. Tickets were sold $15 each.

:D :D

Kan yaree abokor waa ku daadatay wallee.. despite all the crappy reasoning he was giving us the man was actually released. Plus he wasn't even arrested for political reasons.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

lool@ Somali. Maybe it was publicity stunt to draw more attention to his event. People paid $15 apiece per JB? It's uncharacterist in Africa for people to pay that much for an event. It must be those qurbo joogs taking taking their party habits back home.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this