Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sheikh indhocade supports the kampala accord.

Recommended Posts

Jen. Yuusuf Indhacadde oo taageeray go'aannadii Kampala, kana hadlay dibadbaxyada ka socda Muqdisho

 

Isniin, June 13, 2011 (HOL) – Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa taageeray heshiis ay madaxda DKMG ah ku gaareen dalka Uganda, isagoo sheegay in dibadbaxyada ka socda Muqdisho ay abaabulayaan xubno dowladda ka tirsan oo dano gaara leh.

 

Mas'uulkan oo ka mid ah saraakiisha ciidmada DKMG ah, ayaa sidoo kale ugu baaqay ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) inuu si nabadgalyo ah xilka isaga casilo, uuna tixgeliyo heshiisyadii lagu gaaray Kampala.

 

"Shirkii Kampala waxaa lagu xalliyay khilaaf jiray - waana soo dhaweynayaa," ayuu Jen. Indhacadde oo intaas ku daray, "Banaanbaxyada ka socda Muqdisho waa kuwo ay abaabulayaan xubno dowladda ka tirsan, dhaqaale badan ayaana lagu bixiyaa."

 

Jen. Indhacadde, wuxuu sheegay in mudaaharaadyada Muqdisho ay yihiin kuwo dano gaar ah laga leeyahay, isagoo sheegay in haddii ay yihiin dibadbaxyo dhab ah laga sameyn lahaa goobaha ay ka taliso Xarrakatul Shabaab.

 

"Mudaaharaadyada Muqdisho ka dhacay waxay sababeen qaraxyo iyo dhibaatooyin kale, waxaana rumeysanahay in dadka abaabulaya ay u shaqeeyaan Xarrakada Al-Shabaab," ayuu hadalkiisa raaciyay.

 

Sidoo kale, Jen. Indhacadde wuxuu sheegay inuusan garanayn sababta loogu bannaanbaxayo ra'iisul wasaare Farmaajo oo uu sheegay inuusan ka waxqabad badnayn ra'iisul wasaarayaashii ka horreeyay ee xilalka laga qaaday.

 

"Ra'iisul wasaarayaashii hore oo ay ka mid ahaayeen Nuur Cadde oo badbaadiyay suuqa Bakaaraha, Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo laga qaday xilalka looma bannaanbixin, waxaan garan waayay sababta Farmaajo loogu bannaanaxayo, isagoo aan ka waxqabad badnayn ra'iisul wasaarayaashaas," ayuu Jen. Indhacadde is-weydiiyay.

 

Su'aal ahayd sida uu u arko in go'aanka is-casilaadda Farmaajo lagu xiray go'aanka uu baarlamaanka ka gaaro qodobbada shirkii Kampala ayaa sheegay inuusan horay uga sheegay Qarammada Midoobay iyo dalka gudihiisa inuusan jirin baarlamaan wax dooran kara, uuna la yaaban yahay sababta uu maanta ugu xirayo xil ka dagistiisa.

 

"Farmaajo waxaa laga sugayaa inuu fuliyo heshiiska lagu gaaray Kampala, haddii uu fulin waayo waxaa qabanaya heshiiska, waxaana lagu soo rogi doonaa cunno-qabateyn, tallaabooyin kalena waa laga qaadayaa," ayuu yiri Jen. Indhacadde.

 

Ugu dambeyn, Yuusuf Indhacaddd oo wareysigan siiyay Radio Shabelle ayaa shacabka ugu baaqay inaan la qaldin oo aysan naftooda qaribin, isagoo xusay in Farmaajo uu soo magacaabay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, baarlamaankuna uu ansixiyay, iyaguna ay diideen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Abwaan;728429 wrote:
He is neither a Shiekh nor General but just a FOOL.

hehe wise words my friend

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Fools are the only people who can hold these posts and stay in powers so long. Other day, I met a man who said he is a candidate for Somalia's presidency position in the next election. Man next to me saw me rolling my eyes and shaking my head and he said don't be surprised that is the only jobs peole like him can apply and get.

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

"Farmaajo waxaa laga sugayaa inuu fuliyo heshiiska lagu gaaray Kampala, haddii uu fulin waayo waxaa qabanaya heshiiska, waxaana lagu soo rogi doonaa cunno-qabateyn, tallaabooyin kalena waa laga qaadayaa," ayuu yiri Jen. Indhacadde.

a wards of Wisdom mr. indhacadde.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;728374 wrote:

"Ra'iisul wasaarayaashii hore oo ay ka mid ahaayeen Nuur Cadde oo badbaadiyay suuqa Bakaaraha, Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo laga qaday xilalka looma bannaanbixin, waxaan garan waayay sababta Farmaajo loogu bannaanaxayo, isagoo aan ka waxqabad badnayn ra'iisul wasaarayaashaas," ayuu Jen. Indhacadde is-weydiiyay.

 

This guy is got to be joking. Firstly its not wise to put Nur cade, farmaajo, cumar cabdi rashid and geedi of all people in the same category. I don't know much abt ina sharmarke but, Nur cade came across as a decent person, Geedi was as shameless and as corrupt as ****. Farmaajo on the hand seems to be well liked by the koonfurians, if I may use a popular term on Somaliaoline, and if mr indhacade was an honest observer he would not even dare pose such an empty question as ,"waxaan garan waayay sababta Farmaajo loogu bannaanaxayo, isagoo aan ka waxqabad badnayn ra'iisul wasaarayaashaas," ayuu Jen. Indhacadde is-weydiiyay?! Well, may be geedi and cumar sharmarke did well, but obviously not enough to have been registered by the people, which is why they are protesting for the only person they knew in ages who made a noticeable change.

 

Micnaheedu waxay tahay in tuugtii hore ee meesha lacagta keliya u joogtey in la rabo meesha in la keeno, oo dadkii hore ugu shaqeysan jirey for the last 20 years lagu soo celiyo, Somalidana wixii silcayaa ay iska silcaan illeen waa Somali oo caqli malehee. Reliable xogogaal people tell me that in indhacade wasiirka difaaca laga dhigi doono, dhowr tuug oo uu farmaajo hore u eryeyna ay rabaan jagooyinkii ay hore u haysan jireen. Soomalida koonfur ilaahay ha u gargaaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tuug tuug kale rabo. Qabqablinimadii iyo waxaas inay usoo noqdaan uu rabaa. The only time I would support Barbaarta were if kan Indhamadoowahaan iyo wixii la mid ah qaarjiyaan oo ciribtiraan. That would be the day.

 

Most qabqabliyaal, including Max'ed Dheere and Muuse Suudi, root for Shariif Xasan iyo qash qashaadiisa. Waxa uu u balanqaaday ma'ogiyee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this