Sign in to follow this  
Nur

Murti iyo Maaweelo ( Words of Wisdom)

Recommended Posts

Nur   

Murti Iyo Maaweelo

 

 

1)

 

Waxaa Zuhdiga ( nolosha adduunka oo hammigeeda la yareysto) laga wareystay Al Xasan Al Basri, wuxuu ku jawaabay:

 

Waxaan ogaaday in qofkale uusan risqigeyga qaadaneyn, markaasaa qalbigeyga dagay

Waxaan ogaaday in howsheydu ayan qofkale sugeyn, markaasaan keligey qabtay

 

Waxaan ogaaadey in Allah uu i eegayo ( ii jeedo), markaasaan ka xishooday inuu inuu i igu arko macsiyo

 

Waxaan ogaaday in geeri i sugeyso, markaasaan u diyaariyey sahay aan kula kulmo Rabbigeyga.

 

 

2)

 

Degdegtu waa camalka sheidaanka, marka laga saaro:

 

1. Inanta oo loo guuriyo

2. Martisoorka martida

3. Deyn la biixiyo

4. Danbi laga towbo keeno

5. Meytka oo la duugo ( aaso)

 

 

3)

 

 

Saaxibnimada

 

Nin Murti badan ayaa wuxuu yidhi:

Haddad qof la saaxiibto, ka yeelo akhayaarta asxaab, maxaa yeelay fujjaarta wa dhgax ayan biyo ka soo burqan, geed aan cagaar leheyn, dhul aan dhir ka soo bixin. Shan ha ka yeelan saaxib:

 

Faasiq, maxaa yeelay cunno wexey ugu yartahay buu kugu iibsan

 

Bakhaylka, adoo gargaar maal u baahan buu kaaga baxaya

 

Beenlow, waa sida dhalanteedka, wuxuu ku soo dhoweeyaa wax fog, wuxuuna ka fogeeya waxa dhow

 

Nacaska ( Dabbaalka), wuxuu dhibaato kuu keena asagoo raba inuu ku anfaco,

Rixin Jaraha, maxaa yeelay allah ayaa nacladay.

 

 

4)

 

Nin Xakiim ah ayaa waxaa la warsday:

Imisa jir baad tahay?

 

Wuxuu yidhi: Caafimaadkeygu waa wanaagsan yahay, Alxamdulillah

Waxaa la warsaday:

Lacag imisa ayaad meel dhigatay?

Wuxuu yidhi: Deyn la iguma laha, Alxamdulillah

Waxaa la warsday:

Imisa cadow ayaad leedahay:

Wauxuu yidhi: Qalbigeygu waa nadiif, carrabkeyguna waa dabran yahay.

 

 

5)

 

 

Nin baa Allah baryay:

Rabbiyow, waxaad ii hibeysay waxaa qalbigeyga la qurxan, rajadaada,

Carrabkeygana wuxuu ku hadlo waxaa ugu macaan, xuskaaga

Maalmahana waxaan ugu jeclahay, maalinka aan kula kulmi doono.

 

6)

 

 

Nin Salafka ka mid ah ayaa wuxuu yidhi:

 

Qofkii ku shuqultooma howsha aakhirada, Allah ayaa kaaa kaafiya adduunyadiisa

 

Qofka hagaajiya xidhiidhka uu Allah la leeyahayna, Allah ayaa hagaajiya xdhiidhka uu dadka la leeyahay.,

 

Qofkii sirtiisa ay wanaagsanaato, Allah ayaa wanaajiya wixii ka dhaca oo erey ama camal ah oo muuqda.

 

 

7)

 

 

Inan yar baa u dhimatay daacuun, markaasaa aabbaheed ku arkay riyo, wuxuu ku yidhi, aabbe, iiga sheekee aakhirada? wexey tiri, aabbe waxaannu u nimid arrin weyn, oon ogeyn, haseyeeshee aannan u shaqesyan jirin, Wallaahi , hal tasbiixsasho oo qudhah, ama hal rakcad, oo ku taalla warqaddaada ayaan ka jeclahay adduunka iyo wax ku jira oo dhan.

 

 

8 )

 

 

Naag baa la dardaarantay wiilkeeda :

Maandjow, waxaan kuu dardaarmay inaad u noqoto walaashaa aabbe, ayadana waxaan kala dardaarmay iney kuu noqoto hooyo, ogowna iney kuu tahay marti, yaaney qaloon, ogowna dharka raganimadu inuu dab yahay, hadaba walaasha ha cidhiidhin, ogowna korgaagu si walba hadduu u weynaado, inuu ku dambeyn doono cunnada tixriga, hadaba ha ka hagran korkaaga inaad u kaalmeyso walaashaa, ogowna xidi walboo korkaaga ku jira oon ku dhiig bixin jihaadka allah dartiis, inuu uu dhiig bixi doono maalinka qiyaame yaxyah dartiis iyo cabsida Allah, markaasey naftii ka baxday,.

 

 

9)

 

 

Imaam Axmed baa warsaday nin murtiile ah, " sideen uga nabad galaa dadka?"

 

Wuxuu yidhi Murtilihii:

 

1. Wax sii, waxna ha ka qaadan

2. Garta ayaga sii, hana la garramin

3. Kuna sabir dhibkooda, hana dhibin, Markaasu yidhi imaam Axmed, wey adagtahay, markaasuu Murtiilihii yidhi, weliba waxaa dhici karta inaadan sidaas uga baxsanin.

 

 

Nur

-------------------------------------------------

Kuwa iga da' weyn waa iga ajar badan yihiin, kuwa iga da' yar waa iga dambi yar yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Salaamu Alaykum Nomads Who Have only seen camels in the Zoo.

 

I was expecting a response to the above wisdom in Somali language, but no one bothered, I posted to help you sharpen your Somali Language comprehension skills, because there is slight possibility that one day, you may find your self standing near Baraaktii Reer Cag Biciid. Learning Somali is very helpful to retain your cultural background, that way, when you finally relocate back to Qurac Dheer, you will be able to communicate with Ayeeyo Cambaro and adeer Waraabe Wareeriye, who would love to hear your stories in ardi gaalo, but without saying, " FUN badan baan heysannay".

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Nur... marka hore salaan sare sxb

 

Marka labaadna, run ahaantii hadeer ayaanba arkaa this thread ... had I seen it before .. I would have certainly contributed to it ... coz waa very educating... waadna ku mahadsan tahay.

 

FG: Caado ahaan qoraallada murtiyey amba ku saabsan hidaha-iyo daqanka Soomaaliyeed waxay dhalintyaradu ku soo qoraan qaybta gabayada amba poetry sectionka... maybe thats why you didn't get responses sxb..

 

Nooli-kulante

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Nur may be most people here can't read Somali or some of them they read and don’t leave any comments as I do some times. I personally did not see this thread before. You see we are human beings, we have energy for the nonsensical things but when it comes to things that will help us for our Diin we find them boring. You don't have to go far to see this just glance on politics section every litle topic about Somaliland this, Puntland that blah blah have huge audience and spectators who spend their energy and time on day out, day in.

 

But Inshallah don’t despair on us, continue the good work one day we may appreciate your efforts.

 

Thanks

Share this post


Link to post
Share on other sites
Batuulo   

a/c wr wb

 

maasha allaah nur, jazzaka allaah khar brother,,

Jamaal it's ok to be here couse it's Islamic lectures.. some one else was posted the murti no# 1 .before. maybe she was Big mOm.= (4 sheey oo dunida looga maarmo). tnx for sharing us bro.. much love'it

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Nur, Thanks Saaxiib, ishaad ka ridday meeshii ku haboonaydna waad ku qortay, ha Maqlin 11 hadalkiisa, dhinaca poetry ama suugaanta waxaa aada qof jacayl hayo sida 11 oo kale icon_razz.gif , xikmado fiican ayay ahaayeen midba midka kale ka daran.

 

ha ka daalin hawsha :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Siman   

JazakaLah Nur,

this is very informative islamically yet with murti. I personally found your postings been highly educational and guidance.

Siiwad shaqada wacan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Jazakumullahu Khairan all, well said.

 

I am glad more viewers iney akhrinayaan Af Somaliga, at the same time enjoying Islamic Wisdom, rare to find these days on many boards, laakin waxaan jeclaan lahaa , haddii aad idinkuna aad ku soo biirin leheydeen murti kale, maxaa yeelay sidii laga soo wariyey Suubbanihhii, xadiith macnihiisu yahay

 

" Murtidu waa baadi ka maqan qofka Muslimka ah, meeshuu ka heloba, isaga ayaa ugu xaq leh"

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jazakallahu Khairan nur for reposting this topic again, it is a window to an educational opportunity..keep it coming brother..there are few of us who can read somali but cannot comment on it since we don't know that much Murti.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

nur sxb mahadsanid murtida iyo xikmada isku daba dhaceeso ood maskaxdaada kasoo tuujissay ilaah ithinkiise waxaan ku dhihi lahaa bal soo wad oo nagu soo waal,anigu aad baan u jeclahay murtida maahmaahooyinka iyo wixii lamida,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Iffah   

Nuur, mahadsanid! waa aqris aad u fiicaan...I'm glad inaad soo qoday qoraalkaadi hore, hadii kale sheeko fiicaan aa i dhaafi laheed smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Xaniifa sis, runtii Magacaagii hore waa fiicnaa, haseyeeshee, Tawxiika Xaniifa ayaa ugu dhow, may be haddan isku darbo labada magaca, wexey noqonayaan, gabdh lagu ilhaamiyey iney ka soo iilato waxaan allah aheyn ( Xaniifa)

 

 

Just a thought

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nomads ( Reer Guraa)

 

Qoraalkan iyo kuwo la mid ah oon waa hore soo qorey ayaan kusoo celiyaa si dad cusub oon kuwii hore akhrin ay ayagana uga faaideystaan, waa qoraallo aan waqti leheyn ( Timeless) sidaa awgeed, raalli noqda haddaan wax cusub baryaha soo qorin maxaa yeelay waqtiga ayaa aad iyo aad iigu yar.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
S.O.S   

originally pested by Nur

 

Learning Somali is very helpful to retain your cultural background, that way, when you finally relocate back to Qurac Dheer, you will be able to communicate with Ayeeyo Cambaro and adeer Waraabe Wareeriye, who would love to hear your stories in ardi gaalo, but without saying, " FUN badan baan heysannay".

L :D:D:D:DL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this