Sign in to follow this  
Che -Guevara

Taalada Sayidka aka Tahriir Square

Recommended Posts

Fagaaraha Taxriir oo noqotay Taaladii Sayidka iyo Idaacadaha Muqdisho oo booskii Facebook galay (Warbixin)

Kumanaan baxayaal ah ayaa waxay isku xirteen Taaladii Sayidka, Masjikad Isbaheysiga agagaarka Madaxtooyada, Taaladii SYL, Barxadii Iskaashatooyinka iyo Gurigii Hooyooyinka, iyadoo dadkaas oo ah kuwo wajigooda laga dareemayo caro aad u weyn ay ku qeylinayeen halku ku dhigyo ay ku taageerayeen Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

Banaan baxayaasha oo u muuqda kuwo geesinimo muujinaya, isla markaana la jaan-qaadaya Banaan baxyadii kacdoonka ahaa ee ruxay qaar ka mid ah dalalka Carbeed ayaa waxay hakiyeen isu socodka wadada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, halkaasoo dadka ay aad u buux dhaafiyeen.

Fagaarihii Tarxiir ee Magaalada Qaahira oo ahaa halka Banaan baxyada ka curteen ayaa moodaa inuu isu bedelay goobaha dadka ay hada soo buux dhaafiyeen, waxaana halkaas ku sugan dhalinyaro, haween, caruur dad da' ah, iyo culumaa'udiin, waxayna dadka ay taagan yihiin qoraxda.

Banaan baxayaasha oo ah kuwo dareenkooda uu aad u kacsan yahay ayaa u muuqda kuwo aan aqbalin baaqii Ra'iisul Wasaaraha ee uu goor dhow ka jeediyay Radio Muqdisho, kaasoo uu dadka kaga dalbaday inay guryahooda ku laabtaan.

Xaalada ayaa ah mid kacsan, dadkana wali dareenkooda waa taagan yahay, ilaa iyo hada ma jirto dad la hadlay dibad baxayaasha, hase ahaatee waxaa la sugayaa inay ka hadlaan xubnaha dhaq dhaqaaqa Bulshada oo saaka Idaacadaha ka sii daayay in dadka ay banaan baxaan isuguna soo baxaan.

Idaacadaha ka howl gala Muqdisho ayaa si toos u tabinaya banaan baxyada iyo sida ay u socdaan, waana halka ay dadka ka ogaanayaan goobaha banaan baxyada ka socdaan, bedelkii ay banaan baxayadii Carbta ka socday ay Barta FACEBOOK aheyd halka ay kala socdeen banaan baxyada, waxaana la dhihi karaa Raadiyaasha Muqdisho waxay buuxiyeen Bartii FACEBOOK banaan baxyada Carabta ka dhacay u joogtay.

Barta FACEBOOK ayaa aheyd halkii banaan baxayaasha Carbeed ay isugu sheegi jireen banaan baxyada uguna balami jireen, iyadoo bartaas kaalin weyn ka qaadatay kacdoonadii ka dhacay dalalka Tunisia, iyo Masaarida.

Tifafatiraha Jowhar.com C/casiis Golf ayaa sheegaya in xaaladaha socda ay yihiin kuwo dadka ay shucuurtooda si midnimada leh ugu soo bandhigayaan, waana ay adag tahay in banaan baxa ay si fudud u joogsadaan, dadkana waxay geesinimo ka sii qaadayaan sida isku duubnaanta leh ee Min caruur ilaa ciroole Banaan baxyada ugu jiraan.

Wixii ku soo kordha daqiiqad kasta kala soco wararkeena dambe

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

Banaanbaxyo xoogan oo maalintii 2-aad ka socdo magaalada Muqdisho

Banaanbaxyo waawayn oo looga soo horjeedo iscasilaada la sheegay inuu ku dhawaaqi doono ra’isal wasaaraha Dowladda KMGS ayaa ka socda magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka qaybgalayaan dadwayne badan oo isugu jirta dhalinyaro iyo haween.

Banaanbaxyada ayaa ka socda Degmooyinka Xamarwayne,Dharkenley iyo isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho,waxaana banaanbaxayaasha ay gaareen xarunta madaxtooyada Villa Somaliya oo ay ku suganyihiin madaxwaynaha iyo ra’isal wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ra’isal wasaare Maxamed Cabdilahi Farmaajo oo markale saxaafadda la hadlay ayaa ka codsaday mudaaharayaasha iyo ciidamada DKMGS inay muujiyaan isku duubni,inkastoo ra’isal wasaaraha uusan *****lka ka qaadin mowqifkiisa ku wajahan qodobadii laga soo saaray shirkii Kamabala ay ku gaareen madaxwaynaha iyo afhayeenka baarlamaanka.

“Xukuumadda madaxwayne Sheekh Shariif iyo golaha wasiirada waxaa ay balanqaadeen inay taageero hiil iyo hool ah inay idiin siin doonaan”ayuu yiri Ra’isal wasare Farmaajo oo dhinaca kale sheegay in ciidamada looga baahanyahay inaysan ka soo bixin difaacyada dagaalka.

Hadalka ra’isal wasaaraha oo wali aan dhinac u ridin mudaaharadayaasha taageersan xukuumadiisa ayaa wali banaanbaxyo xoogan ka sii wada magaalada Muqdisho sida xarumaha dowladda Villa Somaliya,xarunta wasaaradda warfaafinta iyo goobo kale.

Dhinaca kale ciidamada Dowladda KMGS ayaa rasaas xoogan ku furay dad banaanbaxyo ka dhigayay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir taasi oo sababtay dhimashada 1-qof iyo dhaawaca laba kale kuwaasi oo ka soo horjeeda wararka sheegaya inuu iscasilayo ra’isal wasaare Farmaajo

Kala soco Horseed Medi wixii arimahan ku soo kordha

Farmaajo speaks

Share this post

Link to post
Share on other sites
Polanyi   

These clowns shouldn't and cannot be compared to the noble egyptians. These people live happily in Gumeysi of Museveni and Amisom. After all this time they release Museveni and his cronies control show. **** off!

Share this post

Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Clowns you say? Don't even start sxb. Sheeko igu soo dhacday.

Mid cabtyooy ah ayaa shil galay, isbital baa loola carary oo qalliin baa loo la dhaqaaqay, dhaqtarkii baa suuxtin ku duray, saa wuu soo taaganyahay, waa loo siyaadiyay oo waa kan leh "Ditoore, Irbadda Akhri, mid dhacday lee amay tahay?" waa loo siyaaday isagoo soo jeeda yaana lagu billaabay qaliinkii. Ninkaas daroogada waxay gaarsiisay heer ay irbaddii kabaabyada kari weydo.

Waxay ila tahay 20 sano in aad ku bislaan la'dahay...Clones, Gaalo, Munaafaq, Reer hebel, Jaahiliin..ram ram ram.

Cajalad baa kugu jabtay malaha.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Somalina   

Cawaale;727671 wrote:

Ouch! waala heshay wallee.

Isqarxiska ha u sacbiyo iska dhaaf, diintiisa ayaa dhigeysa taas!

Share this post

Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Polanyi;727639 wrote:
These clowns shouldn't and cannot be compared to the noble egyptians. These people live happily in Gumeysi of Museveni and Amisom. After all this time they release Museveni and his cronies control show. **** off!

No wonder people think you're weird arab

Share this post

Link to post
Share on other sites
Showqi   

Cawaale;727671 wrote:
Clowns you say? Don't even start sxb. Sheeko igu soo dhacday.

Mid cabtyooy ah ayaa shil galay, isbital baa loola carary oo qalliin baa loo la dhaqaaqay, dhaqtarkii baa suuxtin ku duray, saa wuu soo taaganyahay, waa loo siyaadiyay oo waa kan leh "Ditoore, Irbadda Akhri, mid dhacday lee amay tahay?" waa loo siyaaday isagoo soo jeeda yaana lagu billaabay qaliinkii. Ninkaas daroogada waxay gaarsiisay heer ay irbaddii kabaabyada kari weydo.

Waxay ila tahay 20 sano in aad ku bislaan la'dahay...Clones, Gaalo, Munaafaq, Reer hebel, Jaahiliin..ram ram ram.

Cajalad baa kugu jabtay malaha.

:D:D:D

Share this post

Link to post
Share on other sites
Polanyi   

Cawaale, I have no time to read stories from officially braindead puppets like you. Weren't you the same guy who posted a story about Alshabab slicing up a man's body in the heart of Amisom held territory. The source of the story was a girl you had been shukansying on facebook. lol. Just about sums about the level of your intelligence.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Polanyi   

Duke, what makes him any more special or important than thousands he had helped killed via Amisom bombardment in his bid to capture Bakara Market? I don't see anyone saying AUN to them or condemning Amisom here. Infact, the advances AMISOM made along few streets was celebrated widely here even though they had slained many innocent Somalis.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this