Sign in to follow this  
Saalax

20 guuradii kasoo wareegtey xiligii EPRDF ay la wareegeen talada dalka Ethopia oo Garowe laga xusey

Recommended Posts

Saalax   

20 guuradii kasoo wareegtey xiligii EPRDF ay la wareegeen talada dalka Ethopia oo Garowe laga xusey

 

Garowe, Somalia (AOL) – Labaatan guuradii ka soo wareegtay markii jabhaddii EPRDF ay la wareegtay xukunka Itoobiya ayaa maanta lagu xusay xafiiska siyaasadda Itoobiya ee magaalada Garowe, kana qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, iyo marti sharaf kale.

 

Ismalaash, qunsulka Itobiya u fadhiya Puntlanad oo xafladaani soo agaasimayay wuxuuna halkaasi kasoo qudbad ku saabsan 20-kii sano ee lasoo dhaafay hormarkii ay gaartay xukumada Meles Zenawi isagoo dhinac walba ka taabtay xiriiradii kala duwanaa ay la yeesheen dowladaha dariska la ah Itoobiya , iyo horumarkii ay hiigsadeen. mudadaasi lasoo dhaafay.

 

Munaasibadaani oo ay ka hadleen masuuliyiin badan ayaa waxaa inta badan looga hadlay isku xirka wadooyin badan oo ay samaysay Dowlada Itoobiya iyo wabiga Niil ee mara degaano ka tirsan Itoobiya qaabkii looga faa’iidaysan lahaa ,iyadoona kulankaasi lagu soo bandhigay wax qabad badan oo ay ku tallaabsatay dowladda Itoobiya, waxaa kale oo uu soo hadal qaaday heshiiska Itoobiya ay la gashay jabhadda ONLF.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka War faafinta Puntland Mudane Axmad Cali Askar oo aad ugu amaanay soo bandhigada ay soo bandhigeen Ergada uu hogaaminayay Safiir Ismalaash .

 

Qudbado dheer oo ku saabsanaa xiriirada Itoobiya iyo dalalka geeska, kaddib ayaa guddoomiyaha barlaaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamuud Xirsi wuxuuna aad ugu bogaadiyay Dowlada Itoobiya hormarka ay gareen 20-kii sano ee lasoo dhaafay .

 

Jabhadda EPRDF ee uu hoggaamiyo Meles Zenawi oo dagaal adag la gashay maamulkii Mingiste Xayle Maryam kaddib dalkaasi ka badbaadisay isku dhex yaac la mid ah kii Soomaaliya ee ay jabhadaha badan ku loollamayeen, markii dambena qabyaalad dagaalka isku beddeley.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ayaa maanta lagu xusay xafiiska siyaasadda Itoobiya ee magaalada Garowe

Haday xabashidu xafiiskooda ku qabsatay maxaa ku jira ??? ,,,,,,,,,,, sow ciday rabaana ma soo casumi karaan ??,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;724540 wrote:
Haday xabashidu xafiiskooda ku qabsatay maxaa ku jira ??? ,,,,,,,,,,, sow ciday rabaana ma soo casumi karaan ??,,,

JB oo PL difaacaya wuxuu og yahay wax uusan Saalax ogayn!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Complicated;724563 wrote:
JB oo PL difaacaya wuxuu og yahay wax uusan Saalax ogayn!

 

:D :D :D My first thought....

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Qudbado dheer oo ku saabsanaa xiriirada Itoobiya iyo dalalka geeska, kaddib ayaa guddoomiyaha barlaaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamuud Xirsi wuxuuna aad ugu bogaadiyay Dowlada Itoobiya hormarka ay gareen 20-kii sano ee lasoo dhaafay .

puntland markaas ma dalalka geeska afrika ee dariska la ah ethopia bay ka mid tahay?

may sida walaalahood waqooyi ayana isaga dhawaaqaan jamhuuriyad yaroo fooxa iska shidata hadayba siyaasad dibadeed gaara leeyihiin

 

Waa shacab loo tashaday markuu tashan waayay malez qaarna ha laayo qaarna hees tigree ha baro

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this