Sign in to follow this  
Somalina

Al-Shabaab oo Osama Bin Laden tacsi ugu sameeyay Afgooye

Recommended Posts

Somalina   

610x.jpg

 

Khamiis, May 12, 2011 (HOL) – Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa shalay ku qabtay kulan ay ugu magacdareen - Kullunaa Usaama - oo macnaheedu yahay 'Innaga oo dhan waxaan nahay Usaama' degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, waxaana kulankaas laga soo jeediyay warbixinno ku saabsan kaalintii uu ku lahaa dagaallada ay Xarrakatul Shabaab ka waddo dalka Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiin ka tirsan Xarrakada Al-shabaab, sidoo kale waxaa ka hadlay xubno ka tirsan dagaalyahannada aan Soomaalida ahayd ee ka barbar dagaalama kooxdan.

 

"Walaakeen Sheekh Usaama Bin Laaden, kaalin weyn ayuu ku lahaa dagaallada ay ku jirto Xarrakatul Shabaab ee ka socda Soomaaliya, wuxuuna u soo diray halkan dad tababarro siiya mujaahidiinta, isaguna dalkan wuu yimid," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansoor oo hadal uu kaga hadlay Sheekh Usaama Bin Laaden ka jeediyay kulanka.

 

Sheekh Abuu-Mansuur ayaa sheegay in xubno uu isagu ka mid yahay ay dhowr jeer kula kulmeen Sheekh Usaama Bin Laden dalka Afgaanistaan, gaar ahaan gobolka Qandahaar, isagoo xusay inuu ahaa nin aad u jecel Soomaalida, aadna ula socday dagaallada ay Xarrakadu ku jirto.

 

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Max'ed Abuu-cabdalla oo kulanka kalimad kooban ka jeediyay ayaa sheegay in dagaallada aysan joogsan doonin, isla markaana geerida Sheekh Osmaana ay ahayd mid xaq ah ayna ka go'an tahay inay u aar-gudaan.

 

Bayaan Xarrakatul Shabaab kasoo baxay ayaa xafladda waxaa ka akhriyay waaliga gobolka Banaadir ee Xarrakada Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-C/raxmaan), waxaana bayaankaas oo ku baxayay afka carabiga lagu sheegay in dagaallada ka socda dalka Soomaaliya aysan joogsanayn, waxaana bayaankaas loogu hanjabay Mareykanka iyadoo lagu sheegay inuu la kulmi doono weerarro ka daran kuwii uu horay ula kulmay.

 

610x.jpg

Sidoo kale, waxaa intii ay xafladdu socotay hadlay Sheekh Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo u dhashay dalka Mareykanka kana barbar dagaalama Xarrakatul Shabaab isagoo sheegay in cawaaqib xun uu kala kulmi doono Mareykanka dilkii Sheekh Usaama Bin Laaden, wuxuuna sheegay in Usaama uu ka mid ahaa Mujaahidiinta uuna ahaa shaqsigii waddada u furay jihaadka caalamka oo dhan ka socda.

 

"Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliya inay ka qaybqaataan jihaadka ka socda Soomaaliya, ayna caruurtooda ku tarbiyeeyaan jihaadka," ayuu yiri Sheekh Al-Amriiki oo ku hadlay afka Soomaaliga, isagoo intaa ku daray in dagaallada socda aysan joogsanayn illaa dhamaadka dunida.

610x.jpg

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Fu'aad Max'ed Qalaf oo ka mid ah xubnaha sarsare ee Xarrakatul Shabaab oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ka go'an tahay Xarrakada inay dagaallada waddo inta ay ka gaarayso hadafkeedii ahaa in adduunka oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka.

 

Hoggaamiyihii iyo aasaasihii shabakadda Al-Qaacida Sheekh Usmaana Bin Laaden waxaa lagu dilay weerar ay ciidamada Mareykanku ku qaaday toddobaadkii hore deegaan ku dhow xarunta dalka Bakistaan ee Islamabaad.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Abuu Mansuur "Cimrigeyga waxay aheyd qof aan arkay oo farxad la ooyay, Usama Khandahaar ayaa kula kulmay"

 

Afhayeenkii hore ee Xarakada Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah Hogaanada ugu sareeya Al-Shabaab ayaa ka sheekeeyay taariikhda Usama Bin Laden iyo doorka ballaaran uu ku lahaa Jihaadka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu ragg u soo diray Soomaaliya xilligii ay dhici rabtay Dowladii Siyaad Barre.

 

Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu ka sheekeeyay halganka dheer ee ay soo mareen ayuu sheegay in Usama uu bud-dhig u ahaa arrimaha haatan ka socda Soomaaliya, isagoo si cad u cadeeyay in Usama uu mar yimid Soomaaliya.

 

"Xilli Galab ah ayay aheyd Khandahaar ayaa ku arkay Walaalkeed Usama, Ilaah ha u aqbalyo shuhadadiisa, dadka aan arkay kuwo ugu aqlaaqda badan ayuu ahaa, Cimrigeyga qof aan arkay oo aan farxad la ooyay ayuu ahaa, wuxuu ahaa Mujaahidiinta Caalamka ninka aabe u ahaa"ayuu yiri Abuu Mansuur.

 

Abuu Mansuur ayaa sheegay in Sheekh Usama Bin Laden uu mar walba ka war hayay Soomaaliya, isagoo xusay in dhalinyarada tagta Afganistan uu qof walba dhihi jiray Soomaaliya yaa ka warama.

 

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa soo qaatay taariikhda Soomaaliya iyo kadib bur burkii Dowladii hore sida ay ololaha Jihaadka uga bilaabeen, wuxuuna xusay in Usama Bin Laden uu soo diray ragg bilaaba ololahaas oo uu tilmaamay inay ahaayeen saddex ragg oo uu labo ka mid ah sheegay inay dhinteen halka mid ka mid ah uu nool yahay.

 

"Ma rabo inaan sheego dadkaas, walaalkeen Usama saddex ragg ayuu soo diray berigii ay dhici rabtay Dowladii Siyaad Barre, raggaas waxaa nagala joogay Sheekh Abuubakar Al-Zaylici, wuxuu is lahaa mujaahidiinta hub uruursadaa, xilligaas waxaa ku xigay dagaalkii ka dhacay Bari ka dhacay oo Sheekh Xasan Dahir uu ku jiray, markaas wuxuu soo diray Walaalkeen Abuu Dalxa Asu-sudani oo ku shahiiday Jubooyinka"ayuu yiri Abuu Mansuur oo intaa ku daray in Usama uu ku bixiyay dagaalka Jihaadka Soomaaliya, Naf, Maal iyo waqti, isagoo xusay in dhalinyaradii uu soo tababaray ay hada qeyb ka yihiin.

 

Waxaa uu sheegay in markii ay Soomaaliya ka tageen iyagoo dhowr xubnood ah oo uu ka xusay Macalin Aadan Ceyrow ay Usama la kulmeen, waxaana uu xilligaas sheegay in mid ka mid ah dadkii la socday uu uga warbixiyay Usama xaalada Soomaaliya.

 

"Dhalinyaradii u timid ee tagtay Afganistan ayaan ka mid ahaa, Soomaali ahaan wuxuu naga wareystay walaalkeen Abuu Usama Ilyaas Cabdiraxmaan, asigaa uga warbixiyay, wuxuu in badan nooga sheekeeyay macrikadii ugu weyneyd ee uu galay xilligii Ruushka, 21-maalmood ayay socotay maalinkii 22aad alle waa guuleeyay, Taangiyadooda in laga furto ayay noqotay, Soomaalida aad buu u jeclaa, Aakhuuna Ilyaas oo Khandahaar ku shahiiday iyo aniga ayaa meel aan wada joognay ka mad madowneyn, markaasaa dadkii kale ay na wareysteen oo na dhaheen Soomaali miyaa ka timaadeen, waxay dhaheen Mareykan dadkii baqtigiisa Soomaaliya ku soo jiiday miyaa hadana halka uga daba yimid"ayuu yiri Abuu Mansuur oo si aad ah uga sheekeeyay taariikhdooda.

 

Abuu Mansuur ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalkii Mareykanka xilligii Gen. Ceydiid, wuxuu sheegay in raggii ka qeyb galay ay ahaayeen saddex walaalo oo uu ka magac dhabay Macalin Aadan Cayrow, Cumar Dheere, kuwaasoo uu sheegay inay shahiideen, sidoo kale qaar kale oo uusan magac dhabin ayuu sheegay inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Ciidamada Mareykanka looga soo riday diyaaradaha.

 

"Sheekhu waa idinla lahaa diyaaradihii la soo riday iyo dagaalkii Mareykanka lala galay, wuxuu ka hogaaminayay Sudan, inlee Guusha Soomaali baa is ka laheyd, laakiin ogaada in anagana aan ku qarsooney oo qeyb ka aheyn" ayuu yiri Abuu Mansuur oo tilmaamay in xilligaas wixii ka dambeeyay ay ka fureen Gobolada dalka Xarumo tababar ciidan ah oo dhalinyarada lagu tababaray.

 

"Soomaaliya aad looga jeclaa Afganistan, gaar ahaan Allaha u naxariisto Gen. Ceydiid aad bey inoo weydiin jireen, waxay dhihi jireen ninkii Mareykanka la dagaalamay, wax kale ha la iska yiraahdo, laakiin meelaha qadarinta noogala hayay ayay aheyd, markii aan ku laabanay Afganistan aniga iyo raggii kale ee ila socday oo uu Sheekh Xasan ka mid ahaa waxaa ku fikirnay, hadaan Afganistan dhan walba isaga mid nahay, maa anaga Soomaaliya ka bilowno oo Shareecada Islaamka ka ogno, markaas kadib markii aan soo laabanay ayaa qolo walba ay meel gishay, xilligii Dowladii Cabdiqaasim, oo ay sameysteen Maxkamado, qaarkeen ayaa dhex galay, markaas kadib waxaa bilaabatay in Culimadii la afduubto, qaarkeen la dilo, la dhaawaco, kuwana laga iibsado Cadawga, maalin waxaa dhacday walaal muhaajir ahaa in la dhaawacay, waliba dhaawiciisa Isbitaalka Keysaney lagala baxay, ilaa laga dhoofiyay Garoonka Cisaley"ayuu yiri Abuu Mansuur oo taarikhdii dheer sida silasilada oo kale u sameysneyd goobta ka jeedinayay.

 

Waxaa uu sheegay in xilli uu isaga arday ahaa la dhaawacay, isla markaana feeraha xabada loo geliyay xilligii Muqdisho ka socotay ugaarsiga Culimada, isagoo sidoo kale xusay in markaas kadib Sheekh Xasan Dahir qudhiisa la weeraray oo la dhaawacay, sidoo kale Abuu Masnuur ayaa tilmaamay in labo wadaad oo caan ahaa oo mid uu ahaa Kuxigeenkii jabhadii Soomaali Galbeed la dilay, qaar kale oo Culima ahaana la dhoofiyay sida uu hadalka u dhigay.

 

Abuu Mansuur ayaa xusay in Usama Bin laden uu dagaalka jihaadka doorar waa weyn ku lahaa, isagoo tilmaamay inuu Usama uu ku yiri waxaa difaac u u tihiin Koofur Galbeed Jaziiru Carab ee dhankiina yaa laga soo gelin, waxaana sidoo kale uu xusay in Usama uu ragg u soo tababaray isla markaana uu talooyin siiyay.

 

Mar uu soo qaatay cajalad uu sii diray sanadkii 2009-kii oo uu uga hadlayay Soomaaliya kadib is bedeladii dhacay ayuu sheegay Abuu Mansuur in usama uu dagaalka Soomaaliya ka socda ku tilmaamay dagaal u dhaxeeya Saliibiyad iyo islaam.

 

"Cajaladii uu soo diray wuxuu walaalkeen Usama ku sheegay in dagaalka ka socda Soomaaliya uu yahay dagaal saliibiyad iyo islaamka ka dhaxeeya, ninka talada hayay ee C/llaahi Yuusuf uu la mid ahaa Karzai Afganistan ee diyaarada lagu keenay, ninkii bedelahay wuxuu yiri waa isaga nin laga koobiyeeyay, aniga xilligaas waxaa dhahay kursiga isma bedelin ee koofiyada ayaa is bedeshay"ayuu yiri Abuu Mansuur oo ugala jeeday hadalkaas Madaxweyne Shariif oo ay berri jaal wada ahaayeen.

 

Hadalkan Abuu Mansuur ee uu kaga hadlay taariikhdii silsilada aheyd ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Xarakada Alshabaab ku cadeeyaan in xiriir dhow la lahaayeen Usama Bin Laden, isla markaana uu u soo diray ragg howsha wada, oo isugu jiray Soomaali la soo tababaray iyo Ajaaniib.

 

kulunaa-usama_1.jpg

kulunaa-usama_2.jpg

kulunaa-usama_3.jpg

kulunaa-usama_5.jpg

kulunaa-usama_6.jpg

kulunaa-usama_7.jpg

kulunaa-usama_8.jpg

kulunaa-usama_9.jpg

kulunaa-usama_10.jpg

kulunaa-usama_12.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

"Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliya inay ka qaybqaataan jihaadka ka socda Soomaaliya, ayna caruurtooda ku tarbiyeeyaan jihaadka," ayuu yiri Sheekh Al-Amriiki oo ku hadlay afka Soomaaliga, isagoo intaa ku daray in dagaallada socda aysan joogsanayn illaa dhamaadka dunida.

Soomaali ma saan baa udambeysay? A foreign fugitive recruiting the children out in public to his foreign extremist ideology. La gabasho ma leh. Rag odayaal sidee u dhageysanayaa nin ajnabi ah oo ku dhudbeynaya caruurtiina ku tarbiyeeya inaad wadankiina ku burburisaan? Musiibo fowqal musiibo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Tacsida iney mamnuuceen ayaan moodaayey but I could be wrong.

 

"Osama aan u ooyey" kulahaa asagoo coconut juice cabaayo. Maxuu ugu ooywaaye dadka abaarta ku dhimanaayo, iyo waalidka oo caruurtooda ka kaxeystey, axmaq fooqal axmaq.

 

It will be a national holiday kuwaan markii laga sifeeyo wadanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is when i think US and Alshabab are the one and the same ................... All of Shabab leaders including the fugitive Amriki are in one place for 10 hours and nothing has been done ????? ,,,, I thought it takes less than an hour to bring jet fighters or send a cruise Missile .... This would've been the end of Alshabab but it seems America doesn't want this to end ................................

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Armaa lagu arkaa adiga iyo xaaji oo ooyaya sidoodoo kale markay drone la tagto Godane. god ha qodi baa la yidhi.....

 

Kuwan waxaa fiicneyd inay tacsidooda dhigtaan hadda intay nool yihiin. No tacsi for them after dhimashadooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Indeed when you hear of so many of them being based in Qatar, when Qatar and the U.S are one and the same you cant help but have an ??? moment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Godane anigaa gacantayda ku gowrici lahaa Nacallaa ku yaalle ............. I can see he was hiding and not appeared in the crowd

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Funny thing is also Alshabaab leaders threatened America several times and we never hear the United states even respond to Al shabaab that should ring a bell. I mean like jb Pointed out the the US Has the largest military base in Djibouti , laba daqiiqadu kuma qadateen haday diyaradihi F16 so kiciyan. Kuwan shabaabku na maba dhuuntan camarada waweyn bey la so fadhistan meesha:D iyago dhoolo cadeynaya tallow ma obama ba u so qoslaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ina Shangole iyo Amriki soo iyagii la lahaa waa la dilay! AS attention ka weyn midkan Amison iyo Somalida ayay rabaan, laakiin looma soo jeedo. Nasiib darrada haysata nimankaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this