Sign in to follow this  
Siciid1986

Madaxweyne Siilaanyo oo goor dhaweyd ka soo degay Madaarka Berbera shir jaraa’idna ku qabtay +sawiro

Recommended Posts

Berbera, 02, May, 2011-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal qaatay in ka badan laba todobaad ugu maqnaa qaar ka mid ah wadamada isu-taga Imaaraadka Carabta iyo Kuwait ayaa galinkii danbe ee maanta ka soo degay Gegida diyaaradaha Berbera.

Madaxweynaha oo ay siday diyaarad khaasa oo Kuwait ka soo qaaday waxa Madaarka Berbera ku soo dhaweeyay Madaxda Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera, Xubno ka mid ah golaha wasiirada, xildhibaanno, cuqaal, Taliyayaasha ciidammada kala duwan iyo dadweyne door ah, waxaannuu Madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidammada, iyadoo muuqaallada soo dhawayntiisa ay ka muuqatay hab-maamuus aad u sarreeya oo tan iyo xalay ay ku hawlanayaayeen saraakiisha Protoclka madaxtooyadda iyo masuulliyiinta Berbera.

 

Madaxweynaha oo qolka VIP-da warbixin ku siiyay saxaafadda waxa uu xogwaran kaga bixiyay kullamadii uu la yeeshay madaxda dalalka carbeed ee uu safarka ku tegay, isagoo ku dhawaaqay mashaariic lagu qiyaasay 15 milyan oo mashaariic maalgelineed lagaga fulin doono Somaliland. ”Aniga iyo waftigii aan hogaaminayay waxa aanu safar ugu maqneyn dalalka Imaaraadka carabta iyo Kuwait mudo todoba iyo toban casho ku siman, waxaanu madaxda iyo haayadaha dalalkaa aanu tagnay kala hadalay adkeynta xidhiidhka inaga dhexeeya iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh.

safarkayagani waxa uu ahaa mid midha dhala, waxa nalgu qaabiley hab maamuus aad u heer sareeya, waxaanu kala kulanay soo dhaweyn saaxiibtinimo oo walaalnimo ku dheehantay. Emiraatka carabta masuuliyiinta aanu la kulanay waxay kala ahaayeen sheekh Hamdaan binu Saayid alnahyan maliga qeybta galbeed emirateka carabta Abu Dubai, Raisal wasaara-ku-xigeenka Sheekh Mansuur, Wasiirka Tacliinta Sheekh Nahyaan Bin Mubaarik Nahyaan, Amiirka Raysul-Khaaima Sheekh Sucuud.

Madaxda dalka Kuwait ee aanu la kulanay waxay kala ahaayeen Amiirka Kuwait Sheekh Sabaax iyo xubno ka tirsan golaha Wasiiarada dalkaa, Dr Suleymaan oo ah guddoomiyaha hay’ada mashaariicda gargaarka.” ayuu yidhi Madaxweynuhu

 

Madaxweynuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyay noocyada mashaariicda horumarineed ee dalalkaasi ka fulin doonaan Somaliland, isagoo arrimahaa ka hadlayana wax uu yidhi, Madaxda wadamadaas waxaanu u bandhignay inay inaga caawiyaan mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinacyada nabadgelyada, biyaha 150 ceel iyo 23 dhaam, caafimaadka waxbarashada iyo wadooyinka, inkastoo uu ahaa kulankaygii u horeeyay ee aan la yeesho madaxda carabta hadana waxay noo soo ogolaadeen mashaariic waaweyn oo noqon kara 15 milyan oo dollar

 

 

DSC002381.jpg

 

DSC00241.jpg

 

DSC00254.jpg

 

DSC00289.jpg

 

DSC00218.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Siciid1986;716298 wrote:
Madaxweynuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyay noocyada mashaariicda horumarineed ee dalalkaasi ka fulin doonaan Somaliland, isagoo arrimahaa ka hadlayana wax uu yidhi, Madaxda wadamadaas waxaanu u bandhignay inay inaga caawiyaan mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinacyada nabadgelyada,
biyaha 150 ceel iyo 23 dhaam,
caafimaadka waxbarashada iyo wadooyinka, inkastoo uu ahaa kulankaygii u horeeyay ee aan la yeesho madaxda carabta hadana waxay noo soo ogolaadeen mashaariic waaweyn oo noqon kara 15 milyan oo dollar

About time! Good fariid. :D Insha Allah khayr!

 

p.s Mashaaric ma Air Line cusubaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

* wrote:

Madaxweynuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyay noocyada mashaariicda horumarineed ee dalalkaasi ka fulin doonaan Somaliland, isagoo arrimahaa ka hadlayana wax uu yidhi, Madaxda wadamadaas waxaanu u bandhignay inay inaga caawiyaan mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinacyada nabadgelyada, biyaha 150 ceel iyo 23 dhaam, caafimaadka waxbarashada iyo wadooyinka, inkastoo uu ahaa kulankaygii u horeeyay ee aan la yeesho madaxda carabta hadana waxay noo soo ogolaadeen mashaariic waaweyn oo noqon kara 15 milyan oo dollar

 

.

 

That is a good start indeed. Inshallah khayr.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They not strong enough to recognize ..... their fat wallets can be milked while the recognition will be done by the MEN .. :D

 

 

Look at the Poor Palestine ....

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

150 ceel iyo 23 dhaam? Wonder what parts of SL he has in mind! :D

 

 

Good stuff.

 

p.s.

 

Some kinds of 'dowarsi' are necessary but the language used when talking to your citizens should be tailored to show you up in the best light possible. Therefore, old Mr Guddi should not have said the following "inkastoo uu ahaa kulankaygii u horeeyay ee aan la yeesho madaxda carabta hadana waxay noo soo ogolaadeen mashaariic waaweyn oo noqon kara 15 milyan oo dollar" and should have instead thought of a better way to share that news. Odeygo ciyaal al suuqnimada ku yar ban i maleenaya. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lol, do not think for a second that I implied 'asking the arabs for recognition'. They would recognise Israel, Ximan iyo Xeeb and the 9 states in Hiiraan before SL.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Jacaylbaro;716519 wrote:
They not strong enough to recognize ..... their fat wallets can be milked while the recognition will be done by the MEN ..
:D

 

 

Look at the Poor Palestine ....

The Taliban was recognised by two Arab countries and Pakistan. :D

And anyway, miyaanad maqaal maahmaahdi carabta? اف وح عوني حشووووووو

Share this post


Link to post
Share on other sites

NGONGE, did i see him say 25 dams? You need rivers and lakes in order to build dams dee, ma baddaa laga dhisayaa dams-ka. Maybe small barrages or reservoirs to hold seasonal rains, but dams, com on now!!. Where is Injieer North when you need him? Nice promises anyway, and I hope they will materialized.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Gheelle.T;716565 wrote:
NGONGE, did i see him say 25 dams? You need rivers and lakes in order to build dams dee, ma baddaa laga dhisayaa dams-ka. Maybe small barrages or reservoirs to hold seasonal rains, but dams, com on now!!. Where is Injieer North when you need him? Nice promises anyway, and I hope they will materialized.

I think you got yourself confused with the word 'dam' there, saaxib. A dam is like a big 'baaldi' dee; all it does is hold water in one place and stop it from escaping. Saudi Arabia, Kuwait, Oman and the UAE all have dozens of dams (and not a single river or natural lake). I suspect the idea here is to build these dams so that SL can make use of the flood waters during the rainy seasons instead of it all going to waste. And, another thing - wait, I have to push my glasses back and look smart now - (google says) that recharge dams are useful in replinishing underground wells, etc. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this