Sign in to follow this  
SayidSomal

Maalmaha Qaloocan

Recommended Posts

Abwaan   

Mar waxaan iraahdaa,

siday tahay mar curad geel,

ilmihii mowdku kala tegey,

maqaar-saartay ciidda,

yaa maali jirayeey?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Intaasoo marxaladood, anigoo ka soo maray, ma huraan dhulkaygiyo ma naxaanka caashaqa, ayaan maanta ka horoow mahiigaanku igu dhcin ~ ~ ~

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

"Muraadka magaalo kaa gala muraayad baa kaa xigta.

Mukulaal minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay.

Mugdi, arlaada geed ii goduh.

Mudduci markhaati leh ayaan maankay ka waayey.

Misbax minankaga u mugdi ah, minan dadow ma loogu nureyo?

Midho gunti ku jira midho geed saaran looma daadsho."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maalmaha qaloocaa

Haddii ay kaa marooraan

Waa muraayad waayuhu

Caashaqu ka muuqdee

 

Marbaan sida mayeedhaan

Mudo aamusnaayoo

Isha midhiq ka siiyaa

 

Mar waxaan idhaahdaa

Siday tahey mar curad geel

Ilmihii mawdku kala tagey

Maqaarsaarka ciiddaa

Yaa maali jirayeey?

 

Marbaan mawjadaha dheer

Maaxaa dhexdoodoo

Muuqeyga la arkaa

Laakiinse aan maqanahey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Sidii baan u gubanahay gocashada u riima

Sidii baan labada galin hurdo gamma u diidaa

Sidii baan gu iyo dayr gabayada u tiriyaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Daqiiqadii 15naad ayaa Garsoore Juxa iyo Calanwale KK waxay firimbigii ku yeeriyeen Xaaji Ngonge. iyaga oo u arkayey in uu Sayidkii uga baxay offside......................:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Marbaan mawjadaha dheer, maaxaa dhexdoodoo, muuqeyga la arkaa, laakiinse aan maqanahey...

 

Hmm... gloomy and neurotic yet of such poetic craft. Curiyaha, raggeedii.

 

Sayidow waxa sirta sarbeebahayaa daahna loo saaray

Waa yeeysan doqoni kala saydhin suntoon sabiga aafayne

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this