Sign in to follow this  
General Duke

Somalia, the blessed rains have started, Puntland, Central Regions, Bay Bakool and Juba's

Recommended Posts

Roobab Ka Da’ay Deegaano Ka Tirsan Puntland

 

4 hours ago | 0 comments 0

 

 

Roobabkii gu’ga ayaa ka da’ay deegaano ka tirsan gobolada Cayn iyo Bari, xili abaaro xoogan ay ka jiraan mudooyinkii ugu danbeeyey deegaanada Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha gobolka Cayn ee maamulka Puntland Xariir Maxamuud Axmed oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in roob saacado farabadan socday uu ka da’ay maanta [Arbaco] deegaano hoostaga gobolka Cayn.

 

Wuxuu intaasi ku daray in deegaanada uu roobku ka da’ay ay kala yihiin:

 Buuhoodle

 Ceegaag

 Widhwidh

 Xamar lagu xidh

 Yayle

 Farjano iyo deegaano kale.

 

Mudane Xariir ayaa sheegay in roobkaasi uu biyo dhigay baraago kuyaaley deegaanadaasi isla markaasina ay dadweynuhu si weyn uga cabeen.

 

Mar uu ka hadlaayey dareenka dadweynaha kunool gobolka Cayn ayaa wuxuu sheegay in dadweynuhu ay aad ugu farxeen raxmada EEBE.

 

Degmada Qandala

 

Roobabka gu’ga ayaa ka da’ay degmada Qandala oo ka tirsan gobolka Bari.

 

Guddoomiyihii hore ee dagmada Qandala Siciid Waaberi Maxamed oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in roobkaasi uu biyo dhigay degmada Qandala iyo deegaano kale oo hoosyimaada.

 

Deegaanada uu roobku biyo dhigay ee hoosyimaada degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa waxaa qayb ka ah:

 

 Dhadaar.

 Dhasaan

 Xijiijle

 Canjeel iyo deegaano kale

 

Siciid Waaberi ayaa sheegay in in deegaanada uu roobku ka da’ay ay fuustada biyaha ay gaartay lacag gaareysa 100.000 oo shilin Soomaali ah.

 

Waxaa sheegid mudan in sidoo kale deegaano kale oo ka tirsan Puntland laga dareemayo raxmada EEBE.

 

Roobkan ayaa kusoo beegmaya xili abaaro xoogan ay ka jiraan guud ahaan dalka Soomaaliya. Roobka ayaa horey uga da’ay gobalada kale ee Soomaaliya sida, Hargeysa, Jubbada Hoose, Gedo, Bay iyo Bakool, Sh.Dhexe iyo Sh.Hoose.

 

Cabdiqani Qalabad

Horseed Media

Bosaso, Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Spring Showers Start Falling in Central Region

27 April 2011

 

--------------------------------------------------------------------------------

Email|Print|Comment

Share:

Adado — As the country is still in a state of drought, people are happy right now after spring showers started to fall in parts of Galgudud region in central Somalia.

 

Rains mostly poured in the town of Adado and villages around it, local residents reported.

 

Adado, a town about 660 kilometers (410 miles) north of the capital, has been one of the most affected placed by the drought that claimed the lives of many people including toddlers and livestock.

 

Monsoon showers also reported to have dropped in the areas between Adado town and Gilinsor.

 

However, central Somalia has been most affected by the drought. People there are bracing for good rainfalls to start in the Hiran, Galgudud and Mudug regions.

 

At least 30 people, many of them children and elderly, are reported to have died from famine-like conditions in central and southern Somalia only last month.

 

Much of the country has endured a severe lack of seasonal rainfall for the past three

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada oo ka da’ay Galgaduud

 

Cadaado: (Sh. M. Network) Roobab lagu diirsaday ayaa saacadihii u dambeeyay waxaa uu ka da’een degmada Caadaado ee gobolka Galgaduud.

 

Roobabkaani oo ahaa kuwa si wayn loogu diirsaday islamarkaana ay soo dhaweeyeen dadka uu ka uu ku dul hooray ayaa ka da’ay deegaano ay ka mid tahay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud halkaasi oo mudooyinkii dambe ay ka jirtay abaaro baahsan oo saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyda ku nool halkaasi.

Sidoo kale Roobabka maanta lagu diirsaday ayaa waxaa deegaanada uu ka da’ay ka mid ah inta u dhaxaysa Magaalooyinka Galinsoor iyo Cadaado Godin labe sida ay sheegayaan dadka uu ka dul hooray Roobabkaasi.

 

Roobabka ayaa la sheegay inay buuxiyeen ilaha waraha biyaha ee laga cabo, waxaa sidoo kale biyo ay galiyeen Baraakadaha ka dhisnaa halkaasi, iyadoo dadka iyo duunyada ku nool halkaasi ay si wanaagsan ugu diirsadeen Roobabkaasi.

Inta badan deegaanada iyo degmooyinka uu Roobka ka da’ay labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ay ahaayeen deegaanada ay ku dhifteen abaaraha daran, iyadoo Roobakaasi ay rajjo wanaagsan galiyeen dadkii ku noolaa goboladii ay ka da’een.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Badhan, Apr 27 - Roobabku gu'ga oo in badan la sugayey ayaa maanta ka curtay degmooyin ka mid ah gobolka Sanaag oo ka mid ah gobollada ay sida aadka ay abaaruhu u saameeyeen.

 

Maxamuud Nuur Dabayl, Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo aan ka waraysanay degmooyinka uu roobku ka da'ay iyo inta uu le'eg yahay ayaa sheegay in meelo badan oo ka tirsan gobolka ay ka da'een roobab aad loogu diirsaday.

 

Magaalada Badhan ayaa ka mid ah meelaha uu roobku ka da'ay; Ceel-gooyo, Mindhicir, Cadceedka, Carmale, iyo deegaanka ku xeeran ayaa Md. Dabaly uu sheegay in uu roobku gaaray.

 

Md. Dabayl waxaa uu xusay in uu roobku ahaa roob dabayl wata, illaa iyo hadase aanu wax khasaare ah gaysan ogaalkood.

 

Roobab kan la mid ah ayaa ka da'ay meelo ka mid ah gobolka Cayn sida Xamar-lagu-xidh, Qararo, Banyaal, Dhalaamacune iyo degmada Widhwidh.

 

* Cayn: Roobabkii guga oo si wayn uga curtay gobolka Cayn, kadib saamayn aad u daran oo ay ku reebtay abaartu; Widhwidh oo ay barraaguhu buuxaan.

 

Meelo ka mid ah gobolka Bari, sida Qandala ayaa iyana maalmo ka hor ay ka de'een roobab lixaad leh oo lagu diirsaday.

 

* Bari: Roobab lagu diirsaday oo ka curtay deegannada ku hareeraysan degmada Qandala iyo agagaarkeeda.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobab shuux ah oo saaka qabtay magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

 

Garowe, April 27 - Roobab qaboojiye ah laguna diirsaday ayaa saaka aroortii ka curtay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo xilli ay abaarta ka taagan Puntland iyo meelo kale oo ka mida Soomaaliy ay marayaan heer khatar ah.

 

Shuux goos-goos ah ayaa qabtay magaalada Garoowe halka Gaalkacyana ay qabtay roob qaddar kooban socday. Magaalada Garoowe ayaa bari oo ay taariikhdu tahay 28 waxa la qorsheeynayaa in la oogo salaad roob-doon ah, taasoo alle looga baryayo in uu shubo raxmadda guga.

 

Sidoo kale degaanka Kalshaale ee gobolka Cayn ayaa lagu soo waramayaa in uu roobku qabtay. Shalayna degmada Qandala iyo buuraha ku hareeraysan ayaa waxa ka da'ay roobab lagu diirsaday, si waynna ay ugu farxeen dadka degaankaas oo aad ula ildarnaa saamaynta kulul ee abaaraha.

 

Saamaynta abaaraha ka taagan Puntland ayaa maraya heer khatar ah, taasoo ay hadda meelo kala duwan oon, gaajo iyo xanuun ugu dhinteen dad u badan caruur.

 

Roobabka gu'ga ayaa mar horeba ka curtay degaanno badan oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

 

Diiwaanka wararka,

Daljir,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobab lagu diirsaday oo ka da.ay magaalada Qardho

April 27, 2011 // Warar Somaali

Wararka ka imanaaya magaalada qardho ayaa lagu soo waramayaa in roobab mudo saacado socday uu ka da,ay qardho iyo nawaaxigeeda.

 

Wararku waxay sheegayaan in markii ay saacadu ahayd 03:00 PM waqtiga qardho uu dhinaca waqooyi ee magaalada gaar ahaan xorgoble ayuu ka soo bilaabmay ilaa iyo 05:00 ilaa 07:00 PM ayuu gudaha magaalada ku da,aayey wuxuuna dhigay biyo Badan.waqtigaa kadib waxaa uu usii gudbay dhinaca koonfureed ee magaalada .roobkan oo hada weli ka daaya duleedka Magaalada qardho.

 

Dadka degaanka ayaa aad ugu farxay roobabkan ka curtay degaanada Puntland iyo dhamaan soomaaliya maadaama uu dalku ku jiray xaalada aad u adag waana raxmada eebe uu ugu deeqay umadiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Roobab lagu diirsaday oo saacadihii la soo dhaafay ka da'ay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

 

Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) – Saacadihii la soo dhaafay inta badan dadka ku dhaqan Miyiga ka fog wabiga shabelle iyo waliba dadka dega hareeraha wabiga, waxaa ay ahaayeen kuwo qabowsaday kadib markii uu Eebe u shubay raxmadiisa.

 

Deegaannada ku hareereysan magaalada Beledweyne gaar ahaan kuwa dhaca Jiinka wabiga ayaa waxaa ku da''ay roob sida ay HOL u sheegeen reer Miyiga siweyn loogu diirsaday, halka sidoo kale dhulka Caduun-ka ah ama ka fog wabiga shabelle intaba badan abaartu ku dhufatayna ay heleen roob meelaha qaar sida la sheegay baliyadii biyo dhigay.

 

Sidoo kale xalay oo idil ayaa dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne waxaa ay idhaha la raacayeen hilaaca roob-ka ka da'aya hareeraha magaalada, walow gudaha magaalada uusan ka da'in roob weyn oo la sheegi karo.

 

Roobab-kan hadda ka curtay qeybo badan oo ka mid ah goballka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili bilihii ugu danbeeyayba dadka ku dhaqan goballka gaar ahaan reer Miyigu siweyn uga cabanayeen abaar kulul oo ku dhuftay dadka iyo duunyada intaba, waxaana hubaal ah in haddii ay Roobab-ku sidan ku sii socdaan ugu yaraan dadku ka soo kaban doono diiftii iyo diihaalkii ay abaartu ku reebtay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraam.com

Beledweyne, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this