Sign in to follow this  
Liibaan

Declaration of the Consultative Conference of SSC

Recommended Posts

Carafaat   

http://taleex.net/2011/09/05/galaydh-oo-ku-amray-guddiga-khaatumo-in-ay-laascaanood-tagaansomaliland-la-kulmaan-dhagayso

 

Interesting development. Somaliland authorities are welcoming the organisation committee of the SSC Khaatuma Conference in Las Anod and have offered to organise the Conference in Las Anod. Cali Khaliif Galeydh(chair of the Khaatumo Conference) has ordered the organisation committee to meet with Somaliland authorities in Las Anod and hold the Conference there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Mogadishu, Somalia: SSC Leaders meeting with TFG Leaders

 

SSC-Somalia.jpg

 

 

Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha iyo Wufuudii SSC ee Muqdisho.+Sawiro

 

 

 

 

Wafuudii SSC ee mudooyinkii udanbeyay ku sugnaa caasimada dalka soomaaliya ayaa waxaa y kulamo la qaateen madaxweynaha soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Ahmed iyo raysul wasaaraha soomaaliya Abdiwali Ali Gaas kulamadan ayaa ahaa kuwa albaabadu u xidhnaayeen walow ay qodabada ay ku heshiiyeen qarkood u soo ban dhigeen saxaafada..

 

Kolankan dhexmaray madaxda SSC ee ugu horeeyo Garaad Jaamac Garaad Cali iyo hoggaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Ahmed Lana yeesheen madaxweynaha soomaaliya iyo warysul wasaaraha ayaa waxaa uu ka tarjumayay xaalada maamulka SSC iyo tan maanta ay ku jiraan umada soomaaliyeed ee dhibaataysan sidoo looga saari lahaa,

 

Madaxa Warfaafinta SSC Cumar Jaamac Saleebaan ayaa warbaahinta u sheegay qodobada lagu heshiyey, Kuwaasoo uu ka xusay dhawr arimood.

 

 

 

 

 

* In la sameeyo xidhiidh ka dhaxeeya maamulka SSC iyo dawlada soomaaliya

* In maamulka SSC uu yahay maamulada ka jira soomaaliya loona aqoonsado maamul jira madaama u shaqeeyana

* In la isku xidho soomaaliya lana ilaaliyo dadka danaha gaarka ah wato ee doonaya in ay soomaaliya kala gooyaan

* In la ogaado in ay soomaaliya mid tahay dhaqan diin iyo dad ahaanba aanan loo baahneen umad kala qaybsan

 

Sidoo akle waxaa jira qodoba kale oo aan saxaafada loo bandhigin kuwaas oo khaas u ahaa Madaxda SSC ee uu Hogaaminayaay Garaadka Guud Ee Deegaanada SSC Garaad Jaamac Garaad Cali Iyo Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Ahmed Kaar waxaana kulankii uu ku dhamaaday farxad iyo is afgarasho wanaagsan.

 

DSC01369.jpg

Garaad Jama Garaad Cali iyo Madaxweyne Somalia Shariif

 

DSC01368.jpg

Garaad Jama Garaad Cali iyo Madaxweyne Somalia Shariif

 

DSC01221.jpg

Garaad Jama Garaad Cali iyo PM Abdiweli Mohamed Ali

 

 

DSC01370.jpg

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka SSC Sulieman Xaglatoosiye iyo Madaxweyne Somalia Shariif

 

DSC01226.jpg

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka SSC Sulieman Xaglatoosiye iyo PM Abdiweli Mohamed Ali

 

 

DSC01220.jpg

 

DSC012321.jpg

 

DSC013732.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Laas Caanood: Bandhig Suugaanayd Lagu Taageerayo Shirka Khaatumo 2

 

 

Laascaanood,(Lasanod Online)- Bandhig suugaaneed ay soo qaban qaabiyeen Golaha sugaanta daraawiishta ee Hida-dhawr ayaa maanta lagu qabtay..

 

magaalada laascaanood.

 

Bandhigan oo ay ka soo qeyb galeen ururadda haweenka, dhalinyaradda iyo xubno ka tirsan gudiga qaban qaabadda shirweynaha khaatumo2 ayaa lagu soo bandhigay sugaan lagu taageerayo shirweynaha khaatumo 2 ee dhawaan la filayo inuu ka dhaco degmadda taleex ee gobolka Sool.

 

Abwaano dhalinyaro ah ayaa waxay soo bandhigeen gabayo ay ku cabirayaan dareenoo kooda ku aadan shirka Khaatumo2.

 

Waxaa iyana ka hadashay qaar kamid ah haweenkii ka soo qeyb galay oo u mahad celiyeen abwaanadda soo bandhigay suugaanta.

 

Afhayeenka gudiga qaban qaabada shirweynaha khaatumo 2 ayaa isagoo dareenkiisa cabiraya wuxuu si gaar ugu mahad celiyay abwaanada iyo dhalinyarada soo abaabushey Bandhigan.

 

 

 

Halkan Ka Daawo

 

Xafiiska Wararka Laascaanood

 

Laascaanood Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

 

Laas Caanood: Haweenaka Gobolada SSC oo Taageeray Shirka Khaatumo Labo

 

Haweenakan ayaa sheegay inay si weyn u taageersanyihiin shirwaynaha Khaatumo2 iyo cuqaashii iyo odayaashii beesha ee dhawaan Shirka Taleex ka qayb gashay oo uu horkacayay Caaqilka guud ee Beesha Jaamac siyaad caaqil Axmed Hoolif Iyo Afhayeenka beesha Jaamac Siyaad Oday Axmed Maxamuud Sanyare..

 

 

 

 

 

Haweenka Gobolada SSC oo Taageeray shirka khaatumo 2 ee magaalada taleex

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Hees Cusub: Khaatumo- (Maqal)-

 

Lasanod Online:- Waxaad nala dhegaysataan hees cusub oo loo sameeyey shirka Khaatumo ee ka dhici doona Magaalada Taleex hadii Allah idmo.

 

Ereyada iyo Midhaha heestan waxaa iska leh gabadh SSC ah oo magaceeda la yiraahdo Xayaad Geelqaad.

 

Laxanka,Muusiqada iyo qaadista waa fanaaniinta Kooshin iyo Biikolo.. heestan waxaa lagu duubay stuudyaha Kooshin ee magaalada Toronto. Maqal Wacan..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

[video=youtube;tVt9eR0rh04;

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Banaan bax ka dhacay taleex oo lagu taageerayo shirka khaatumo 2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

[video=youtube;XsRnR_y8qKc

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

VIDEO 1 : Shacabka SSC oo Si Weyn Taageeray Shirweynaha SSC ee Khaatumo Labo

 

 

 

[video=youtube;WKhOZg1Kkks

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

VIDEO 2 : Shacabka SSC oo Si Weyn Taageeray Shirweynaha SSC ee Khaatumo Labo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

[video=youtube;C5pp3mQvD1Q

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

HEES CUSUB: Taleex Mardhow Waa Tegeynaa

 

 

[video=youtube;pAhDb_sEiXo

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

HEES CUSUB: khaatumo 2011

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Galaydh3.jpg

 

Waraysi: Dr.Cali Khaliif Gallaydh, Former Prime Minister of Somalia - (Maqal)-

 

 

Dr. Cali Khaliif Gallaydh oo mar ahaa Ra'iisal wasaaraha dalka Somalia, ahna xubin ka tirsan gudida G6 ee SSC..

 

ayaa waraysi xiiso badan oo dhinacyo badan taabanayaa siiyey warbaahinta SSC.

 

Dr. Gallaydh wuxuu waraysigan kaga warbixiyey arrimo badan oo khuseeya mandaqada Geeska Afrika,Somalia, maamulada ka jira Somalia, SSC iyo shirweynaha khaatumo2 ee dhowaan ka dhici doona magaalada Taleex.. Hoos ka dhegayso waraysigii Dr. Gallaydh..

 

 

Halkan Ka Dhageyso:

 

http://www.xargaga.net/images/file/Abaar/Wareysi_Dr_Ali_Khaliif_Galaydh_Xargaga_Online_2.rm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

shirka-300x225.jpg

 

(Akhriso) Go’aamadii kasoo baxay shirkii Dhawaan Ku soo Gabagaboobay “Widh-Widh “

 

Shir degmada Widh Widh ay ku yeesheen beesha SSC 17-18 waxa uu shirkaasi ahaa

 

mid ay isugu turxaan bixinayeen iskuna saamaxayeen, islamarkaana ergada isla fahantay islana qaateen baahida loo qabo qabashada shirka Khaatumo2 ee degmada Taleex.

 

Go’aamada shirka kasoo baxay.

1. Waxaa marlabaad si buuxda loo taageeray shirwaynaha Khaatumo2 ee degmada Taleex .

2. Waxaa kalsooni buuxda lagu taageeray go’aamadii kasoo baxay shirkii Taleex

3. Waxaa la isku raacay in dhamaan bulsho waynta SSC u madaxbanaantahay go’aaminta masiirkooda talo, gudoonka iyo ducadana ay leeyihiin Isimaddua loona dhaafi karin.

 

4. Waxaa kaloo la isla qaatay in shirka maareerayntiisa loodaayo guddiyada u xilsaaran dibad & gudaba.

 

5. Shirka degmada Widh-Widh wuxuu ugu baaqayaa dhamaan beelaha SSC in la dhowro, lana qadariyo, loona huro muruqiyo maalba qabsoomida shirwaynaha Khaatumo2 lagana ilaaliyo wixii carqalad keeni kara.

 

6. ugu danbayn waxaa la isku afgartay.

a- Ilaalinta nabadgelyada shirka waxa iska leh SSC guud.

b -Taladiisa waxaa iska leh SSC guud

c- Fulintiisa waxa iska leh SSC guud.

Wabilaahi Tawfiiq

Horufadhi News Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Shirweynaha SSC Khaatumo2 ee Taleex: Danta Guud, Midnimo, iyo Xoreyn

 

Mahad oo dhan Allah ayaa iska leh-Risaalad qaadid iyo gaariin xaq ah

Suubane Rasuulkeenii(Muxamed CSW)iyo Sunno raacid mudan,karaamo,sharaf

iyo milgo gobeed gobanimada ayaa leh,gun-nimo,dulmi iyo dayacna gumeeysiga

hoos joogid iyo dano kale u adeegid ducufnimo ku dhisan,taariikh wadanid

ku saleeysan Somaalinimo ku gaashaaman,garasho iyo gudasho waajib leh,xaq

iyo xuquuq dhab ah halgankii xoriyadda iyo gobanimo dhalinta,holocii iyo

warmihii geesiyaasha daraawiisheed,caqligii iyo xeeladii siyaasadeed SYL

iyo damiirkii noolaa,dareenkii wadaniyadeed iyo karaamadii maqaamka sare

iyo milgo gobeedka laheyd ee Ummadda Somaaliyeed,aniguna u dhalasho iyo

asal wadaniyadeed dhiigeeyga ku abuuran(dardaarankii Aabaheey lamo illaawan)

naxariistii janno Alle ha siiyo-Aamiin(Dalkaaga u qabo wixii aad awoodo hana

Sugiin abaal-marin-waayo waa waajib)nacam aabe-nacam wallee waa waajib.

<a href=’http://youtu.be/6B1UkG6iaOQ’ >

Qormooyinkii tusaaleeynta,tilmaan bixinta iyo dhiiri gelinta Shirka Khaatumo2

Taleex anigoo halkii ka sii wada.gudanaaya masuuliyad i saaran oo culeeys weyn

leh,kana duulaaya ahimiyada iyo qiimaha weyn oo uu ku fadhiyo shirka khaatumo2

Taleex iyo rajada laga filaayo(Inshaa Allah)waqtiga lagu jiro iyo wajiyadiisa

kala duwan,xiisadaha iyo jalaafooyinka la dhigaayo,dayaacadaha,war xumo tashiilka

iyo durbaanadda maan-gaabka iyo adeegayaashu colooshood la ciyaarka ah(Hindidda)

iyo damanaanta,hurdo ku raaga iyo dareen la’aanta qeybo badan oo bulshadda SSC ah,

balse qalinkeeygu madaale,runta kama leexde,xaq taageere,danta guud ilaashe,sharaf

dhoore,asluub ku dhaqme,wanaag iyo xumaan kala saare,samaan ka shaqeeye,danta guud

la duubne,midnimo dhoowre,xaqa u doode,duliga diide,gobanimo ku naaloode,gumeeysi

diide,wadiniyad iyo halyeeynimo asal u yeeshe(awoowahay Halyeey-Xaaji Caga dhiig).

 

Taleex rugta karaamadda iyo sharafta Somaaliyeed,Taleex xaruntii halgankii xaqa ahaa,

Taleex taariikh bog dahab ah ku xardhan,Taleex degaanka asalnimadda Somaaliyeed iyo

dhaqanka soo jireenka ah,hooyga hibada allah u siiyeey duunyada oo dhan iyo degaan leh

bilic gaar ah(dooxooyinka Nugaaleed),biyuhu eey dur-duraayaan,iyadoo asal ahaan degaanka

Nugaashu ku haboon yahay xoolo dhaqashada iyo beerahaba,Taleex inshaa Allah guriga ama

goobta guusha laga dhaliin,laguna hanaan midnimadii,soona celin milgadii shalay,niyad

sami wanaageed iyo lagu heli dad saafi ah,danahooda raaceeda ah,daafaca dhulkooda ah,

xumaan qaadan weligood,kala garan run iyo been,waayo aragnimo iyo waqtiguba duruus baray,

seman xumaadna soo maray,intaas iyo waxyaabo kale oo culeeyskeeda leh dhul bood,dagaal,

Siyaasad guracan oo ujeedooyin kala duwan ka dameeyaan,loolan dhinacyadu ugu jiraan kala

fogeeynta iyo kala furfuridda midnimada iyo wada jirka qoomiyadda SSC,iyadoo wadadu tahay

kooxda damiir-laawashaada ama Hindidda caloosha iyo canka,ku qancayaasha xilalka quursiga

iyo cadka gun-nimadda(meel aan laga rabiin indhaha la raacayaasha)weliba hadba dhinac u

yaaca ah,Khaatumo2 Taleex waa wadada iyo hanaanka daaweynta Cuduradaas oo dhan iyo kuwo

kale oo qarsoon xanuun weyna leh,Khaatumo2 Taleex rajo kheyr leh iyo guul miro macaan leh,

Khaatumo2 Taleex kulan caqliga,damiirka,waayo raganimada iyo fikirka danta guud ku saleeysan

mudnaanta leeyahay,Khaatumo2 Taleex aayo ka tashi iyo go’aan gaarid dhab ah,Khaatumo2 Taleex

ka gudbida marxalad dayac iyo kala daadsanaan inshaa Allah u gudbida jawi iyo marxalada wacan,

Khaatumo2 Taleex marxalad taariikheed waayuhu xusus doono maqaamkeeda gaar ahaaneed yeelan

doonta,Khaatumo2 Taleex kulan loo gogol xaareey looguna diyaar-garoobeey sidii ku habooneyd

inshaa Allah guul dhalin,mid lagu doogsade dhalin,mid lagu farxo dhalin,mid laga rumeeyo oo

sida ku haboon loo dhaqan geliyo dhalin,mid looga guuro waayahan iyo duruufahan qalafsan iyo

guud ahaanba xaaladahan jaha-wareer inshaa Allah,mid go’aamadda ka soo baxaan xaqa,cadaalada,

iyo illaalinta danta guud ku fadhiyaan,dulmi,colaad,naceeyb iyo xaq darro ka reeban tahay,ku

xadidan danaha gaar ahaaneed ee reer SSC,isla markaana ka maqneyn maslaxada guud ee Somaliyeed

qaranimo illaalinta iyo wada jirka dhulka iyo dadba,Khaatumo2 Taleex cid duulimaaad kuma ah,

laakiin ma qaadan doono ama ogolaan doono is-balaariin dhuleed iyo fara-gelin siyaasadeed iyo

sheeko caruureedka ah aan kuu yeeriyo adiguma qaado,inshaa Allah guul xaq ah.

 

-KHAATUMO2 TALEEX GUUL-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this