Sign in to follow this  
Al-Miskiin

Maamulo badanaa wuxu?

Recommended Posts

Assalamau Alaikum geeljireyaal(or Nomads)

 

Ayadoo soomaalidu 20sano wax ka badan dhibaato rafaad, silic, dagaalo sokeeye iyo mid shisheeyaba ku soo jirtay, one would think in ay wixii dhib ahaa ee na soo mari karayey na soo mareen, but nope, there is still much to come.

20ka sanee radaafka lagu jiray soomaalidu waxay ku fiicnayd, xoogaa wali rajaa ku jirtay, rajo dhahaysa "Insha Allah maalinbaynu midoobi, oo wadanku nabad noo noqon"! Inagoo qabiil qabiil isku dhamaynay, oo nin reer hebel ihi uunan tagi karin magaalo heblaayo, maadaama ay daganyihiin qabiil kale, buu Allah naga daweeyey cudurkan(intii badnayd).

 

Ayadoo wadankeena loo tashtay oo la rabay in bad iyo baxarba la qaybsadoo wixii macdan ahna lagala baxo Allah baa naga soo gaadhay, oo maanta waynu iska ladanahay.

 

Ayadoo Qabqablayaal na haystaan oo wadanka intiisa badan aanan lookala safri karin, isbaaro iyo balo darana meel kasta la dhigtay, Allah baa naga soo gaadhay intoodii badnayd.

 

Intii xabashi uraysaa cagaha soo dhigeen magaalo madaxdeenii sharafta badnayd ee taariikhda dheer lahayd, buu Allah hadana naga soo gaadhay oo naga badbaadiyey(inteedii badnayd).

 

Anagoo intaas iyo boqol waxoo ka daran soo marnay baynu maata soo gaadhnay a new face. The face of "Ana Land aan samaysto". Soomaalidu ma waantoodo miyaa?

Maalinkasta waxaad maqlaysaa "land cusub", "maamul goboleed cusub".

Subaxdii cusub ee dhalataba wararka waxaad ka maqlaysaa "hebel ina hebel oo loo magacaabay madaxwaynaha ......land". Hadana salaada casar markaad ka soo baxdid waxaad maqli "Madaxwayne hebel iyo wafdi la socday oo gaadhay Washington", hadana intaanan makhribka la gaadhin waxaad maqli "Madaxwayne hebel oo dalxiis ku gaadhay wadanka Djabouti". Intaadan koobka shaaha dhamaysana waxaad maqli "Madaxwayne hebel oo Adis ababa ka soo noqday"! What the----- oo Madaxwayne badaninaa? How many are there Subxan Allah?

 

Maanta inta madaxwayne aynu leenahay hadaad is dhahdid tiri adaaba wareeri.

 

And there is more to come,

 

Maanta soo maydin arkin waxa loogu magac daray"Azania"? Az what? That's not even somali wallahi. Waynu ka sii darayna malinba maalinta ka dambaysa. Already jubbalandnews.com(bal fiiriya waxaas Jubbaland ku te), waxaa ku qoran in ay Kenya noqotay wadankii ugu horeeyey a aqoonsata Maamul goboleedka Azania. Well that tells us a lot. hadayba kenya aqoonsantahay than everything is soo good soo maaha?? Acuudbillahi min thaalik.

 

Waxaan xasuustaa soomaalidu ayagoo wada siyaasiin ah, oo aanan waxba laga qarin karin, qofna uunan siri karin. Laakiin maanta waxaad moodaa in aynu inyarna la socon siyaasadda aduunka, sidii doonana la inaga yeeli karo.

 

My Point is, sidee bay ku dhacday in maalintii dhalataba "Maamul goboleed" cusub lagu dhawaaqo. Sidee bay ku dhacday in damiirkeenii ina gaadhsiiyey in soomaalida la sii kala qaybiyo, oo boqol kun oo "Land" loo kala bixiyo.

Miyeyna ahayn in aynu maanta ka fakarno sidii "puntland, Somaliland" iyo wixii land ee horay u jiray loo mideeyo, si ay u soo hadho "SOMALIA" kaliya! And nothing more.

 

Man, dont we somalis learn anything, the best way to destroy a people is in la kala qaybiyo, oo mid kasta calan loo sameeyo. "making a land" maaha adoo guri yar dhistay oo kale, ama adoo "urur siyaasad sameeyey", waa arin aad iyo aad khatar u ah. Ummad dhan oo shalay ka mid ahayd a lager somalia, baad ka goysay, calan iyo heesna u samaysay, dadku Allah kama baqaan miyaa.

 

Waxaa ka sii daran, oo wax beerka kugu xanuuno ah, dadkii shacabka ahaa baad arki oo ku faraxsan "maamul goboleedada", for what? Ayagoon marna ka fakarin bal ma noloshooda baa sii fiicnaan? Ma waxay sugayaan in gargaar u yimaado gobolkooda yar kaliya? while there is war and wors things magaalada u jirta dhowr kilo mitir?

 

Dhalinayaradeenan hadeer soo kacaysaa sidee baynu ummadda wax ugu tari hadii ninkastaa meeshuu ka yimid "land yar" laga sameeyey, mid kastaa waxaad arki asagoo ku fakaraya "Ala maxaan my country u qabtaa"? What country dude? Ma wadanka yaree dhowrka magaalo ka samaysan?

 

Wallahi I hate when somali people ay u dhaqmaan sidii wax shalay dhashay, mid kastaa shaydaan baa balo meel ka tusay.

 

Marka nomads, about them Maamul Goboleedyo maxaad ka filanaysiin? Ma inay wadankii dhisaan, markaasna soomaaliya ay sidaas ku noqoto dhowr "wadan" oo yaryar, oo isku ag yaala? and in the future mid kastaa baasaboor gooni ah loo sameeyo, and there own ciidan and shuruuc?

 

Maxaa hadaynu soomaali nahay oo dad muslim ah nahay inaga galay in kenya, Itoobiya, the west and europe maamul gaboleedka cusub ee samaysmaa aqoonsanyihiin?

 

Anigu hadaan bilaabo waxaan is leeyahay wixii 20 sano ka badan ee dhibaato na soo maray "maamul goboleedyadan" cusub baa ka daran, cuz at least for the last 20 years soomaali wayanu ka wada mid ahayn "Soomaali wayn"(inteena badan).

 

Down with all the Maamul Goboleedyo, there is only one Somalia, and that is SOMALIA!

 

So Nomads, Maxay idinka idinla tahay?

 

Ps. Dadka already maamul goboleedada samaystayoo please yaynan idin qaadin "ala anagaa naloo socdaa" feelings, plz for the sake Somalines(lol), bal hal mar dib isugu noqda, oo dadnta guur ka fakara, and not only "kolay anagu nadab baanu haysanaa, maadaama aanu nahayd "maamul gooni ah"!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;707544 wrote:
Wuxu ???????????????? ,,, ma umadda dhan baad ugu yeedhaysaa
Wuxu ???

 

Orodoo soo qubayso niyow ,,,,
:D

lol that's not point man, ma waxaad rabtay intaaso land land in aan is daba dhigo. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Al-Miskiin, xaaladan markaan eegay aniga iyo adigu isku aragti baynu nahay. Runtii Dowlad Gobaleedyadan sidii cawskii maalin walba dhulka uga soo baxaya waa dhibaato cusub oo Soomaaliya u taala 20ka sano ee soo socda. Dowlad Gobaleedyada badankoodu waa iska One Man Mission waxaana inta badan taageera dowladaha aan dariska la nahay ( sida Ethiopia,Kenya, Djibouti), kuwaas oo iyaguna dantooda gaarka ah ka hor mariya ama danahooda khaaska ah ku fushada Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ka dhisan.

 

Anigu waxaan aaminsanahay Soomaaliya in uu mustaqbalkeedu dhismayo marka ay ummadda Soomaaliyeed ka xorowdo Qabyaalad. Inta aynu isku qasayno Qabyaalad iyo Siyaasad u malayn maayo in Dowlad dhexaad dhismayso.

 

Al-Miskiin;707546 wrote:
ma waxaad rabtay intaaso land land in aan is daba dhigo.
:)

Maya ha is daba dhigin ee bal halkan riix------> http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/30598-Soomaaliya-iyo-Maanta

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Aan qaato qaybtii geel jiraha maadaama aan kaligay ka joogo

 

Ragga doonaya in la qayb qaybsamo waa kuwa aan waxba ka aqoon somaaliya.

waa nin aan baydhabo ku dhaxamoon canabna ka cunin

waa nin aan harsan geediihii gedo gaarina kula silitayn.

waa nin aan kismaayo shirinbis ama ganbari ama rubiyaan loogu shiilin

waa nin aan xeebtii liido ku dabaalan iyo abaay dhaxan

waa nin aan hiiraan geedihii baarta ahaa qoone ka tuuryaysan

waa nin aan mudug subag idaad ka kaban

waa nin aan daawan fardihii nugaaleed oo banaan daaqaya

waa nin aan bari maraq kaluun dhidid ka keenin

waa nin aan buurtii daalo dusha uga baxin

waa nin aan sayladii burco rati ku gadan

waa nin aan hargaysa ku qayalin markuu marqaaman mujaahidow loogu yeerin

waa nin aan boorame wax ku baran jeebka korana qalin gashan

 

dadnimadu waxay ku jirtaa midnimo cadowgeenuna waa midnimo diide.

waxba macna ah samayn mayso laan laan snm lagasoo min guuriyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

gooni;708053 wrote:
Aan qaato qaybtii geel jiraha maadaama aan kaligay ka joogo

 

Ragga doonaya in la qayb qaybsamo waa kuwa aan waxba ka aqoon somaaliya.

waa nin aan baydhabo ku dhaxamoon canabna ka cunin

waa nin aan harsan geediihii gedo gaarina kula silitayn.

waa nin aan kismaayo shirinbis ama ganbari ama rubiyaan loogu shiilin

waa nin aan xeebtii liido ku dabaalan iyo abaay dhaxan

waa nin aan hiiraan geedihii baarta ahaa qoone ka tuuryaysan

waa nin aan mudug subag idaad ka kaban

waa nin aan daawan fardihii nugaaleed oo banaan daaqaya

waa nin aan bari maraq kaluun dhidid ka keenin

waa nin aan buurtii daalo dusha uga baxin

waa nin aan sayladii burco rati ku gadan

waa nin aan hargaysa ku qayalin markuu marqaaman mujaahidow loogu yeerin

waa nin aan boorame wax ku baran jeebka korana qalin gashan

 

dadnimadu waxay ku jirtaa midnimo cadowgeenuna waa midnimo diide.

waxba macna ah samayn mayso laan laan snm lagasoo min guuriyay.

Keligaa kama joogtide ...balse war nuxur leh baad soo dhejisay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Mayaani;708087 wrote:
Somaliland ku dayo, Land baa laysku ogaaye Azania waxaa asal la aqoon baa bilaawatay.

Waa nooc ka mida kacdoonka dunida ka dhacaya. Cowl baadan maqal iyo kuwo badan oo dhexda ku soo jira, haday hesho farsamo yaqaan kacdoon guud oo dhalintu hogaamiso ayaa loo badeli karaa. Waxay ku xidhantahay dhalinta Somaliyeed ee kala jooga magaalooyinka uu hal mar wada kaca shacabkana ku booriya inay nabad iyo dowladnimo u soo baxaan.

 

Dhanka kale hadaad ka istaagto, waxaa dhalan karta dowlad adag oo fedaraal ah..

 

Tinny revolution, just little push.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this