Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland deputy speaker of parliament meets with cali khalif galaydh in nairobi

Recommended Posts

Siyaasiyiin ka soo jeeda magaalada Laascaanood ayaa todobaadkan shir ku yeeshay magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya.

 

Kulankan oo ka dhacay mid ka mid ah hudheelada magaalada Nairobi ayaa waxaa uu dhexmaray Dr Cali Khaliif Galaydh iyo Baashe Maxamed Cadde oo labaduba ka soo jeeda Degmada Laascaanood.

 

Dr Cali Khaliif ayaa Nairobi yimi 23 bishan Maarso 2011 isagoo ka soo ka soo kicitimay dalka Ingiriiska halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada shir uu soo abaabulay Dr Cali Khaliif Galaydh oo uu ku casumay xubno ka tirsan ururka Xaglatoosiye iyo Ururka NSUM.

 

Baashe Maxamed Cadde oo ah Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka isku magacaabay Somaliland ee Hargeysa ayaa soo yimi magaalada Nairobi 24 bishan Maarso 2011 maalin ka dib markuu Cali Khaliif yimi magaalada Nairobi.

 

Wada hadalada dhexmaray labada siyaasi ayaa ahaa kuwa qarsoodi ah oo ka dhacay Hotelka Inter continental waxaan adag in si rasmi ah loo ogaado wixii ay ka wada hadleen hase ahaate xubno ku dhawdhaw siyaasiyiintaas ayaa xaqiijiyay in labada siyaasi ay ku balan sanaayeen magaalada Nairobi siya uga wada hadlaan arimo la xidhiidha xaalada murugsan ee degmada Laascaanood iyo guud ahaanba siyaasada gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.

 

Goobaha ay isugu yimaadaan bulshada ka soo jeeda gobolada SSC ayaa aad loogu hadal hayaa safar uu dhawaan Cali Khaliif ku tagi doono magaalada Hargeysa.

 

Qaar ka mid ah jaaliyada gobolada SSC ee dalka Kenya oo xidhiidh la sameeyay Dr Cali Khaliif ayaa sheegay in uu u xaqiijiyay safar uu damacsan yahay in uu ku tago magaalada Hargeysa hase ahaate waxaa uu beeniyay in socdaalkiisaasi uu la xidhiidho wax siyaasad ah balse uu yahay safar ganacsi.

 

Magaalada Nairobi ayaa waxaa afartii bilood ee u dambeysay ku sugan Garaad jaamac Garaad Cali oo ka mid ah garaadada Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siyaasiin reer sool ah oo shir qarsoodi ah ku yeeshay Magaalada Nairobi

Posted to the web on Mar 28

 

 

 

Kulankaas ayaa ka dhacay mid ka mid ah Hudheelada Magaalada Nayroobi ayaa waxaa uu dhexmaray Dr Cali Khaliif Galaydh iyo Baashe Maxamed Cadde oo ah gudoomiye ku xigeenka baarlamanka somaliland

 

 

 

Cali Khaliif ayaa Nairobi yimi 23/03/ 2011 isagoo ka soo kicitimay Magaalada London Ee cariga ingiriiska halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada shir uu soo abaabulay Dr Cali Khaliif Galaydh oo uu ku casumay xubno ka tirsan ururka SSC iyo Ururka NSUM.

 

 

 

Baashe Maxamed Cadde oo ah Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somaliland ayaa soo gaadhay Nayroobi 24/03/ 2011 maalin ka dib markuu soo gaadhay Cali Khaliif magaalada Nairobi.

 

 

 

Shirkan dhexmaray labada oday ayaa ahaa mid qarsoodi ah oo ka dhacay Hotelka Inter continental waxaan la oogen wixii ka soo baxay shirkaas waxaase xubno ku dhawdhaw xaqiijiyay in labada masuul ka wada hadleen sidii aya masuuliyiinta ka soo jeeda beeshaasi ee ku jira maamulka Somaliland sidii ay u taagir lahaayen shirka uu Cali Khaliif ka wado magaalada London.

 

 

 

Shirka lagu wada in uu ka dhicii-doono magaalada London 10/04/2011 ayaa wax gadhwadeen ka ah Cali Khaliif Galaydh oo ahaa odaygii ka dembeeyey kooxdii SSC ayaa hada soo gaadhay xiligii uu kala fur furi lahaa SSC iyo beesha sool iyo buhoodle isla markaasna loola midoowi lahaa Somaliland oo markii hore dadka cali iyo kooxdiisu u sheegi jiren inay Somaliland ay tahay cadooga keliya ee dhubahante leeyaha. Wararka qaar baa sheegay in Cali Khaliif u sii jeedo magaalada Hargeysa is uu ula kulmo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo) si uu ula socodsiiyo hawlsha cali ka hayo London..

 

 

 

Sida laga soo xigaanayo dad ku dhawdhaw Cali Khaliif waxaay tibiixinayaan in lagu wado inaay shirka london ay ka soo qayb geli doonan Baashe M caade, Dhalo, Fu'aad A Caade, Cabdirisaaq Khaliif, Indho indhow, Axmed Xabsaade iyo raag kale oo an la sheegin. mase jiran wararka dhab ah oo xoojinya arrintan ama beeninaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Galaydh was and is London past weeks so his virtual spirit must met the mentioned jacks I guess. This is just a propaganda against the upcoming conference of SSC in London.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Ali Khaliif is pro-somaliweyn. He has more stake in Moqdisho than Hargeysa even bussiness issues. It seems Siilaanyo is moving to Somaliweyn and needs Ali help

 

 

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow)Hargeysa, March 28, 2011 (Haatuf) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah madaxdhaqameedyada beesha bariga Burco ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo ku eedeeyey inay damacsan tahay in Somaliland ay la midayso kooxaha Somalia, isla markaana ugu baaqay beeshooda inay horseed ka noqoto dibad bax Salmiya oo Xukuumadda Siillaanyo lagaga dalbado inay Xilka iska casisho, isagoo intaa ku daray in madaxweynaha ay ku xeeran yihiin koox uu ku tilmaamay in aanay wax khibrad iyo waayo aragnimo ah u lahayn Dawlad nimada, balse ku tilmaamay in dibadaha laga soo waariday.Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) waxa kale oo uu ka dayriyay xaaladaha nabad-galyo, Dhaqaale, Abaaraha iyo biyo la’aanta ku habsatay dalka oo uu ku tilmaamay kuwo keeni kara kacdoono Shacbi, isagoo dhinaca kale-na ku eedeeyay Xukuumadda in Meeqaamkii Dawladnimo ee Somaliland ay kala mid dhigeen kooxaha Somalia ee Shirarka loo qabto, waxaanu ka digay in Somaliland ay wax dhaafsiisan xidhiidh Jaarnimo ay la yeelato dalka Ethiopia.Boqor Buur-madow oo Xalay khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Haatuf, isagoo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa isagoo ka hadlaya arrimahaasi, waxa uu yidhi “Madaxweyne Siillaanyo iyo Guruubka ku xeeran ee bilaa khibrada ah, haddaan maanta layska qaban waxay ku wadaan Somaliland oo ay doonayaan inay si bilaa qiimo ah ku geeyaan Somalia, ma Nimanka inala fadhisiyay shan maamul goboleed oo Habar –Gidir iyo ****** ah iyo Sodon urur oo reer Koonfureed ah halkaynu Somalia ka ahayn laba Dawladood oo kala gaar ah Somaliland iyo Somalia Meeqaamkaasi ayay maanta ina marinayaan maamulkani, sidaa darteed waxa aan diyaar u ahay in aan bad-baadiyo Somaliland iyo Beeshayadaba oo aan qaadano kaalinta ay qaateen Sheekh Axmarka iyo Qabiilka Xaashidka ee Yemen-tu ee ay kaga soo horjeesteen Cali Cabdale Saalax oo ka soo jeeda Raaskooda oo ay ku biireen kacdoonka ka socda dalkaasi, sidaa darteed waxaan beeshayada Habar-jeclo ugu baaqayaa inay horseed ka noqoto dibad bax Salmiya oo lagaga soo horjeesto Xukuumadda Siillaanyo ee ay ku xeeran yihiin Kooxo aan aqoon dawladnimo iyo waayo aragnimo toona lahayn, balse aqoontoodu aanay dhaafsiisnayn Xasarad iyo kala fogaynta Shacbiga Somaliland, oo Wakhtigan xaadirka ah ay haystaan duruufo Dhaqaale xumo, Sicir barar iyo Abaaro baahsan oo biyo la’aani u dheer tahay, isla markaana deegaanadii bariga Sanaag dalka intiisii kale laga gooyay, Xasiloonidii iyo amaankii dalku-na faraha ka baxay, isla markaana Colaado laga dhex abuuray Shacbigii Walaalaha ahaa waxa loo baahan yahay in maamulkan iyo kooxdan ku xeeranba ummadu ka Midawdo sidii ay ugu foojignaan lahaayeen qorshayaasha ay ku doonayaan in Somaliland ay si ka liidata midnimadii bilaa Shuruuda ahayd ee 1960-kii Somalia”Buurmadow mar uu ka hadlayey in xukuumadda Siilaanyo u kala qaybsan tahay kooxo kala duwan waxa uu yidhi “Xukuumadda Siillaanyo-na waxay u qaybsan tahay saddex kooxood oo kala ah, Shabaab Nasaqan, Basaasiin Mutadawiciina oo dibadaha laga soo waariday oo Dawlada lagu soo darsaday iyo Niman madaxweynayaal doonaya oo u sharaxan oo iyagu-na aan daacad ka ahayn dalka, Somaliland haddii aanay saddex Wado maanta ka tashanin oo aanay u Midoobin mid ka mid ah dib loo arki maayo inaynu* Shabaabka Asalka ah ee aan Nasaqnayn la Midowno, inaynu maamulkan doonaya inay si bilaa qiimo ah inagu geeyan Somalia aynu inagoo qiimo leh maanta tagno iyo in aynu maamulkan iska ridno, Xalku-na waxa uu ku jiraa in ummaddu u Midowdo Masiirkeeda sidii ay u badbaadin lahayd”.Mar aanu weydiinay in loo arki karo baaqiisa ku aadan Xukuumadda iyo beesha uu ka soo jeedo madaxweynuhu mid qalalaase iyo fidmo ka dhex abuuri kara Somaliland, waxa uu yidhi “Horta madaxweynaha waxa isku xeeray oo Qol madow ku xidhay oo uu ka shaqayn kari laayahay koox aan aqoon dawladnimo lahayn, arinkaygu-na maaha mid fidmo aan ku kicinayee waa mid aan leeyahay dibad bax Salmiya ha lagaga dalbado, sidan u hadda dalku ku jiraa-na ayaa ba keeni karta in Shacbigu kacdoon ku sameeyo maamulka maanta jira oo Hargeysa ayaa Gaajo loogu dhimanayaa oo Maceeshadiiba cirka isku shareertay, Somaliland oo la waayo iyo Maamulka Siilaanyo waxa ka weyn Qaranimada oo waxa fudud in maamulkani meesha ka baxo”.Mar* aanu weydiinay maadaama madaxweynuhu sheegay in aanay Somaliland qaranimadeedu gorgortan gali karayn oo aanay marti uga noqonaynin in kooxaha Somalia ay gogol kula fadhiistaan waxa uu ku cadaynayo eedaha uu uga soo jeedinayo in Xukuumaddu wado qorshe lagu midaynayo Somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi “Xeerkii labada gole ee Baarlamaanku Somaliland ku xaaraantimeeyeen ka qayb galka Shirarka loo qabto kooxaha Somalia waa kuwii baabiyay ee dhex fadhiistay 30 urur oo kooxaha Somalia loo qabtay, Siyaasadeenii Khaarajigu-na meel liidata ayay maraysa oo Baasaboorkeenii dalalka Caalamka lagu gali jiray waxa ka qiimo batay Baasaboorka Dawlada TFG-da, deegaanada Kal-shaale ee beelaha Walaalaha ah Colaad baa laga abuuray oo waxa ku dhintay 300 Somalilanders ah, waxaanan qabaa in Dambigaasi ay leeyihiin Xukuumadda Somaliland iyo kooxda nabadiidka Buhoodle”.Mar aanu weydiinay inuu magacaabo kooxda uu ku eedaynayo inay ku xeeran yihiin madaxweynaha, waxa uu yidhi “War la qabaa xiiso ma leh, Ilaahayna wuu yaqaanaa dadku-na way ogyihiin waana Xubnaha labada Waji leh ee ah Shabaabka Nasaqan, marna iska dhiga Cilmaaniga”.Mar aanu weydiinay maadaama Xukuumadda madaxweyne Siillaanyo muddadii 9 Bilood ahayd ee ay Xilka haysay ay ku talaabsatay Mushahar kordhin ay Shaqaalaha iyo Ciidamada ay u samaysay waxyaabaha uu dhaliisha ugu soo jeedinayo, waxa uu yidhi “Waxay keeneen Miisaaniyad bilaa qorshe ah oo meel Dakhligeedu ka soo xeroonayo aan la ogayn iyo Kharashaad faro badan oo meel loo raaco aan lahayn oo si indho la’aan ah oo bilaa Khibrad ah ay u soo dhigeen Xubnaha ku xeeran oo qaarkood inta Jawaano lagaga soo Waariday dibada iyagu ilaalinaya danaha Dawladaha shisheeye ee heshiisyadii Shidaal qodista lala galay Shirkadaha Shafron iyo Conoco loogu soo darsaday Dawlada”Mar aanu weydiinay mawqifkiisa ku wajahan xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia ka dhexeeya, waxa uu yidhi “Ethiopia iyo Somaliland in xidhiidh laba dal oo daris ahi inaga dhexeeyo waa mid waajiba ah, muddo dheer-na Cilaaqaad baa inaga dhexeeyay, balse Ethiopia maaha in aynu noqono Shuraako oo haddii aynu Shuraako noqonana wey inaga badan yihiinoo weyn ina liqayaan”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

wixii lasheego waxbaa kajira

 

Madaxweyne Siilaanyo oo Itoobiya looga Yeedhay Iyo Nuxurka Arimaha Lagala Xaajoon Doono

Written by Yool

Mar 28, 2011 at 10:47 AM

Madaxweyne Siilaanyo oo Itoobiya looga Yeedhay Iyo Nuxurka Arimaha Lagala Xaajoon Doono

 

 

Hargeysa(Yool)-Warar Warageyka "Yool" uu ka helay ilo-dublamaasiyadeed, ayaa sheegaya in Xukuumaada Adiss-ababa ay Todobaadkii ina dhaafay qoraal u soo dirtay Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo ay kaga dalbanayaan inuu socdaal gaaban ku yimaado dalka Itoobiya. Ma jiro war amuurtaa ku saabsan oo ka soo baxay dhinaca Somaliland.

 

Haseyeeshee, sida ilo-wareedyadaasi tibaaxeen qoraalka Itoobiya oo soo gaadhay Madaxtooyadda Arbacadii hore, ayaa dulucda qoraalku waxa ay ahayd mid ku kooban yeedhmo kaliya, isla markaana aanay wehelin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan ujeedada safarka Madaxweynaha loogaga yeedhay Adiss.

 

Sidoo kale, waxa ilahaasi xuseen in qasdiga dawlada Itoobya ka leedahay booqashada Siilaanyo uu salka ku hayo dhowr arimood oo ay ka mid yihiin dhamaystirka heshiis dhex mara Somaliland iyo Shirkad Shiineys ah oo itoobiya gadh-wadeen ka tahay, xal u helida shaqaaqada deegaanka Buuhoodle iyo amuurta sadexaad oo la sheegay inay tahay sidii Somaliland uga qayb geli lahayd shir dib u heshiisiina oo la qorshaynayo in Soomaali la isugu keeno.

 

Shirkaasoo ay hadda u gogol-xaadhayaan qaar ka mid ah dalalka reer galbeedku, isla markaana la rajaynayo in lagu qabto dalka Kiiniya.

 

Haddaba inkastoo, aan si dhab ah loo ogayn talaabada Madaxweyne Siilaanyo ka qaadan doono codsiga dawlada itoobiya, haddana sida ay Wargeyska "Yool" u sheegeen ilo ku dhow-dhow Madaxtooyadda, waxay u muuqataa in Madaxweynahu Ayiday codsigaa, sidaa darteedna la filayo in uu maalmaha fooda inagu soo haya u duuli doodno dalka Itoobiya.

 

Si kastaba ha ahaatee, safarkan aan la hubin, balse sida la sheegay Madaxweyne Siilaanyo ugu bixi doono itoobiya, ayaa ah mid ku soo beegmay waqti xaasaasi ah oo dalka gudahiisa iyo debadaba ay ka jiraan duruufo qalafsan, kuwaasoo haddii aanu Madaxweynahu isaga ilaalin si taxadir leh sababi kara kacdoon siyaasadeed oo ay adag tahay xakamayntiisu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Somaliland is facing big probelm, since Kalshaale war started and The beggining of SSC movment. Thay are losing path.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this