Sign in to follow this  
Liqaye

Dagaalo laga cabsi inay ka dhacaan degmada Buuhoodle ee Gobolka Sool.

Recommended Posts

Liqaye   

Dagaalo xoogan ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay ka qarxaan degmada Buuhoodle ee gobolka Sool, kadib markii ay halkaasi soo buuf dhaafsheen ciidamo xoogan oo iskugu jira Somaliland iyo SSC.

 

Xiisad aad u xoogan ayaa waxay maanta ka taagan tahay deegaanka Kalshaale ee degmada Buuhoodle, iyadoo laga cabsi qabo in’ay halkaasi ka dhacaan dagaalo aad u xoogan, isla-markaana xiisadaan ayaa timid, kadib markii ciidamo taabacsan Somaliland oo ka yimid dhinaca Laascaanood ay soo gaareen deegaanka Kalshaale, oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamadda Jabhadda SSC.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadda Jabhadda SSC ay isu qaylo dhaamiyeen, kadib markii ay ka war helleen in ciidamo xoogan oo Somaliland ah ay soo gaareen deeaanka Kalshaale, taasoo ka dambeysay in ciidamadda Jabhadda SSC ay iyana soo buux dhaafshaan.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in saacad kasta la-fillan karaayo dagaalo qaraar oo halkaasi ka dhaca, kaasoo u dhaxeeya Maamul Goboleedka Somaliland iyo Jabhadda SSC,lamana oga waxa ay kusoo idlaan doonto natiijada magaaladda.

 

Dhinaca kale xiisadaan ayaa waxaa ka hadashay Maamul Goboleedka Puntland, isla-markaana waxay sheegtay in Somaliland ay dooneyso xasuuq kale, balse sida uu Puntland sheegay ay taasi ka hortagi doonaan dhawaan.

 

Iskusoo wada-duuboo waxaa dhici kareysa haddii ay dagaaladani ka qarxaan deegaanka Kalshaale in’ay kusoo biiri doonto Puntland, bacdamaa ay wacad ku martay in’ay Somaliland ka caabin doonto shacabka reer SSC.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Maaamul goboleedka SSC iyo Somaliland oo abaabul dagaal wadaan iyo Wasiir kadirsan Puntland oo Hanjabaad culus ujeediye Somaliland

 

4697-full-so.jpg

 

Wararka ka imanaya Degaanka kalshaale ayaa sheegaya in halkaas saakay laga daremayo, abaabul Dagaal oo ay wadaan Ciidamada SSC oo garab ka helaya kuwa Puntland iyo Ciidamada Somaliland ee halkaasi jooga.

 

Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ayaa la shegay in saakay gudaha ay u galeen Magaalada laascaanood, waxaana isla goob aan ka fogayn hlkaasi soo gaaray Ciidamada SSC oo Dagaalo kula jira Maamulka Madaxweyne Siilaanyo ee Somaliland.

 

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa ku hanjabay in aysan u Dul qaadan doonin, waxay ugu yeertay Xasuuqa ay wadaan Kooxda Somali diidka, oo ay ula jeeday Somaliland.

 

Sanadkii la soo dhaafay iyo sanadkan ayaa Dagaalo gestay qasaare ad u balaran, waxa uu ka dhacay halkaasi, waxayna shirar badan iyo Heshiisyo ay galeen Beelaha Habarjecel iyo *********** uu Noqday hal bacaad lagu lisay.

 

Wasiirka Kaluumaysiga iyo Qeyraadka badda ee Maamulka Puntland Max’ed Faarax oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaa ku Goodiyay in Maamulka Somaliland aysan ku fiirsan doonin, waxa uu ugu yeeray Xasuuqa ay wadaan Maamulka Siilaanyo.

 

Cabdulaahi Cabdi Xaashi

cabdulaahi_heeb@hotmail.com

Madaxa wararka badweyn ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Dadka garan waayay wuxu waa barkad waanad ka wada cabi kartaan iga daa warkooda "

 

LoooooooooooooooooooL...ninki diida umadiisa inuu kamid aahado asna warkiis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

dulmi diidow dulmi doon ha noqon aya lugu maahmaaha..reer buhodle xaqooda way helayaan allah ha garab galo I will pray for them in every prayer!!! ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

he has to remove his clan militia from kalshaale, laascanood, and all the SSC regions...laakin khasab ayuu raba in uu wax ku wado..khasabna ma shaqeeyo. magaaloyinkan niman baa iskaleh oo u dhashay oo gurigooda hadii loogu yimidina is difacaya..alle ha garab galo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this