Sign in to follow this  
Siciid1986

M/weyne Silaanyo oo Qaabilay Wafti 16 ka kooban kana kala socday Wadamada Afrika iyo Europe+Sawiro

Recommended Posts

DSC02563-600x450.jpgDSC02488-600x450.jpgMadaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti balaadhan oo ka kooban 16 Xubnood oo ka kala Socda wadamada Ethiopia, Belgium, Finland, France, Germany, Jaban, Italy, Netherlands, Norway, Uk, Spain, Turkey, USA, Brasil, Wakiilka EU u Fadhiya Djibouti iyo Xoghaynta urur Goboledka IGAD.

Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Horu-marka dhinacyada badan leh ee ka socda Somaliland waxa kale oo uu u sheegay in ay Somaliland Beesha Caalamka ka sugayso Gacan qabasho dhinaca dhaqaalaha iyo aqoonsi, si uu dedaalkan ay Somaliland la timid u noqdo mid xaqiijiya Himillada ummadda.

Eng Mahboub Maalin oo ah Xoghaynta guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa isaguna madaxweyanha uga mahad celiyey soo dhawaynta uu weftigu kala kulmay Somaliland waxaanu sheegay in u socdaalka weftigu daba socday safar hore oo Urur goboleedka IGAD Somaliland ku yimaadeen, kaas oo u jeedadiisu tahay xogogaal u noqoshada waxa ay qabsatay Somaliland.

Ambassador Renzso Rosso oo ah safiirka Talyaaniga u fadhiya Ethiopia kuna had-laayey magaca safiirada ayaa madaxweynaha uga mahad-naqay soo dhawaynta iyo qaabilaada ay kala kulmeen Somaliland.

Safiirku waxa uu sheegay in ay farxad gelisay waxa ay indhahooda ku arkeen oo ah waxa ay qabsatay Somaliland, Dhismaha ka socda, Ganacsiga iyo nabad gelyada ka jirta Somaliland.

Weftiga oo booqasho maalina ku joogaya wadanka waxa kulanka ka dib Hotel Mansour warbixin dheer ku siiyey Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta iyo Xubno kale.

Dhinaca kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Macdanta iyo tamarta, wasiirka Arrimaha Guddaha, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Golaha waskiilada iyo Gudoomiye kuxigeenka Golaha wakiilada.

Dhinaca Weftigu waxay ka koobnayeen sidan:-

1. Ethiopia: Amb. Negash Kibret

2. IGAD Secretarial: Executive Secretary Ing. Mahboub Maalim

3. Belgium: Amb. Gunter Sleewagen

4. EU ( Djibouti): Frederic Roberts

5. Finland: Amb. Leo Olsvirta

6. France: Amb. Jean-Chirstophe Belliard

7. Germany: Nichael Biontino

8. Jaban: Amb. Hiroyuki Kishino

9. Italy: Amb. Renzo Rosso - Alberto Vecchi

10. Netherlands: Sjoerd Smit

11. Norway: Amb. Odd-Inge Kvalheim

12. Uk: John Marshall, Sean Cockburn

13. Spain: Jose Eugenio Thovar Loxano

14. Turkey: Amb. U. kenan Ipek- Elif Okutucu

15. USA ( Bilat )Amb. Donald Booth

16. Brasil: Amb. Isabel Cristina de Azvedo Heyvaert

 

DSC02517-600x450.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Dhinaca Weftigu waxay ka koobnayeen sidan:-

1. Ethiopia: Amb. Negash Kibret

2. IGAD Secretarial: Executive Secretary Ing. Mahboub Maalim

3. Belgium: Amb. Gunter Sleewagen

4. EU ( Djibouti): Frederic Roberts

5. Finland: Amb. Leo Olsvirta

6. France: Amb. Jean-Chirstophe Belliard

7. Germany: Nichael Biontino

8. Jaban: Amb. Hiroyuki Kishino

9. Italy: Amb. Renzo Rosso - Alberto Vecchi

10. Netherlands: Sjoerd Smit

11. Norway: Amb. Odd-Inge Kvalheim

12. Uk: John Marshall, Sean Cockburn

13. Spain: Jose Eugenio Thovar Loxano

14. Turkey: Amb. U. kenan Ipek- Elif Okutucu

15. USA ( Bilat )Amb. Donald Booth

16. Brasil: Amb. Isabel Cristina de Azvedo Heyvaert

 

All these guys came to meet one clan baa la yedhi. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

NGONGE;697372 wrote:
All these guys came to meet one clan baa la yedhi.
:D

Weftiga oo booqasho maalina ku joogaya wadanka waxa kulanka ka dib Hotel Mansour warbixin dheer ku siiyey Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta iyo Xubno kale.

Well what family does Siilaanyo come from and the so-called "foreign minister"??

 

So to answer you comment....they did!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waftigii ugu Tiradda ee Dalka soo Booqday oo Galabta soo gaadhay Magaaladda berbera.

 

Waftigan ayaa soo gaadhay magaalada berbera abaara (3.00pm)galabnimo waxaana hogaaminaayay xubno katirsan

Waxa manta galinkii danbe soo gaadhay xarunta Gobolka saaxil ee Berbera wafti balaadhan oo ka socda wadamada midawga yurub waxaana wehelinaayay waftiga oo la socday xoghayaha guud ee urur goboleed Igad ninka lagu magacaabo Eng.Maxbuub Macalin waftigan oo ka soo kicitimay wadanka Ethiopia caasimadiisa Adis ababa ayaa ku soo hakaday magaalo madaxda soomaaliland ee hargeysa iyaga oo halkaa kulan saacado qaatay kula yeeshay madaxweynaha soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) kadibna isla manta usoo dhaafay xarunta gobolka saaxil ee berbera.

 

Waftigan ayaa soo gaadhay magaalada berbera abaara (3.00pm)galabnimo waxaana hogaaminaayay xubno katirsan golaha wasiirada soomaaliland waxaana kamid ahaa wasiirka wasaarada arimaha debeda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka Dr SacadCali Shire waxaana waftiga madaarka caalamiga ah ee berbera ku qaabilay oo halkaa ugu sii diyaar ahaa Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)Duqa Degmada berbera Cabdalla Maxamed Carab.maareeyaha Dekeda berbera Axmed Yusuf Dirir. Wasiirka wasaarada kaluumeysiga Cabdilaahi Jamaac Cismaan(Geeljire) oo isagu hore usii joogay berbera kana soo horeeyay waftiga iyo dhamaan madaxda laamaha dawlada eek ala duwan Waftigan ka socday midawga yurub oo ka koobnaa(20)xubnood ayaa waxa wehelinaayay xoghayaha guud ee dawlada goboleedka Igad Eng. Maxbub Maxamed oo ka soo racay xarunta dalka Ethiopia ee adiss ababa waxaanay wateen laba diyaaradood oo mid iyaga waftiga ugaar aheyd ta labaadna waxa watay xubnaha wasiirada ah ee hogaaminaayay oo uu kaw ka ahaa wasiirka wasaarada arimaha debeda soomaaliland Dr Maxamed Cabdilahi Cumar waxaanay waftigani socdaalkooda saacada qaatay ku soo mareen dekeda weyn ee magaalada berbera halkaas oo uu maareeyaha dekeda berbera Axmed Yuusuf Dirir uu warbixino la xidhiidha dekeda iyo adeegyadeeda uu halkaa ku siiyay waxaanu maareeyuhu waftiga uga waramay taariikhda dekeda berbera iyo adeegyada ay bulshada gobolka ku dhaqan uhayso iyo waliba waxa ay ubaahantay in lagu soo kordhiyo

 

Wasiirka wasaarada arimaha debeda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo saxafada kula hadlay dekeda berbera dhexdeeda markii ay waftigu booqanayeen ayaa sheegay in waftigani yihgiin qaar wadanka ku yimi booqasho qaadaneysa hal maalin isaga oo sheegay in ay ka socdaan waftigani dhawr iyo toban dal oo ka tirsan wada mada reer galbeedka waxaana hadaladiisii kamid ahaa”waxa manta ina soo gaadhay wafti balaadhan oo ka socda wadamada reer galbeedka iyo wadamo kale oo caalamka katirsan waana safiirada wadamadaa ufadhiya adiss ababa waxaanay booqashadoodu qaadanaysaa hal maalin oo ay ku soo mareen magaalo madaxda dalka ee hargeysa iyo halka berbera waxaanay booqashadani ku timi wada shaqeynta ka Gobolka ee uu hogaaminayo urur Goboleedka Igad waxaanay xubnahani kasocdaan wadamada saaxiibka la ah urur Goboleedka Igad waxaanay waftigani dalkeena uyimaadeen in ay musaacido iyo in ay gacan ka geystaan hawlaha xaga horumarka ah eedalka socda oo ay doonayaan in ay gacan ka geystaan haday tahay dhinaca dhaqaalaha iyo haday tahay xaga horumarka tacliinta waxaananu aad iyo aad dawlad ahaan uga mahad celinaynaa wadamada saaxiibada la ah urur goboleedka Igad ee manta Safiiradoodu halkan socdaalka ku yimaadeen waxa kale oo aanu mahad ucelinaynaa xoghayaha guud ee urur Goboleedka Igad Eng. Maxbuub Maxamed oo xafiiskiisu yahay wadanka Ethiopia gaar ahaan magaalad Addiss ababa oo isaga iyo xafiiskiisa iyo haayadiisuba kaalin muuqata ka qaateen waxaanay arintani waftigu halkan ku yimi ka danbeysay safar ay dawlada soomaaliland kaga qeyb gashay shir ay qabteen urur Goboleedka Igad(Partner Forumes)aad iyo aadna

 

waxa aanu urajaynaynaa in ay arintani dhasho waxtar balaadhan iyo iskaashi dhexmara wadamada iyo soomaaliland rajo fiicana waanu ka qabnaa. arinta ugu weyn ee ay manta meesha uyimaadeena waa sidii ay soomaaliland iskaashi buuxa ula yeelan laheyd caalamka oo dhan

 

Xoghayaha guud ee urur goboleed Igad Eng. Maxabuub Macalin oo isna halkaa saxaafada kala hadalay ayaa waxa isna hadaladiisii kamid ahaa”sida uu wasiirkuba sheegay waxa aanu manta halkan u nimi in aanu ka qeyb qaadano horumarka waxaananu aragnay mashaariicda ay doonayso in ay hirgaliso wasaarada qorsheynta soomaaliland markaa waxa aanu halkan manta ukeenay wadamada la saaxiibka ah urur Goboleedka Igad in ay ka qeyb qaataan horumarkaa ka hana qaaday soomaaliland .

 

Xubnahan ka socday wadamada saaxiibka la ah urur goboleedka igad oo ubadnaa wadamada reer galbeedka ayaa waxa kala ahaayeen sidan.

 

1. Ethiopia-Amb. Nagash Kibret

 

2. Igad Secretarial Executive Secretary Mhbuob Malim

 

3. Belgium Amb. Gunter Sleewagen

 

4. EU(Djabouti)Federic Roberts

 

5. Finland Amb. Leo Olsvirta

 

6. France Amb. Jean Christoph Belliard

 

7. Germany Amb.Nichael Biontino

 

8. Japan Amb. Hiroyuki Kishino

 

9. Italy Amb.Renzo Rosso- Alberto Vecchi

 

10. Netherland Amb. Sjoerd Smit

 

11. Norway Amb. Odd Inge Kvalheim

 

12. Uk. John Marshal Sean Cockburn

 

13. Spain Amb. Jose Eugenio Thovar loxano

 

14. Turkey Amb. U.Kenan Ipek Elif Okutucu

 

15. Usa (Bilat)Amb. Donald Booth

 

16. Brazil Amb. Isabel Cristina de Azvedo Heyvaert

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Thankful;697468 wrote:
Well what family does Siilaanyo come from and the so-called "foreign minister"??

 

So to answer you comment....they did!

In that case, the clan is hoodwinking an amazing number of people and countries. Burcad-maskaxeed ayaan noqonay. Viva Siilaanyo! Would you admit it though? Adeer, waxa lagoo qaatay adigu ogolada SL in ay qaran tahay. The other option does not taste that nice nooh! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

NGONGE;697473 wrote:
In that case,
the clan
is hoodwinking an amazing number of people and countries. Burcad-maskaxeed ayaan noqonay. Viva Siilaanyo! Would you admit it though? Adeer, waxa lagoo qaatay adigu ogolada SL in ay qaran tahay. The other option does not taste that nice nooh!
:D

lol@Burcad-maskaxeed. Twenty years and still counting. In essence, you're saying SL as one clan qaran achieved this. Way to prove a point. Afkaa xaday wixii uurka ku jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ War labada dhinac ba waan ku faani kara lakin anigu (iyo qaar ka mida reer SL ba) waxaan dooranay inaan qaranka ku faano. Adigu se dhinac walba yaa ku dhibaa. Iska adkeeso, saaxib (ama wax fahan oo nago beer dee). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Aadba faantidee ma xumee so long your passport reads Somalia, your faan is futile. We on the other hand, don't live in an imaginary world. We see things for what they are in the real world. But don't let me ruin your fantasy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Warya nimaka SL where are the women in this government, and why are they all OLD men with white hair? Not a single women or young person, :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this