Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Allaha u naxariistee Sh. xasan Cadde oo Muqdisho ku geeriyooday

Recommended Posts

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Xasan Cali Calasow “Sheekh Xasan Cadde” oo ka mid ahaa culima’udiinka Soomaliyeed kuwooda ugu waaweyn iyadoo xukuumadda Soomaliyana ay tacsi u dirtay culimada Soomaliyed.

 

Sheekh Cali Maxamuud “Sheekh Cali Dheere” oo ay si weyn isu yaqaaneen Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Cadde ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Sheekh Xasan Cadde uu muddo 50 Sanadadood ah faafinta Culuunta Diinta Islaamka ka waday Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana wax ka bartay ayuu yiri in kabadan Sadex Boqol oo Culumo ah, kuwaas oo haatan iyaguna sii wada faafinta culmigii ay ka barteen Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Cadde.

 

“Allaha u naxariistee Sh. Xasan Cadde waxaa uu Cilmiga Diinta Islaamka ka soo bartay Sh. Maxamuud Sh. Muuse Cigalle oo awoowe u ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed, waxa uuna ahaa Sh. Xasan Cadde nin u go’ay faafinta Culuunta kala duwan ee Diinta” ayuu yiri Sh. Cali Dheere

 

Dhanka kale Wasiirka Garsoorka Awqaafta iyo arimaha Diinta C/llaahi Abyan Nuur ayaa tacsi u diray Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ehelada iyo qoyskii uu ka geeriyooday Sheekha, isagoo ku tilmaamay Sheekh Xasan Cadde in uu ahaa mid ku caanbaxay faafinta Diinta Islaamka.

 

Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Cadde ayaa u geeriyooday Xanuun in muddo ah hayay, Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this