Sign in to follow this  
Herer

Waar ninakani muxu ku hadley?

Recommended Posts

Herer   

Guddoomiye K/Xigeenka Baarlamaanka wadanka Kenya oo sheegay inaysan Somaliland ka Go'i karin Soomaaliya

 

Guddoomiye K/Xigeenka Golaha Baarlamaanka xukuumadda wadanka Kenya oo ku sugan wadanka Jabuuti, halkaasi oo uu uga qeyb galay shirka Baarlamaanada wadamada IGAD ee ku saabsan wadamada gobolka, gaar ahaan arrimaha dalka Soomaaliya, ayaa isagoo u waramayay idaacadda VOA-da waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan xal u helidda arrimaha wadanka Soomaaliya isla markaana looga bixi karo dhibaatada wadanka ragaadisay mudada 20-ka sano ah.

 

Xildhibaan Faarax Macallim oo su'aalo laga weydiinayay doorka wadamada IGAD ay ka qaadan karaan wax ka qabashada xaaladda wadanka Soomaaliya, ayaa meesha ka saaray in wadamada IGAD haba yaraatee aanay waxba ka qaban karin arrimaha dalka Soomaaliya, isla markaasina waxaa kale oo uu sheegay Md. Faarax Macallim in dalalka caalamka iyo shirarka Soomaalida ay ugu qabanayaan dalalka dibadda inaysan xal u ahayn dhibaatada ka taagan Soomaaliya.

 

Waxaa kale oo Guddoomiye K/Xigeenka Baarlamaanka Kenya uu ka hadlay go'aanka Golaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ay mudada ku kordhisteen, isagoo ku tilmaamay go'aankaasi inuu yahay mid dhibaato hor leh u horseedaya dadka iyo dalka, wuxuuna sheegay Xildhibaanada Soomaaliya shalay aanay dooran shacabka, sidaasi darteed ay ka haboon tahay inay go'aan kasta bulshada kala tashadaan.

 

"Somaliland kama go' karto Soomaaliya, ceeb bayna ku tahay inay aqoonsi u raadsadaan dalal shisheeye" ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macallim oo ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaalida ah in xalkooda uusan ku jirin shirar ay ku qabtaan wadamada beesha caalamka, isagoona ku booriyay dadka Soomaaliyeed inay iyagu ka tashadaan arrimahooda.

 

Mudanahaan ka tirsan Baarlamaanka wadanka Kenya balse dhalashadiisu Soomaali tahay, ayaa sheegay in xalka wadanka Soomaaliya looga fadhiyo hoggaamiyayaasha Soomaalida, iyo dhinacyada dagaalamaya inay iyagu meel iska dhigaan khilaafyadooda una soo jeestaan sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga samatabixin lahaayeen xaaladda adag ee ka taagan.

 

http://www.somaliweyn.org/pages/news/Feb_11/9Feb13.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   
"Somaliland kama go' karto Soomaaliya, ceeb bayna ku tahay inay aqoonsi u raadsadaan dalal shisheeye" ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macallim oo ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaalida ah in xalkooda uusan ku jirin shirar ay ku qabtaan wadamada beesha caalamka, isagoona ku booriyay dadka Soomaaliyeed inay iyagu ka tashadaan arrimahooda.

 

Ooouchhh!!!! That hurts!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Herer   

ninkani marku imi somaliland si fican aya lo so dhawayay from borame ila lascanood ruuntina hadalo wanagsan ayuu yidhi lakinse haday warkani ay ruun noqoto he is just another coward

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waar ninakani muxu ku hadley?

Ninkanu wuxuu ku hadlay af soomaali, wuxuuna ka hadlay inaan gaal laba jeer aqoonsi bixin,baryadana laga daayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Aaway dadkii Faarax ku dacaayadeynayey wuxuu ka shaqaynayaa gooni-isu-taagidda Waqooyi Galbee isagoo taageerona siinaya oo weliba ku andacoonayey inuu dhaqaale qaatay? lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

[quote name=

 

"Somaliland kama go' karto Soomaaliya' date=' ceeb bayna ku tahay inay aqoonsi u raadsadaan dalal shisheeye ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macallim

 

QUOTE]

Yawning at farah maalim's remarks!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this