Sign in to follow this  
The Zack

Somaliland: ONLF is helping the SSC in Kalshaale

Recommended Posts

The Zack   

:D

 

(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 08, 2011

 

(HNW) – Waxa magaalada Buhoodla Xalay Fiidkii lagu Aasay 16 qof oo ka mid ahaa Maleeshiyadii soo weesrartay Ciidamada Qaranka Somaliland shalay subax, iyadoo la sheegay inay ka soo qaybgaleen weerarkaasi kooxo ka tirsan Al-shabaab, ONLF iyo Ciidamo ka tirsan Puntland.

 

Dagaalkan oo ku bilaabmay weerar gaadmo ah oo Maleeshiyada Buhoodle ay shalay subax ku soo qaadeen ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay deegaanada Maygaagle, Hagoogane iyo Kalshaale ee aaga deegaanada Buhoodle ayaa waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo labada dhinac soo gaadhay, waxaana la xaqiijiyey in dhinaca Ciidamada Qaranka Somaliland ay kaga dhinteen 4 Askari, halka ay 12 Askarina ay kaga dhaawacmeen, 2 kalena la layahay.

 

Maleeshiyada Buhoodle ayaa la sheegay in dhinacooda ay dagaalkaasi kaga dhinteen 16 qof, 24 kalena ay kaga dhaawacmeen, 14 kalena Maxaabiis ahaan looga qabtay.

 

 

 

Dagaalkan oo ka dhacay Deegaanada Maygaagle, Hagoogane iyo Kalshaale oo ay Maleeshiyada Nabad-diidka Buhoodle ay Ciidamada Qaranku Eryadeen ilaa duleedka Buhoodle ayaa ilo wareedyadu intaa ku dareen in Maleeshiyo ka tiran Puntland ay dagaal kale oo weerar ah ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay Jiida Gambadha ee xadka Tuka-raq ee gobolka Sool, halkaas oo la sheegay in ciidamadu iska Caabiyeen Maleeshiyadii soo weerartay.

 

“6:30-kii subaxnimo ayaa ciidamo faro badan oo PM-yo, Madaafiic iyo Taangiyo wata ayaa na soo weeraray waana niman Somaliland diid ah, waxaanay wateen Al-Shabaab iyo dad kale oo noocyo badan, dagaalkuna shan sacadood buu socday, afar Askari wey naga dhinteen 12-na wey dhaawacmeen, afar iyo toban Maxbuus waanu ka haynaa, markii aanu eryanay ee Buuhoodle gudaheeda ay galeena waanu ka soo noqonay, nabad diidku waa kuwa sheegtay SSC ee Buuhoodle jooga, haday nimankaasi dadku iska saari waayaan dhibaatadeedu wey badan doontaa, dad shicib ahi Taangiyo iyo Atalari ma wataan, raga hubka ku dagaalamaya waa la garanayaa cida ay yihiin.”

 

Sidaasi waxa yidhi Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani Oo La hadlayey Warbaahinta.

 

 

 

Dhinaca kale Chief Caaqil Maxamuud Cumar Camay oo ka mid ah isimada reer Buuhoodle oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay xalay isaga oo jooga Buuhoodle, ayaa Wargeyska Haatuf u xaqiijiyey, isla markaana qiray in Dagaalkaasi Maleeshiyadooda Buhoodle ay kaga dhinteen 13 qof, kagana dhaawacmeen 24 qof, halka dhamaantoodna la keenay magaalada Buhoodle, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Labada dhinacba dhimashadu way badan tahay, xaga Buuhoodle waxa la keenay 13 Meyd ah iyo labaatameeye dhaawac ah, dagaalku wali ma joogsane casarkiibaa la kala nastay, dagaalku waxa uu ka dhacay gudaha Hagoogane ee Ciidanka Qaranku fadhiyey, PM lama ridin ee ciidanka qaranka ayaa iyagu hub kasta nagu riday, markii dambe ayaa iyagana lagu riday Madaafiic, laakiin qori PM ah oo lagu riday ma jiro, meel lagu ridaba ma hayno, SSC ma jirtee cida dagaalamaysaa waa ***********, arintuna Habar-*****iyo *********** ayuun bay taagan tahay, dagaalkan sida loogu talo galay sanad buu socanayaa mana qabo inuu joogsanayo”.

 

Dhinaca kale ilo aanu ka helay deegaanka Buhoodle ayaa noo xaqiijiyey in dagaalkaasi ay Maleeshiyada Nabad-diidka Buhoodle ay soo qaaday uu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminayey Abokor Sulub Dhabdhable oo ahaa muddo Dheer Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo la sheegay inuu ka dhex muuqday isaga iyo dirawalkiisii oo lagu magacaabo Cismaan Caato.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Intii dhimatay alle ha u naxariisto inta gardarada ku socotana alle ha ka qabto umadiisa...

 

S/Land militia cries laud for just one buttle lost.. I even have seen website reporting that s/malitia clamining that angles with white clothes fought against them... What a cry.

 

Alshabaab, Siyad Bare clan, ONLF and puntland baa nala dagaalamay waa calaacal. Waxa la dagaalamay waa local people just around Buhodle district not even the whole people in Cayn region let alone other SSC regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

A-Khadar LOOOOOOOOOOOOOOOL@angels fighting against them... War nimanka ma daraawiishtii baa heshay?

 

Blaming Puntland and the ONLF won't stop the SSC from freeing their lands.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dagaal faaiido malaha, dhimasho iyo qaxootinimo lee laga helaa. Dhulka dadka leh haloo daayo, xoog cidina wax loogama qaadaayo. AUN intii dhimatey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Somalina, well said. No entity can force another entity to its ideology. Somaliland wants to secede from Somalia and SSC doesn't want to be part of that secession. I say Somaliland shouldn't force SSC to what Somaliland itself wouldn't accept.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Yaa intaa fahansiiya qaar badan oo halkan ku jira. I sometimes wonder why a single one of them hailed from s/land never condemn this aggression.. War odayaal ,waxgarad iyo culima malaha miyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Culimada and wax garadka do blame any aggression against the people of SSC, trust me sxb. The admin there is just crazy and that is pretty much it. Also, the few propagandists in SOL don't represent the entire community.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

A_Khadar;693784 wrote:
Yaa intaa fahansiiya qaar badan oo halkan ku jira. I sometimes wonder why a single one of them hailed from s/land never condemn this aggression.. War odayaal ,waxgarad iyo culima malaha miyaa?

They are blinded by their sheer arrogancy - their comments even now ooze with arrogancy, self importancy and yet wonder why anyone would pick up a gun to fight them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

Malika;693836 wrote:
They are blinded by their sheer arrogancy - their comments even now ooze with arrogancy, self importancy and yet wonder why anyone would pick up a gun to fight them.

It is the nature of the somalis that when ever they are defeated they cry and say, Oh we are being overwhelmed by two clans or they straight forward start abusive and vulgur language!

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

A_Khadar;693784 wrote:
I sometimes wonder why a single one of them hailed from s/land never condemn this aggression.. War odayaal ,waxgarad iyo culima malaha miyaa?

Xaglatoosiye and his mislead ssc militia have been condemned on more than one occasion.

 

P.S I thought you were gagging for war and were celebrating a so-called victory, maxaa ibadelay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

AYOUB;693861 wrote:
Xaglatoosiye and his mislead ssc militia have been condemned on more than one occasion.

 

P.S I thought you were gagging for war and were celebrating a so-called victory, maxaa ibadelay?

Have you ever done a self evaluation to your own Ayubow? Xaglatoosi is defending his own town/properties from your militia to not loot while your Silanyo is invading to a city he has no business just to advance his madness blood thirst project and you so supportive of that, are you not? So who is the misled one here, me or you? I never celebrated over the lost of other somali/muslim lives unlike you and if factory is talked, Buhodle/ssc is victories, nothing has changed on that but again I am saddened on the lost of lives on both sides and not overjoyed for it if that is what you expected me to do.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this