Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Cargo Plane Crew Released ,, Somaliland says Cargo to be Handed Over to the UN

Recommended Posts

Xukuummada Somaliland Oo La Wareegtay Saanadii Military Ee Saarnayd Dayuuradii U Socotay Puntland, Sheegtayna Inay Ku Wareejinayso Qaramada Midoobay

 

 

Hargeysa(HWN):-Waxa maanta Ka duushay Magaalada Hargeysa Diyaaradii saanada Military u siday Maamul goboleedka Puntland, kadib ay bixisay dayuuradaasi lacagihii ganaaxa ahaa ee ay maalintii Khamiista ee aynu soo dhaafnay Maxkamada Gobolka Hargeysa ku xukuntay, iyada oo xukuummada Somaliland la wareegtay agabkii iyo saanadii military ee saarnayd dayuuradaasi.

 

Alaabtan ay dayuuradu siday oo Kartoono ku jiray waxa la wareegay Wasiirada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,Arrimaha Gudaha Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, Duulista hawada Maxamuud Cabdi Xaashi iyo saraakiil kale oo ka socday hay’adaha amaanka Somaliland.

Xukuummada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay agabkii saarna Dayuuradii oo ahaa saanada Military inay ku wareejinayaan Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo arrintasi sharaxaad ka bixinayana waxa uu yidhi“Waxaanu doonayna inaanu halkan ku soo afjarno, oo Diyaaradii iyo dadkii watayba waanu fasaxnay, Maxkamada Somaliland ayaa fasaxday oo sifo sharciga waafaqsan u martay, Qalabkii ay siday [Dayuuradu] oo mandaqadan mamnuuc ka ahaa waxa si ku meelgaadh ah gacanta ugu haya xukuummada Somaliland oo la wareegtay waxaanan ku wareejinayna jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa, Golaha u qaabilsan amniga, isla markaana shacabka iyo xukuumada Somaliland ay ka mid yihiin Adduunka ayna ilaaliyanaa Qawaaniinta Caalimiga ah ee ay dunidu sida Guud u wada leedahay, qalabkaas oo ahaa mid mamnuuc ka ahaa Gobolka wareejinayaa qaramada midoobay Golaheeda nabadgeyada oo horena u hayay dacwadada arrintan”

Waxa kale oo ay xukuumaddu sheegtay inay maanta sii daysay lixdii duuliye ee watay diyaaradaasi oo dhalashadoodu ahayd Ruush oo siday sheegeen iibsaday xukunkii Maxkamaddu khamiistii ku riday ee ahaa min hal sano oo xadhig ah iyo min sadex malyan oo sh Sl ah.

“Waxa madaarka Hargeysa dhawaan timid diyaarad saanad milatari u siday maamulka Punland, markii ay madaarka soo gaadhayna waxa hawl wadeenadda madaarku iyo ciidanka ammaanku ay ka guteen waajibaadkoodii qaran, markii ay arkeen dadkii iyo waxii saarnaana waxa ay ******** in alaabta diyaarada saarani ay tahay alaab u baahan baadhitaan. sifaha ay dalka ku soo gashay, waxa ay sido iyo waxa qoraal ahaan ku qoran warqadaheeduna ay kala duwanaayeen. taaasi oo jabisay qawaaniintii hawada iyo kuwa Caalamiga ahba.Waxa ay xukuumada Somaliland go’aansatay in ay arrintaas la socod siiso Golaha ammaanka, waxay noo soo direen guddi xaqiiqo raadis ah, Gudidaasi waxa ay cadaysay in dayaaradani ay jabisay xeerkii tirsigiisu ahaa 733 ee ka soo baxay Golaha Amaanka, waxa kale oo cadaatay in ay jabyeen qawaaniinta Somaliland, intaasi ka dib waxa ciidanka ammaanku dacwad u gudbinay Maxkamada Gobolka, waxa ay si madax banaan u gudo gashay dhagaysiga dacwadaas,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shirjaraa’id ku qabtay maanta ku qabtay Madaarka Hargeysa, waxaana goob Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Duulista Hawada, Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka iyo Taliyaha ciidanka Booliska

Isaga oo hadalkiisa sii watanaw axa uu yidhi “Waxay ka soo saartay go’aano isugu jira ganaax iyo xadhig oo lagu riday dadkii iyo dayaaradiiba, dadkaasi asalkoodu waxa ay u badnaayeen wadanka Ruushka. Waxa hore loo sii laba saxafi oo diyaarada rakaabka ka ahaa.”

Mar uu Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi ka hadlayey sida lagu sii daayey ragaasi, waxa uu yidhi“Maxkamadu markay nimkaas xukumaysay waxa ay u jidaysay inay xadhigooda iibsan karaan. Xadhigoodii iyo ganaaxoodiiba way bixiyeen iyo kii dayaaradaba sidaasi darteed xukuumaddu way fulisay go’aanka maxkamadda waana ay sii daysay lixdii nine ruushka ahaa iyo diyaaradiiba waa ku waa imika tagay ee madaarkan ka duulay iyaga oo bad qaba laguna sii daayey go’aan Maxkamadeed,”.

Dayuuradan maanta ka duushay gegeda diyaaraha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu qabtay Garoonka diyaaradaha 10/12/2010, waxaana la sheegay inay dayuuradani siday dharka iyo Kabaha Ciidanka iyo qalabka lagu baadho Miinooyinka, Waxaana magaalada Hargeysa u yimid khubaro ka socday Qaramada midoobay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mayaani   

Dowladeey xaal qaado, dhar huudhey askar loogu talagaley baad meelaha la qaylinayseen. Saanad milatery baan qabsanay baad faafiseen hadan waxay isugu soo biyo dhuratay xooga dhar ah. Kuwiina halkaan SOL ka hadla malaa war haynin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

wait till the UN tells them there nothing wrong with havimg a uniform, maybe SL should learn something from PL and buy their own uniforms instead of begging the UN for handouts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good move. The whole fiasco was unecessary and now all the secessionst in SOL including their guru NG in residence (until Oodwayene comes back) must tell us how to spin this. :P

Share this post


Link to post
Share on other sites

bilan;684799 wrote:
wait till the UN tells them there nothing wrong with havimg a uniform, maybe SL should learn something from PL and buy their own uniforms instead of begging the UN for handouts.

LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this