Sign in to follow this  
General Duke

Tarzan Champions in Garowe.. remmeber this moment: PIC

Recommended Posts

Somalina   

General Duke;684572 wrote:
IMG_5560.JPG

Great photo! I will save this and add it to my collection. Good work Sheik Sharif for ending the year with a BANG!

Tarzan looks good! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Stop hating! Sharif will be lifting that cup at Aden Adde International Airport very soon.

 

He sent Tarzan to represent him, very diplomatic and mature president. Stop hating ok.

 

Faroole buun buuni, waxba kuma oranaayo. Laakiinse Sharif ha ku soo ooynin. He is the man! his team are the CHAMPIONS!

I think you need to read your script, I dont have one waayo never needed one, improv is my middle name odeyahow. Go read your script again. Better yet huddle up with your little skinnies to come up with a better response. lol...

 

Happy New Year GD. Let us continue our battle tomorrow. Maanta waa maalin weyn for reer Banadir, and all of Somalia. :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indeed today is a big day. Its a day when thousands of Somali's ended a historic tournament held in the beloved capital of Puntland & that city for all Somali's Garowe..

 

Where else could a local team lose and the crowed clap, chant and embrace the winners with open arms.

 

This is the dawn of a new Somalia, insha Allah.

 

Happy New Year sis, and I look forward to educating you a bit more..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gababadii Madxweyne Farole koobka gudoonsiiyey Cayaaryahanada Gobolka Banaadir,waxa kele oo Bilado & Shahaado sharfayo gudoonsiiyey qaybaha warbaahinta oo cayaaran tabaniyey intii ay socdeen.

 

Gobolka Banaadir ayaa markay munaasabadani oo ka dhacday qaybata VIP-da ee Garoonka Mire Awaare waxay cayaaryahandeedu bilaabeen dabal deg iyagoo wata Koobkan oo aad quruxbadnaa waxayna ku wareegeen iaygoo faraxsan guud ahaan daafaha Garoonka Iyadoo aan marna daawada yaasha Garoonku aysan joojin Sacab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;684596 wrote:
Stop hating! Sharif will be lifting that cup at Aden Adde International Airport very soon.

 

He sent Tarzan to represent him, very diplomatic and mature president. Stop hating ok.

 

Faroole buun buuni, waxba kuma oranaayo. Laakiinse Sharif ha ku soo ooynin. He is the man! his team are the CHAMPIONS!

I think you need to read your script, I dont have one waayo never needed one, improv is my middle name odeyahow. Go read your script again. Better yet huddle up with your little skinnies to come up with a better response. lol...

:) :) :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Puntland Waxaan ku Arkay Hogaan Iyo Shacab Midaysan Waana Mida Naga Maqan”Godomiyaha Gobolka Banaadir.

Posted by Ali on January 1st, 2011

 

Garowe(Puntlandi.com);- Godomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmad Nuur Tarsan ayaa kawaramay waxyaabaha farxada galiyay ee uu ku arkay deegaanada Puntland intii uu ku sugnaa.

 

Tarsan ayaa sheegay in uu rumaystay amaanka iyo hormarka kajira deegaanada Puntland waxaana uu sheegay in ay joogaan dad nabada jecel mamulkoodana u hogaansan .

“Puntland waxay haysataa mamul iyo shacabka oo midaysan waana mida anaga naga maqan waxaana shacabka koonfureed u sheegayaa in ay ku daydaan hormarka iyo amaanka kajira deegaanada Puntland ayuu hadalkiisa raaciyay Tarsan.

Godomiyaha ayaa sheegay intii uu ku sugnaa Galkacyo iyo Garowe in dhagihiisa aysan maqal waxyaabaha naxdin galiya waxaana uu sheegay in uu arkayay mamul iyo shacab isku duuban oo hawsha isla wada.

Ugu danbay*Tarsan waxaa uu mahad aan la soo koobi karin u jeediyay hogaanka Dawlada Puntland sida sharafta ku dheehantahay ee ay u marti qaadeen Ciyaariyahanada Gobolada dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

*

 

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir islamarkaasna ah Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa Deegaanada Puntland kana qeybgalay Daawashada ciyaarihii u danbeeyey ee Dalka ayaa sheegey in Mudadii uu joogay Deegaanada Xasiloon ee Puntland uu arkay Waxyaabo uusan filaynin.

 

Tarsan wuxuu sheegey in soo dhaweymihii loogu sameeyey meelihii tagay ay ahaayeen kuwo uusan marna filaynin,waxaana uu sidoo kale Sheegey in Qaarkamid ah Asxaabtiisu ay ka codsadeen in uusan Puntland u safrin balse uu ka diiday islamarkaasna uu taas badalkeeda Puntland ku arkay Soo dhaweyn uusan marna filaynin,waxaana uu sheegey in Dadka reer Puntland ay yihiin kuwo ka fog Qabyaalad la dhexdhigo Soomaalida.

 

“Markii aan soo tagay Asxaabtaydu waxay I dheheen,War Puntland cadow badan oo aad leedahay ayaa jooga,waa meel ay dadkeedu ku necebyihii,Hadii aad tagtidna Waa lagu mishimayaa oo waad dhimanaysaa,balse Anigu marna kama laaban go’aankaygii ahaa Imaansha,Waxaana la kulmay soo dhaweyn aad u wanaagsan,anoo u imid Shacab & Dawlada isku kalsoon”Ayuu yiri Tarsan oo maanta ka dhoofayey Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Tarsan oo horey u ahaa Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,isalamarkaasna Xildhibaanimadiisa ka hor ahaa Taageerayaasha madaxweyne Shariif Waqtigii uu madaxda u ahaa Golihii maxaakimta Muqdisho & Isbahaysigii Casma uu kulahaa Wadanka Igiriiska (UK) wuxuu ahaa Abaabulayaasha banaanbaxyo ka dhan ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane,Cabdullaahi Yuusuf Axmed,Waxaana uu digniinta ay Saaxiibadiis siiyeen uu sheegey in ay la xiriirtay Mucaaradkii uu waqtigaas ahaa,balse Wuxuu sheegey in dadka reer Puntland ay ka caafimaad qabaan Cadiifad qabiil islamarkaasna ay soo dhaweeyeen.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this