Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Ururka Midowga Yurub oo sheegay inay kordhinayaan muddada ay tababarka siinayaan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya

 

Jimco, May 06, 2011 (HOL) - Ururrada Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa sheegay inay kordhiyeen muddada ay tababarka siinayaan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in muddo kordhinta lagu dhawaaqi doono dhammaadka bishan.

 

Muddo kordhinta tababarkan ayaa yimid kaddib markii ay kulammo ku yeesheen xubno ka socday Midowga Afrika iyo Midowga Yurub magaalada Baraasalis ee xarunta dalka Biljamka oo xarun uu ku leeyahay Midowga Yurub.

 

Howlgalka Midowga Yurub ee lagu tababarayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ee ka socda dalka Uganda ayaa dhammaanaya bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo weli ay socdaan tababarro ay saraakiisha Midowga Yurub siinayaan laba guuto oo ka tirsan ciidamada DKMG ah.

 

Tababarkan ayaa kasii socon doona dugsiga tababarka ee ku yaalla dalka Uganda, kaasoo ay leeyihiin ciidamada dalka Uganda, iyadoo la sheegay in ciidamada la tababarayo looga fadhiyo inay soo celiyaan nabadda Soomaaliya.

 

Xilli kordhintan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan Midowga Yurub ay sheegeen inay joojinayaan dhaqaalaha ay siiyaan DKMG ah iyo ciidamada AMISOM haddii aan la ogolaan doorasho dalka ka dhacda inta aan la gaarin bisha Ogoosto oo xilliga dowladda uu ku eg-yahay.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

G/sare Muun-Gaab:-“Ma Dhici Doonto Gacan Ku Dhiigle Ku Dhex Dhumanaya Muqdisho Gudaheeda”

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda qalabka sida G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)ayaa Wacad ku maray in mar uun lasoo qaban doono kooxo dambiilayaal gacan ku dhiiglayaal ah oo uu sheegay inay ku dhex dhuumanayaan Deegaano ka tirsan goobaha ay dowlaadu ka taliso.

 

“Waxaad ogtihiin inay yaraadeen iskudhacyadii dhexmari jiray ciidamadda dowlada oo qasaaraha keeni jiray inkastoo ay mar mar wax dhacaan hadana waxaan laba jibaari doonaa sidii aan sharciga ugu qaadi laheyn qofkii dila cid aan waxba galabsan ama sharci darro ku toogta” ayuu yiri G/sare Muungaab.

 

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in aysan suurta gal ahayn askari gacan-ku dhiiigle ah uu u baxsadao isla deegaan ay dowladu maamusho sida buu yiri in askari ka tisan guutada 1aad oo wax dilay uu u fakado guutada 3aad ama mis xamarweyne dambi ka geystay uu ku dhuunto waaberi.

 

“Waxaan u mahadcelinayaa doorka ama gacanta ay holaheena naga siiyaan madaxda xukuumadda sida wasaaradaha amniga,gudaha iyo talisyada Ciidamadda oo marka xasarad dhacdo dhinacooda ka guntada taasoo noo sahleysa in lahor keeno cadaaladda kii faldambiyeed sharci darro ah geystay”ayuu yiri Md. Muungaab oo tan iyo markii xilkaa loo magacaabay isbedel weyn laga dareemay falalkii amni daro ee ka jiray magaalada Muqdisho kwaasoo badankood lagu eedeeyn jiray nay ku lug leeyihiin Ciidamadda Dowladda.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Madaxweyne Shariif oo safar degdeg ah ugu baxay wadanka Jabuuti

 

Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Air Port waxaa saakay ka ambabaxay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, waxaana socdaalka Madaxweynaha oo ku wajahan dalka Jabuuti ay ka mid ah wafdigiisa xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda KMG ah, iyadoona garoonka ay ku soo sagootiyeen madax ka tirsan Dowladda.

 

Socdaalka Madaxweyne Shariif ee wadanka Jabuuti ayaa ku saabsan kaddib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa wadanka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dhowaan xaflad lagu caleema saarayo ay ka dhaceyso wadankaasi.

 

Dhinaca kale Dowladda wadanka Jabuuti ayaa dalkeeda ku casuuntay inay ka soo qeyb galaan xafladda lagu caleema saarayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii dhowaan ka dhacday wadankaasi.

 

Qabanqaabo iyo diyaar garow aan hore loo arag oo ka socda wadanka Jabuuti, gaar ahaan munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoona ay ka soo qeyb gelayaan madax, diblomaasiyiin, wadanka saaxibka dhow la ah dowladda Jabuuti, iyo waliba hoggaamiyeyaal Afrikaan ah, kuwaasi oo iyagu khudbado kala duwan ka jeedinaya munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Geelle.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo dacwad lagu soo oogayo

 

Xildhibaanada_soomaalida.jpg

 

Guddiga amniga Qaranka Dowladda KMG ah ayaa eegaya isla markaana ka tashanaya sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhaqdhaqaaqyo ay Muqdisho ka wadaan Xildhibaanno qaarkood horay uga tirsanaa hoggaamiye kooxeedyadii gabalkoodu dhacay.

 

Beryahaan warbaahinta Soomaalida ku soo batay Xubno ka tirsan golaha baarlamaanka uu fadhigoodu yahay Muqdisho, oo eedo kulul u soo jeedinaya Xubnaha ugu sarreeya dowladda, gaarahaan Madaxweynaha iyo Raisalwasaaraha, eedaymahaasi oo qaarkood ayba ku sheegeen in Madaxweynaha iyo Raisal wasaaruhuba ay xiriir hoose la leeyihiin Xarakada Alshabaab oo dagaal kula jirta dowladda KMG iyo eedeymo kale.

 

Sidoo kale Xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa Madaxweyne Shariif iyo Xukuumaddaba ku eedeeyey, iney wadano dibedda ah oo ay kamid yihiin Suudaan iyo isutaga Imaaraadka Carabta u tageen si ay uga soo baryeystaan lacago ay doorashada soo socota ku laaluushaan xubnaha baarlamaanka si ay u sii joogaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

 

Dembiyada Xildhibaanadani ay galeen oo ka soo burqanaya Xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa ah kuwo aad u culus oo haddii caddeyn loo waayo keeni kara xukuno aad u adag, waana arrintaas mida ay Guddiga Amniga Qaranka oo ay kamid yihiin Madaxweynaha iyo Raisal wasaaruhu ilaa xalay ka shirayeen si ay isula meel dhigaan arrimahaan ku soo kordhay oo ay wadaan hoggaamiye kooxeedyada Xildhibaanada laga dhigay.

 

Sharciga sida uu qabo Xildhibaanada Qaranka ayaa leh mudnaan ah in aan la xiri karin, haddii uusan Xildhibaankaasi gelin dembiyo la cayimey oo ay kamid yihiin; 1- khiyaamo Qaran sida: bixinta sirta qaranka, la shaqeynta cadowga dalka, iyo is-hortaagida howsha qaranka sida kicin dadweyne oo ku qotoma hami siyaasadeed iyo owr kacsi dan shaqsi ah laga leeyahay.

 

Xildhibaanka waxaa mudnaanta looga qaadi karaa sida uu sharcigu dhigayo inuu bulshada dhexdeeda ku faafiyo qoraallo iyo hadallo been-abuur ah oo lagu waxyeeleynayo qaranimada iyo madaxbanaanida dalka, laguna xididda siibayo xukuumad sharci ah ee xilligaas taagan, iyadoona eedeymahaasi xitaa ay suuragal tahay inuu ku lug yeesho Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isagu hoggaanka u haya dhinaca bidix ee ka horjeeda Xukuumadda.

 

Hey'adaha garsoorka Dowladda KMG ah ayaa ah kuwo haatan dhismahooda la dhameys tiray, waxayna bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay ku gudanayaan waajibaadkii loo igmaday, iyagoo la tashiyada haatan u socda Guddiga Ammaanka Qarankuna uu salka ku hayo sidii fulinta Sharciga loogu bilaabi lahaa Xubno ka tisan baarlamaanka oo 20-kii sanadood ee la soo dhaafay aan hal habeena ku seexan in sharciba uu qabto, iyadoo Dowladda KMG ah awood ku hor istaagtay dibadbaxyo ay ka qabanqaabinayeen magaalada Muqdisho.

 

Warar hoose oo aanu ka heleyno ilo diblomaasiyadeed lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya inuu jiro liis u Qoran Guddiga Amniga Qaranka oo ay kamid yihiin tiro Xildhibaano ah, liiskaasi oo taliyayaasha Nabadsugidda iyo Booliiska lagala shiray, waxaana adag in la ogaado magacyada ku qoran Liiskaas iyo goorta la qaadi doono howl-gallada intaba, waxaana idiin soo gudbin doonaa hadba wixii warar ah ee nagu soo kordha.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Guddiga amniga Qaranka ee dowlada Somalia ayaa ka fiirsanaya talaabo laga qaado xildhibaano ka tirsan Baarlamanka oo lagu eedeeyey

 

Guddiga amniga Qaranka Dowladda Somalia ah ayaa ka fiirsanaya sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhaqdhaqaaqyo ay Muqdisho ka wadaan Xildhibaanno qaarkood horay uga tirsanaa hoggaamiye kooxeedyadii hore, kuwaasoo ku howlan shirar iyo kulamo ka dhan ah dowlada.

 

Warbaahinta Soomaalida waxaa ku soo batay Xubno ka tirsan golaha baarlamaanka uu fadhigoodu yahay Muqdisho, oo eedo kulul u soo jeedinaya Xubnaha ugu sarreeya dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raisal wasaaraha, eedaymahaasi oo qaarkood ayba ku sheegeen in Madaxweynaha iyo Raisal wasaaruhuba ay xiriir hoose la leeyihiin Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda.

 

Sidoo kale Xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa Madaxweyne Shariif iyo Xukuumaddaba ku eedeeyey, iney wadano dibedda ah oo ay kamid yihiin Suudaan iyo isutaga Imaaraadka Carabta u tageen si ay uga soo baryeystaan lacago ay doorashada soo socota ku laaluushaan xubnaha baarlamaanka si ay u sii joogaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

 

Dembiyada Xildhibaanadani ay galeen oo ka soo burqanaya Xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa ah kuwo aad u culus oo haddii caddeyn loo waayo keeni kara xukuno aad u adag, waana arrintaas mida ay Guddiga Amniga Qaranka oo ay kamid yihiin Madaxweynaha iyo Raisal wasaaruhu ilaa xalay ka shirayeen si ay isula meel dhigaan arrimahaan ku soo kordhay oo ay wadaan hoggaamiye kooxeedyada Xildhibaanada laga dhigay.

 

Sharciga sida uu qabo Xildhibaanada Qaranka ayaa leh mudnaan ah in aan la xiri karin, haddii uusan Xildhibaankaasi gelin dembiyo la cayimey oo ay ka mid yihiin; 1- khiyaamo Qaran sida: bixinta sirta Qaranka, la shaqeynta cadowga dalka, iyo is-hortaagida howsha qaranka sida kicin dadweyne oo ku qotoma hami siyaasadeed iyo owr kacsi dan shaqsi ah laga leeyahay.

 

Xildhibaanka waxaa mudnaanta looga qaadi karaa sida uu sharcigu dhigayo inuu bulshada dhexdeeda ku faafiyo qoraallo iyo hadallo been-abuur ah oo lagu waxyeeleynayo qaranimada iyo madaxbanaanida dalka, laguna xididda siibayo xukuumad sharci ah ee xilligaas taagan, iyadoona eedeymahaasi xitaa ay suuragal tahay inuu ku lug yeesho Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isagu hoggaanka u haya dhinaca bidix ee ka horjeeda Xukuumadda.

 

Hey'adaha garsoorka Dowladda ayaa ah kuwo haatan dhismahooda la dhameys tiray, waxayna bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay ku gudanayaan waajibaadkii loo igmaday, iyagoo la tashiyada haatan u socda Guddiga Ammaanka Qarankuna uu salka ku hayo sidii fulinta Sharciga loogu bilaabi lahaa Xubno ka tisan baarlamaanka, iyadoo Dowladda ah awood ku hor istaagtay dibad baxyo ay ka qabanqaabinayeen magaalada Muqdisho.

 

Warar hoose oo aanu heleyno ilo ayaa tibaaxaya inuu jiro liis u Qoran Guddiga Amniga Qaranka oo ay ka mid yihiin tiro Xildhibaano ah, liiskaasi oo taliyayaasha Nabadsugidda iyo Booliiska lagala shiray, waxaana adag in la ogaado magacyada ku qoran Liiskaas iyo goorta la qaadi doono howl-gallada intaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Wafdi uu horkacayo Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Farmaajo oo maanta u duulay magaalada New York ee dalka Maraykanka

 

51442_15133_farmaajo.jpg

 

Duhurnimadii maanta ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho ka duulay wafdi balaaran oo uu hogaaminayo raisul wasaaraha xukuumada Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo ku sii jeeda magaalada New York ee dalka Maraykanka.

 

Afhayeenka xukuumada Somalia Ing. C/raxmaan Yariisow oo ka mid ah xubnaha wafdiga raisul wasaaaraha ayaa u sheegay warbaahinta ka hor inta aysan ka duulin garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ujeedada safarka RW Farmaajo iyo wafdigiisa ay tahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen shir golaha amaanka ee QM uu ka yeelanayo xaalada Somalia inta u dhexeysa 10-11-ka bishan.

 

“Raisul wasaaraha waxaa u qorsheysan inuu khudbad ka jeediyo kulankaasi isagoo warbixin ka siin doona golaha amaanka xaaladaha Somalia, gaar ahaan guulihii ay dhowaan ciidamada dowlada Somalia ka gaareen dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood oo deegaano badan looga qabsaday Al-shabaab iyo arimo kale oo ku saabsan Somalia” ayuu yiri Afhayeenka xukuumada Somalia Ing. C/raxmaan Yariisow.

 

Dhinaca kale waxaa isna maanta ka duulay magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayo raisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlada Somalia C/weli Maxamed Cali iyagoo ku sii jeeda dalka Turkiga halkaasoo ay kaga qeyb geli doonaan shir caalami ah oo looga hadlayo sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha wadamada soo koroya sida wasiirku sheegay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Uganda to send 4,000 additional troops to Somalia .

 

Ambassador of Uganda to Ethiopia, Mull Sebujja Katende, said that his country plans to send 4,000 more troops to Somalia following the request from AU and TFG.

 

Ambassador Katende said that the troops would strengthen the African Union Mission in Somali (AMISOM) and TFG in fighting against the insurgents being supported by external anti-peace forces.

 

“The situation in Somalia is not only the problem of the Somali people but it is also a problem of the whole African continent and that is why my government is going to send more troops in that country,” he said.

 

Uganda has a large number of troops that give support for the United Nations backed Somalia’s Transitional Federal Government (TFG) and African Union Mission in Somali (AMISOM).

 

Africans and the international community need to pay due attention to the situations in Somalia and step up efforts to stop anti-peace groups that undermine peace in the country, he said.

 

The TFG blames the Eritrean government for arming, financing and providing logistic to the Al Qaida linked Al Shabaab to undermine peace and security in the Horn of African country.

 

Al-Shabaab supported by the Eritrean government is currently deterring efforts of Ethiopia, Burundi, Uganda, Nigeria and other peace loving countries to bring stability in Somalia, he said.

 

Al Shabaab also receives strong support from Al-Qaida, he said, “and the death of its leader Osama Bin Laden is a good news for the world in general and the Horn of Africa in particular in weakening Shabaab’s evil acts.”

 

“Al-Qaida was behind the bomb blasts that occurred at various times in Tanzania, Ethiopia, Kenya, and Uganda,” he added.

 

The strength of Al-Shabaab is directly linked to Al-Qaida and the death of bin Laden would mean a lot in assisting the efforts being made to fetch peace in Somalia, he concluded.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Leezu   

Peace loving country "Ethiopia"? hahah funniest comment I've ever seen. This Ugandan ediot just shows his loyalness to the West by adding such comments. If Ethiopia is nominated as peace loving country than maybe Idi Amin is a peace loving leader from Uganda. Ethiopia is the one fueling the war in Somalia and fighting against reliberation of Somalia. Uganda clearly has an agenda like every other country in East Africa have for Somalia.

Al Shabaab is also funded by USA through Ethiopia and also TFG so fueling both sides somehow is the medicine for peace in the African Bantu mind.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiirka boostada oo booqday dhismayaasha Safaarada iyo Qunsuliyada Soomaaliyeed ee magaalada Roma

 

wasrirsafarad.jpg

 

Wefdigii uu hogaaminayay Wasiirka Warfaafinta Boostada & Igaarsiinta dalka Soomaaliya Dr. Cabdi Kariin Xasan Jaamac, Ambassador Nur Cadde iyo Axmed Sh. Yusuf Guled ayaa booqday dhismihii Safaarada iyo Qunsuliyada Soomaaliya ee magaalada Roma, dalka Talyaaniga.

 

Dhismaha safaarada oo ahaa qasri afar dabaq ah oo aad u qurux badan hase yeeshee uu ka muuqdo dayactir la'aan, ayaa waxay wafdigu warbixin halkaa uga dhegeysteen Safiirka Soomaaliya u jooga carigaas Ambassador Nur Cade kaas oo uga war bixiyay xaaladda saafaaradu ku sugan tahay iyo marxaladihii ay soo martay.

 

Safiirka ayaa sheegay in ay dayctireen qunsuliyadii Soomaaliya taas oo iminka u ah Saafarada Soomaaliya.

wasrirsafarad1.jpg

 

Ambassador Nur Cadde ayaa wefdiga ku soo wareejiyay dhamaan qeybaha safaarada oo ay joogeen shaqaalaha safaarada oo shaqadooda u gudanayay si hufan.

 

Wasiirku wuxuu ku amaanay safiirka dadaalka iyo juhdiga uu galiyay in la badbadaadiyo hantidii qaranka iyo in safaaraddu dib u bilowdo shaqadeedii.

 

Safaaradda ayaa waxaa ku sugan shaqaalo aad u karti iyo wadninimo badan kuwaas oo u soo dhabar adeygay sidii ay u badbaadin lahaayeen dhismayaasha Qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay dalkaas.

wasrirsafarad4.jpg

wasrirsafarad2.jpg

wasrirsafarad3.jpg

wasrirsafarad8.jpg

wasrirsafarad5.jpg

wasrirsafarad6.jpg

wasrirsafarad7.jpg

wasrirsafarad9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liban   

Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaliya Cumar Cabdirashiid oo sir badan daaha ka qaaday

 

 

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ka jira, isagoo si guud ah uga hadlay xaalada Dowladda iyo arrimaha haatan ka socda Soomaaliya.

 

Isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in xaalada ay ku jirto Soomaaliya ay tahay mid ayaan daro ah, isagoo sheegay in loo baahnaa inay wada tashi yeeshaan Baarlamaanka iyo Xukuumada, si buu yiri looga baxo Xilliga KMG.

 

"Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha waxay aheyd in aysan qaadin waqti kordhinta inay wada tashi sameeyaan bey aheyn, micnaha sharci ay yeelan karto inay fiiriyaan"ayuu yiri Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

 

Sidoo kale mar wax laga weydiiyay doorashada ay soo jeediyeen Madaxweynaha iyo Xukuumada in dib loo dhigo, maadaama dalka uu ku jiro xaalad dagaal, ayuu sheegay in taasi qiil macquul ah loo sameyn karin, isagoo xusay in doorashada aanay aheyn mid dalka oo dhan ka dhaceyso oo Xildhibaano lagu soo dooranayo.

 

"Qiil macquul ah ma ahan, muddo kordhisashada, doorashada la galato ma ahan mid wadankoo dhan Xildhibaanada laga soo dooranayo waa 550-xildhibaan oo dooraneysa Madaxweyne"ayuu yiri Cumar Cabdirashiid, oo u muuqday inuu ka soo horjeeday muddo kordhinta Xukuumada ay sameysatay.

 

Mar wax laga weydiiyay Xukuumada Farmaajo tallaabooyinka dhanka Ammaanka iyo howl galada ay wado ayuu tilmaamay in meesha ay wax ka bilowda ay aheyd midii horay iyaga u bilaabeen, isagoo intaa raaciyay in Ciidamada hada dagaalada wada ay yihiin kuwii iyaga ay diyaariyeen tababarkana ay u direen.

 

"Waxaa is weydiin leh waxa ay hada sheeganayaan xogooda waxa keenay waa Xukuumadeyda, waxaa is wareysi leh, ma Ciidamada hada Gobolada ka dagaaamaya qurbaha miyay ka yimaadeenyaa diyaariyay, anaga markii aan joognay waxaa anaga diyaarinay, Ciidamada tababarka anagaa u dirnay, waxay sheeganayaan waa wax Xukuumadeyda horay u qabatay, marka ciidanka guulaha gaaray waa kuwii aan anaga tababarka u dirnay"ayuu mar kale yiri Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

 

 

 

Sidoo kale mar wax laga weydiiyay arrimaha miisaaniyada ayuu sheegay in Miisaaniyada Xukuumada ay soo bandhigtay inuu ahaa mid ay horay iyaga u sameeyeen muddo labaatan sano kadib, isla markaana ay Xukuumada Farmaajo ay ka ambaqaadi meeshii ay uga tageen.

 

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in iyagu mushaaraadka Ciidamada ay bixiyeen, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in tallaabooyinka ay qaado Xukuumada in inta Idaacadaha tagaan inay ugu faanaan wasiiradooda, isagoo dhanka kale xusay in dhankooda aanay arrimahaas ku mashquulsaneyn, waxa hor yaalay uu ahaa arrimaha ammaanka.

 

Mar uu ka hadlay dhaqaalaha Dowladda u soo xarooda ayuu sheegay inuu si gaar ah gacanta ugu dhici jiray Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, isagoo inta badan dhaqaalaha laga soo qaado dalalka caalamka tilmaamay in aanay ku dhici jirin gacanta Wasiirka Maaliyada.

 

"Meesha xisaab la'aanta ka socotay waxay aheyd lacagaha dibada laga soo qaado, inta badan lacagahaas waxay ahaayeen kuwo Carabta si Kaash ah looga soo qaadi jiray, Madaxweynaha ayaana soo qaadayay, mana marsiin jiray wax maamul ah, Wasiir Maaliyadeed ma soo qaadi jirin"ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo intaa raaciyay in Xukuumadiisa ay Baarlamaanka ka hor cadeysay in lala xisaabtamo, hase ahaatee taa bedelkeed lagu furo tashwiish siyaasadeed sida uu hadalka u dhigay.

 

Dr. Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale soo hadal qaaday lacago uu sheegay in laga soo qaaday dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasoo uu xusay in nus ka mid ah la geliyay Bankiga, halka qeybta kalena aan la ogeyn meesha ay martay sida uu yiri.

 

Waxaa uu ugu baaqay Baarlamaanka inay sameeyaan baaritaan iyo la xisaabtan dhab ah ah, isagoo sheegay in baarlamaanka ay ka mas'uul yihiin shacabka, isla markaana loo baahan yahay in la xisaabtamaan Madaxweynaha iyo Xukuumada.

 

Hadalka ka soo yeeray Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa ku soo beegmaya xilli Hey'adaja Dowladda ku kala aragti duwan yihiin xilliga kala guurka, iyadoo hadalkiisa uu sare u sii qaadayo xiisada siyaasadeed ee dalka ka taagan.

 

http://www.jowhar.com/news.php?readmore=1145

 

Or listen by clicking on the link below

 

http://www.bbc.co.uk/somali/war/2011/05/110507_former_pm.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liban   

^^^ This is for Liqaye, now that is small prove for you, that your good president is the biggest thief and the Honorable Shariif Hassan is totally clear and clean from your pathetic accusations.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ciidamada Booliska oo howl gallo lagu sugayo ammaanka ka wada Muqdisho.

 

DSC09856.jpg

 

 

Ciidamada Booliska ayaa maanta howl gallo lagu burburinayay Dhismooyinka sharci darrada ah ee lagu iibin jiray Qaadka islamarkaasna lagu sugayay ammaanka guud ee caasimadada ka sameeyay deg,ooyin ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Afheyeenka Ciidanka Booliska Soomalaiyeed G/sare C/llahi Xasan Bariise oo saxaafadda Shir jaraa’id ugu qabtay KM4 ayaa sheegay in Howl galkaan loogu talo galay in lagu xaqiijiyo ammaanka dadka dhismeyaasha sharci darrada ah laga burburiyayna la dejinayo Goobo kale kuwaas oo loo wareejiyay inay ganacsigooda ku sii wataan, halkaas oo ah Waddada Ajabka ee 12-ka April, si loo soo celiyo ammaanka iyo nadaafadda magaalada.

 

Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa howl gal kan la mid ah ka sameeyay degmada Xamarweyne ayagoo burburiyay dhismayaal sharci darro ah isla markaana goobo kale geeyay dad badan oo ku ganacsanayay hareeraha waddooyinka degmada.

 

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshe ay dowladda Hoose ku soo celineyso bilicda magaalada iyo habsami u socodka howlaha suuqa oo ay hadda soo dageen ganacsato badan oo ay dagaallada magaalada ka dhacaya saameeyeen.

 

Ciidamada Booliska ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday Howl gallo lagu soo celinayo ammaanka caasimadda dalka kaddib markii ay ammarro isku mid ah kasoo baxeen Guddiga Amniga Qaranka iyo Guddiga Amniga Gobolka Banaadir si looga hortago falalka gurracan ee ay maleegayaan kooxaha nabad diidka ah.

DSC09847.jpg

DSC09892.jpg

DSC09853.jpg

DSC09871.jpg

DSC09863.jpg

DSC09870.jpg

DSC09878.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this