Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Qorax   

Actually this government has done a lot is short time against all odds . They need to be given time , this is the only time the TFG is doing a tangible progress !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Munaasabada maalinta Ciidanka xooga dalka oo ka socota Muqdisho xilli ammaanka la adkeeyay

 

Munaasabad ballaaran ayaa ka soconeyso magaalada Muqdisho, kaasoo looga dabaal dagayo maalinta ciidanka xooga dalka oo ku beegan maanta, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada, kadib markii ciidamo fara badan la soo dhoobay.

 

Kooxda Muusikada ee loo yaqaano Baambeyda ayaa waxay socod ku marayaan wadooyinka, iyagoo garaacaya astaanta muusiga calanka iyo astaamaha kale ee heesaha wadaniga.

 

Munaasabada maanta ayaa waxaa ka qeyb geli doona mas’uuliyiinta dowladda iyo qeybaha kale duwan ee saraakiisha ciidamada, kuwaasoo hadalo jeedinaya.

 

Xarunta Villa Baydhabo oo ah saldhiga ciidamada xooga dalka ayaa waxaa ka soconeysa munaasabada maalinta ciidanka xooga dalka, halkaas oo lagu wado in ciidamada ay fantasiyo iyo gaada ka ciyaar ku soo bandhigaan.

 

Wasiirka gaashaandhiga soomaaliya C/xakiin xaaji Fiqi ayaa hambalyo ku aadan 51-guuradii ka soo wareegatay maalinta ciidanka xooga dalka u diray, isagoo u rajeeyay ciidamada in sanadkan sanadkiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo iyadoo dalka gacanta ku dhiga.

 

fiqi-300x199.jpg

 

Si kastaba ha ahaatee ciidamada dowladda ee la soo dhoobay wadooyinka ayaa ujeedkooda yahay in lagaga hortago falala ammaan daro ee laga yaabo inay dhici karaan inta ay socoto munaasabadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyen Shariif oo ka qayb galay 51-guurada ciidanka Xoogga dalka

 

shariif-sanadguuro-ciidan_6.jpg

Madaxweynaha dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kaqeybgalay munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldegayay sanadguuradii 51-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliiyed, iyadoo Madaxweynuhuna uu ku dhaliilay beesha caalamka in ay dayaceen fursado badan oo wax looga qaban karay xaaladaha Soomaaliya ka taagan.

 

Munaasabadaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana uu ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale oo munaasabadaasi lagu casuumay.

 

Ugu horeyn waxaa munaasabadasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Guuto C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ka warbixiyey taariikhda iyo heerarka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay soo mareen, isagoo xusay in tan iyo wixii ka dambeeyey bur burkii dalka dib u habeyn lagu sameeyey ciidamada qalabka-sida taasi oo u suurta gelisay in ay soo hooyaan guulo wax ku ool ah.

 

Sidoo kale munaasabadaasi lagu weyneynayey maalinta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa kaloo ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Shariif Shiikhuna Maye oo lagu sharfay in uu halkaasi ka hadlo ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada xoogga dalka ay yihiin lafdhabarka ciidanka loona baahanyahay in ay sii wadaan howlgalada dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab ee dhibaatada ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyntii waxaa munaasabadda ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadinn ku aadan maalinta ciidanda Xoogga dalka hawada u marsiiyey saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifleyda, dableyda iyo xaasaskooda in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horrumar iyo barraare.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in ciidamadu aysan fiirin marxaladda hadda lagu jiro balse looga baahanyahay in ay fiiriyaan hadafka iyo guulaha isdaba jooga ah ee ay gaarayaan.

 

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyntii sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku jahwareertay talooyinka ay soo jeedinayaan beesha caalamka balse loo baahanyahay in Soomaalidu lagu taageero hadafka ay hiigsanayaan si looga miradhaliyo himiladaasi.

 

Munaasabadaasi ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay sugaan ka turjumeysa taariikhdii ay soo mareen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

madaxweynaha2.jpg

gaardis2.jpg

gaardis-1.jpg

gaardis4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maalinta aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho laga xusay

 

xoogga.jpg

 

Talaado, April 12, 2011(HOL): Iyadoo saaka ay ku beegan tahay 51 sano guuradii ka soo wareegatay aas aaskii ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aheyd 12/04/1960-kii ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax aad u ballaaran oo lagu taageerayay munaasabadan.

 

Kumanaan dadweyne ah ayaa maanta isugu soo baxay barxaddii Ex. Fiyoore ee degmada Xamarweyne waxayna dadkani isugu jireen bulshada qeybaheeda kala gedisan, sida Haweenka, dhalinyarada, Ardayda, Hobollada iyo weliba kooxda Baanda Muusikada, waxayna dadweynuhu siteen boorar waaweyn oo ay qoran yihiin halku dhegyo ku aadan maalinta aas aaska ciidanka, iyo taageerada ay u hayaan shacabka ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

 

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen Bulshada rayidka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu cambaareeyey shirka saaka ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasoo ay soo qaban qaabisay Q/midoobay waxayna halkaasi ka cadeeyeen fikirkooda ku aadan iyagoo sheegay in horjeedaan shirkaasi uu yahay shir lagu majaxaabiyo horumarka ay sameyneyso Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya isla markaana qatar ku ah Qaranimada iyoMidnimada Soomaaliyeed.

xoogga4.jpg

Nabadoon Shariif Xuseen Jilicow oo ku hadlay magaca odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ugu horeyntii hambalyo u diray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan saraakiil, saraakiil xigeeno, Alifley iyo Dabley isagoo tilmaamay in maalintan ay dareen gaar ah ku reebeyso dadkooda waaweyn ee iyagu aqoonta u leh awoodii xooganeyd ee ay lahaayeen ciidamada Xooggu isagoo u rajeeyey inay dib ula soo noqon doonaan awoodoodii balse ay dedaalaan oo kaliya.

xoogga2.jpg

 

Xoghayaha guud ee ururka haweenka Qaranka Marwo Faadumo Cali Cosoble oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa u hambalyeysay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar madaxweynaha oo ah Taliyaha guud ee ciidanka Qalabka sida, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhamaan saraakiisha ciidanka Xoogga “Haddii aan nahay haweenka iyo bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed waxaa sharaf noo ah maanta inaan ka soo qeybgalno munaasabadan, waxaana leenahay Ciidanka xooggu waa kuwa aan ku hurudno, waana kuwa caddowga naga difaaca guuleysta ayaan leenahay” ayay tiri Marwo Faadumo.

xoogga1.jpg

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Ibraahim Sahal (Gardhuub) oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay inuu si weyn u xusuusto heesihii iyo guubaabadii ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed loona baahan yahay in shacabka Soomaliyeed ay garab siiyaan ciidamada si ay uga guul keenaan hadafkooda xoreynta dalka.

 

Dhanka kale, banaanbaxayaasha ayaa waxay cambaareeyeen shirka ka furmaya maanta magaalada Nairobi kaasoo loogu magac daray kulanka wadatashiga waxayna xuseen in shirkaasi aanu ka tarjumeynin danaha shacabka isla markaana uu dib u dhac u keenayo horumarka dowladda ee soo celinta nabadda, waxayna qaarkood ku eedeeyeen wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay in kulankaasi uu dano gaar ah ka leeyahay kuwaasoo uu ku kala fogeynayo dhinacyada Soomaalida.

xoogga5.jpg

xoogga6.jpg

xoogga7.jpg

xoogga8.jpg

xoogga9.jpg

xoogga13.jpg

Maxamed Xuseen Ugaas

ugaasyare114@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda Soomaaliya oo ku celisay in aysan wax lug ah ku lahayn shirka ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ee Nairobi ka bilowday

 

Talaado, April 12, 2011(HOL): Shir ay isagu yimaadeen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XFKMG ah Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa looga hadlay shirka ka bilowday Nairobi, Golahu waxey isku raaceen arrimahan:

 

Dowladda Federalka KMG ah ee Somalia aad iyo aad bey uga xuntahay arrimaha siyaasadeed ee ay UNPOS hadda wado. Waxaan aaminsanahay UNPOS iyo beesha caalamkuba inay wadashaqeytoodu ay tahay mid loo maro labo waddo si loogu guuleyso nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo kala ah:

 

1. Axdiga Fedraalka KMG ah. Axdiga ayaa si cad u qeexaya in Dowladda FKMG ah, hay’adiisa fulinta ay mas’uul ka tahay siyaasadda iyo dhaqangelinta.

 

2. Geedi socodka nabadda Jabuuti waxuu sidoo kale dib u xaqiijineysaa hay’adaha FKMG ah inay yihiin aasaaska wadajirka Soomaaliya, taasoo la doonayo inay beesha caalamku ku dhaqmaan xaalad kasta iyo waqti walba ee geediga nabadda.

 

Waxaa cad in kulanka wadatashiga ee ka dhacaya Nairobi 12ka iyo 13ka April 2011 uu bilowga qabanqaabada iyo abaabulkiisaba ay leedahay UNPOS tanoo ka soo horjeeda aragtiyada iyo soo bandhigidda ee Dowladda FKMG ah, taasoo si ku celcelis ah loogu bandhigay UNPOS iyo beesha caalamkaba.

 

Dowladda FKMG ah iyo Somalida kale ee talada ka wada dhaxeysa marnaba lug kuma laheyn qabanqaabada fikirka, macluumaadka iyo ajendada shirka Nairobi. Marka tan la fiiriyo, waxaa la rabay inay ahaato wadatashi iyo dib-u-heshiisiin Somalida dhexdeeda ah, sidaas daraadeed, waxaan aaminsanahay inay tani ay ka soo horjeedo rabitaanka shacabka, Axdiga iyo heshiiskii nabadda ee Jabuuti.

 

Sidoo kale, bulshada soomaliyeed waxey si ku celcelis ah u caddeeyeen sida ay uga soo horjeedaan kulankan Nairobi, ha noqoto Somalida gudaha dalka iyo kuwa dibedda ee qurbojoogta ah.

 

Wafdiga hadda ka qeybgalaya shirkaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka kama heystaan labada gole sharciyadii iyo awoodii matelaadda. Labada Goleba waxey si guud iyo si gaar ahba ugu caddeeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka sida cad ee ay uga soo horjeedaan ka qeybgalka shirka. Tan oo ay wehlisay 100 xildhibaano oo saxiixooda u geeyey Guddoomiyaha oo ay ku caddeynayaan inay ka soo horjeedaan ka qeybgalka shirka oo uu iska indha tiray.

 

Marka tan la eego, ka qeybgalka shirkan waxuu ka soo horjeedaa siyaasadda dalka, waxuuna keeni karaa inuu dhaawac u keeno danaha dalka, waxuuna horseedi karaa in hay'adaha Qaranka uu ku yimado burbur. Sidaas daraadeed, waxaan cambaareyneynaa falkan isaga ah, waxaana ugu baaqeynaa wafdigan inay ka soo baxaan shirka ay hadda ku jiraan. Sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa shacabka soomaaliyeed iyo xildhibaanada matala shacabka inay diidaan oo ay cambaareeyaan falkan si isku mid ah.

 

Si aysan u dhicin is-faham la’aan, waxaan caddeyneynaa oo aan ku celcelineynaa in Dowladda FKMG ah ay ku dhisan tahay dib-u-heshiisiin iyo nabadeyn oo dhan walba ah. Tani waxaa markhaati ka ah tallaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday 100 kii maalmood ee ugu danbeeyey.

 

Waxaan aaminsanahay guulaha iyo horumarka somalida ay gaartay ay caddeyneyso sida ay uga go’antahay inaan ugu guuleysano ujeedooyinka aan wadaagno si loo hubiyo inaan danaheena u fulino kuwa shacabka soomaaliyeed iyo kuwa bulshada caalamkaba. Waxaa kaliya oo looga guuleysan karaa cadowgeena Al-Shabaab, burcadbadeeda iyo gaajada si wadajir ah iyo wadashaqeyn buuxda ee dhexmarta soomaalida iyo bulshada caalamkaba. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay sii joogteeyaan dadaaladooda ay ku saacidayaan shacabka soomaaliyeed xilligan taariikhiga ah iyo inay xushmeeyaan sharafta iyo qaranimda dalka.

 

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

media@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Midowga Ururrada nabadda iyo Hormarinta Waqooyiga Yurub oo taageeray go’aanka xukuumadda

 

 

Midowga ururka Nabadda iyo Horumarinta Somaliyeed ee Waqooyiga Yurub(Sweden, Finland, Denmark, Norway)* waxay tageerayaan go’aankii ka so baxay dowladda Soomaaliya iyo golaha dhaqanka Somaliyeed oo ku saabsanaa in aan laga qaybgalin shirka UNPOS ka qaban qaabineysa magaalada Nairobi ee dalka Kenya12- 13ka April 2011.

 

Waxaan aminsanahay in dowladda Soomaliya aad ugu hawlantahay sidii dalka loogu soo dabaali lahaa nabad waarta. Haddi ay jiraan khilaaf ka dhexeeya dowladda iyo maamul-gobaleedyada dalka Somaaliya, waxaa haboon in dowladdu ay u yeerto madaxda gobolada kana shaafiso dhibaatada ay sheeganhayaan iyada oo la kaashaneysa wax garadka Soomaaliyeed.

 

Waxaa la gaaray xili shacabka Soomaaliyeed uu ka daalay in danihiisa uu marti ka noqdo, markastana xalka laga doono meela kale. Soomaaliya aad ayey ugu baahantahay in ay gacan ka hesho Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka guud ahaan, lakiin waa meel ka dhac in aan la tixgalin jiritaanka dowlad, barlamaanka Somaaliya iyo qarannimada dalka Somaaliyeed.

 

Shacabka Soomaaliyeed wax badan ayuu dowlad la’aan ahaa, markanna si aad ah ayuu u doonayaa in uu ilaalsado iftiinka yar ee haatan u baxay, mana doonayaan in laga damiyo iftiinkaa.

 

Midowga Ururka Nabada iyo Horumarka Soomaaliyeed ee Waqoyiga Yurub waxay caalamka ka codsanhayaan in uu taagero buuxda siiyo dowladda Somaaliya si shacabka Somaaliyeed ugu baxaan gaajada, cudurka iyo dagaalada aan dhamaadka lahayn.

 

Midowga Uruka Nabadda iy Horumarinta Soomaaliyeed ee Waqooyiga Yrurub wuxuu kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah meelkasto oo ay joogaan gudaha iyo dibada dalka in ay taageeraan dowladooda u istaagtay ilaalinta jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed, kana fogaadaan goobaha ama shirarka lagu wiiqayo qaranimada Somaaliyeed.

 

Ugu danbeyntii Midowga Ururku wuxuu ku boorinayaa dowladda Somaaliya in ay wakhti badan galiso sidii ay dalka ugu soo dabaali lahayd amni, xasilooni iyo kala dambeyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Somali Minister of Public Works & Reconstruction Participate the 23rd UN Habitat Governing Council Meeting

 

Hiiraan Online Staff

Wednesday, April 13, 2011

 

Nairobi, Kenya (HOL) - Somali Minister of Public Works and Reconstruction, Abdirashid K. Hashi is in Nairobi to participate the 23rd Governing Council of UN Habitat. The Minister is accompanied by the Somali Ambassador to Kenya, Mohamed Ali Nur, who is also accredited to UN Habitat and the Director General of the Ministry of Public Works and Reconstruction Eng. Abdulkadir Farah Gelle.

 

Kenyan President Mwai Kibaki, opened on Monday the 23rd Governing Council under the theme Sustainable Urban Development through Expanding Equitable Access to Land, Housing, Basic Services and Infrastructure and ministerial level delegates from all continents are taking part the five day long deliberations.

 

On the side lines of the conference Minister Hashi met UN Undersecretary General and the Director General of UN Habitat Dr. Joan Clos whom he briefed the situation of Somalia and the effort of the new government to rebuild the country.

 

Hash_UN_Habitat%201.jpg

 

Dr. Joan Clos, UN Habitat Executive Director & Minister Abdirashid Hashi of Somalia

 

Dr. Clos informed the minister that he will allocate more resource and experts to the UN Habitat Somalia unit and that he will do everything possible to help Somalia recover from the current predicament and he also accepted an invitation to visit Mogadishu.

 

Hash_UN_Habitat2.jpg

 

Minister Suharso Monoarfa and his team with the Somali delegation

 

The Minister also held fruitful bilateral meetings with the Minister of Housing and Urbanization of Morocco Mr. Ahmed Taoufiq Hejira, the Minister of Public Housing of Indonesia Suharso Monoarfa and the Japanese ambassador to Kenya who all pledged solidarity and tangible technical support for Somalia.

 

Hash_UN_Habitat3.jpg

 

Minister Ahmed Taoufiq Hejira of Morocco & Minister Abdirashid Hashi of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Xaflad lagu maamuusayey sanad guuradii ka soo wareegtay aas aaskii ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed

 

ciidamada-xooga.jpg

 

Xaflad Balaaran oo si heer ara ah loo soo agaasimay islamarlaana lagu maamuusayey sanad guuradii 51 aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas aasay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho iyadoona Madax Dowladda ay ka qeyb galeen.

 

Munaasabada ayaa waxaa gaado ka cayaar ku soo bandhigay ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed sidoo kale waxaa heeso guubaabo ah ku soo bandhigay fanaaniinta hobalada Waabri.

 

Xaflada waxaa joogay saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, Wasiiro, Xildhibaano iyo Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo halkaasi qudbad ka jeeediyey.

 

Madaxweynaha oo hadalka uu meesha ka sheegay aad u dheeraa misana dhinacyo badan taabanayey ayaa aad ugu mahad celiyey ciiidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo maanta dabaal dagay.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed horumar wanaagsan ay ka sameeyeen dagaaladii dhowaan ay la galeen Xarakada Al Shabaab, waxa uuna ugu baaqay in dadaalkooda ay sii laba laabaan.

Munaasabada ayaa sidii loogu tala galay u dhacday , waxaana intii ay socotay munaasabada aad loo adkeeyey amaanka degmooyinka Dowladda KMG ay ka taliso, waxaan xaafadaha iyo wadooyinka waaweyn ee magaalada lagu soo daadiyey ciidamo.

 

Related posts:

 

1. Madaxweynaha Dowladda KMG oo lagu hor dhaariyey Taliyayaashii Ciidamada Xooga Dalka iyo Boliiska

2. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo maanta ka qeyb galay munaasabad mushaarooyin lagu siinayay ciidankii Naafada Xooga dalka Soomaaliyeed

3. amaanka qeybo ka mid ah Muqdisho oo la adkeeyey iyo qabanqabaada Munaasabada ciidamada xooga Dalka

4. Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xooga Dalka oo ka hadlay qaabka Al Shabaab uu u wajahayo.

5. War Deg Deg Ah: Taliyayaasha Ciidamada Xooga Dalka iyo Boliiska oo goordhow lamagacaabay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Press release - Council of Ministers Meeting 12 April

 

(Mugadishu, Tuesday 12 April 2011) The Council of Ministers had a meeting to discuss the consultative meeting that is currently underway in Nairobi. Having debated and discussed the Nairobi meeting the Council of Ministers decided the following:

 

The Transitional Federal Government (TFG) of Somalia is disappointed with current political engagement of UN Political Office in Somalia (UNPOS). We believe that UNPOS and the International Community (IC) are collaborating with the TFG and Somalia as a whole through two mechanisms to achieve stability and reconciliation in Somalia.

 

1. The Transitional Federal Charter (TFC). The Charter clearly stipulates that the TFG, the executive organ is responsible for the policy and the implementation of both reconciliation and foreign affairs.

 

2. The Djibouti Peace Process equally reconfirms the TFIs are pillars of Somali unity, which are to be re-enforced by the International Community (IC) at all stages and at all times throughout the peace process.

 

Clearly, the current consultation meeting in Nairobi taking place 12 and 13 April 2011, was initiated and organized by UNPOS in direct opposition to the views and proposals of the TFG, which were repeatedly submitted to UNPOS and IC.

 

The TFG and other Somali stakeholders had no input in the preparation of the concept, content or the agenda of the Nairobi meeting. Given that, this is meant to be both consultative and a reconciliation meeting for Somalis, we believe it contravenes both the spirit, the Charter and Djibouti peace agreement.

 

In addition, the Somali people have demonstrated repeatedly their opposition to the meeting both internally all parts of Somalia and externally across the Diaspora.

 

The delegation currently participating in the Nairobi meeting led by the Speaker of the parliament has no mandate or authority from the Council of Ministers or the parliament. On the contrary, both have demonstrated publicly and privately to the Speaker their clear rejection to participate. This has included presentation of a motion signed by over 100 members of the parliament (MPs) that was presented to the Speaker, which he decided to ignore.

 

Given the above, this participation is contrary not only to the policy of state but could potentially damage the interest of the nation as it could lead to potential fragmentation of national institutions. We therefore, condemn this act and call upon the delegation to withdraw from its on-going participation. We also call upon the Somali people and their representatives in parliament to reject and condemn this act in equal measure.

 

To avoid any misunderstanding, we confirm and re-affirm that the TFG is promoting peace and reconciliation based on the interest of the nation. This is evidenced by the policy and the actions of this government of the last 100 days.

 

We believe these Somali achievements demonstrate our commitment to fulfilling the common objectives needed to realize the common interest of the Somali people and the IC. It is only by cohesion and unified effort within Somali stakeholders and within the collaboration of Somalis and the IC that peace process and reconciliation can defeat the common enemies of Al-Shabaab, piracy and poverty. We therefore, call upon the IC to sustain its commitment to assist the Somali people in this historic journey and to respect its sovereignty and dignity.

 

On our part we herby submit to the Somali people and international community the report on the progress made on the ground in Somalia for the first 100 days of our current government. We hope this meets with your approval and expectations.

 

It is now 100 days since the current Government of Somalia took office and this anniversary provides a good opportunity to take stock of what has been achieved. The good news is that despite the huge problems facing us, the current Government has made remarkable progress in the 3 months it has been in power.

 

A most urgent task, when we took over, was to reorganize and transform the government itself and make it fit for purpose. With the approval of both Parliament and the President, the Prime Minister appointed a small team of 18 technocrats to the Cabinet, in the process reducing the number of ministries by 21.

 

Polling data from Mogadishu, which was released 5th March 2011 represents a big step on the path to true democracy in the country. This was the first proper poll since before 1991, it demonstrates for the first time that the overwhelming majority of Mogadishu citizens agree on the fundamentals of rebuilding their state, including an overwhelming desire for democracy and popular elections.

Polls like this lift the veil of fear and oppression so that we can hear the views of ordinary people. The poll, released by the Mogadishu Media House, an independent media centre, is the first in 20 years to survey attitudes in the capital city. Carried out in two sessions in January and November 2010, it showed that 9 out of ten residents of Mogadishu regarded the Transitional Federal Government (TFG) as the legitimate government of Somalia and three-quarters wished, in future, for a government chosen by the people in free and competitive elections.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

The research was carried out in all the districts of the capital, including areas of the city under the control of the armed opposition groups, and the Afgooye corridor. The TFG controls 60% of Mogadishu, providing a safe haven to 80% of the capital’s population.

 

75% of the people surveyed indicated strong displeasure with the extremists and their policies.

70% of the population recognized that the TFG was making “a great deal of effort” in reaching out to the opposition.

 

75% rated AMISOM and the AU as friends of the Somali people.

 

Security

 

Prior to the recent offensive, the government controlled 60% of Mogadishu, providing a safe haven and rudimentary services to 80% of the city’s population. The current push has already enlarged this zone considerably thanks to the courage and skill of both our national security forces and AMISOM troops.

 

As you may know our troops working with AMISOM forces are currently making tangible progress in reclaiming vast territory from the enemy throughout the country including the nation’s capital, Mogadishu, and its surroundings. We believe that as we mobilize the support of the Somali people and the international community and forge ahead on our explicit roadmap in the next few months remaining our term in office, we will undoubtedly meet our national objectives in bringing most of the country under the Transitional Federal Government of Somalia.

 

A register containing the names and biometric data of all members of the security forces is being compiled and soldiers are now receiving their allowances regularly. Wounded veterans have not been forgotten and are now receiving a monthly pension of $100 per month in addition to food rations and medical help.

 

Reconciliation and political outreach

 

Our efforts to re-establish peace and stability continue apace. The government has so far organised two cabinet-led reconciliation missions between fighting groups in the central regions with success. The first helped stop violence between Galmudug and Puntland, and the second focused on the conflict between Galmudug and Ximin and Xeeb. The government continues to work towards a more comprehensive resolution of the Somali conflict. The Government has also opened channels for talks with opposition groups and as a result lot of young people have defected from Al-Shabaab to the Government.

 

Public Finance

 

Another crucially important undertaking was to secure public finances and develop a culture of accountability and transparency. The government has made huge strides in this direction. As a recently released report by the International Crisis Group notes, the government “has been making serious attempts in recent months to inject professionalism and transparency into the revenue collection and management system, as well as to strengthen internal mechanisms governing dispersal of government money … and create a more open and accountable fiscal and monetary system.”

 

For the first time in two decades, we have a national budget which governs and directs all public expenditure. The central bank has been recently re-opened, an anti-corruption commission set up and audit and accountability systems streamlined. Revenue from the Mogadishu Seaport has doubled and that from the Aden Ade International Airport has quadrupled and these funds are being put to good use in the service of the people.

 

Service Delivery

 

The reorganization and building capacity of Government Ministries so as to become effective and efficient in the delivery of public services desperately needed by our people. These services include security, public utilities such as street lights, public health clinics, opening new schools and other basic governmental services;

 

Mogadishu is being cleared of rubble, roads repaired and streets lit, markets, hospitals and schools are reopening. The airport has been refurbished and long dormant baggage scanners and metal detectors have been repaired and are currently being deployed. A new weekly newspaper, Dalka, is helping citizens; both in Somalia and in the Diaspora, access information as will the Somali National Television which is set begin satellite broadcasts to the entire nation in two weeks time. The government has activated the .SO internet domain for use by its officials and others and begun serious discussions with a number of companies on bringing fibre-optic undersea cables to our shores so that the Somali people can benefit from the digital revolution sweeping the rest of the world.

 

The Government re-opened Martini Hospital which now treats wounded soldiers and has emergency unit to all people in Mogadishu.

Challenges faced

 

Looking forward, Somalia still faces huge challenges as it seeks to emerge from two decades of anarchy. As I noted earlier, the first and most urgent is to defeat the extremist insurgency, which seeks to impose a foreign jihadist ideology on our people. While we welcome the recent UN Security Council decision to raise the mandated strength of the AMISOM mission to 12000 troops, more, in terms of both men and materiel, will be required if we are to secure the whole country.

 

A second challenge is the looming threat of catastrophic famine following

 

prolonged drought in many areas of the country. The extremists’ practice of denying international humanitarian aid agencies access to the population is of particular concern and only serves to further imperil the situation. We totally condemn these actions and call on the international community to ramp up the provision of such aid and to help us find ways to ensure it reaches the entire population, especially those in areas controlled by the extremists.

 

A third priority for the government is the establishment of a credible and effective Disarmament, Demobilization and Rehabilitation (DDR) programme. After twenty years of continuous conflict, many young people have not known peace throughout their lifetime. Restoring their faith in society and reintegrating them back into their communities is a long term task that must begin now. We must devise means to welcome and assist the rising numbers of defectors from the extremists’ ranks. We must also find effective means to counter the soul-destroying radicalization and extremism that is being spread by the insurgents, not just in Somalia but in Somali communities around the world. This is absolutely critical if we are to secure the future.

 

Conclusion

 

In conclusion, over the last three months, Somalia has made big strides along the path to a stable and secure future. In the coming months, we must build on what has been achieved even as we strive to overcome the challenges that confront us. However, Somalia cannot do this alone. We need the ideas, the resources and the patience of the rest of the world as we embark on the important work that lies ahead. Everyone has a role to play in Somalia’s resurgence, and a firm stake in its success. My government has taken the lead in showing that change is possible, and we call upon all people of goodwill to join us in creating a future of peace, stability and prosperity for the people of Somalia.

 

- END –

 

Office of the Prime Minister of Somalia

ayarisow@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somali Minister of Public Works & Reconstruction Participate the 23rd UN Habitat Governing Council Meeting

 

 

Hiiraan Online Staff

Wednesday, April 13, 2011

 

 

 

Nairobi, Kenya (HOL) - Somali Minister of Public Works and Reconstruction, Abdirashid K. Hashi is in Nairobi to participate the 23rd Governing Council of UN Habitat. The Minister is accompanied by the Somali Ambassador to Kenya, Mohamed Ali Nur, who is also accredited to UN Habitat and the Director General of the Ministry of Public Works and Reconstruction Eng. Abdulkadir Farah Gelle.

Kenyan President Mwai Kibaki, opened on Monday the 23rd Governing Council under the theme Sustainable Urban Development through Expanding Equitable Access to Land, Housing, Basic Services and Infrastructure and ministerial level delegates from all continents are taking part the five day long deliberations.

 

On the side lines of the conference Minister Hashi met UN Undersecretary General and the Director General of UN Habitat Dr. Joan Clos whom he briefed the situation of Somalia and the effort of the new government to rebuild the country.

 

Hash_UN_Habitat%201.jpg

Dr. Joan Clos, UN Habitat Executive Director & Minister Abdirashid Hashi of Somalia

 

Dr. Clos informed the minister that he will allocate more resource and experts to the UN Habitat Somalia unit and that he will do everything possible to help Somalia recover from the current predicament and he also accepted an invitation to visit Mogadishu.

 

Hash_UN_Habitat2.jpg

 

Minister Suharso Monoarfa and his team with the Somali delegation

 

The Minister also held fruitful bilateral meetings with the Minister of Housing and Urbanization of Morocco Mr. Ahmed Taoufiq Hejira, the Minister of Public Housing of Indonesia Suharso Monoarfa and the Japanese ambassador to Kenya who all pledged solidarity and tangible technical support for Somalia.

Hash_UN_Habitat3.jpg

Minister Ahmed Taoufiq Hejira of Morocco & Minister Abdirashid Hashi of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif oo Ethiopia Aaday

 

(Muqdisho, Khamiis 14 April 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sharif Sheikh Ahmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho una socdaalay Dalalka Ethiopia iyo Tarzania. Wafdiga waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ahna Wasiirka Difaaca Mudane Abdihakim Mohamud Haji FIQI, Wasiirka maaliyadda Hessien Abdi Halane, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abdulkadir Moallim Nur, Madaxa Protocolka Xafiiska Madaxtooyada Mursal Maxamed Saney.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxey la kulmayaan Prime Minister ka Dalka Ethiopia Melez Zenawi si ay ugala hadlaan arrimo la xiriira sii xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah, iyo arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga Soomaaliya iyo dalalka geeska Africa. Shirkan ayaa daba socda shirkii IGAD ee ka dhacay Addis Ababa dhammaadkii Janaayo oo ay labada mas’uul ba goob joog ka ahaayeen iyo shirkii Wasiirada Difaaca oo uu dhowaan Addis Ababa uga qeybgalay Mudane Abdihakim oo suurto galiyey booqashada maanta.

 

Booqashadan ayaa la xiriirta booqasho uu Madaxweynahu ku soo kala bixiyey dalal Afrikan ah si uu la tashiyo ula soo sameeyo Madaxda dalalkaas, isla markaana uu ka codsado dalalka Africa sidii loo sii xoojin lahaa dadaaladda nabad illaalinta ee ciidamada Afrika ka wadaan Dalka Soomaaliya. Madaxweynahu waxuu horey safaro la tashiyo ah ku soo maray dalalka Ugandha, Brundi iyo Rwanda. Haddana waxaa lagu wadaa inuu Madaxweynahu booqdo dalalka Ethiopia iyo Tanzania.

 

Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed ayaa u arka la tashiyada dalalka Afrika ay muhiim u tahay geedi socodka nabadda iyo sii dhameystirka heshiiskii Djibouti. Sidoo kale booqashooyinkan ayaa waxey muujinayaan sida ay Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed uga go’antahay xal u helida sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya, isla markaana ay dowladaha Afrikanka ah ay mas’uuliyad isaga saari lahaayeen arrimaha Soomaaliya.

 

Madaxweynahu waxuu kaloo warbixinno siin doonaa Madaxda Afrika ee ku aadan xaaladda dalka uu marayo gaar ahaan xilligan kala guurka ah iyo sida looga bixi karo. Madaxweyne Sharif ayaa aaminsan in loo baahanyahay in hay’adaha Qaranka ay noqdaan kuwo shaqeynaya oo u adeegaya danaha ummadda soomaaliyeed, isla markaana xalka uu ku jiro in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii xilliga kala guurka ah looga bixi lahaa.

 

- DHAMAAD -

 

Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisoow”

 

La taliyaha R/W ahna afhayeenka Xukuumadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this