Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Somalia World Cup Begins. PICS

Recommended Posts

Koobka Ciyaaraha gobolada Soomaaliya Oo Maanta Ka Furmaaya Magaalada Garoowe

 

December 15, 2010

 

Koobka Ciyaaraha gobolada dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

 

Dhamaan xulalka kubadda cagta ee gobolada dalka ayaa soo gaarey magaalada,waxanaa u dambeeyey xulalka gobolada Hiiraan iyo Bari oo shalay galay magalaada.

 

Furitaanka ciyaaraha maanta oo ka dhici doona garoonka ‘Mire Awaare’ ayaa waxaa lagu wadaa in ay kasoo qaybgalaan masuuliyin ka kala socota Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dawladda Puntland,iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaan doonaan xirrirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

 

Gobolada ka qaybgalaaya ciyaaraha waa 15-gobol,waxaana loo kala qaybiyey afar group oo kala ah;

Group A

1.Nugaal

 

2.Hiiraan

 

3.Shabeelada Hoose

Group B

1.Sool

 

2.Mudug

 

3.Banaadir

 

4.Gedo

Group C

1.Bari

 

2.Shabeelada Dhexe

 

3.Bakool

 

4.Jubadda Dhexe

Group D

1.Sanaag

 

2.Jubadda Hoose

 

3.Bay

 

4.Galguduud

 

Ciyaarta ugu horeysa waxaa la sheegay in ay dhexmari doonto xulalka kubadda Cagta ee gobolka Nugaal iyo Shabeelada Hoose oo kuwada jiraa Group A.

 

Dawladda Puntland ayaa markii u horeysay qabanaysa Ciyaaraha gobolada Soomaaliya iyadoo si weyn usoo dhoweyeen shacabka Soomaaliyeed.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media

Garoowe,Puntland

 

IMG_0340.JPG

 

IMG_0394.JPG

 

IMG_0336.JPG

 

IMG_0363.JPG

 

IMG_0347.JPG

 

7.JPG

 

1.JPG

 

2.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabad Lagu Furaayo Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya Oo Goor Dhow Ka Bilaabmatay magaalada Garoowe

December 15, 2010 | 2 comments

Share

 

Munaasabad lagu furaayo ciyaaraha gobolada dalka Soomaaliya ayaa goor dhowayd si toos ah uga bilaabmatay garoonka kubadda cagta ee magaalada Garoowe,iyadoo ay munaasabadaas goobjoog ka yihin masuuliyiin kala duwan.

 

Garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare oo ay ciyaaraha ka dhici doonaan ayaa isugu yimid dad kumanaan ah si ay goobjoog uga ahaadan munaasabada lagu furaayo ciyaarahan iyadoo ay sidoo kale goobta fadhiyaan masuuliyin ka tirsan Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland.

 

Masuuliyinta Dawladda Federaalka ee garoonka ku sugan waxaa kamid ah Wasiir Kuxigeenka Ciyaaraha,Dhalinyarada,Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo xubno kale.

 

Dhanka Dawladda Puntland waxaa horkacaaya Madaxweyne Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo isla maanta kasoo degay magaalada Garoowe kadib markii uu safar ku tegay dalka dibadiisa isaga iyo wefdi u hogaaminaayo.

 

Masuuliyin kasocota Xirrirka kubadda cagta Soomaaliyeed oo uu kamid yahay Gudoomiye kuxigeenka Cabdirashiid Xassan Baki.

 

Amniga guud ahaan magaalada ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana sidoo kale garoonka ku sugan dhamaan Ciyaaryahanada gobolada ka qaybgalaaya Ciyaaraha oo ah 15-gobol.

 

Khudbado kala duwan ayay ka jeedin doonaan masuuliyinta garoonka kubadda,waxaana ay noqonaysa markii u horeysay 20-sano kadib Dawladda Puntland ay qabato ciyaaraha gobolada Soomaaliya.

 

Wixii kusoo kordha waan idin soo gudbin doona Insha’allah

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

The last three photos, the first of them, the one above the two, the one of the plane, the boys {who are soo daging}:D the first boy

is he curyaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koobka ciyaaraha gobollada Somaliya oo maanta ka furmay Garowe; 15 gobol oo ku tartamaysa koobka.

 

 

Garowe, Dec 15 - Waxaa maanta furmay tartarnka ciyaaraha gobollada ee koobka kubada cagta ee Somaliya. Waxaa ku tartamaya ciyaaraha 15 ka mid ah 18-ka gobol ee Somaliya.

 

Gobollada ayaa loo kala qaybiyey 3 kooxood oo min afar xul ah, iyo mid 3 xul ah, iskuna arki doona is-reebreerbka 1-aad ee tartanka.

 

Guddiga olambikada ciyaaraha Somaliya oo qabanqaabinaya ciyaaraha, ayna la kaashanayso dawlada Puntland, iyo guddiga olambikada Puntland ayaa shaaciyey sida ay kooxuhu isu arki doonaan wareega 1-aad ee ciyaaraha. Ciyaarta ugu horaysa ayaa waxaa isku arki doona xulalka gobollada Nugaal iyo Sh. Hoose oo ka tirsan kooxda A.

 

Group A:

1. Nugaal

2. Sh. Hoose

3. Hiiraan

 

Group B:

1. Mudug

2. Sool

3. Gedo

4. Banaadir

 

Group C:

1. Bari

2. Bakool

3. Sh. Dhexe

4. J. Dhexe

 

Group D:

1. Sanaag

2. Galgaduud

3. Bay

4. J. Hoose

 

Tartanka ciyaaraha kubada cagta ee Somaliya ayaan la qaban 20-kii sano ee Somaliya ay ka socdeen dagaalada sokeeye.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

this is the great tournament and historic one but its too bad Awdal team didnt joint damn, lakiin waxaan taagere u ahay Kooxda Sool 410400Awdal%20Team2.jpg&t=1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well done to the Organisers it's a momentous achievement.

 

Also Nugaal has won its first game against the lower Shabelle. Well done to them for the victorious start as well.

 

My predictions

Nugaal on top of the first group A.

 

Group B it's the group of death but I think Banadir and Sool will be progressing and Mudug has an uphill battle, which is not impossible but I'd like to see Sool and Mudug progress but my mind says that one of these teams will be left behind and Banadir will progress.

 

Group C definitely Bari all the way the best team by a mile all other teams are there to make up the numbers don't know who will progress with Bari to the quarter finals.

 

Group D I'm with Sanaag and the Jubbada Hoose team has I believe good chances to Progess as well. Although Bay and maybe Galgaduud can prevent both teams as I believe this is the most egalitarian group but let's see inshallaah.

 

May the best team win this ofcourse.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this