Sign in to follow this  
Sophist

Caashaq

Recommended Posts

Blessed   

^^^What a compliment. Mahadsanid walaalo smile.gif . Waa runta weli maan akhriyin wax jacaylka macnihiisa bixinaya oo gabaygan ka xikmad badan.

Thanks for completing the sheeko..

 

 

Originally posted by Wilo:

Sheekadu ma heesay isku badashay :confused:

Heesuhu / gabyadu waa salka caashaqa..Maaha?

Somalis often communicatetheir ideas of love through poetry- it appears to be ceeb in caadiya looga sheekeysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

My Fav's of all time,,,,

 

MA SALGUURI CAASHAQA

 

 

Ma salguuri caashaqee,

Ani sibiq ma igu yidhi

Intuu samada ila tagaey

Saxar qaadka fooraha

Dulsabbee ma igu yidhi!

Dhalanteed ma igu sabay

Soo jeede maqan uun!

Seexanayn ma igu dhigay;

 

Ma salguuri caashaqee,

Ani sahal ma igu helay

Intuu soorti iga jaray!

Sur adag ma igu xidhay

Ma i saaray heegada

Wax sanceeya mawdoo

Saaka maygu weyn yahay

Suxulada ma ii dhibay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   
you are so right, but this song belongs to Xaliima Khaliif Magool,,,yeah sahra rocks ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

J'baro sxb Sado Cali heesa heeda hal album ayaa ugu fiican,,,,ma xusuusto magaca albumka balse waxaan xusuustaa hees ku jirtay oo ahayd "Aamiin Allahayow Aamiin, ,,,,,'galgacal axdi dooristii samaanteeda lee sow jeedadayniyo 'kumaynaan aflixin ubad qayr qabiyo nolol aayatiin wacan Aamiin Allaayow Aamiin" that album ayaa ugu fiicnaa,,, aniga heesa heeda kale kama helo,,,,,,,,

 

 

Go figure:....................

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiisaha kalgacalkeena

Xaashaaye guurkeena

Xeryosamo ku waarkeena

sidii xaawo iyo aadan

rabibaa isku keen qoray

waa xaal inaga waynoo

xaga samada laga qoray

duqay xeer aqoonliyo

xerxer iyo sheekh baa

xirsigana inoo xiray

 

 

Rabbigeena xaakima ahe

Xilo iiga kaa dhigay baan

Kun jeer ku xamdiyayaa

 

Xarun khayrle labadeena

Xidigeena nuurkiisa

Xanaanaynta reerkeena

................

.................

 

Ma dhegeysatay Album ka XAMDI ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Sxb gabay lee meeshaan kasocda!

 

Waa laga tagay alaabtaas Shukaansi makubaxaayo noh

 

Buug jaceel aa loo bahanyahay iyo Tufaaxna horay aa loo sii qaataa

 

Ama Filim Hindi aa laga sheekeeyaa

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

whatever works people ;) either film Hindi or Tufaax either one :D

 

 

Go figure:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Caashaq waa shidiyo hoog,

Waa sheydeaan qarsoonoo shafka kaa waswaasiya

Shaqsigii uu qaadana wadnuhuu ka shiishaa

Feedhana shaandhiyo shabaq buu ka yeelaa

 

Ana keygii wuu shubey daruuraha........

 

 

Ma aan sii wadaa!!!! Caashaqu waa kaas ina aaboow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Noorah   

^^^sounds immensely painful! and it seems like this is the common depiction of Ishq universally...but I wonder, maybe you can enlighten me Mr. Sophist...why do lovers permit themselves to reach this deep stage, perhaps a stage of insanity?...does logic become totally inapplicable when it comes to the matters of the heart?...I'm asking cuz You seem like your going through this phase freshly (or maybe not, no offense)

 

I know some would say qalbigu af gooni ah buu la soo baxaa markuu caashaq hayo, laakin, I can't help but question.

 

I'm just a bit too cynical about this whole concept of Ishq, actually even about love..yea, really! It never seizes to amaze me why ppl would put themselves through its hassles :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Saado Cali Warsame & Cabdi Baadhil

 

"Ajashaan Dhammaan"

 

Ajashaan dhammaan

ifka kama tagoo

Waa sida innaga;

Bal eeg ubaxan baxay!

Ubadka iyo raaxadan

Alla innage simay!

Ogoobey kalgacal

Axdi dhawristii

Samaanteeda lihin,

Sow ujeedadeennii

Kumaynaan aflixin

Ubad khayr qabiyo

Nolol aayatiin wacan

Illaahow na sii

Aamiin Allaahayow

 

Aadan iyo Xaawo

Ololaha kalgacal

Illay soo unkee

Aadmiga kalana

Ambaqadiyayoo

Abtirsiimo noqday!

Ogoobey kalgacal

Axdi dhawristii

Samaanteeda lihin

Sow ujeedadeenni

Kumaynaan aflixin

Ubad khayr qabiyo

Nolol aayatiin wacan

Ilaahow na sii

Aamiin Allahayow;

 

Adduunyada nin nool

Wakhti urugo leh iyo

Waa ayaamo farax,

Sidoo kale innana

Adkaysi iyo samirbaa

ku alloosaynaa

Ogoobey kalgacal

Axdi dhawristii

Samaanteeda lihin

Sow ujeedadeenni

Kumaynaan aflixin

Ubad khayr qabiyo

Nolol aayatiin wacan

Ilaahow na sii

Aamiin Allahayow;

 

Ugub maaha laba isu oomanoo;

Wakhti kala irdhee

Ehel caashaqoo waxaan nahay

In badan aayaha sugee,

Ogoobey kalgacal

Axdi dhawristii

Samaanteeda lihin

Sow ujeedadeenii

Kumaynaan aflixin,

Ubad khayr qabiyo

Nolol aayatiin wacan

Ilaahow na sii

Aamiin Allahayow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this