Sign in to follow this  
Baashi

Eray-Bixin (Somali)

Recommended Posts

posted by muraad

This letter contains important information from the government body responsible for health and safety. If you would find it easier to understand this information in Somali please tick this box and return this letter to me and I will then arrange for a translated version to be sent to you.

Ugaas muraadoow bal aan aniga isku dayo marka horay..

Waraaq daan waxa ku qoran,waa waxyaalo muhiim ah,waxayna ka socotaa shaqaalo dowladeed oo u xil saaran xaga caafimaadka iyo nabadgalyada. Hadii ay kuu fududahay in faafaahintaan laguugu soo qoro af soomaali godkaan sax adigoo raali ah,iguna soo celi waraaqdaan si aan kuugu diyaariyo mid fasiran oo aan dib kuugu soo dirno

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Shoobaro, waa dadaashay oo si fudud ayaa loo fahmi karaa, hase yeeshee xoogaa waad ka sii fiicnayn kartaa adigoo rasmi ka dhaigaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

This letter contains important information from the government body responsible for health and safety. If you would find it easier to understand this information in Somali please tick this box and return this letter to me and I will then arrange for a translated version to be sent to you.

bal aan anigana isku dayyo inkastoo engliishku igu adagyahay.

-warqaddan waxay ka koobantahay macluumaat muhiim ah kuwaasoo ka socda cudud dowladeed kana masuul ah caafimaadka iyo nabad-galyada. haddii ay kuu fududaato fahanka macluumaatkan(fahfaahin)

fadlan hoggan sax iguna soo celi warqaddan kaddib si aan kuugu diyaariyo mid kaloo fasiran taasoon kuu soo diri doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Nuune alla islaan dheexaa oo migis qabta intaa dhakhtar u gaysa aad dhihi lahayd waraabaa qaniinay, alla adigaa, turjubaan nimadaadu waa heer sare sxb.......Lol :D:D

Waa lagaa qeyliyay.. :mad:

 

Go figure

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

This letter contains important information from the government body responsible for health and safety. If you would find it easier to understand this information in Somali please tick this box and return this letter to me and I will then arrange for a translated version to be sent to you.

 

--

Warqadani waxaa ku xusan war-gelin muhiim ah kana socota Dowladda qaybteeda mas'uulka ka ah Caafimaadka iyo Dar-yeelka. Hadii aad u aragto in ay kuu fududdahay fahanka war-gelintan iyada oo Af-Somali ah, fadlan xariiq kobtan, dibna iigu soo celi warqadan si aan u qabanqaabiyo in laguu so diro warbixin af-Somali ku tarjuman.

 

-- I hope I helped.

 

Muraad sxb ... aniga iyo adiga we have another project to finish. The compiling of new words from this thread. Its already 5 pages.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

This letter contains important information from the government body responsible for health and safety. If you would find it easier to understand this information in Somali please tick this box and return this letter to me and I will then arrange for a translated version to be sent to you.

 

 

Warqadaan waxay ka kooban tahay macluumaad ahmiyah weyn leh oo ka timid dowladda qeybteeda ka mas’uulka ah caafimaadka iyo amniga. Haddii aad adiga u aragto in aad fahmi kargo macluumaadkan oo Af-Somali ah, fadlan, ku dhig calaamadda baxda, iina soo celi warqadan, si aan kuugu diyaariyo kuuguna soo diro ayada oo la turjumay.

 

Af-Soomaaliga iskuma fiicnin, balse waan isku dayay in aan Af-Soomaali ka dhigo.

 

Wabillaahi Towfiiq:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Muraad,

Tan Jamaal baan ku qancay koley anniga. Kaliya waxaan ka beddeli lahaa labo meelood. Waan bidhaaminayaa anniga oo tiisa isticmaalaya:

 

Warqadani waxaa ku xusan war-bixin muhiim ah
oo ka
socota qeybta Caafimaadka iyo Daryeelka ee Dowlada. Hadii aad u aragto in ay kuu fududdahay fahanka war-bixintan iyada oo Af-Somali ah, fadlan xariiq
halkan
, dibna iigu soo celi warqadan si laguugu so diro warbixin af-Somali ku
tafatiran
.

Waxay ila tahay in aadan marnaba isku dayin tarjumid verbatim (word for word literally) oo kale ah. Ujeedku waa in macnaha sida ay tahay loo gudbiyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Horta tibaaxdaan beri hore ayaan turjumay sidaan ayaanana u turjymay:

 

Warqaddaan waxaa ku qoran macluumaad lamahuraan ah oo ay soo diyaarisay hay’adda dawladda uga mas’uulka ah caafimaadka iyo badbaadada. Haddii ay kula noqoto in macluumaadkaan oo af Somali ah aad si fudud u fahmi lahayd, fadlan godkaan calaamadi oo warqadda dib iigu soo celi si aan kuugu diyaariyo in nuskhada oo turjuman laguu soo diro.

 

 

Bal midkaana isku daya:

 

Socialising is relating to people. This starts in the family. The need to relate to people continues throughout our lives. Therefore it is good to develop good skills in relationships and to know social rules.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ugaas Muraad, hadii aan runta ka hadlo "turjumaan kaagu" sida aan filanaayey ma uusan noqon, qaladaadkuna waa u ku badan yahay,taasi waa in taan is iri.....

 

insha allaah bacdul afur baanu si fiican u wada sheeykay san doona haduu eebe idmo..

 

waxaan hadaayey kaa iloobey in aan sheeko gaaban kuu sheego.......

 

Nin reer xamar ah ayaa wuxuu furtay dukaan, wuxuuna u bixiyey "sharqaanka shopka"....dhowr bilood ka dib ayaa booska dukaanka ku xigay nin reer woqoyi ah gatay wuxuuna ka furay dukaan uu u bixiyey "dawaarlaha dadka" :D:D marka walaalkiis oodi qaadis iyo jiidis isku meel uun baa la geyn soo ma aha

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Shoobaro sxb, Thanks, waxaad ka mid tahay ragga hibadooda la rabo in laga faaiideysto, wax la isma dhaamo waa la isku dhowdhow yahay, bal kan aan aniga u horreeyo.

 

 

Socialising is relating to people. This starts in the family. The need to relate to people continues throughout our lives. Therefore it is good to develop good skills in relationships and to know social rules.

 

 

Bulshanimadu waa dhexgalka dadka. Waxayna ka bilaabantaa qoyska dhexdiisa. Baahida loo qabo dhexgalka dadku waxay socotaa inta nolosheenu jirto oo dhan. Sidaa awgeed waxaa habboon in la sameeyo xirfado wanaagsan oo xiriirka dadka ku saabsan iyo sidoo kale in la barto xeerarka bulshada.

 

Haye adigana dalowgaaga rido.

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

oo waxaan ismoode qof balaayo ka dacde icon_razz.gif makri af-somali la dhaho (gabdhaha gashantiyaasha ee isku da'du anu nahey waxaan ugu faani jirey inaan kabadiyo luqadaa afsomaliga) ;) balo ka dacde redface.gif wale waxaa la yiri: Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi.

 

raali noqda akhyaarey-halkiina kasi wata baliis :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Aryaa xay tahay waa la aamusee, mise walax laga beddelaa la kasi waayay, hee mugga middaan isku fiiriya.

 

Your views on help provided by Social Services to enable you to live in your own home.

 

Mushaari iyo macsharo minaad ku afurto, asaad malawax ka daba gaydo, muufo macsaro iyo maraq lagu darayna casho kuu noqoto, mas'alada kore u daahi maydidaan filaa ee miidiida iyo mahay ka macdahay ayadoo sidii malawax u duuduuban mahaan iigu soo xariiq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

this topic belongs to the "dood wadaag" section

 

 

Xeer Ilaaliye = Judge

Abuukaate= Lawyer

Xisaabiye= Accountant/Book keeper

Shaybaar= Laboratory

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this