Sign in to follow this  
Emperor

26 June, In memory of the great Sayid Mohamed Abdille Hassan

Recommended Posts

Cige   

If you want to see Somali Hypocrisy come to this thread.

 

some ppl who were friends in opposing Habashi are now fall apart when it comes Sayid Mohamed or Mad mullah as some calls him.

 

Those who are saying we are patriortics resistance (Muqqawama) like Sayid enz are the same who have stolen his status and destryes his history even the tapes of his poems :confused: someone asked

what happended to the Sayid?

I would say ask the insurgents :D ,

 

those who are saying he was a hero and those who sayshe was qabiiliste both have one thing in common. HYPICORACY because when they are oppressing others they enjoy and if some hardship touchs them they CRY and CRY and blame others and ... if the same hardship touches others they CHEER smile.gif

 

Somaliland yaa diidan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@ NG

 

:D:D @somaliland yaa diidan!

 

It's no longer relevant adeer. Somaliland is staying in the union house, and not separating from it!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

Xaaji,
the greatness of the Sayid is beyond dispute. As the leader of one of Africa's longest rebellion against the British, he is admired in every corner, "Somaliland" or otherwise. his harsh tactics you must understand, thats is the only way to lead Somalis. As for some opportunistic sycophants of the British empire who that they could personally profit from being the Englishmen's informer, they deserve every bit of the sayid"s wrath. Personally, there were both opportunist and rebels on both sides of my family but after independence, i have never seen even the former opportunists bad mouthing the Great Sayid.

^ this must be what Cige is referring to

 

let me extrapolate adeer ... the above statement is equally true of the bottom one.

 

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

Xaaji, the greatness of the
shabaab
is beyond dispute. As the leader of one of Africa's longest rebellion against the
Ethiopin
they are admired in every corner, "Somaliland" or otherwise. thier harsh tactics you must understand, thats is the only way to lead Somalis. As for some opportunistic sycophants of the
Ethiopians
who thought they could personally profit from being the
Ethiopians's
informer, they deserve every bit of the
shabaab's
wrath.

^ where is the difference Naxar .. the shabaab are doing exactly what you admire the sayid for ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin and/or A&T iyo intii gabayada ku talax tagay.

 

can you post a certain gabay by the sayid himself (or maybe it was another guy) ... gabadh baa inta la siiyay reerkii buu ku noqday isagoo raba gabadha in laga badalo oo mida iyada la dhalatay la siiyo ... he was using horses as an example.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Haaheey, I see many secessionists have already started their Cuqdad and denounciation for the greatest Somali man, Sayid Maxamed Abdille Hassan. You ask what is the correlation between 26 June and the Sayid. Its very basic and you all sound naive to pose such rheterical question. You should have done direct denounciation instead of questioning the link between the first man who questioned the presence of the British Empire in his land, initiated the movement to put down the British flag and fought for twenty long years against the super power of that time, and a day when that very same British Empire rule ended their flag downed and the Somali flag raised over the beautiful city of Hargeisa.

 

May be you aren't stil satisfied with my argument as you perceive me to be clan thee (ileen qabiil baa dadka indhaha tirayee), let me post a poem composed by reer Hargeisa Abwaan by the name Qaasim from Yemen dedicated for the happy occassion of 26 June 1960 detailing the great link this day has with Sayid Maxamed struggle. He's supposedly sending his farxad and ranrayn message to Sayid Maxamed giving him the credit of this fruitful result.

 

Allow yaa darwiishkii fariin dabacsan gaarsiiya,

Allow yaa damaashaad farxad leh kala dul eedaama,

Allow yaa dalkaagii ku dhaha dowlad nimo qaaday,

Dhaaxuu ku daakirey xaqii naga dahsoonaaye,

In dariiqadii toosan tahoo dihini soo gaarin,

oo uu dabkuu shidey rag kale dogobyo sii saarey, - Indepence 26 June - the Somali nationhood is his legacy.

Allow af lama daaliyee daacad ugu sheega.

 

 

Waad maxad adagtiihiin waa in la idiin bayaaniyaa casharka...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Origianlly posted by Cige"

Somaliland yaa diidan?

No one, although you like to dishonour Sayid Maxamed but if you ask the British or anyone from all the British Empire subjects or controlled terrorities, historians or educated people of this earth to associate anything with Somaliland, they will simply name Sayid Maxamed Abdille Hassan, thats a fact adeer, honour your hero and stop calaacalka.

 

Historically Somaliland is synonomous with Sayid Maxamed, adeer live with it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

26-ka Juun maalinta dhabta ah ee xoriyada gobolada waqooyi ama Somaliland.

 

Warkii 26-Jun-2008 iyo Qormadii: Hassan Dirie Jama

Umad waliba waxay leedahay taariikh ay ku faanto,iyo munaasabado ku dheer oo lama ilaawaan ah,kuwaasoo la xuso oo laga sheekeeyo halgamadii iyo maalin waliba waxay wanaag iyo tiiraanyo umada u leedahay.Maalmahahaas ayaa waxa ka mid ah maalin qaran,mid qoys,iyo mid shakhsiyeed oo midba mudnaanteeda loo xuso,taasoo mudan in mid walba mudnaanteeda la siiyo,oo xuskaas la xusayaa uu noqdaa mid lagu xusayo muxaadarooyin diini ah,iyo in laga sheekeeyo wixii wanaagsan.

 

 

Hadaba maanta oo ah 26ka-juun sanadka 2008 ayaa ah oo ahayd maalin taariikhi ah,isla markaana xusuus dheer mudun,ahana maalintii ugu horeysey ee dad Soomaaliyeed xoroobaan,isla markaana la laabay calankii gumaysiga,laguna bedelay mid Soomaali leedahay.

 

26-ka Jun 1960-kii waa markii Gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, waxaana saqdii dhexe caawa oo kale ku beegan tahay sanad guuradii 48-aad ee ka soo wareegatay markii xornimada qaateen gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.waxaana halkaasi gabey qiiraanyo leh calanka u tiriyay abwaanka caanka ah ee Cabdulaahi Suldaan Timacade waxaana ka mid ahaa maansaddii uu habeenkaas tiriyey ee ay ka mid ahaayeen ereyada ah:"SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW,AAN SIDUU YAHAY EEGEE KANA SIIB KANA SAAR" oo uu ula jeedey in calankii gumaystaha meesha laga tuuro, waxaana farxad iyo reyn reyn ay u ahayd maalintaas dhamaanba bulsho weynta soomaaliyeed waxayna maalin muguro u ahayd gumaysigii meesha laga saarey ee ingiriiska., waxaanse shaki ku jirin in caalamka dadka ku nool qolo walib ay marba heer soo martey taariikh iyo waayo kala duwan.

 

 

 

Sanadkii 1960-kii xaley oo kale oo saqdii dhexe 26-kii fagaare weyn oo ku yiil magaalada Hargeysa haatanse laga dhisey Masjid weyn waxaa laga taagay calankii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed oo xor ah, kaasi oo lagu badaley kii mustacmarkii Ingiriiska, waxaana xafladaasi ka dhacdey laba oohin oo isgarab socda laakin kala mabda’a iyo kala afkaar duwanaa, waxaana kala duwanaa jawiga lagu ooyayey

 

Saraakiishii Guumaystayaasha Ingiriiska ee xafladii calan saarka joogtey waxay ilmeeyeen markii calanka Boqortooyada Ingiriiska inta la dajiyey birtii uu surnaa laga taagey calanka buluuga ah ee dhexda ku leh xidigta shanta gees ah ee cad, laakin ilintaasi mid ka duwan ayaa waxay ka soo hooratey madaxdii iyo hogaamiyeyaashii Soomaaliyeed ee xafladaasi goob jooga ka ahaa kuwaasi oo ilmeeyey markii ay arkeen calanka ummada Soomaaliyeed oo si rasmi ah looga dhextaagey ciida Soomaaliyeed, iyadoo uusan ka koreyn ama ka sareyn calan kale sida dhici jirtey mudo sanooyin ah

 

Halgankii ummadda Soomaaliyeed ee ay hogaanka u soo hayeen gobonimo doonkii Soomaaliyeed oo uu ugu muhiimsanaa halgankii Daraawiisheed oo 21-sanadood dagaal ay ku naf waayen kumanaan mujaahidiin ah,ayna ku barakaceen in ka badan dadkii Soomaaliyeed ee ku noolaa gobolada Waqooyiga,khaas ahaan goboladii xarunta u ahayd Daraawiishta.Halganka Daraawiishta ayaa ugu danbayntii la jabiyey,kadib markii markii ugu horeysyey diyaarado lagu burburiyey xaruntii Daraawiishta ee Taleex,kadibna Sayid Maxamed Cabdille Xassan iyo daraawiish wixii ka hadhay ay u baxeen xagaa iyo koonfur.Waxaa iyaguna la xusi karaa xisibgii SYL oo iyagu wakhtigii xoriyadu bislaatay ee gumaystuhu iska tagayey is abaabulay,kuwaasoo markii danbe siduu ahaa qorshihii loo sameeyey ururkaa gacanta ku dhigay awoodii wadanka.Waxaase nasiib daro noqotay in Daraawiish iyo dadkii taageersanaaba aanay ka helin wax abaal ah dawladihii Soomaaliyeed ee xoriyada ka dib awooda qabtay.

 

 

 

Xoriyada ay heleen dadka Soomaaliyeed ee 26-ka Juun ayaa waxaa xigtay in 1 July,ay midoobaan goboladii waqooyi ee British Somaliland iyo kuwii koonfureed ee Italian Somaliland,kuwaasoo sameeyey jamhuuriyada Soomaaliya,taasoo caasimad looga dhigay magaalada Muqdsiho.

 

Xiligaasi waxaa la doortey madaxweyne waxaa loo doortey Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cade) oo isugu bishan June ee sanadkii 2007 ku geeriyoodey magaalada Nairobi, Waxaana sidoo kale Ra'iisul Wasaare loo doortay C/rashiid Cali Sharma’arke oo labaduba ka soo jeday goboladii koonfureed,meesha Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Cali Garaad Jaamac oo ahaa odayaashii horkacayey siyaasiyiinta reer Waqooyi ay nasiib u heleen jagooyin wasiiro ah,halkaas oo ay ka bilaabatay wax isu quudhi waa iyo kala sed bursi awoodeed oo kow u noqday Soomaalidii sida walaaltinimada ah isugu soo hilowday.

 

Ummada Soomaaliyeed oo in badan ku hamin jirtey in la helo qaran Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Somaliweyn ah,ayaad hada moodaa in ay adag tahay sida lagu heli doono xataa Somaliyar,ama labadii qaybood ee isu tegey oo hada leh laba madaxweyne iyo maamul,waxaa maanta lagu qoslaa ninkii ka sheekeeya Somaliweyn,iyadoo halgankii lagu xoreyn lahaa NFD,******IA,ay ka danbaysey in ay maanta intii kaleba ku jiraan gacan gumaysi cusub,oo cadaan iyo madowba leh.

 

Xoriyadii halganka dheer loo soo maray ayaa ee ay keeneen rag Soomaaliyeed oo sharaf iyo kareemo intay noolaayena ku noolaa,aakhirana kuwii shahiiday ay eebe meel khayr leh ka rajaynayaan,waxaa bedelay rag gumaysiga ku soo hogaamiya dhulkii hooyo,u ah gadhwadayaal,la dagaalama culimada,iyo qofkii wadaniyad lagu tuhmuba.

 

Waxaa samaysay maamulo ku salaysan caadifad qabiil iyo isgaadhaanbuuraysi,kuwaasoo ay ka danbeeyaan dawlado shisheeye oo cadaawad ka dhex abuurya umada Soomaaliyeed.

 

Waxaa 18-May looga dabaal degaa gobolada Somaliland in ay tahay maalintii xoriyada ama sida la sheego dib loola soo noqday,taasoo loo sameeyo damaashaado badan,balse waxaa xaqiiqdii mudan in damaashaadka ugu weyn la sameeyo 26-ka Juun oo ah maalintii gumaysiga ingiriisku ka huleelay caro Soomaaliyeed oo ah maalinta dhabta ah ee aynu xoriyada qaadanay,meesha 18-may ay tahay maalin kale oo aan la barbari dhigi karin maalintaas weyn.

 

Waxaa ku waajib ah maamulka Somaliland,iyo dhamaan maamulada kaleba inay xusaan maalintaas qiimaha badan,taasoo ah maalintay xoriyada qaateen gobolada Waqooyi amaba Somaliland.

 

Hassan Dirie Jama

 

Contac:xassand2000@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Halgankii ummadda Soomaaliyeed ee ay hogaanka u soo hayeen gobonimo doonkii Soomaaliyeed oo uu ugu muhiimsanaa halgankii Daraawiisheed oo 21-sanadood dagaal ay ku naf waayen kumanaan mujaahidiin ah,ayna ku barakaceen in ka badan dadkii Soomaaliyeed ee ku noolaa gobolada Waqooyiga,khaas ahaan goboladii xarunta u ahayd Daraawiishta.Halganka Daraawiishta ayaa ugu danbayntii la jabiyey,kadib markii markii ugu horeysyey diyaarado lagu burburiyey xaruntii Daraawiishta ee Taleex,kadibna Sayid Maxamed Cabdille Xassan iyo daraawiish wixii ka hadhay ay u baxeen xagaa iyo koonfur.Waxaa iyaguna la xusi karaa xisibgii SYL oo iyagu wakhtigii xoriyadu bislaatay ee gumaystuhu iska tagayey is abaabulay,kuwaasoo markii danbe siduu ahaa qorshihii loo sameeyey ururkaa gacanta ku dhigay awoodii wadanka.Waxaase nasiib daro noqotay in Daraawiish iyo dadkii taageersanaaba aanay ka helin wax abaal ah dawladihii Soomaaliyeed ee xoriyada ka dib awooda qabtay.

Indeed the struggle of Darawishta led by Sayid Maxamed were the backbone of this fruiful end. Geesiyaashii daraawiishta sida Ismaciil Mire iyo raggiisiiba waa laxusaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Waxaa 18-May looga dabaal degaa gobolada Somaliland in ay tahay maalintii xoriyada ama sida la sheego dib loola soo noqday,taasoo loo sameeyo damaashaado badan,balse waxaa xaqiiqdii mudan in damaashaadka ugu weyn la sameeyo 26-ka Juun oo ah maalintii gumaysiga ingiriisku ka huleelay caro Soomaaliyeed oo ah maalinta dhabta ah ee aynu xoriyada qaadanay,meesha 18-may ay tahay maalin kale oo aan la barbari dhigi karin maalintaas weyn.

Its funny to see the amount of money, time and energy spent for the celebration of this day accross globe, a day when some part of Somalia was supposedly 'seperated' from the rest of their Somali people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Norf adeer I, the whole of the TFG crew, the President of Somalia Mr. Yusuf Yey and his ministers, A. Qasim and the whole of his TNG, Siad Barre and the former Somali governments. Shariif Ahmed, Osman Ato, the headless kids of Alshaab movement and the rest of the Somali people will honour and respect this great man alike, he's the founder and inspirational spirit of the Somali unity.

 

Stop twisting words and turning this into Alshabaab/TFG thread, its not a coincedance that some few secessionits hate Sayid Maxamed because of ill-concieved, uncalculated and clanishly overrated or exagerated prejudice.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

GJ, that was very offensive! Please dont do it again!

you either don't have a clue of what I'm talking about .. or you do & just scoring a point :D ... in any case haddii aad garanayso gabayga aan sheegaya bal soo dheji

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this