Sign in to follow this  
Xudeedi

Atam: “Faroole is a weak servant and i only negotiate with free men.

Recommended Posts

awoowe Hunguri, ku gartay hadal ninweyn oo xikmadaysan weeyye kaagu, sahayda xumada iyo ciidan xumada gartay kuguna waafaqay, tala xumadase far baa iiga taagan.

 

intaanan hadalka dil-dillaacin, ciddu Puntland ma tahay mase maaha, goormay suldaanadu iyo garaaddadu Puntland ka baxeen, goormaase Ilka Jir shaqaale dawladeed oo qura noqday , ma labadii beri ee lasoo dhaafay baa siyaasadii reerku is bedeshay awoowe?

 

wax badan baan fahamsanahay reerkana ragga laga dilo qaar baan asxaab nahay oo runtii war badan iguma seegana, naanaysaha SOL yaacaya ee maalin walba magac gobol ama mid qabiil ku habarwacdana waxba kamasoo qaado :D , laakiin sidaan kaftanka ku jira ee la soco awoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Nassir:

Hunguri, hadal xikmad leh baad soo tabisey.

Berigii la dhisayey dekedda kismaayo ayaa waxaa shaqaaleheeda ku jirey nin reer waqooyi ah oo la oran jirey Cali-waskhaan oo dhib badan, maalin dambe ayaa niman uu dhibay waxay uga ergoodeen odayaal ciddiisa ah, markaasaa odayadii dhaheen nimanyahow annagu ninkaas idiinma qarin oo waataan magaciisa idiin sheegnay.

hadda hunguri xikmad ma sheegine sheeko magaciisa khusaysa ayuu noo sheegay. Maxaase sahan, talo iyo ciidan ka galay abidkiisba inuu martiyo ma'ahee cidi kama martiyine.

 

Nimaan weligii in loo taliyo ma ahee talin cidina talo weydiinmayso suu maba yaqaane.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Xiinoow, waad mahadsantahay. Suaashaadana, waan kaaga jawaabayaa. Marka u horraysa, reerku Dhalashana waa meesha aad garanaysid, dheef iyo maamul wadaagna waa Puntland.

 

Taasi waa suaashaada hore, arrinka Ilka-jiir haddaan usoo laabto, niyohow runtaa wanaagsane waa shaqaale Dawladeed, talada & masiirka ummadana waxaa mar walba leh Issimadii Garoowe heshiiskii Puntlan ku saxiixay. Taas macneheedu maaha, waxba inakkama dhexeeyaan.

 

Farta aad arrinka Faroole ka taagatay, haddaan usoo laabto. Niyohow, ninkaasi meel daran ayuu Maamulkaas ku wadaa. Sababtuna waxa weeye,

 

(1) Budhcad badeed juffidiisu bilawday, oo maaro loo waayay

 

(2) Islaamo lacago soo daabacday, oo Maamulkiisii xoog wax kaga qaaday

 

(3) Unugyada amniga Maamulkiisa iyo Sirdoonka, oo aanu isagu xor u ahayn ( Waa Dullinimo tan ugu wayn aduunka )

 

(4) Qabiil dadkii iyo shacabkii naafeeyey, oo waxba laga qaban kari waayay. Qabiilka ayaa wuxuu ka horreeyaa Wadaniyada.

 

Tusaale:

 

Reer hebel ayaa Wasiir laga qaaday, waa mudaaharaadayaan. Reer hebel ayaa wax laga dilay, oo kuwii dilay Jeelka ayay ku jiraan, waa lagala soo baxayaa. Reer hebel & Reer hebel waa inay hub isu urursadaan. Waamaxay dawadeedu ? wali lama hayo!

 

(5) Siyaasad xumo ku wajjahan ( SSC ). Taasina, waxay gaadhsiisay, iyadoo hadda xaalad kala Guur ah lagu jiro, ayuu wuxuuba bilaabay inuu Ugaadhsado Xildhibaanadoodii. Waar ninku inan Gumeedsanaa!

 

Hoga-Tusaalayn:

 

Somali land, markii Dhahar laga caabbiyey, markii Laascaanood intaasoo jeer laga celiyey, markii maalin walba dhallinyarada Sool, Sanaag, Cayn, Haylaan kasoo jeedaa Gawaadhida iyo xittaa Agabka Ciidankooda lasoo baxsan jireen, wali may dhicin inay Wasiir ama Askari xilka ka qaadaan. Iskaba daa, nin Xildhibaan ah oo la eryo.

 

Somali land, waxay ku hana qaadaa ama ku kobocdaa marka ay aduunka tusaan dhibaatada Somalia ka taagan. Meeshii kali ahayd, ee lala bar bar dhigi jiray, hadday kuwii wax la dhisay ( Raacdayn iyo Eris ugu dhaqaaqday ). Walaaloow, haddee xaggee horu mar iyo maamul wanaag ka imanayaa????

 

Gunaanad:

 

Waxaan kusoo Gunaanadayaa. Murti Soomaaliyeed, ayaa waxay tidhaahdaa. Nin baa Geel badan lahaa, Geelaasna Geel-Jire wanaagsan iyo Ciidan wanaagsan ayaa u ilaalin jiray. Caanihiisana waa loo maali jirayoo aad iyo aad ayuu u jeclaa.

 

Maalinkii danbe ayaa ninkii Sakkaraadkii u yimi. Naftii ayaa markaa isku duubtay. Qiiq, Qiiq, Qiiq. Ka dibna, waxaa la yidhi, waar ninka Geeliisii uu Caanihiisa jeclaa, hallagu Dhuunyo oo Dhuuni hallooga dhigo. Waayo waxkale kama dagayaan.

 

Ninkii markii Caanihii loo keenay, oo la rabo inuu Dhuuni ahaan u cabbo, ayaa Caanihiiba ka dagi waayeen. Kadibna, ninkii intuu dadkii oo dhan wada eegay, ayuu ku yidhi. Waar nimanyohow:

 

"Geelayga Caanihiisa layma diidi jirine, bal hadda Dhinaca kale ii rog roga"

 

Maxaa la rog-rogaa naftii baaba kasii baxaysee.

 

Hadda, waxaan kasoo wadaa. Waar bahashan maanta Sakkaraadka kaga jiro, adeeroow iska dhiiba. Oo idinku askartii iyo Qawsaarkii noqda :D

 

Hadii kale, sida ninkaa aan sheegayo noqda. Oo Geelii iyo Xoolihii badnaa Qawsaariinta iyo Raggaa u raaci jiray ha u hadhaan ;)

 

PS:

 

Dambarsame, saaxiib adiga waxba ku odhan maayo. Warankaygu adiga oo kale ma Gayo....

 

Nabaday

 

[ July 30, 2010, 11:02 AM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ War wa maxay hadalkan badan, showaya showya, A&T yaanu ku gaadin. :D

 

The problem here is Faroole, only Faroole and nothing but Faroole. The man is like a cancer that spreads all over the body and causes all manner of aches and pains.

 

Do a SOL search on his name and view the topics that talk about him. The earliest one is about him being sacked as a minster and (allegedly) organising an attack on the parliament and presidential palace. Another one is about the PL elections and how he was never likely to make it as president because of his corruption and bad reputation. Another is about his spat with Amin Amir and the issue of the fake printed money. Another is about the PIS. Another is about his threat that PL will secede as a result of the Djibouti agreement. Another is about him blaming the internal refugees for the trouble in Bosaso. Another is about his interference with the SSC garads. Another is about the ONFL extraordinary rendition. Another is about his alleged links with the pirates. Another is about him giving his son a job as an adviser. Another is about the SSC people asking him to stay out of their business. Another is about him deporting some southernes from PL. And finally, this one is about Atam and Atam's clan. :D

 

Your mountain goat might not be the most innocent of men but with Faroole's track record one is forced to give Atam the benefit of the doubt here.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^You have a point about Faroole, and if Attam was a local independent goat then there would be no issue here. The problem is AL Shabaab, we have been here before and after they are taken care of in Galgala, then Faroole days are numbered.

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D:D @

"Geelayga Caanihiisa layma diidi jirine, bal hadda Dhinaca kale ii rog roga"

 

fiiri Hunguriyow, horta caddaalada lagama tago awoowe, puntland meel xoog laysku haysto maaha, farsamo taala, nimankaad leedahay geela ayagaa hadda ka baqtiyi raba, cidday muquuniyeen ooy xukun ku haystaan ma jiraan, waa niman la jecelyahoo hadba qolaa iska caashaqda oo xukunka u dhiibata, haddaad been u qabto ilka jiir weydii, isagoo ay u dhowdahay abtiyadii baa dhaafiyey waanad ogtahay :D , ama ina cabdi xaashi weydii, asagooy u dhowdahay baa reer sanaag iyo reerkiisa qaarkii dhaafiyeen, ee xaggayaga lasoo aadeen :D , marka ragga ninyahow cidla haka xagxagan,

 

waxaa kuusoo haray reerka iyo xagga ay jiraan, awoowe reerku rag reer bari ah ooy is hayaan waa jiraan, kuwa jawaasiis oo naf lahaynina waa jiraan

laakiin arrin la tijaabiyey baa jira, oo waxay tahay tanaazulku waa shay minal xadaarah, waanad ogtahay wiil qiirooda oo sanka taaga, oo rag iska dhiciyaa koonfur baan uga nimid, waxna soo kordhin waa li anna wax walba si bay ushaqeeyaan, nithaamku aragti dheer oo ficil ka weyn buu ku dhisanyahay, ee is fiirsasho marna kuma baraaro ee wiilka buurta halagasoo dejiyo, faroolana waa ku khasbanyahay inuu wadahadal galo oo uu qayla dhaanta daayo

 

faroole maaha nin dadka xoog ku haysta, shan sanaa la doortay ee halloo daayo intuu dhamaysanayo, eedayntaada qaarbaa run ah, habrihii gaalkacyo lacagta ka degsaday inuu wax ka ogaa bay u egtahay, PIS ta inuu ka baqay bay u egtahay, pirateska se waa xan laciif ah, oon raad badan lahayn, waana sheekooyinka merfishka awoowe, ilka jir iyo asagaba waa lagu eedeeyey laakin wax la rumaysankaro uma eka

 

arrinta ssc waa yara adagtahay,oo sideedayba u foorarta, laakiin rag tashaday bay aniga ila yihiin, inay muwaafaqo odoyadooda ka helaan keliya baa u hartay, faroole boos ugama banaana aniga ra'yigayga waana ku ceeboobayaa hadduu sida uu ku socdo ku socdo, li anna hadalkiisu waa wax ba ha qabsan, anna wax kuu qaban maayo

 

wax kasta waxbaa ka darane, wiilkan buurta boosaaso u muuqata fuushan soo dejiya, oo wilaayadda galgala naga baaja haddaad tol tihiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Hunguri

 

 

PS:

 

Dambarsame, saaxiib adiga waxba ku odhan maayo. Warankaygu adiga oo kale ma Gayo....

 

Nabaday [/QB]

Hunguri Sxb waa runtaa illeen warankaagu waxaan xeero hilib ah iyo saxan bariis ah ahayn ma geyee,waaba haddaad waran abid yeelataye :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Maaddeey:

^Dambarsame, saaxibkeyga qaaliga ah, goormaad lafa garaaca baratay?.

War sxb maaddeey, indhoweyd waan ka maqnaa meesha, markaanse dhurwaa dhurwaa ka gardaran arko ayaan dulqaadka lumiyaa :D:D

 

But I am deeply indebted your idiomatic advise, which is in fact very rare to have recieved like it other than from a kind friend.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Typical of atam he is now backfliping lol. Xudeedi can't you see he is trying to play different card after he saw puntland defeat galgala terrorists in round 1? You see they tried using the islamic card to get people to unite behind atam and bosaso is very extremist city and shabab knows that and thought using the islam card would get the locals all behind atam but that didn't happen. Now their tryin to switch their game seeing the islam card won't work so now its "fight for beesha" card.

 

Shabab won't be fooling the puntlanders there. They've seen this costume their wearing in 1991 after they were defeated from the north-east. Puntland has a strong track-record in defeating terrorists so shabab shouldn't be playing with fire here.

 

We have very highly trained police force at carmo, a very disciplined and well armed PIS, Not to mention border control darawish forces.

 

So they better not think this is hamar where 12 years don't even know how to hold a gun. The shabab boys will be in the biggest fight of their lives if they dare think of toppling this govt.

 

This govt wasn't forced anyone or any region. It was created thru consultation and free will of 8 regions of somalia. This is not a shabab system where they put a knife on people's throat and say "follow our way". No thats not puntland.

 

Shabab stop messing around with 1 of the 2 peaceful areas of somalia. The idp's are fleeing your brutal leadership in their degans and flooding into puntland to have freedom and opportunities that your incumbent shabab boys cant provide.

 

Shabab thugs needs to be dealt with and they need be dealt with using an iron fist

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Xiinoow, marka waxaad moodaa inaynaan wax badan isku diidanayn. Mar haddaad tidhi ninka Buurta dheer saaran soo roga. Ninkaas war waa laga keenayaa. Odayaashii maanta waakuwa Baaqqa soo saaray. Markaa Odayaashaa ayaynu dhawrnaa sida Dawladu Baaqooda u tix geliso, iyo sida ay ula macaamili doonaan Qoladan Gal-Gala ku jirta.

 

Waxaan leeyahay " Nabadaa Naas la nuugo leh"

 

Caffis iyo Musaamax!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Aan ku cuno kuguna ciil baxee hayga caban waana

Aan ku raro reerkana kugu dhaqdee hayna kala reebin

Aan ku dilo dadkuna yaanu arag dakharka dhiigaaga

:D:D Hunguri, reerku waa inuu signaturekaaga bartaa. Nin aragti dheer baa tahey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this