Sign in to follow this  
Xudeedi

Atam: “Faroole is a weak servant and i only negotiate with free men.

Recommended Posts

Xudeedi   

Breaking News: Waraysi VOA- Sheekh Maxamed Siciid Atam

July 29, 2010

By admin

Halkan ka dhegeyso waraysiga Sheekh Atam ee VOA la yeelatay.

 

Hoggaamiyaha ciidammada degaanka Galgala, Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa VOA-Somali u sheegay inaanay haba yaraatee wax shaqa ah ku lahayn uruka Alshabaab. “Alshabaab ayagaaba sheegtay inaanaan ka tirsanayn, annagu waxannu difaacanaynaa degaammadayada, dagaalkuna waa in muddo socdey oo hadda ka hor Majayahan ayaannu ku dagaallannay madaxweynihii Faroole ka horreeyey, Cadde Muuse…,” Sheekh Atam

 

“Ajnabi iska daaye, cid xataa koonfur ka timi naguma jirto. Ardaydii iyo macallimiintii maddarasooyinka ka soo cararay Boosaaso cadaadis awgii, ayaa halkan jooga.” Ayuu ku daray.

 

http://www.laasqoray.org/press/?p=7324

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

In an interview that Sheikh Maxamed Saciid Atam had with VOA, he shed light on his true political position and his independent grass roots movement that initiated as a reaction to over a decade of targeted offenses from Puntland.

 

The sheikh stated, "Our movement is local and the last skirmish was a clan reaction against puntland's clan targeted transgression."

 

The sheikh also stated, “this is a continuation of Majiyahan and Laag skirmishes and our troops are only defending their land."

 

When asked are you willing to negotiate with Faroole? He replied, “You can only negotiate with free men. Faroole is a puppet and is incapable of reaching his own decision. The last time we signed a treaty, he came back to my elders and told them that he is not allowed to negotiate with the western Bari movement."

 

Mr.Attam also commented on alleged foreign fighters in Galgala and stated, “ let alone foreigners, we don’t even have Somali’s from other regions in our camp.”

 

This reinforced that the root causes of the conflict was inspired by clan elements. This interview unmasked what was long hidden by Faroole supporters in an attempt to appeal for international support to fulfill narrow clan agendas.

 

The Sheikh was professional, charismatic and presented his argument very well.

 

Somaali waxay tiraahdaa, “Beeni raad ma leh”. Waraysigaan ayaa wuxuu kashifay dhamaan inta SOL ku jira oo u sacab tumaaye beeshooda kadibna faraha ku fiiqaaye kuwa iska cabinaaya dulmiga iyo gardarada foosha xun ee “Puppet” Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Hogaamiyaha maleeshiyada lagu xiriiriyo inay u janjeerto al-Shabaab ayaa sheegay inaysan ka tirsanayn kooxda al-Shabaab.

 

Sheekh Maxamed Siciid atom oo wareysi khaas ah siiyay Idaacadda VOA ayuu wuxuu ku sheegay inaysan jirin cid ka tirsan al-Shabaab amma ajaanib oo iyaga dhinacooda ka barbar dagaalameysa.

 

Wuxuu ku eedeeyay maamulka Puntland inay go’doomin ku sameeyeen degmada Galgala, ayna u diideen ayuu yiri dadka shacabka ah inay ka baxaan amma soo galaan Galgala.

 

Sheekh Atom ayaa sheegay in uusan wadahadal la geli doonin maamulka madaxweyne Faroole oo uu ku tilmaamay mid aan xor ahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Xudeedi: You do realize PL is bigger than any personalities? Faroole vs Atam is just as simplistic as a simpleton.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Xudeedi, brother, I think it's time to look at the bigger picture, and I agree with Jacphar, PL is bigger than personalities. Farole and Atam are temporary individuals.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Xiin, Xudeedi is an avitar that voices valid concerns. Jacpher AKA Mr.Somalia wax saamayn ahi kuma yeelan kara a movement that defends the existence of a community.

 

Adiguse waxaan moodaye mar hore in uu ilaahay ku hanuuniyey :D , marka ha la yaabin inta shareecada hada qaadatay.

 

"This is bigger than individuals", couldn't agree more, Ilka Jiir, Atam and Faroole are only individuals as i previously stated. My concern is my constituency and the boys in Western Bari who Faroole has labelled as terrorist in order to appeal to international anti-terror donors.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xudeedi,

 

Jacpher, Mr.Somalia ha xunka ah maaha ee ha maagin ninyahow. ma filimkaygii baa lagu baray ninyahow :D ?

 

midda kale shareeca islaamiyah yaa wada? Ma reerkaa wada oo raba inay Puntland ku dhaqaan? Mise Atom ba wada oo reerka ku dhaqaya? Awoowe khilaafka PIS waan gartay laakiin wilaayada Galgala laga dhisay baa igu cusub :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Xiinfaniin waa rageedi:

 

Adeer this is the Caravan that you have long been waiting for. Wilaayadu waxay doonayaan shareecada in beeshoodi ay ku dhaqdaan.

 

If you listen to Atam's interview he stated, " Puntland never governed this territory, they are only in quest for dollars from the international community."

 

Xiin tii Koonfurba waa taageertay ee tanbaaba kaaga dhow ee wilaayada uu sacab tum :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

war Caravanka yaa Atom u fasaxay inuu raaco ninyahow ma iska fuulayaa iyadoonba laga tashan?

 

Haddaan Puntland dhulkan laga rabin, maxaa dubays dawlada ugu jiraa Xudeediyow :D ?

 

Ciddayadu waa dhexdeerooy xoogaa siyaada ah damacday waxaa nalaku yiri bahashu hartoo dhan bay ka dhexeysaa ee intiina iimansada, waa tii Ilka Jir daakhiliga la siiyey, ka horna uu sigay inuu saldanadii ina Cali Shire soo cesho...haddaad PIS ka caroonaysaan see rabtaan inaad rag wax ula qaybsantaan Xudeedi?

 

Midda kale wilaayada ma carabiga Yemen laga bartaa lagu dhisayaa ninyahow soo aqoon iyo shuruuc uma baahna :D ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Xiin-Faniin sidaada kale waad u fiicantahay, laakiin Siyaasadaadii iyo xariifnimadii ayaad waxaad rabtaa inaad Duubkii reerka iyo Saldanadiiba ku maldahdid.

 

Ilka-Jiir waa shakhsi weeye, haddana wuxuu u shaqeeyaa maamulka Puntland ee Faroole. Mustaqbalka iyo masiirka reerkuna kuma xidhna Wasaarada Arrimaha Gudaha :D . Waxay ku xidhantahay Issimada reerka ee uu madaxa ka yahay Suldaan Siciid Suldaan Cabdi-Salaam, Madax duubka kale iyo Sama taliyaasha. Aan kuugu daree iyo Shuyuukhda ama Culimada :D

 

Intaa haddaan kaftanka ku dhaafo, niyohow aan waxyar kuu sheego. Puntland, waxa Ragaadiyey ama naaffeeyey ayaan kuu sheegayaa. Waxaa Puntland naafeeyey waa 3 Arrimood. 3-daas arrimoodna waxay yimaadeen markii Abdillaahi Yuusuf Yeeye ka tagay. Saddexda arrimood waxa weeye :

 

(A) Sahan Xumo

(B) Ciidan Xumo

© Talo xumo

 

Murti yar ayaa waxay tidhaahdaa. Nin aad u hunguri waynaa, ayaa wuxuu arkay Dooxo aad iyo aad nabaadka iyo baadka xooluhu cunaan Eebe ku mannaystay. Kadibna, isagoo Yagleel ah oo reerkii Geedi yahay ayuu wuxuu is yidhi, waar bal Dooxadan Barwaaqada ah, oo cidlada ah marnaba ha dhaafin.

 

Ninkii Reerkiisii iyo xoolihiisii ayuu wuxuu ku furay Dooxadii Doogada iyo Baadka badnayd. Laba ama Saddex habeen markuu daganaa, Xooluhuna ay cassar Gaabkii iyagoo Xif la dharag ah soo ekkaadaan amaba dhinaca guriga usoo carraabaan, ayaa waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah, waxaa u yimi Nin socoto ah.

 

Ninkii ayaa wuxuu ku yidhi, waar reer Islaameed bal iska warrama. Kadibna, waxay yidhaahdeen belo ma sheegin. Waxyar hadii la sheekaystay, ninkii wuxuu ku yidhi odaygii reerka. Waar niyohow, waan kula talinayaaye Dooxadatan iskaga guur. Dooxadan niyohow reerka ka rar, oo waad aragtaa, waa seero ama ximan aan cidina dagine orodoo dhulkaa kale dag.

 

Odaygii reerku intuu ninkii la yaabay, ayuu yidhi waar orodoo shaqqa kale yeelo. Anigo seero iyo dhul la xaydaanto ma aqqaane, adeeroow shaqqa kale yeelo. Almuhim, ninkii reerkii waaka tagay. Ka dibna dariiqiisii ayuu iska qabsaday.

 

Nasiib darro habeen badhkii markay ahayd, ayaa reerkii waxaa kusoo dhacay Weerar iyo Hujuum cir iyo dhul ah. Weerarkii qabsaday, waxaa halkaas lagu qaatay, wiil Odaygii dhalay oo kuray ah. Ka dibna Odaygii qaylo ayuu qabsaday, balas-balastiisii iyo dhawaaqiisii, iyo Hayooydiisii cirka iyo dhulka ayaa is qabsaday. Nasiib darro, waxba way u qaban wayday. Wiilkiina halkii ayaa lagula tagay.

 

Aroortii danbe, ayaa ninkii reerkii kusoo laabtay. Wuxuuna ku yidhi, waar hebeloow bal hadda ka warran. Dooxadan, ma iskaga guuraysaa. Odaygii wuxuu Ninkii ku yidhi, maya kama guurayo.

 

Ninkii ayaa markaa wuxuu ku yidhi, waar horta niyohow 3 arrimood oo xun xun ayaad samaysay. 3-daas arrimood ayaa maanta reerkaaga duminaya.

 

Wuxuu ku yidhi:

 

(1) Waad sahan xumaysatay, oo markaad reerka Dooxadatan dajisay, waad sahan xumayd. Sababtoo ah Dooxadan waxaa jooga nin Dad qal ah oo dadka cuna.

 

(2) Waad Ciidan xumaysatay, oo niyohow xalayto balas-balastaadii, hayooydii, hoogii iyo socod xumadaadii ayaan xalayto markii Wiilka lagaa qaatay arkayay.

 

(3) Waad Talo xumaysatay, oo indha-adaygaaga wali waxaadba rabtaa inaad Dooxadatan iska daganaatid, oo aad sidaa ku nabad gashid.

 

Macnaha Murtida:

 

Niyohow Xiinoow, Puntland way Sahan xumaysatay markay PIS samaysatay, USA lacagta ay bixisana ay Dooxadaas nimcadu jiifto moodeen.

 

Niyohow Xiinoow, Puntland way Ciidan xumaysatay markay waxay lahadyba Cabdillaahi Yuusuf iyo meeshii la ogaa marisay.

 

Niyohow Xiinoow, Puntland hadda way tala xuntahay markay Faroole wax u dhiibatay. Walibana, waaba sidaasoo hadda uu Xildhibaanadiina shaqqa ka fadhiisin ku sameeyey.

 

Gunaanad:

 

Awoowe, haddaba maxaad Xudeedi ka maagaysaa ?????? maxaadse Warsaaangali ku haysataa hadii meeshiiba sidaa tahay ?????

 

Caffis & Musaamax!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by The Zack:

Atom has made a great point, Farole is a puppet and not a free man.

What do you expect from a warlord who attacked Garowe's parliament with his cousins and sons a few hours after he was sacked from his job.

 

I along with Oodweyne and others even debated on that issue here @ SOL. (It's in the Archive)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this