Sign in to follow this  
Jacaylbaro

ONLF Murders Somalilanders

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.Org)- Jabhadda Xoraynta ********iya ee ONLF, ayaa la sheegay inay dileen laba qof oo muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaas oo mid ka mid ah Baabuurtii ay wateen-na ku gubay Gobolka Fiiq ee Gobolka Fiiq ee Ismaamul-gobolleedka Soomaalida Itoobiya.

 

Inkasta oo aanay Xukuumadda Somaliland si rasmi ah uga hadal muwaadiniintan la dilay, haddana siday Wargeyska Ogaal u sheegeen qaar ka mid ah ehelada labadan Marxuum oo magacyadoodu kala ahaayeen, Marxuum Ismaaciil Axmed Jaamac oo dhalasho ahaan ka soo jeeda bariga magaalada Hargeysa iyo Marxuum Isaxaaq Xasan Magan oo isna ka soo jeeda Deegaanka Gabiley ee xarunta gobolka cusub ee Gabiley.

 

Cali Axmed Jaamac oo ay walaalo yihiin Marxuum Ismaaciil Axmed Jaamac oo isaga oo ku sugan Hargeysa xalay Wargeyska Ogaal uga waramayay sida dilka walaalkii u dhacay, ayaa sheegay in marxuumka oo ay weheliyaan wiil kale oo ay walaalo yihiin iyo marxuumka kale ee la dilay ee Isaxaaq Xasan ay Kooxda ONLF ka heshay Deegaanka Fiiq ee ismaamul-gobolleedka Soomaalida Itoobiya. Mar uu ka hadlayay sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi, “Habeenimadii maalin Afraaddii (Salaasadii), ayaa abbaaro 9:00 ilaa 10:00 habeenimo layla soo hadlay oo laygu yidhi waxa dhintay Ismaaciil oo ah Ninka aanu walaalaha nahay ee dhintay. Markii aan waydiiyay cidda dishay iyo halka lagu dilayna, waxa lay sheegay in lagu dilay Fiiq oo ay dishay ONLF ********iya. Waxaana la socday Wiil ka yar oo isagana aanu walaalo nahay. Intaas ayaa habeenkii ku seexday” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Dabadeed subaxnimadii ayaan guriga ugu tegay baroor iyo oohin, waxaana laygu yidhi labadoodiiba waa la dilay iyo Inan (Wiil) kale oo Gabiley u dhashay oo isna Gaadhi kale watay. Anagoo sidaa subaxnimadii dhimasho u hayna, ayaa gelinkii dambe nala yidhi waxa nool kii ee aanu isagana walaalaha ahayn.”

 

Cali Axmed Jaamac waxa uu sheegay in ay dad gurmad ah ka direen Hargeysa oo ay Jigjiga ugu direen inay xog rasmi ah ka keenaan sida falku u dhacay, kuwaas oo xaqiijiyay in uu nool yahay mid ka mid ah saddexda qof ee ay ONLF heshay. “Waxaanu halkan (Hargeysa) ka dirnay Rag oo aanu u dirnay Jigjiga, kuwaas oo markii ay halkaa tageen la xidhiidhsiiyay Wiilkii yaraa ee aanu walaalaha ahayn. waxaanay xaqiijiyeen in uu nool yahay oo uu Fiiq joogo, ninkii ka waynaana la dilay.” Ayuu yidhi Marxuumka walaalkii. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Labadii Gaadhi ee ay Walaalkay iyo Inanka kale ee isna ay dileen kala wateeen, kii walaalkayna way gubeen, kii kalena way daayeen. Waxaana gacanta ku haya gaadhigaa ay daayeen Wiilkii yaraa ee aanu walaalaha ahayn oo hadda wuxuu joogaa Fiiq.”

 

Mar aanu wax ka waydiinay Cali waxyaabaha dilka walaalkii iyo marxuumka kale loo adeegsaday, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Nimanku (ONLF) dadka way iska laayaan oo si alla si ay u dileen lama oga, balse waxa la sheegay inay cidla ka heleen Baabuurta, waxaanay sidaa ku dileen labada Marxuum ee midi walaalkay ahaa.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Walaalkay wuxuu Gaadhiga la gubay ku qaadi jiray Rarka iyo Raashinka caawimada ah ee dadka abaaruhu saameeyeen ee Itoobiya oo uu Jigjiga ka qaadi jiray, waxaanu geyn jiray deegaannada Miyiga ah. Halkaas oo uu imika ku maqnaa muddo siddeed bilood ah.”

 

Sidoo kale, mar aanu waydiinay halka lagu aasay Maydadka labada marxuum, wuxuu sheegay in lagu aasay deegaanka Fiiq. Waxaanu xusay in aanay jirin wax soo-hadal-qaad ah oo dilka labadan la xidhiidha oo uga tegay dhinaca Xukuumadda Somaliland. “Maydadkoodii waxa lagu aasay Fiiq, cid noo timi iyo cid Xukuumad ka socota oo aanu ka war helnay toona ma jirto.” Ayuu yidhi Cali.

 

Dhinaca kale, Rashiid Cumar Magan oo ay Marxuumka kale ee la dilay ee Isaxaaq Xasan Magan laba walaalo ahi kala dhaleen, ayaa isna isaga oo ku sugan Magaalada Gabiley Wargeyska Ogaal uga waramay dhinacooda sida Warka dilka ay u maqleen, waxa uu yidhi, “Fiiq bay ahayd oo ONLF ayaa heshay, Warku wuxuu nagu soo gaadhay sidaa. Laba nin oo kale ayaa la socday, Baabuurkiina way ka gubeen. Waxaana naloo sheegay in ay ka soo dejiyeen Baabuurkii, markaas ayay mariyeen Rasaas oo ay dileen, Baabuurkana Qori Saban ah ayay ku dhufteen”

 

Maaha markii u horraysay ee Jabhadda ONLF falal dil ah kula kacdo muwaadiniin reer Somaliland ah, isla markaana ay Baabuur laga leeyahay Somaliland ku gubto Deegaannada Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya. Hase ahaatee, waxay wararku sheegeen in hore sanadihii la soo dhaafay ay u gubeen baabuur tiradoodu ka badan tahay 50 Baabuur.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

This is so wrong and criminal if true.

 

ONLF is trying to stop WFP operations because WFP ignored repeated warnings that they put in place mechanisms to ensure FOOD aid is not used to feed pro-government militias and the army.

 

The incident might be related to this issue, and obviously we will have to get more details as to how the thing happened, but nothing justifies the blatant killings of civilians.

 

ONLF leadership must apologies and pay compensation to the families of the victims if this turns out to be true.

 

Will come back for more details later.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

this is the true face of the ONLF, the trucks they repeatedly burn carry food to there starving people in the camps that they are held up in.

 

this is why god will never give them victory, so just embrace your amharic overlords and learn there culture and language, you will be xabashi forever.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Very parochial view from Gaaroodi. Jury is still out on this issue but food doesn't go to the needy. Go to Kilil5.com (which is anti-ONLF site) and read where it ends up. It is given to the so-called "kebele Admins"who distribute to the families of the Pro-Government militias.

 

Waxaadan war u hayn haka hadlin. It just shows your ignorance.

 

Che, there is no alliance that will break up just because a tragic event happened.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

This could be done anyone or by the pro regime militias since it's a remote area. However, the incident is been under investigation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

No need to deny it Dajiye. It is most likely the ONLF. The issue is related to a warning issued to transporters not to carry WFP food in the region. I fully support the policy as we all know that the food is used to feed militias.

 

But the killing of the two men could have been either in ama ula kac loo laayey ama ay amar diido sameeyeen oo ay ku mintideen hantidii ay wadeen. Aalaa sidaa ayey wax u dhacaan. Balse waa in la hubsado. Ilaa barri xog rasmi ah ayaan soo heli.

 

Qaladaadse kolkol way ka dhacaan jabhada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

If this true it's indeed a poor judgement on the ONLF side on killing ethnic somalis rather than armed foreigners like xabashis. Point that gun somewhere else will ya!

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is tragic, why kill them? Now A&T what will you do about this, will you protest,any new poems coming out to highlight this crime?

 

To the secessionist were the Ethiopians involved in this?

 

Come we need answers people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this