Sign in to follow this  
xiinfaniin

Somaliland opposition is livid with Riyaale’s trip to Jabbuuti

Recommended Posts

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Socdaalkii Madaxweyne Rayaale Ee Jabuuti Ku Macneeyay Mid Aan Somaliland Wax Dan Ahi Ugu Jirin

hadhwanaag 2008-06-26 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN)- Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in socdaalkii Weftigii Maadaxweyne Rayaale, uu ku tagay Jabuuti aanu ahayn mid wax faa’iido siyaasadeed ahi ay ugu jirtay Somalililand, isla markaana lugu soo fuliyay Booqashadaasi dano khuseeyay Dawlada Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Faysal Cali Waraaabe, waxa uu sidaasi ku sheegay Xaflad loo sameeyay Garabada Dhalin yarada ee degmooyinka 26-ka June Iyo Ibraahim Kood-Buur, ee Magaalada Hargeysa, oo ay ka qeyb galeen in ka badan ilaa kun dhalinyaro ah iyo xuska sanad guurada 48-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland ay xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska iyo waqooyiga Irland, 26-kii june 1960-kii oo maanta lagu qabtay huteelka Panaroma Ee Magaalada Hargeysa , waxaana uu naqdiyay siyaasada Madaxweyne Geelle ee ku wajahan Qadiyada Somaliland, oo uu sheegay inuu cadowga ugu muhiimsan uu yahay.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID waxa uu ku tilmaamay Dawlada Jabuuti inaanay wax naf ah u haynin Somaliland, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Socdaalkan jabuutina [Weftigii Madaxweyne Rayaale] waxba yaan riwaayad la idiin dhigin, Jabuuti Ereteriya ayaa dhul ka qabsatay, dad ka laysay, markaa wax allaale iyo wax uu Madaxweyne Geelle inoo hayaa ma jirto, miyuu ina Soo ictiraafo ayaan been la idiin sheegin”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Meeshaan tagaba waxa lay odhanayaa waar maxaa jabuuti la idinka siiyaa ama Afrikan ha ahaado ama Mareykan ha ahaado ama Ingiriis ama Swedish ha ahaado waxa la leeyahay Ismaaciil Cumar Geelle maxaa la idinka Siiyaa?”

 

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inuu maanta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle liito, isla markana wakhtigii ay la dagaalamayeen Jabhaddii furud-na ay dadka reer Somaliland caawiyeen,

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu Madaxweynaha Dawlada Jabuuti ku eedeyey inuu dawladiisa ku wada xeeray caa’iladiisa, [Mabaa’san]oo ay meesha ku dulman yihiin dadka kale, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu leenahay Dadka Danaakiliga ah ee kula degen xaqooda sii ayaanu ku leenahay maanta ee Afka kale ku hadla, Waxaanu ku idhi Dawlada Mabaa’san miidhan ayaad ka dhigtay ka yaree, ileyn buugii Af-weyne ayaad”

 

“Somaliland-na waxba ma yeeli kartid, ama Rayaale u yeedho ama Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Shacbiga Somaliland wuu ogyahay cadowgiisa lama khiyaameyn karo”ayuuMd. Faysal Cali, waxana uu intaasi raaciyay, oo uu yidhi “Somaliland ma imankaro Madaxweynaha Dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, ilaa uu ina ictiraafo iman karimaayo”.

 

Gudoomiyaha UCID, waxa uu sheegay in shacbiga Somaliland ay Jabuuti taageero siiyeen xiligii ay u halgamayeen gobonimadood waxana uu yidhi “Mar kasta annagu waanu jecelnahay Jabuuti, waa wadan aynu walaalo nahay, jaar nahay, tacab badani inaga galay ilaa markii gobonimo doonka waa dad aynu walaalo nahay oo aan la ina kala garanayn, inagu markasta waynu jecelnahay.”

 

“Socdaalkan waxa uu u egyahay kii 2002-dii, wixii ka soo baxay, xafiis la furaa macno ma laha xafiis awalba wuu jiray, waxay la mid tahay qof buka oo la siiyay [Anti pain] dawada xumadda jabisa ee xanuunka uun jabisa, dan baynu leenahay, imika waxa laga hadlay Jabuuti danteeda oo la yidhi Eritariya way gardaran tahay laakiin inay Somaliland xaq u leedahay in la ictiraafo kumay jirin war-murtiyeedkii wada jirka ahaa”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga UCID, oo la weydiiyay aragtidiisa ku wajahan socdaalkii sadexda cisho ahaa ee Madaxweyne Rayaale ku tagay Jabuuti.

 

Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in Jabuuti tahay maanta Dowlad baahan, waxana uu yidhi “Djibouti waad arkaysaan maanta inay baahan tahay waad arkayseen Cabdillaahi Yuusuf calankii bay u saartay baamboy [band-boy] roogii casaa bay u dhigtay, ictiraaf waa caynkaa oo kale, anigu ma arkayn waxaasi oo kale inay halkaas ka dhaceen, ta kale maaha in Jabuuti markay doontana inaga xidhato albaabka, markay doontana ay furta inoogu yeedho, soo kac waa maxay markiiba iyo tow maaha, arrin weyn baa inoo dhaxaysay, waxay ahayd in marka hore wasiiro la diro, oo la diyaar gareeyo waxa laga wada hadlayo, in si fiican loo xisaabtamo ayay ahayd, laakiin soo kac, fadhi iyo ha ii imanin waxaasi dawladnimo maaha.”

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safarkii Madaxweynaha Somaliland uu ku tegay dalka Jabuuti !

 

“Jabuuti waad dal aynu walaalo nahay,inaynu xidhiidh wanagsan la yeelanana waa arin aad u muhiim ah”,sidaa waxaa tidhi Casha Maxamed oo ah hooyo dukaan yar ku haysata magaalada Hargeysa”

 

“Jabuuti waxaa degan dad aynu wada dhalanay ,waxaynu nahay deris,mana ahayn in Jabuuti Cabdillahi Yusuf iyo Cade Muuse inooga dhereeyaan” sidaa waxaa yidhi Cali Yuusuf-oo ah nin darawal wada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee Hargeysa “

 

“Jabuuti inagaa dayacnay mana ahayn “ sidaa waxa yidhi Maxamed Cabdi oo ah arday dhigta aamacada Hargeysa”

 

Erayadaa waxaan ka soo dhex xulay warbixin dheer oo aan ka diyaariyey siyaasada arimaha dibada ee Somaliland mar aan dhowaan Hargeysa booqday.

 

Hadii aan u soo noqdo dooda ku saabsan safarka Madaxweynaha Somaliland uu dhowaan ku tegay dalka Jabuuti, waxaan qabaa in ay dhowr arimood mid uun salka ku hayso,arimahaasna waxaa ugu muhiimsan kuwan:-

 

Mar waxaan is idhi Madaxweynaha iyo Dowlada jabuuti waxay ku farxeen erayo dhowaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland ,mar uu ka hadlaayey weerarkii dhowaan Eritrea ku soo qaaday dalka Jabuuti.

 

Marna waxaan is idhi arintu waxay salka ku haysaa ololaha Doorashooyinkii dib loo dhigay ,safarkuna wuxuu qayb ka yahay sidii shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jabuuti looga soo dhaadhicin lahaa, sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhinac kasta Doorashooyinka ka dhici doona Somaliland 2009.

 

Marna waxaa is idhi Somaliland iyo Jabuuti ayaa isu soo xiisooday ,sababtoo ah awelba waa iska jiri jirtay in laysu yimaado Guddiyana waa la wada sameyn jiray ,mudo yar ka dibna xuudada waa la kala xidhan jiray.

 

Marna waxaan is idhi walaaleheen Jabuuti waxay inooga baahan yihiin hiil,oo waxay raadinayaan xulafo dagaal oo ay iskaga difacaan ciidamada Eritrea soo dhoobtay xuduuda ay la leedahay Jabuuti.

 

Mar waxaan is idhi Madaxweynaha Jabuuti ayaa shaqo ka dhigtay u yeedhyeedhista madaxda Somaaliyeed,oo arintuba waa iska masruuc iyo iska sheekaysi aan sidaa u sii weynayn.

 

Marna waxaan aad iyo aad ula yaabay,waxa isku soo beegay booqashada Madaxweynaha Somaliland Md.Dahir Riyaalle iyo xilligan oo shir Soomaliyeed ka socday,kana socon doono dalka Jabuuti,waxaan kaloo layaabay waxaa Jabuuti dhowaan iyana yimid Cabdullahi Yusuf,Nuur Cade, Cade Muuse iyo weliba Maxaakiimtii .

 

Hadal iyo dhamaan arimahaas iyo qaar kaleba waxay ka mid yihiin waxyaabihii maskaxdayda ku soo dhacay ,markaan maqlay booqashada aan la sii shaacin ee Madaxweynaha Somaliland Md.Dahir Riyaalle ku tegay dalka aynu deriska nahay ee Jabuuti,waxaanse hubaa in wixii lagu wada hadlay ay sheegi doonaan kuwa la socda Madaxweynaha sababtoo ah Hargeysa ma jiraan wax qarsooni.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Kuxigeenkii Ugu Horeeyey Ee Somaliland Xasan Ciise Oo Daadufadeeyey Heshiiskii Dawladaha Somaliland iyo Jabuuti Kala Saxeexdeen.

 

 

(Muj. Xasan Ciise Jaamac )

hadhwanaag 2008-06-26 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha ururkii SNM, isla markaana ah Madaxweyne-ku-xigeenkii u horreeyey ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac ayaa ka biyo diiday heshiiska ay dhawaan labada dawladood ee Somaliland iyo jabuuti kala saxeexdeen, isla markaana ku tilmaamay inaanay heshiiskaa ka muuqan qodobada ugu muhiimsan ee ay Somaliland uga baahnayd Dawlada Jabuuti, taas oo uu ku tilmaamay Ictiraaf.

 

Sida waxa uu Muj: Xasan Ciise Jaamac ku sheegay Xogwareysi uu Xalay Siiyey Wargeyska Jamhuuriya oo ku saabsan mawqifkooda ku aadan safarka Madaxweyne Rayaale ee Jabuuti, siyaasiyin faa’iidada ugu jirta Somaliland, saamaynta ay ku yeelan karto Somaliland taageerada ay u fidisay Jabuuti iyo diblomaasiyan waxa loo fasili karo weedhihii masuuliyiinta Jabuuti ku cabireen madaxbannaanida Somaliland.

 

Ugu horreyn Md. Xasan Ciise Jaamac oo faahfaahinayey aragtidiisa booqashada Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu ku tageen dalka Jabuuti waxa uu yidhi;“Horta booqashadan uu weftiga Madaxweynaha Somaliland ku tageen Jabuuti waynu soo dhawaynaynaa, sababta oo ah danta Somaliland waxay ku jirtaa in cilaaqaadka aynu la leenahay waddamada caalamka iyo kuwa dariskaba aynu wanaajino, taasina runtii waxa innoogu jirta faa’iido, maadaama aynu raadino in dunidu ina aqoonsato, markii hore xukuumaddeena waxaynu ku canaanan jirnay inay ka gaabisay hawlaha ictiraaf-raadinta oo soc socodkeedu yar yahay, markaa haddii iminka oo ay yara dhaqdhaqeen aynu wax ka sheegno ma fiicna, kulana yaabi mayno, runtiina waxa fiican inay intaa ka badiyaan oo albaab kasta u garaacaan qaddiyadda ictiraaf-raadinta Somaliland.”

 

Muj. Xasan Ciise oo ka jawaabayey su’aal ahayd; “Maxaa faa’iido lataaban karo ugu jirta Somaliland safarka Madaxweyne Rayaale ee Jabuuti xag siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba?” waxa uu yidhi; “Faa’iidadii ka soo bixi kari lahayd aniga iigama muuqato baaqii labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti soo wada saareen, faa’iidadii aynu ka filaynay kama muuqato heshiiska aynu Jabuuti la saxeexanay.

 

Qodobka ugu muhiimsan ee Somaliland uga baahnayd Jabuuti oo ah ictiraafku kama muuqdo warmurtiyeedka ay labada dal ka soo saareen qodobaddii ay ku heshiiyeen.”

 

Waxa kale oo Guddoomiyaha SNM la waydiiye su’aal ahayd; maxay saamayn innagu yeelan kartaa taageerada aynu isku barbar taagnay Jabuuti, mase tahay mid ku istaahil in aynu ku doorsano dawladda Eritrea? Isaga oo su’aashaas ka jawaabayeyna waxa uu yidhi; “Jabuuti haddii laga gardarran yahay in aynu u hiilino xaq bay innoogu leedahay, waayo waa dal aynu daris iyo walaalaba nahay, laakiin Jabuuti kama muuqdo qodobkii aynu xaqa ugu lahayd ee ugu hiilin lahayd Somaliland oo ah icitiraafka. Markan oo kaliyana maahee dhawr jeer ayey Somaliland u hiilisay walaalahooda Jabuuti oo ay ugu muhiinsanayd halgankii ay kula dagaalamayeen guumaystihii Faransiiska oo xataa dumarkeenu ay u iibiyeen dahabkoodii iyo wixii ay haysteenba, markaa abaalkaasay Somaliland ku leedahay, maantana waatan aynu ku hiilinay, laakiin Jabuuti marna umay hiilin Somaliland, balse dadka reer Jabuuti in badan oo ka mid ahi halgankii SNM way u hiiliyeen oo garab istaageen, dawladda Jabuuti-se marna umay hiilin walaalahooda Somaliland oo kamaynu helin hiilkii ay Somaliland uga fadhiday.

 

Arrinta saamaynta horta kolayba gari laba nin kama wada qosliso, taageerada aynu Jabuuti u fidinayna kolayba Eritrea-ya way ka cadhaysiin doontaa, filina maayo in wax saamayn ahi innagaga timaado, Erataiyana maaha dawlad quwad weyn oo dusha kaga soo dagaysa Somaliland.”

 

Isaga oo Muj. Xasan Ciise Jaamac ka hadlayey habka ay masuuliyiinta Jabuuti uga hadleen arrinta icitiraafka Somaliland sida ay diblomaasiyan u muuqato, waxa uu yidhi; “Arrintaas maaha mid laqaadan karo, wayna is barbar marisay Jabuuti aqoonsiga Somaliland, hadallada ka soo yeedhayna waa afgobaadsi u muuqda ictiraaf idiinma hayso, waanna gef ay Jabuuti ka gashay.

 

Jamhuuriya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^That's nothing out of the ordinary.We are all selective in our admonishments and priases. I guess it's expected when one has no moral compass. Events are molded to fit one's view despite the inherent contradictions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ That's why he's calling for him, saaxib. There was a topic where North was not happy with Riyaale saying Somaliland has nothing to do with the meeting in that country which he now went to visit.

 

I would like to see what North says now. Riyaale called his bluff. :D

 

Anyway, what do you expect from this visit, Xiin? You don't think Somaliland will have anything to do with the peace effort, do you? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Hard core secessionist aside, the prevailing Northern sentiment is not that different than mine! And without the help of Somaliland brothers, the Jabbuuti meeting would not be as productive. The Burco folks have given Sharif a much needed intellectual support to participate in the peace talks…but most people don’t know.

 

Today, the saxwah leadership is based in Burco. You need to know that NG!

 

This particular trip is a political one. And I am not sure if it’s directly related to the large Somali peace talk drive…I think it’s more domestic!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Don't let Norf trick you with his polite talk, saaxib. He's as hardcore as they come.

 

As for the Burco saxwah, they're 'sarwal gaab' as someone in here would call them. Politics and trendy trousers were never the best of bed buddies. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

quote:Cabdillaahi Yuusuf calankii bay u saartay baamboy [band-boy] roogii casaa bay u dhigtay, ictiraaf waa caynkaa oo kale

 

:D

 

funny rant!

Share this post


Link to post
Share on other sites

looooooooool@they're 'sarwal gaab' as someone in here would call them. Politics and trendy trousers were never the best of bed buddies!

 

North, is going no where adeer! In fact there is no where to go, and no sane person would vote to isolate thier region if the rest of somali caravan moves on....his hesitancy now is understandable and can easily be explained. It's the Oodweyne's, th Ayyoubs, and the Landers that wory me the most!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ You must have had a long day at work to mention sanity when talking about Somalis, saaxib. :D

 

The guys that worry you are more passionate than calculating. Give them an argument that appeals to the heart and you may (just may) sway them. But Norf is the scary one. Nothing but Al Shabaab running Somalia would make him change his mind about Somaliland (and even then, Burco will have to take centre stage). :D

 

ps

I am not saying he's qabiilist. The man is from Sheffield, the last time they had qabiil there they were saxons. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this