Sign in to follow this  
RedSea

FBI investigating Hargeysa bombings.

Recommended Posts

RedSea   

What is an U.S internal investigation team be doing a place half way around the world. CIA would be understandible but the FBI?

 

Saraakiil ka socda Sirdoonka Maraykanka ee FBI oo Hargeysa soo gaaray

 

Axad, 16 November 2008 (HOL): Wakiilka Somaliland u jooga dalka Kenya Maxamed Axmed Nuur (Indho-buur), ayaa sheegay in saraakiil hay'adda Sirdoonka Maraykanka ee FBI-da ka tirsani Hargeysa u yimaadeen baadhista weeraradii Argagixiso ee 29 Oct lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yaala caasimadda.

 

Ambassador Indho-buur oo haatan socdaal ku jooga Hargeysa, ayaa sida uu qoray Wargeyska Ogaal waxa uu ku beeniyay jiritaanka warar sheegaya in Sirdoonka Maraykanku hay'addaha amniga Somaliland ku soo wargeliyay inay jiraan qorsheyaal weerar oo lagu soo qaadayo.

 

"Wadamo fara badan baa hadda u soo jeestay Somaliland sidii ay xidhiidh gaar ah ula yeelan lahaayeen, si ay uga hortagaan waxyaabaha noocaas (qaraxyadii Hargeysa) ah. Waxa weeye, arrin Hargeysa lagu buun-buuniyay, waana dad doonaya magaca hay'addaha Sirdoonka iyo Booliska inay madow geliyaan.

 

Laakiin, warar noocaas ah oo Maraykanka ka soo baxay ama xafiiskayaga ka soo baxay, run ahaantii ma jiro." Sidaa ayuu yidhi Mr Indhobuur.

 

Safiirka oo la waydiiyay inay jiraan talaabooyin uu qaraxyadii ka dib u qaaday sidii ay dawladda Kenya Somaliland gacan uga siin lahayd falkaa dhacay, waxa uu tilmaamay inuu la socod siiyay in ciidamada Somaliland isku filan yihiin, markii uu Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya waydiiyay inay ka caawimo uga baahan yihiin.

 

"Runtii Wasiirka Arrimaha Dibadda (Kenya) wuu ii yeedhay, waxaanan ka wada hadalay wixii meesha ka dhacay, isla markiibana tacsi buu u soo gudbiyay Madaxweynaha Somaliland iyo umaddaba, waanay na waydiiyeen inay wax nala qaban karaan oo ku saabsan baadhista iyo amniga. Markaa waxaanu ku nidhi ciidamada Somaliland ilaa hadda way isku filan yihiin, horena falal noocan ah way u fashiliyeen, haddii loo baahdana xidhiidh baa naga dhexeeyoo way na taageeri doonaan," ayuu yidhi.

 

Mar la waydiiyay xidhiidhka ka dhexeeya xafiiskiisa iyo Safiirka Maraykanka u jooga dalka Kenya iyo inuu jiro qorsheyaal amniga iyo wardoonka la xidhiidha oo ay ka wadahadleen, waxa uu sheegay in xidhiidh fiicani ka dhexeeyo, isaga oo taas ka hadlayana waxa uu yidhi, "Walaahi waanu isla soo qaadnay, waxaanu igu yidhi koox ka socota FBI-da ayaa laga soo dirayaa Washington oo Hargeysa dhowaan tegi doona. Markaa shalay (doraad) anigoo Hargeysa jooga ayay yimaadeen. Sidaa darteed, waad garan kartaa inuu xidhiidhku wanaagsan yahay."

 

Safiirku waxa uu sheegay in safarkiisan Hargeysa ay ku weheliyaan Suxufiyiin Kenyaan ah oo qiimaynaya xaaladda guud ee Somaliland, kuwaasoo uu sheegay inay maanta la kulmi doonaan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

 

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

Hargeisa, Somaliland

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

I have no idea but it is not surprising ,,, if the incidents are related to what they call terrorism then they will have an influence in one way or another ,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't think the FBI has anything to do with this investigation, if there is one. Constitutionally, the FBI has always been handicapped by it US-only jurisdiction. So if anyone is looking into those terrorist attacks, I believe it is the CIA, using the more respected FBI name as a cover-- just like they did when they investigated the attacks on the east africa embassies.

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

FBI iyo CIA amay jariidadda iskaga kala dhexyaaceen waxay kala qabtaan amase ay u taagan yihiin?

 

Ma u malaynayo inay caawiyeen Yey markii Baydhabo cirka loo diri rabey so hadda tan maxaa ka bedelen illeen iyaga meel interest gaar ah u leh lama qarxine?

 

Teeda kale meel saacaddaan malaha jaad lagu dul cunay amase cagta iyo jaantu ku badatay the evidence mallaga gaari karaa in la helo xogteeda amaba sidii wax u jiraan oo qoto dheer? Dabcan dadka la xirxiray sida loo waraysto waa laga caawin karaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Maxaa waaye evidenceiga la raadinayo hada, soo tii la lahaa the resultska waa la helay on the first day of bombing, super investigation!

Share this post


Link to post
Share on other sites

who said results waa la helay ,, it was just the identification of some of the suicide bombers (actually 2 of them) lakin wax kele ma soo bixin.

 

Abwaan, who said they were not there in Baidoa ?? come on ....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

who said results waa la helay ,, it was just the identification of some of the suicide bombers (actually 2 of them) lakin wax kele ma soo bixin.

 

Abwaan, who said they were not there in Baidoa ?? come on ....

cid ka hadashay qaraxa dabadiis maba jirin haddii baaritaan jirey oo cidi isku mashquulisay soo si cad koox ama shakhsi looma eedeeyeen amase lama dheheen iyagaa ka dambeeyey? Kolleey anigu ma maqlin wax sheegaya amaba hadal haya Baydhabo qaraxeedii aan ka ahayn dhawr beri oo media ka hadashay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa laga hadlay sxb and some news portals were even reporting the arrival of US and other Intelligence to investigate ... i can find those news if you want.

 

If that incident was not that important then you should know Hargeisa is more important than tuulooyinkaas kele ,,,, it is the Capital city anyway ......... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

The FBI does send agents to do investigations abroad. I remember them sending investigators to Nairobi among other places.

 

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

I have no idea but it is not surprising ,,, if the incidents are related to what they call terrorism then they will have an influence in one way or another ,,,,,,,

Never mind the the FBI, what are the people saying about the mysterious Ethio agents who were arrested and released in Borama?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this