Sign in to follow this  
Xudeedi

Dhahar district, an informative piece of report (Degmada Dhahar, Sanag)

Recommended Posts

Xudeedi   

An interesting report on the district of Dhahar,one of the formerly five largest cities in Sanaag region but currently the capital of Haylaan region. I find this report a very informative and one that would educate us.

 

PICTURES GLORE WITH THE FULL REPORT

 

Dhahar :- Magaalada Dhahar waxay kamid tahay magaalooyinka ugu waawayn gobolka Sanaag, waxayna dhacdaa barta 9.75digrii loolka waqooyi iyo 48.82digrii dhigta Bari, waxayna magaalada Ceergaabo u jirtaa fogaan ah 220 km dhanka K/Bari, magaalada Boosaasana fogaan ah 215 km dhanka W/Galbeed.

 

 

FardihiiSunaari.jpg

 

baligashimbiro.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Maakhir,

Excellent report, it was very informative. The photos are a great addition as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

You welcome Nomads. I am sure you probably have seen them prior to I, but i have to make the extra effort and expand the breadth of viewers as the city is very much relevant to where it stands vs the secessionist agenda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Arawelo, you welcome.

 

 

I like to extend my thanksfullness to Makhir Development Organization and Israac Organization for their patriotic work in Sanaag. Their most recent meeting was held in MN for the political stability, development, and adminstration of the region.

 

--------------------------

 

Kullenkii hay'ada horumarinta Maakhir (Makhir Devolopement Organisization) oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

 

 

Minneapolis: (laasqorey.net) Waxaa maalmahan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ka socday shirar isdadaba jooga oo ay soo qaban qaabisay hay'ada Horumarinta Maakhir ama sida inta badan loo yaqaan Makhir Develepment Organization(MDO). Hay'adan oo ah Ha'yad samafal oo ka hawlgasha Gobalka sanaag gaar ahaan dhulka loo yaqaan Calmadow. Hay'adan waxay sanad walba qabataa kulan iyadoo ku qabata meelo kala duwan oo ka tiransan waqooyiga America, hadaba waxaa nasiib u yeeshay sanadkan in lagu qabto kulankan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

 

Kulamadii la qabtey khamiistii iyo jimcihii ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadka u dhashay Degaanka Maakhir. Waxayna kulamadaas ku falan qeeyeen sidii loo hurumarin lahaa guud ahaan deegaanka Calmadow, iyo sidii kaalmo loogu heli lahaa hay'ada Maakhir. Waxay kaloo halkaa ku doorteen gudidii maamuli laheyd hay'ada labad sano ee soo socota. Yusuf Ahmed Haji Salah[b/] ayaa loo doortay gudoomiyaha Hay'ada , halka Dr. Saciid Cismaan Faahiye(Shaacir) loo doortay gudoomiye ku xigeen. Waxaa kaloo halkaa lagu magacaabay shan xubnood oo ay ka mid ahaayeen Asli Aloore,Muse Gulaid,Ismail Ali Gaildoon, Kamal Hamud, iyo Ubah Mohamed Haji Ali.

 

 

Halka kulankii sabtidii uu ahaa kulan balaaran oo ay ka soo qaybgaleen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota. Waxaa uga horayn halkaa ka hadlay gudumiyihii hore ee Hay'ada Ismaaciil Cali Geeldoon oo ka hadlay taariikhdii iyo waxqabadka hay'ada.

 

Waxaa kale oo kulankaas ka hadlay Abdirasaq Lafoole oo ku hadlayey magaca haya'da SSHDA oo ah hay'ad samafal oo ka hawlgasha qaybo ka mida gobolada Soomaaliya ee ay jaarka yihiin deeegaanka ay MDO ka hawlgasho. Wuxuu cabdirisaaq halkaa ka soo jeediyey khibradii iyo waxyaalihii la soo gudboonaadey intii ay hay'ada gacanta ku hayeen.

 

Gudoomiyaha ururka ISRAAC Saynab Hassan oo iyaduna kulankaa ka hadashay ayaa waxay ka hadashay waxyeelada loo geystey deegaanka soomaaliyeed mudadii 14 sano ee dowolad la'anta. Munaasadaas waxaa kaloo gabay la magac baxay "Makhir Cost" ka tireyey gabayaaga Cismaan Ducale Dahir. Aqoonayhanada kale ee kulankaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa Ibrhim Aye, Maryan Mahamed iyo Saed Salah Ahmed oo isagu isku soo dubariday barnaamijka.

 

Ugu dambeyntii hay'ada Makhir (MDO) waxay kala kulantey Minnesota guul iyo taageero buuxda dhamaan Soomaalida degan Minnesota.

 

 

maakhir1.jpg

 

maakhir2.jpg

 

maakhir3.jpg

 

maakhir4.jpg

 

maakhir6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this