Sign in to follow this  
Paragon

Sheekh Shariif, Xuseen Caydiid iyo Shariif Xasan to visit the UK

Recommended Posts

Paragon   

Sheekh Shariif, Xuseen Caydiid iyo Shariif Xasan oo kusii jeeda Dalka Ingiriiska .

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya waxay sheegayaan in Magaaladaasi ay gaareen xubno ay ka mid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta Islaamiga, Xuseen Caydiid oo Ra’isul Wasaare Ku xigeen ka ah Dowladda Federaalka KMG iyo Shariif Xasan oo ah gudoomiyihii hore ee Golaha Baarlamaanka, waxayna kulan la yeesheen madaxweynaha wadanka Ereteriya Afawarke oo ay isla soo qaadeen xaaladda Soomaaliya.

 

Xubnahan ayaa lagu wadaa in ay maalinta berito ah u ambabaxaan Magaalada London ee dalka UK kadib markii ay martiqaad ka heleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Ingiriiska ku nool, waxaana sidoo kale halkaasi lagu martiqaaday siyaasiyiin kale oo Soomaliyeed oo ka kala imaan doona dalalka Carabta, Yurub iyo Mareykanka.

 

Xubnahan ayaa qaar ka mid ah wadamada Yurub ka bilaabi doona olole ka dhan ah Dowladda Itoobiya oo ay ku tilmaameen in ay qabsatay dalka Soomaaliya.

 

SomaliTalk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Kulan looga hadlayo arimaha Somalia oo ka furmay Mag. London

Click here to find shabelle news in english

 

Mogadishu 07, April.07 ( Sh.M.Network) Kulan balaaran oo looga hadlayo arimaha Somalia laguna casuumay Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah iyo Maxkamadaha islaamka ayaa jaaliyadaha Somaliyeed ee ku nool caalamka uga furmay dalka Britain.

 

Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay jaaliyadda Somaliyeed ee ku nool magaalada London ee dalka Britain ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya qeybaha jaaliyadaha Somalia ee ku nool qurbaha, iyadoo sidoo kalena kulankaan ay ka qeyb qaadanayaan ilaa 7 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Somalia oo ay ka mid yihiin Max'ed Cabdi Yuusuf, C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, Caasho Xaaji Cilmi iyo xubno kale, iyadoo dhanka Maxkamadaha uu kulankaan uga qeybgalayo xoghayaha amuuraha dibadda Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo xalay gaaray magaalada Leicester ee duleedka magaalada London, halkaasi oo kulanka uu ka furmay.

 

Kulankaan oo socon doona muddo 3 cesho ah ayaa la iskula soo qaadi doonaa xaaladaha dalka Somalia iyo isbadaladii dhacay dhowaan, iyadoo qeybaha kulankaan ka qeybgalaya ay ka soo saari doonaan kulankaan war murtiyeed balaaran oo ay u dhan yihiin oo ay ku faaqidi doonaan arimaha Somalia.

 

Max'ed Xaaji Engriis oo ka mid ah ergada ka qeyb qaadaneysa kulankaani ayaa shabelle u sheegay in kulankaan uu yahay mid muhiim ah isla markaana ay dani ugu jirto qeybaha Somalida.

 

Kulankaan oo shalay furmay ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalaya aqoonyahano Somaliyeed oo ka kala yimid dalalka caalamka.

 

Guddoomiyaha golaha fulinta Maxkamadahii islaamka iyo Afhayeenkii hore ee Baarlamanka Somalia, Shariif Xasan ayaa la filayay in kulankaan ay ka qeyb qaataan hasa ahaatee waxaa la sheegay in ay ka cudur daarteen balse ay u matalayaan kulankaasi xubno ay wakiisheen.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Hussien Aidid is an Iddiot, and very week,He is shadow of his father who was great clan leader. he does nt understand politics, I wonder how some follow him!

 

It was yesterday he was worshipin Ethiopians, but now in Eriteria cuz he lost the post of Interior Minister, and Yey insulted him on radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xuseen ceydiid hadduu jagadiisi wayao muxu ka qaban dowlad ku sheega, that is the whole thing, if you lost your post, then become opposition, that is our Somali system.

 

 

But again, this Ceydiid juniour is a complete joke and disaster.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

For those of us who support the New Darwiishes Kacdoon, Hussein Jr. is a god-send, we need more pple like him in their midst...He rocks the boat, blurts out the truth and divulges the inside deal now and then, but the fact that now he escaped from the Baydhabo jail is a great news to welcome....I for one say let's put him before the Microphone and listen to him confrim to the goon Yeeye the vampire supporters what we have known all along.

Share this post


Link to post
Share on other sites

God-send kulaha, Caydiid madaxwaynahaaba ku sheegay inuusan ahay nin fiyow o miirkiisa qabo. In a couple of days he will announce the merger of Eritrea, Ivory Coast and Somalia and that all the countries will share one border.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^That was the plan of your ailing uncle that H. Aydiid has revealed without permission!

 

he is now usable against you and for your demise, that is all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Visits baa bilaabmay miyaa ??? ,,,, where is the Jihaad tolow ??? ,,,, i remember Sh. Sharif wearing Tuute and holding a gun in his hand ,,, what happened to that ???

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Adeerayaal, Xussein Ceydiid whatever he was in the tfg and whatever he will become from now on cannot be predicted. I suppose from hereon, he would be judged for what actions he takes. It is only fair to give the man a clean start - for all we know, he might have come to his realisation later than expected.

Share this post


Link to post
Share on other sites

When you are known for something, you can't immediately switch to the opposite and start working ,,,, ppl should know where you are coming from ,,, u better appologize and let them know what happened ,, specially when you are a politician

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this