Sign in to follow this  
Paragon

Disagreements between Al-Shabaab, Aweys/Xisbul Islaam

Recommended Posts

Paragon   

Kulan guul darro ku dhamaaday oo ay yeesheen Xassan Daahir iyo saraakiisha Alshaab(Sarkaal Xisbul Islaam ka tirsan oo inooga xogwaramay kulankaas)

 

 

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo ilo kala duwan oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegaya inuu soo shaac baxay khilaaf ka dhex taagan Sheekh Xassan Daahir Aweys oo madax ka ah mid ka mid ah ururada Islaamiyiinta ee mucaaradka ku ah dowladda midnimada Qaran iyo saraakiisha ururka Alshabaab, waxaana khilaafani uu ka danbeeyey kadib markii Sheekh Xassan Daahir Aweys lagu wareejiyey hubkii Sheekh Yuusuf Maxed Siyaad Indhacadde oo isagoo ka mid ah mucaaradka Islaamiyiinta heshiis la galay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif.

 

 

Xubnaha Alshabaab ee kulmay Sheekh Xassan Daahir ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Xassan Turki waxeyna u soo jeediyeen inuu soo wareejiyo hubka Yuusuf Indhacadde, kana qeybqaato sidii Indhacadde loogu soo wareejin lahaa gacanta ururka Alshabaab, waxaana sidoo kale ay u soo jeediyeen saraakiisha Alshabaab Xassan Daahir inuu mowqif cad iska taago arrimo badan oo ay sheegeen inuu mugdi uga jiro dhinacooda mowqifka uu ka taagan yahay arrimahaasi, waxaana sidoo kale ay sheegayaan wararku in saraakiisha ay u sheegeen Xassan Daahir in ay ku xushmeynayaan doorkiisa halganka uu ka soo qeybqaatay sidii wadanka looga xorreyn lahaa Xabashidii ku soo duushay.

 

Mid ka mid saraakiisha ururka Xisbul Islaam Garabka Dr. Cumar Iimaan oo ka qeybgalay kulankaasi, kana gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in labada dhinac ee Alshabaab iyo Xassan Daahir ay isku mari waayeen arrimo ay ka mid yihiin in Xassan Daahir uu ku adkeystay in Alshabaab ay kaga danbeeyaan isaga arrimaha jihaadka iyo hogaaminta, halka Alshabaabna ay ku gacan seyrtay arrintaas una soo jeedisay in ay iyagu yihiin kuwa xaqa u leh in looga danbeeyo hogaaminta siyaasada iyo jihaadka, wuxuuna sarkaalkaasi sheegay in xaaladu isku cakiran tahay, oo uu kulankaasi guul darreystay, waxaana laga yaabaa in khilaafka labada dhinac inuu si toos ah u soo shaac baxo maalmaha soo socda.

 

 

Sheekh Xassan Daahir ayaa loo tirinayey inuu yahay hogaamiye diimeedka ugu miisaan culus beelaha ****** marka ay timaado ururada Islaamiyiinta ah, kana danbeeyeey aasaaskii ururka Alshabaab, waxaana khilaafkan cusub ee soo shaac baxay uu ka dhigan yahay in Alshabaab ay isugu soo hareen oo keliya shaqsiyaad ka soo jeedo beelaha Jubbooyinka, Baydhabo iyo Puntland, taasina waxey shaki badan gelineysaa ujeedooyinka aan la hubin waxa ay yihiin ee Alshabaab ay tiigsanayaan, waxaana dhaceysa in beelaha Muqdisho ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay goáan wadajir ah uga qaadan ka lahaayeen Alshabaab.

 

 

Halkan ka akhriso warbixin ay REUTERS ka qortay khilaafka Xassan Daahir iyo Alshabaab

 

 

Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

The last hope of the desperate peaceniks: Hoping that the Islamists turn on each other.

 

What happened to the owr-kacsi and the xaninyo-taabasho iyo cago-joglayn'ta raqiiska ah ?

 

What happened to "we're gonna put them all to death" ?

 

What happened to "We must put an end to this madness" ?

 

Xumbihee bootada iyo fooxii beenta waxaa ka soo haray: Ilahow ayaga dhaxdooda ka dilaaci dagaal

 

iyo Ilaahow Yahooda iyo Amxaarada iyo AC-130 naga soo gaarsii.

 

Qashin'kaan aa markaas jidka ila maraayo oo magaca Soomaaliyeed ila qaadanaayo, bal talo keen, abtiyaal. Qowleysatahaan sidee yeelnaa ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Your kind are being put to death as we speak. But you, being the coward you are, comment from the comfort of your home in the 'gaalo' west.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by xiinfaniin:

^^Your kind are being put to death as we speak. But you, being the coward you are, comment from the comfort of your home in the 'gaalo' west.

Hear, hear.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Your kind are being put to death as we speak

Is that supposed to be the bravado of a man on Death Row ? A man who as the Arabs say has spilt the water of his face ? Keep up dacaayada raqiis'ka ah. Hal mid ogow: Waxaa la safan tahay Kufaar, Munaafiqeen iyo *********.

 

Ilaahay Caz'za wa Jal waxaa ka baryaa inoo kula xashriya oo kula soo saaro yowmal qiyaamah nimanka aa dooratay inaa agstaagtid maanta oo la safatid, sida Cabdi Qaybdiid, Saciid Dheere, Paddy Kampala, Meles Zenawi, Janaqow, Sharif Ahmed.

 

Allahuma Amiin.

 

Hadee in yar oo raganimo kugu jirto ducadayda Amiin ku dar.

 

 

This goes for any peacenik who may be reading this too.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

^^ I am going to say this one more time: Are you willing to be raised in the Day of Judgement with the criminals, traitors, and murderers you have chosen to be your wali(gaurdians) and your naseer(protectors) today, my Islaaxi professional ?

 

Stand by your choice, don't wiggle out and respond with qualifiers now. Say Amiin to my duca hadee raganimo kugu hartay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Ragow intaad dooda iska xidhaan bacdal xarbiga isu soo noqda.

 

Aan ka ahayn idin koo degan wixii aad ka hadlaysaan si degan ooga hadla.

 

Yaan la isku aakhiro seegin yaa jameeca.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kashafa is a very enthusiastic Armchair jihadist, Allow yaa fridgkiisa fura hadda, waxaa ka wada buuxo cheese iyo fruits habarta ku rafaadsan ceelahs biyaha waxba kama galin, as long as she is not his close causin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this