Sign in to follow this  
Gar-haye

War-Deg-Dega: Dagaal aan waxba la iskula hadhin oo ka socda Gudaha itoobiya

Recommended Posts

Gar-haye   

Borama(Bnn) Dagaal aad Uculus ayaa Saacada Afrikada Bari markii ay ahayd, 11:30 Duhurnimo ka bilowday, dhinaca itoobiya meel u dhaw xadka uu Somaliland la leeyahay Dalka itoobiya, Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Itoobiya iyo Falaagadii xalay ka baxday dhinaca somaliland, ee Ururka ONLF.dagaalkan ayaa waxa la sheegayaa in uu ka socdo laba deegaan oo kala ah Bolol iyo deegaano ku ag dhaw dhaw oo gudaha Itoobiya ah.

 

Dagaalkan ayaa wararka aan ka helayno dadka deegaanka ah ee halkaas degan, waxa ay noo sheegayaan in aan waxba la iskula hadhin, una soo qaxeen dhinacan iyo Somaliland, dadkaas oo asal ahaan ka soo jeeda, Gobolada Awdal/Salal, waxa ayan sheegeen in uu wali dagaalku socdo, oo aanan la garanayn cid sida rasmiga ah ugu gacan sarayso dagaalka iminka Bilowday.

 

Dagaalkan ayaa waxa uu ka danbeeyay ka dib markii habeenkii xalay ahaa ay si dhib yar ugu talaabeen Xadka itoobiya iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah iyo wax caqabad ah toona, tanina waxa ay dhaawac wayn ku keenaysaa Xidhiidhka Soo jireenka ah ee Somaliland iyo dalka aan jaarka nahay ee itoobiya.

 

Hadaba wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalkan waxaan idinkula soo socodsiin doonaa wararkayaga kuwan xiga haduu Alla Idmo

 

Reporter:Jaabir Ali Omer

Borama Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

the mighty somaliland forces let this one slipped just this time. next time the navy and the army will be ready i assume. get to love the way the islamist turned defense minister got caught naping on this one. relationship with ethiopia may never be tha same again.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Hmmmm!

 

View Recent Posts:
Akash
all posts | topics started | topics participated in

Topic Forum Date

1 What Happened in Awdal (post #46) Politics September 14, 2010

 

3 "Lipdhi Mayside Laascaanood"- iyo Saado Cali Warsame (post #7) Politics April 03, 2010

 

4 BORAMA-Clan militia kill 4 men ,sparks outrage in AWdal (post #1) Politics July 12, 2009

 

 

8 Full clip of Dhoodaan's Jacbur lol (post #3) Dood Wadaag May 09, 2009

 

9 Amin Camir Spot On..! (post #18) Politics March 11, 2009

 

 

 

 

View Recent Posts:
Gar-haye
all posts | topics started | topics participated in

Topic Forum Date

1 AWDAL heavily armed Ethiopian troops enter to help "Somaliland" (post #12) Politics September 14, 2010

 

 

4 WSLF sign cessation of weapons&hostilities with the government of Ethiopia (post #1) Politics April 04, 2010

 

5 Ethiopia's insecurity through the lens of american foreign policy (post #0) Politics June 17, 2009

 

6 "RUMEYSO WAA RUNE. " (post #0) Politics September 30, 2008

 

7 JOHN HOLMES "We need to be allowed to work freely, do our assessments freely" (post #0) Politics September 02, 2008

 

8 Ethiopian soldiers get ambush twice in a single day and suffer heavy casulties (post #0) Politics July 31, 2008

 

9 Ethiopia Donating a Land to Djibouti (post #3) Politics July 28, 2008

 

10 Ethiopia Forcefully removing ethnic somali farmers from their land. (post #0) Politics July 22, 2008

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

DAGAAL CULUS OO KA QARXAY BUURALEYDA AAGGA BOLOL EE BUURAHA MAAR-MAAR, GUDAHA ITOOBIYA

Posted to the Web Sep 14, 13:18

 

 

Warar lagu kalsoon yahay yaa sheegaya inuu saaka dagaal aad u culus uu ka qarxay aagga Bolol oo u dhaw meelaha ay isaga yiimaadaan Itoobiya, Somaliland iyo Jabuuti. dhulkan oo ah buuraley ayuu dagaalkii wali ka socdaa, Gudaha xadka Itoobiya.

 

 

Dagaalkan oo sababay khasaare laxaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, yaa u dhaxeeya Ciidamo ONLF ah oo la sheegay inay kusoo tababarteen dalka Eritareeya kana soo talaabay dhanka Somaliland iyo Ciidamada Liyuu Boliiska ee Dawlada Deegaanka Ismaamuka Somalida.

 

 

Ciidanka Liyuu Booliiska ee Dawlada Deegaanka somalida yay Hogaaminayaan Kornayl Cabdi Aden iyo shaalaqe weydhalaali. Halka kuwa ONLF-ta ay Hogaaminayaan Nin lagu Magacaabo Xasan Bosaso iyo Sanweyne.

 

 

Ciidamada ONLF ayaa ka soo baxay dalka Eritareeya oo taageera jabhadaha ka soo horjeeda Itoobiya ee ONLF ka mid tahay. Wadamada Eritareeya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya colaad dhanka soohdinta ah oo sababtay dagaal lagu hoobtay.

 

 

Jabhada ayaa waxaa hadheeyey khilaaf soo dhaxgalay madaxdeeda iyo taageerayaasha kaas oo dhaliyey in garab ka mid ah ONLF heshiis la galo dawlada Itoobiya.

 

 

Maamul-goboleedyada ay u kala jajabtay jamhuuriyadii Soomaaliya ayaa xidhiidh wanaagsan la leh Itoobiya taas oo nolosha ku adkaysay jabhada ONLF.

 

 

Dawlada itoobiya yaa mar kasta sheegta inay diyaar u tahay wada hadal nabadeed, inkasta oo ay jabhaduna sidaas oo kale sheegto, Eritareeya yaan ogolayn inuu wax wadahadal ahi dhex maro labada dhinac.

 

 

 

somalistate

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Gar-haye:

^^^^ haye duqa xalku see wayee, maxaa keenay in sa la isu dabadhikto. :cool:

Atoobiya ayaad duulimaad ku tahay ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

^^^ hadii aan atoobiya duulimaad ku ahayna waxaan dulminiyaa somaliland, hadii aan somaliland dulmiyana ngonge baan dulaan ku ahay. ar duqa meshu ku shidan yahay ma alaa aragta. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

How cute! Trying to turn my serious comments on me? :D

 

Here is a piece of advice (to you and others). If you are going to use several nicknames, at least have the guile to give them different personalities and make the gaps in posting days a bit difficult to spot. Of course, you can save yourself all the trouble and just post with one name. Wax fahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this