Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Military Planes Arrive in Berbera

Recommended Posts

Berbera, September 23, 2008 (Haatuf) – Laba diyaaradood oo ah nooca Milaterigu ay isticmaalaan ayaa shalay gelinkii dambe abaaro afartii galabnimo soo cago-dhigtay madaarka caalamiga ah ee Berbera.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay diyaaradahaas iyo dadkii la socday toona. Hase yeeshee sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ahi, diyaaradahani waxay siddeen wefti ka socda ciidamada Maraykanka iyo kuwa Faransiis ah, kuwaas oo la sheegay inay ka socdaan ciidamada wadamada badan ka socda ee loo qorshaynayo inay la dagaalamaan budhcad baddeeda Puntland ee ka ugaadhsata Maraakiibta xeebaha Somalia.

 

Weftigan oo aan la sheegin tiradoodu inta ay ahaayeen iyo wadamada ay ka kala socdaan, ayaa la sheegay in gaadiid lagaga soo qaaday dhabaha diyaaraduhu soo fadhiistaan oo ay diyaaradihii sidday kaga degeen, iyadoon diyaaradahaasi aanay u soo dhowaan dhismaha Madaarka ee loogu talo-galay in diyaaraduhu ku dejiyaan rakaabkooda, waxaana weftigaas gaadiidku u soo qaadeen dhinaca magaalada Hargeysa oo sida la sheegay ay kula kulmayaan Saraakiisha xukuumadda.

 

Ilaha warkan laga helay ayaa tibaaxay in weftiga milateriga ahi hordhac u yahay ciidamada la-dagaalanka Budhcad Baddeeda Xeebaha Somalia, oo Maraykanka iyo xulifadiisu ay doonayaan inay ka maamulaan Berbera dagaalka ay ku qaadayaan budhcad baddeeda loo mari la’yahay marin biyoodka u dhexeeya gacanka cadmeed iyo Badweynta Hindiya oo hoy u noqday budhcadda.

 

Weftigan oo si aad ah looga ilaaliyay warbaahinta iyo dadkuba inay wax ka ogaadaan ujeedada socdaalkooda iyo cidda ay yihiinba, ayaa wararku intaas ku darayaan in weftigan ay Madaarka Berbera ku sugayeen saraakiil ka socota xukuumadda iyo hay’adda Sirdoonka Qaranka, kuwaas oo u soo galbiyey dhinaca Hargeysa.

 

Sida la ogyahay waxaa dhawaan soo baxay warar sheegaya in dawladda Faransiisku u isticmaashay Madaarka iyo Dekedda Berbera hawl-galo ay ciidamadeeda Kamaandoostu ka fuliyeen xeebaha Puntland, kuwaas oo ay ku soo qabqabteen budhcad baddeeda Puntland isla markaana ku soo badbaadiyeen dad u dhashay Faransiiska oo ay budhcad baddeedu Puntland ugu haysatay madax furasho kadib markii ay ka soo afduubeen iyaga iyo doonyahoodii badda gudaheeda.

 

Maaha markii ugu horeysay ee ay wufuud dhinaca Milateriga ah oo ka socda dalalka reer Galbeedku ay yimaadaan Somaliland, balse bilihii u dambeeyay ee sannadkan waxaa dhawr jeer yimid Somaliland wufuud milateri oo ka kala socday dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, kuwaas oo aanay xukuumaddu marnaba soo hadal-qaadin ujeedada ay u yimaadeen dalka.

 

Sidoo kale imaatinka weftigan ayaa ku soo beegmay xilli uu Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayaa ay socdaal aan ujeedadiisa la sheegin ku tegay dalal ka mid ah Yurub, gaar ahaan Faransiiska oo la sheegay in ujeedada uu u tegay ay daaran tahay sidii iskaashi dhinaca Milateriga ay Somaliland iyo Faransiisku iskaga kaashan lahaayeen la-dagaalanka Budhcad-Baddeeda oo laga cabsi qabo inay ku soo fidaan dhinaca xeebaha Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Norf, it is not actually that, budhcad or burcad can be called qaadicu-dariiq as well or kuwa isbaarooyinka dhigto, I am not sure if there is a Somali word for Pirates.

 

 

Will look for it, I know we had a Somali word for it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Since the English language used only PIRATE, then there has to be ONE Somali word for that, not two combined, budhcad-badeed doesn't make sense at all.

 

We do have a very rich language, so better look for that word, magaalada dhinac ka gal, anigana odayaashaan dhax gali.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is this another Clan based propaganda......

 

International Airport, what a lie, its just a run away were military planes can land, Hargeisa is much better

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D @afsoomaaligayga ,,,, Yeah ,, it is completely yours ,, loool

 

 

King, you've never seen both ,, so you can't talk about any of them ,,,,, Hargeisa is much better ku lahaa ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Norf, Soomaaligaagu waa heersaro sxb

 

Bandit or shufto are the same,

 

Anyway, erayga budhcad waxa uu ka yimid:

 

budh-cad or bud-cad

budh+cad=budhcad

 

not budhcadka or burcadka ee kan la cuno ah or subaga u eg,

 

budh weyn iyo balaaya cad, waa balaayo afar qad ah :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   

PIRATE = Qawlaysato ama Bad-gooyayaal ama haddii aad jeceshahay qawlaysato badeed

Nuune & B, looma baahno oday kale, SOL buu idinla jooga markad u baahatan isaga usoo noqda.Waa idinkas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this