Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Military Planes Arrive in Berbera

Recommended Posts

Nuunka, nothing wrong haddii la dhaho burcadbadeed. Afsoomaaliga kuma jiro erey u dhigma ama hal hal ugu qalma ereyga shisheeye ee 'pirate' ama 'piracy.' Marka midka ugu dhow la aasaasayna burcadbadeedka waaye, sida libaaxbadeed u yahay bahalka 'shark' la yiraahdo camal.

 

Mid kale ayaa soo socoto oo ah burcadcireed, siiba kuwii Shabaab la dhahaaye diyaarado masoo degi karaan lahaa, oo cirkii isbaaro dhigtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ lol@budhcad-internet,

 

 

MMA, waa runtaa, kolleey aniga waan raadin eray u dhigmo intee doonto ha igu qaadato :D

 

 

Ilax sxb thanks, in kastoon qawlaysato la oran karin budhcad badeed balse waa loo dhaween karaa xoogaa, shukran odeyga smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa(Geeska)- Wefti ka socday Milatariga dawladda Maraykanka ayaa safar gaaban ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Weftigaas oo watay diyaarad gaar ah, waxa ay madaarka Hargeysa ka soo degeen barqadii khamiistii doraad, waxaana madaarka ku soo dhaweeyay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay safarka weftigaas, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in weftigan oo ka koobnaa afar xubnood ay Hargeysa ku dhaxeen habeen hore, iyagoo subaxnimadii hore ee shalayna ka kalahay madaarka Hargeysa. Sida ay wararku sheegeen xubnahan weftiga ahi waxa ay kulamo la yeesheen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, gaar ahaan hay’adaha qaabilsan dhinaca amniga qaranka. Inkasta oo aan la ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen haddana waxa la filayaa in wada hadalkoodu la xidhiidhay xaaladda amni ee guud ahaan gobolka Geeska Afrika, iyo gaar ahaan arrimaha xaasaasiga ah ee xilligan mandaqadda ka taagan sida budhcad badeedka maraakiibta iyo doonyaha ka ugaadhsata Xeebaha dalka Somaliya ee deriska la ah Somaliland.

 

Maaha safarkii u horeeyay ee ay saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanku ku yimaadaan magaalada Hargeysa, waxaana laga warqabaa in Maraykanka iyo Somalilandba uu ka dhexeeyo xidhiidh wada shaqayneed oo la xidhiidha dhinacyada amniga iyo horumarinta Dimuqraadiyadda.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa dhawr jeer sheegay inuu Maraykanka ku casuumay sidii uu saldhig Milatari uga samaysan lahaa magaalada Berbera oo ah goob istaraataji ah, “Waanu soo dhawaynaynaa Maraykanka oo waxaanu ku casuunay inuu dib uga samaysto saldhig Milatari magaalada Xeebta ah ee Berbera, sidii uu wakhti hore ugu lahaan jiray.” Sidaas waxa dhawr bilood ka hor yidhi Madaxweyne Rayaale. Hase yeeshe marna wax jawaab ah oo ku saabsan martiqaadka Madaxweyne Rayaale, lagama maqal dhinaca dawladda Maraykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this