Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President of Puntland sends his condolences asks for neighbouring states to intervene

Recommended Posts

Garowe: Madaxweynaha dawladda Puntland oo ka hadlay Qaraxyadii magaalada Muqdisho.

 

3. December 2009

 

APL

 

Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud oo ka hadlayay caasumada Puntland ayaa wax laga xumaado ku sifeeyey qaraxii maanta ka dhacay caasumad dalka Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo sheegay in uu yahay mid argagixiso, waa sida uu sheegay Madaxweynaha Puntland-ne.

 

Madaxweynaha dawladda Puntland wuxuu ugu baaqay dalalka jaarka la ah Soomaaliya in ay garab istaagaan dawladda Soomaaliya, isagoo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in qarax lala beegsado Arday Soomaaliyeed oo maanta doonaysay in ay qalin jabiyeen, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada isku Siyaasada gobalada Koonfureed ee Soomaaliya in ay wada hadlaan.

 

“ Aad baan uga xumahay waxa dhacay, anoo ku hadlaya Magaca Dawladda Puntland waxaan aad uga tacsiyaynayaa falkaasi dhacay, waxaana ugu baaqayaa dalalka jaarka la ah Soomaaliya in ay caawiyaan dawladda KMG ah, oo hada ku hareysan meelo badan oo ay ku sugan yihiin dhinacyo badan oo ka soo horjeeda” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

 

Madaxweynaha dawladda Puntland wuxuu sheegay in Soomaalida looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan mustaqbalka dalka Soomaaliyeed, isla markaasna ay dhinacyada Siyaasadeed ee dagaalamaya aysan dagaaladooda galin dhinacyada horumarka caamka ah ee Bulshada.

 

Dawladda Puntland oo hada gobaladeeda ay ka jirto nabadgalyo, inkastoo ay jireen mudooyinkii ugu dambeeyey falal amaan daro, ayaa horay uga daraysay xaaladaha qalafsan ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana gobalada Koonfured ayadoo ugu baaqday Beesha Caalamka taageero balaaran oo lugu garab istaago dawladda Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow.

 

Posted to the Web Dec 03, 15:59

 

Garoowe:Madaxweynaha DGPL Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu ka hadlay qaraxii ka dhacay maanta Hotel Shaamow oo ay ku dhinteeen ilaa 3 wasiir oo ay iskugu dhawaayeen Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

Madaxweynaha DGPL Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu tacsi u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxda ugu saraysa DFKM , isagoo ku tilmaamay qaraxii ka dhacay Hotel shaamow mid musiibo ah ,waxaan uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is qabsadaan gacanta kana hortagaan.

 

Mar wax laga wiidiiyey khliaafka ka dhex aloosnaa Puntlland iyo DFKM ayaa Dr. Faroole waxaa uu tilmaamay in maamulkiisa ay diyaar u yihiin in ay wada shaqayn la sameeyaan DFKM waxaan uu ku baaqay in siyaasiyiin iyo shacab wax u dhexeeya in laga gudbo loona gudbo in la raadiyo Dowlada dib u soo celisa qaranimadii dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Faroole ayaa waxaa uu sheegay in wasiirada ku dhintay qarax ay ahaayeen kuwo uu yaqaan waxaan uu tacsi u diray Eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Wasiirada.

 

Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu baaqay Gobollada dalka in ay samaystaan Maamulo waxaan uu sheegay in ay wax kala qaban doonaa cid walba oo doonaysa in maamul ay samaystaan.

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaana ugu baaqayaa dalalka jaarka la ah Soomaaliya in ay caawiyaan dawladda KMG ah

Hmmmmmmmmmmmmmm ,,, is he implying the coming back of the Ethiopians ??/

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^He made very good comments, which highlights that unlike Riyaale & the secessionist the people of Puntland care about what happens to their kin in Mogadishu.

 

Well done Mr President.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadley Qaraxa Muqdisho Ka Dhacay.

 

December 3, 2009

 

Madaxweynaha Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka hadley maanta qaraxa xooganaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho mar uu u wsramaayey Laanta BBC-da.

 

“Marka hore waxaan tacsi u dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed, aad baan uga xumahay qaraxa xoogan ee maanta ka dhacay Muqdisho raga ku dhintey waxaa ku jira kuwo aan dhawaan isbaranay sida Caddow, nin qaaliya ayuu ahaa runtii aad ayaan uga naxay, fal shaydaan ayuu ahaa, dad xaflad iyo farax ku jirey ardey qalinjebineysa oo ah aqoonyahankii maanta iyo kuwii beri in la xasuuqo, runtii waan ka tacsiyeynayaa aniga oo ku hadlaaya magaca Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland” ayuu yiri madaxweyne Faroole.

 

Dr.Faroole ayaa sheegay ninkii qeyrkiisa loo xiirayoow soo qoyso adiguna isaga oo u jeeday wadamada deriska ah, in waxa ka dhacaya Soomaaliya ay soo garayaan iyagana haddii aysan umadda Soomaaliyeed wax la qaban.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo socdo qaranimaddii Soomaaliyeed Puntland ahaana ay diyaar u yihiin in ay dawladda federaalka kala shaqeeyaan arintan, waxa aan diyaar u nahay in wadanka maamul loo sameeyo anaga oo ka bilaabayna, gobolada nagu dhaw dhaw, waxa aan ugu baaqayaa Dawladda in la iska ilaawo faraqa iyo khilaafka noo dhexeeya meelna looga soo wada jeesado qaranimada Soomaaliya anaguna diyaar ayaan u nahay.

 

Dhawaan ayaa dawladda Federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif iyo Madaxweynaha Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland uu khilaaf soo kala dhexgalay, waxaase muuqata in Madaxweynaha Puntland uu maanta muujiyey in uu diyaar u yahay in xal la gaaro lagana baxo nin jecleysiga oo si dhab ah looga wada shaqeeyo qaranimada Soomaaliya.

 

Horseed Media

Bosaso, Puntland, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Politiking and word-play aside, the man acted responsibly, as a leader should act at times of dire situation, and offered his heartfelt to those that were directly under fire and to all Somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo socdo qaranimaddii Soomaaliyeed Puntland ahaana ay diyaar u yihiin in ay dawladda federaalka kala shaqeeyaan arintan, waxa aan diyaar u nahay in wadanka maamul loo sameeyo anaga oo ka bilaabayna, gobolada nagu dhaw dhaw, waxa aan ugu baaqayaa Dawladda in la iska ilaawo faraqa iyo khilaafka noo dhexeeya meelna looga soo wada jeesado qaranimada Soomaaliya anaguna diyaar ayaan u nahay.

 

 

A good comeback indeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Puntland in lagaa cuudiyaad u baahantahay. Faroole muxuu dhimay hadduu u tacsiyeeyey dadkii la laayey awoowe

 

Midda kale, unlike you appealing to somalinimo is not a crime

Share this post


Link to post
Share on other sites
“Marka hore waxaan tacsi u dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed, aad baan uga xumahay qaraxa xoogan ee maanta ka dhacay Muqdisho raga ku dhintey waxaa ku jira kuwo aan dhawaan isbaranay sida Caddow, nin qaaliya ayuu ahaa runtii aad ayaan uga naxay, fal shaydaan ayuu ahaa, dad xaflad iyo farax ku jirey ardey qalinjebineysa oo ah aqoonyahankii maanta iyo kuwii beri in la xasuuqo, runtii waan ka tacsiyeynayaa aniga oo ku hadlaaya magaca Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland” ayuu yiri madaxweyne Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodweyne as usual you are looking at the glass as half empty rather then half full when it comes to the affairs of Somalia. It is a statement of condolence and offer of help in a very tragic time, however much you try to question the ulterior motive of Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

O' dear, ‘Ina fuusta madhan riix’, are you not the dense one again?

 

Read after me, will you?

 

This is a national disaster despite the local politicking and various interests, but only a few could see that clearly; and it is a case of “Damned, if you do; damned, if you do not.”

 

Faroole was absolutely right to have condemned this callous act, send his condolences to the families of the victims whilst commiserating with the Somali public for this heinous act.

 

Of course, as usual, others, who did not have the foresight not the passion, like our own “Ina fuusta madhan riin” here shall be spewing the ‘it was opportunistic’ line till cows come home; then again, if you ask where was Riyaale to have an opinion, then mom is the word.

 

The people of Xamar, families of the victims in particular, shall remember who is feeling for them today.

 

I say, commiserate you daft lot for now, and let it be,

 

Tata …

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodweyne you are reading too much into it awoowe. Surely Faroole is a politician, but what happened yesterday was not the stuff of politics.

 

Faroole did a good job in coming out first to condemn yesterday’s act of terror. He was also right in saying tfg needs help from both international community and other Somalis.

 

It was a judicious call.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo cambaareeyey qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow

Posted to the Web Dec 04, 09:44

 

Hargeysa:-Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa waxaa ay cambaareeyeen qaraxii shalay lagu dilay arday fara badan Takhaatir iyo wasiiro ka tirsan DFKM.

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale ayaa waxaa uu tacsiyeeyey u diray Eheladii iyo dadkii ay wasiiradu ka mid ahaayeen ee shalay lagu dilay qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Hotel Shaamow ee magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale ayaa madaxda DFKM iyo shacabka Soomaali yeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan dadka dhibaatada ku wada shacabka aan waxba galabsan iyo dhibaatada Soomaaliya iyo tan Gobolkuba u dhamaato.

 

Dhinaca kaleGudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa isagab tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow ee magaalada Muqdisho waxaan uu cabiray sidda uu uga xun yahay dhibaatada gaartay dadka aan waxba galabsan

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada ka jirta Dalka Soomaaliya isagoo ku booroyey dadka Soomaaliyeed in ay iska kaashadaan in ay si wadajir ah uga hortagaan kuwa dilay shacab aan waxba galabsan.

 

Masuuliyinta Maamulka Somalilland iyo Puntlland ayaa cambaareeyey qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow oo ay ku riiqmeen arday,Macalimiin , Dhaqaatiir , iyo wasiiro ka tirsanaa Midowgii MMIS ee mar jaraha u qabtay Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.[b/]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this