Sign in to follow this  
xiinfaniin

HARGEYSADAAN SOO ARKAY

Recommended Posts

HARGEYSADAAN SOO ARKAY

 

Hargeysa waa magaalo aan jeclahay jawigeeda macaan, sidoo kale waa goob uu qofku hurdo fiican iyo cunto dhadhameysa ka helayo. Waxaan ku sugnaa sagaal cisho oo ku aadan dhamaadkii bishii labaad ee sanadkan.

 

Waayadaas waxaa Hargeysa buuq weyn ku hayey is-qab-qabsiga Siyaasadeed uu dhaxeeyey xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga talada haya. Waa jawi siyaasadeed oo ku tusanaya bisaylka mujtamaca goboladaas ku dhaqan. Waxaa kuu muuqaneysa in R/Hargeysa ay nidaam iyo kala danbeyn ku hormarayaan, halka R/Koonfurna aad isleedahay kaligii taliyena haxukumee yaa noloshaan xun kasaara.

 

Qaar kamid ah Aqoon-yahanka Hargeysa ayaan ku iri: Daahir Riyaale waxba ha ku kicina, waayo nimco aydanan hadda u jeedin ayaad haysataan oo ah nabadda, haddiise buuqu bato taas ayaad waayi doontaan. Sababtoo ah ruuxa isbadal doonka ah waxaa fiican inuu aad uga fakaro natiijada ka dhalan karta marka aad ku guuleysato isbadalka, haddiise uu qofku uusan taas aad uga fakarin sidii Soomaaliya ku dhacday ayaa ku dhacaysa

 

Intii aan joogay waxaan dareemayey sidii nin jooga magaaladiisa maadama ay tahay magaalo Soomaaliyeed. Mid kamid ah saaxiibaday ayaa igu yiri: Sideed Hargeysa ku timid adoo og waxaad ka qortay? Miyaadan baqayn? Anna waxaan ku iri: Waxaan sheego kama kulula inta uu Faysal Cali Waraabe dowladda ka sheego. Waana meel Dimuqraadiyad curdan ahi ay ka jirto.

 

Arintii Samsam ayaa ahayd sheekooyinka loogu hadal haynta badanyahay. Marar badan ayaan lakulmay dad kala duwan oo ka sheegnaya Somalitalk, qaarkoodna ay magacayga sheegayaan oo ay leeyihiin hadallo aad u ad-adag oo meel ka dhac ku ah Bogga Somalitalk iyo Qorayashiisaba. Waxaase aniga farxad ii ah in Somalitalk iyo qorayaasheedaba laga akhristo Hargeysa, ha’ahaadaan kuwa necab iyo kuwa jecelba. Sidaas waxaan u leeyahay Hay’ad kasta oo warbaahineed waxay horumar u aragtaa hadba sida ay u bataan dadka yaqaan, iney necebyihiin ama ay jecaylyihiin hadafku ma’ahan.

 

Wasiir ka tirsan Dowladda ayaa igu yiri: Bogga Somalitalk waxaan fahmi weynay hadafka uu kalahaa buun-buuninta arinta gabadhan Samsam. Wuxuu intaas ku daray mindhaa mar danbe uma noqono fal noocaas oo kale ah. Waxay hadda naga taagantahay in aynan qof danbe mar danbe isugu dhawaan, illeen balaayo kuwan oo kale ah ayaa toosh nala daba-fariisanaya.

 

Sheekooyinka joogtada ah waxaa kamid ahaa khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Nairobi lagu dhisay. Shacabku wuxuu la jiray kooxaha diidan in Itoobiya la keeno gudaha Soomaaliya. Waxayna uqaybsan-yihiin laba qolo. Qoladda koowaad, waa ku ay ka tahay dal jacayl iyo wadaniyad dhab ah oo u damqanaya mustaqbalka Soomaaliya guud ahaan. Qolada labaadna waa kuwa leh haddii uu C/Laahi helo ciidankaas Itoobiyana ay koofur u qabato sow anaga nagu soo jeesan mayo oo xoog nagu qabsan mayo.

 

Xagga waxbarashada waxay gaareen horumar fiican oo dhawr jaamacadood ayaa ka furan, iskuullo muhim ah oo tayo lahna ayaa la’aasaasay. Aqoonyahan badan oo dibadda ka soo laabtay ayaa qayb weyn ka qaatay horumarka aqoonta deegaanadaas.

 

Fikradii gooni-goosadka wali qaar ayaa ku sii dhagan una badan Siyaasiyiinta. Sheekh Hargeysa dagan ayaa igu yiri: Beerkayagii wax dhaama la soo waayee, hilibkaad sheegayso goormaa lagaarayaa? Waxaan kula kaftamay: Anaguna Beer la’aan wax ma dhisan karno, adinkuna hilib la’aan aqoonsi heli maysaan.

 

Hargeysa waxaa taalla nimco weyn, waa nabadda qiimaha leh ee aad si raaxa leh ugu noolaaneyso. Waxaase sabab u ah shacabkaas oo si weyn ugu hogaansama odayaasha dhaqanka, taasoo wax badan u sahlaysa in xal lahelo. Puntland waa sidoo kale oo odayadaas ayaa qayb weyn ka’ah xasiloonida taalla goboladaas. Xamar waxay xalka u gaari la’dahay waxaa kow ka ah, hogaan dhaqan oo awood leh ayaan jirin, qabaa’ilka qaarkood, kuwooda ugu xoogga badan xamar, dhaqan ahaanba uma lahan hogaamiye qabiil, oo waa dhawayd ayeyba samaysteen.

 

Guri la yiri waxaa leh Maslax Maxamed Siyaad ayaan ag istaagay. Waa guri nool, laakiin duug ah, oo aan muddo dheer lagu hoyan. Haweeney ayaa ka soo baxday guri daris la’ahaa, waxaan ku iri: Oo gurigan yaa leh? Kii Ina Siyaad ahaa wiiluu dhalay oo Maslax lagu sheegayey ayaa leh bey iigu jawaabtay. Oo wax dhib ah lama gaarsiin miyaa ayaan ku iri? Eeddo ma waxaad namooday qolooyinka xamar laga sheegayey ee guryaha haysta inaan nahay. Annagu gurgan waxaan ku falayno ma jirto, gurguna waxba nooma dhimin.

 

Hargeysa marka laga reebo aan goosanno, wax badan oo kale ayaad ku amaani kartaa. Waa wanaag muhim u ah mustaqbalka Soomaalida, una baahan in lagu taageero, oo la bogaadiyo, looguna duceeyo inuu eebbe wanaagaas u siyaadiyo.

 

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com

SomaliTalk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Originally posted by xiinfaniin:

...Eeddo ma waxaad namooday qolooyinka xamar laga sheegayey ee guryaha haysta inaan nahay. Annagu gurgan waxaan ku falayno ma jirto, gurguna waxba nooma dhimin...

:D

 

Hadda ma waxuu leeyahay gurrigu waa sidiisii oo jiingadii iyo albaabkii iyo dariishadii iyo agabkii yiilay lama bililiqeysan? Oo hadda cid leh anaa xoreystay oo miyiga uga timid oo salaada sunnaha iyo faralka ku tukata oo caruuro ku korsata ma deganna!!!!!!!!!

 

Xiin awoowe halkee bay iska qaban la'adahay. Macnaha Xamar ka jira iyo midkan hadda Hargeysa laga sheegayo waaba kala baabe! Amarka iyo ayaan darrada Xamar, Marka, iyo degaanda Shabeelada Hoose ka dhacay maxaa sababay oo ay meelaha kale ee dalka uga dhici weydey?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Baashi:

 

Xiin awoowe halkee bay iska qaban la'adahay. Macnaha Xamar ka jira iyo midkan hadda Hargeysa laga sheegayo waaba kala baabe! Amarka iyo ayaan darrada Xamar, Marka, iyo degaanda Shabeelada Hoose ka dhacay maxaa sababay oo ay meelaha kale ee dalka uga dhici weydey?

Baashow, bal adba? A very imposing question indeed.

 

Could it be a research question for cultural anthropologist, ma is tiri?

 

Waxaa kaaga daran sida aysan ummuuurtu ugu weyneyn kuwa ku habsaday guryaha Islaaameed!

 

Bal malee farqiga u dhexeeya Baraxley iyo Xaafadahii Xamar iyo Kismaayo ku yiiley!

 

Hadduu gurigii Maslax baad-baadey all I can say is What a gracious victory for that northern struggle. Needles to say, that I can safely attest to the appalling acts of those barbarians (********s) in that dishonored city.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

im sorry but there must be something behind this or its a rare exception.

 

an uncle of mine has land in jigjiga yar and he cant seem to get it back without a fight. he has the papers and some old neighbours want to witness for him, but the occupiers wont hand it over without a fight.

 

with the land issue, theres no difference between hargeysa and muqdisho. war dadka caadiga ah baa iska laaya over dhul. why would the ex-dictators sons property be spared.

 

i mean runtii why is general morgans house confiscated and is now the presidential palace of somaliland? doesnt he have the same rights as maslax?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ I second that...

 

Fahad waa nin iska cantrabaqashleeya, and this is no exception. Hargeisa waxay tahay uun bay tahay, nothing more nothing less.

 

I wonder Ina Afweyne halka uu lacagta ka keenay ee u ku dhistay guryahay? Sxb I don't think Maslax even had a house in Hargeisa, that is just B.S. with capital letters. The building in which Morgan lived was a government buildings, hence not his.

 

But almost all privately owned properties that belonged to other clans have been returned to their rightful owners, this includes the minority clans and those from Kilka-5aad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

What a wasted journey. The 'journalist' claims to have spent nine days in Hargeisa and wrote nothing but cheap shots at Xamar. Sad indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AYOUB_SHEIKH:

What a wasted journey. The 'journalist' claims to have spent nine days in Hargeisa and wrote nothing but
cheap shots at Xamar
. Sad indeed.

How so? Perhaps you mistook him as one of your adversaries in Puntland to acknowledge his positive appraisal of Hargaisa and sharp critique on Xamar! Tell us, good Ayyuub, what’s wrong with this article?

 

P.S: I must’ve been wrong on my assumptions as I expected for the Landers to be excited about it!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hmm...*scratches his head* Why, oh why, is AYOUB against a positive report regarding his beloved "Somaliland." Let's review a couple of excerpts:

 

Sheekooyinka joogtada ah waxaa kamid ahaa khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Nairobi lagu dhisay. Shacabku wuxuu la jiray kooxaha diidan in Itoobiya la keeno gudaha Soomaaliya.

AND...

 

Arintii Samsam ayaa ahayd sheekooyinka loogu hadal haynta badanyahay.

A true Lander - wouldn't like neither of the above statements. He wonders: Why don't they (Hargaysa citizens) talk about Riyaale's dysfunctional administration, namely his dictatorship-style aggressions against the free press and the political parties, or his (mis)management of the mythical 'eastern' border dispute, or...? Why are they (Hargaysa citizens - in a class of their own, above and beyond the rest of Somalis) concerned with the issue of Ethiopian peacekeepers when IGAD had already ruled out ANY peacekeepers from landing in territory designated as "Somaliland"?

 

He can't figure it out. He scratches his head and he's even more confused. Why oh why.. :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^^ "#wind blow wind blow, take these blues away"# - J L HOOKER.

 

Never mind foreign troops in Xamar, i'm sure the people up north have views regarding the foreign troops in Baghdad.

 

xiinfaniin

It was one shallow piece of writing coming from someone who calls himself an editor. I've read pieces from other visitors which had more substance and more thought-provoking than this "she said/he said" article.

 

P.S: I must’ve been wrong on my assumptions as I expected for the Landers to be excited about it!

Not amused.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

But almost all privately owned properties that belonged to other clans have been returned to their rightful owners, this includes the minority clans and those from Kilka-5aad.

This statement is not true!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this