Sign in to follow this  
Gabbal

Rain, Rain, oh how blessed they rain!

Recommended Posts

Gabbal   

Gobolka GEDO Oo Xalay Ilaa Maanta Roobabki Gugu Ay Ka Da'ayeen

 

Wararka xalay ilaa maanta soo gaaraya shabakada wararka GEDONET ayaa sheegaya in roob horaadka xiliga Guga uu ku sii xoogeystay isla markaasina uu si weyn ugu fiday degaano ka tirsan gobolkan GEDO oo uu si ballaaran uga da'ayay tan iyo xalay saqdii dhexe ilaa waabarigii saaka.

 

Meelaha ay roobabkani ku sal ballaarsadeen isla markaasina ay la biyo dhigeen ayaa waxaa ka mid ahaa degaamada bari ee tuulada Faanweyn, waxaana halkaasi sida ay wararku sheegayaan soo biyo rogay toga tuuladaasi Faanweyn. Degmada Ceelwaaq ayaa iyana waxaa roob ku bilowday xalay uu ku da'ayay ilaa saaka barqadii sida ay Gedonet u sheegeen shaqaalaha Ururka SRCS ee goobtaasi ku sugan, tuulada dhamaso iyo ilaa degmada B/Xaawo iyo weliba inta u dhaxaysa degaanada Daarisalaam iyo tuulada Geriley ee xadka waddanka Kenya.

 

Roobabkan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay meelaha qaar uusan ugu di'in sida ay doruurtooda u baallmaraysay hawada markii ay curanayeen balse dadka goob joogayaal ah ayaa sheegaya in haatan ay meelahaasi uu aaran ka dhacay wallow ay weli gobolka meelaha qaar ka muuqdaan muuqaalada dhiilada lahaa ee ay baartu reebtay.

 

Maxamed Gaarane

Gedonet

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Allaahu Akbar

 

Illaahay uun baa ummadiisa wax gaadh siin kara

 

Illaahay baa mahad leh inoo roob siiyey dadka

 

Alhamdulilaah

[50.9] And We send down from the cloud water abounding in good, then We cause to grow thereby gardens and the grain that is reaped,

[50.10] And the tall palm-trees having spadices closely set one above another,

[50.11] A sustenance for the servants, and We give life thereby to a dead land; thus is the rising.

Surah Qaf

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Gobolladii ay Abaaraha ka jireen ee Dalka Soomaaliyeed oo Roobkii Guga uu ka da'ay

 

Arbaco, April 05, 2006 (HOL): Waxaa shalay ilaa iyo xalay ka da'ayay Roobkii Guga qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolladii Koofurta Soomaaliya ee ay abaaraha daran ka jireen, kuwaasi oo duunyadii joogtay intey dhamaatay ay dadkii bilaabeen in ay dhintaan.

 

Inta badan Degmooyinka iyo Tuulooyinka hoos taga Gobollada Gedo, Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Bakool ayaa lagu soo waramayaa in ay heleen raxmaddii Guga, iyadoo deegaanada gobolladaas hoos yimaadana ay ahaayeen meelaha ugu daran oo ay abaaraha ka jireen.

 

Guddoomiyaha Degmada Buulo Xaawo Axmed Maxamed Yuusuf (Bur-Kuus) ayaa sheegay in inta badan degmooyinka iyo Tuulooyinka Gobolka Gedo uu roob xooggan ka da'ay, kaasi oo meelaha qaarkood ay dadku ka baqeen in uu daadad xooggan ku keeno.

 

Md. Bur-Kuus waxaa uu sheegay in ay hartay abaartii gobolkaas ku dhufatay, wuxuuse sheegay in ay weli jirto saameyntii ay reebtay, gaar ahaan dadkii iyo xoolihii abaarta ka badbaaday oo aan lahayn tabar ay uga faa'iideystaan Raxmadda Alle u keenay tabar yaro heysa darteed, sidaas darteedna wuxuu ka codsaday Hay'adaha Samafalka iyo dadka wax heysta in ay dadkaasi u gurmadaan, isla markaana ay gaarsiiyaan in ay wax qabsadaan.

 

Sidoo kalena Degmooyin ka tirsan Gobollada Jubbooyinka iyo Bakool oo ay abaar daran ka jirtay ayaa iyaguna waxay heleen Roobkii Guga, inkastoo gobollada Bay, Shabeelooyinka iyo Hiiraan aaney helin roobab xooggan oo ay dadka iyo duunyada ku diirsadeen, walow uu bilow yahay xilli roobaadka Guga.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa war lagu farxo. Gu'ga baa lagu jiraa. Laakiin waxaa i depress gareynooyo mustaqbalka soo socdo. Hadaa og tihiin dhuxusha laga dhoofiyo dekadaha Kismaayo iyo Baraawe, siiba tan Kismaayo oo aad u weyn, waa iska wada ooyn lahayn.

 

Intaas geed la jaraayo, Jubbooyinkii iyo Shabeellada Hoose saxarada laga dhigooyo. Hadaan anaga is nacday, as Awkoombe said, roobna waana nici doonaa mar saas u dheereen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this