Sign in to follow this  
General Duke

Somalia's terror [Al Shabaab] leader from Hargaysa NW:

Recommended Posts

Waa kuma "AMIIRKA" Al-Shabaab "ABUU SUBEYR"

 

Amiirka ururka Al-shabaab Sh Mukhtaar Abuu-Zubeyr ayaa maalintii shalay 13/05/2009, markii ugu horreysay soo diray cajalad maqal ah oo saxaafadda laga sii daayay isaga oo uga hadlay arrimo badan oo ay ugu horreeyaan dagaallada lagu hoobtay ee Muqdisho ka socda.

 

Haddaba, waxaan jeclaystay in aan akhristeyaasha waxyar uga iftiimiyo ninkaas xogtiisa dhabta ah inta aan ka warhayo, si aanay ugu jaha wareerin magaca dad-sameega ahe aanay ummadda badankeedu hore u maqal.

 

Axmed Cabdi Ow-Maxamuud (Godane) wuxuu u dhashay beesha ugu badan Somaliland ee *****, gaar ahaan jilibka ****, wuxuuna xilligii maxaakiimta noqday xoghayohooda guud, keddibna wuxuu la baxay Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan (Abuu-Zubeyr).

 

Axmed (Godane), isaga iyo rag kale ayaa mas’uul ka ahaa hawl galladii lagu qarxiyay Somaliland iyo Puntland hawl galladaas oo lagu maal geliyay lacag dhan boqol kun ($100,000.00) oo dollar, taas oo xawaaladda Qaran xarunteeda Garowe uu ka qaaday taliyaha ururka Al-Shabaab ee Puntland Fu-aad Maxamed Khalaf (Shongolle), sida ku cad dukuminti hore loogu faafiyay warbaahinta, lana saxiixay July 3,2008.

 

Qaraxyadii Hargeysa waxaa ku dhintay 20 ruux waxaana ku dhaawacmay 31 kale. Madaxtooyada Hargeysa waxaa ku dhintay Saraakiil muhiima oo ay ka mid ahaayeen xogheyntii madaxweyne Reyaale, Beeldaajiye kamid ahaa golaha guurtida iyo rag kale. Waxaa sidoo kale raggii dhaawacmay ku jiray taliyahii nabad-sugidda gobolka Hargeysa Ibrahim Hutu.

 

Qunsuliyadda Ethiopia ee Hargeysa dadkii ku hoobtay sida la sheegay waxay dhamaantood ahaayeen rayid safaaradda ka doonayay fiisooyin halka xarunta UNDP Hargeysa uu ku dhintay madaxii amaanka oo ahaa nin Somaliland kasoo jeeda.

 

Puntland waxay sheegteen inuu qaraxyada kaga dhintay hal nin, toddoba kalena ay kaga dhaawacmeen, hase yeeshee tirada dhimashada waxay dad madax bannaani ku sheegeen 11 ay ka mid ahaayeen Masuuliyiin.

 

Ahmed Godane waxaa lagu tilmaamaa nin aamusnaan badan, jab yar oo cad, Wuxuu ka shaqeyn jiray Shirkaddii Barakaat iyo isgaarsiinta Telesom Somaliland.

 

Axmed Godane wuxuu wax ku bartay Bakistan, wuxuuna lixdii biloodba 43 cisho tababar Millateri kusoo qaadan jiray Afghanistan, sida uu Muxaadaro ku qirtay, horena eheladiisu uga faalloodeen.

 

Ahmed Godane waxaa Somaliland lagu qabtay xilli uu lacag dhacay, waxaana jaaniska uu ku baxsaday siiyay nin ay walaalo yihiin oo taliye ciidan waqtigaas ka ahaa Somaliland. Hase yeeshee 1994 tii waxaa la helay in Godane iyo Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad (Afqaani) laba jeer isku dayeen fal ay doonayeen inay ku dilaan madaxweynihii Somaliland ee geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo waqtigaas socdaal ku marayay Boorame.

 

Dadka la shaqeyn jiray Ahmed Godane way rumeysan waayeen inuu yahay nin ku kacaya fal dhac iyo dimbi, waxaana warku shaac baxay markii laga war helay inuu gaari dheereeya kaga gudbay xadka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee degaanka Togdheer.

 

Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad (Afqaani) oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha ***** ee *****, wuxuu sanado badan ku noolaa Maraykanka kadibna tababar ayuu ku qaatay Afqanistaan, waxaana dadka yaqaanna sheegeen inuu ka shaqeyn jiray kaalin Shidaal oo ku taal Minnesota.

 

Labada xagjir ee u dhashay Somaliland waxaa hore uga fashilmay qorshe ay la doonayeen inay ku burburiyaan madaxtooyadda iyo bankiga dhexe ee Hargeysa, waxaana la qabtay ninkii falkaas hogaaminayay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Indha-cadde) una dhashay beesha uu madaxweyne Reyaale kasoo jeedo ee ******** (**********).

 

Indha-cadde oo jidka Berbera lagu qabtay isagooy gacan uu ka dhaawacmay u duubnayd, xirnaana niqaabka dumarka, wuxu ku haminayay inuu qaraxyadiisa fuliyo maalintii doorashadda baarlamaanka Somaliland 2005, waxaana lagu xukumay 20 sano oo xarig ah, hase yeeshee, madaxweynaha Somaliland Daahir Reyaale Kaahin ayaa 31/05/07 cafis u fidiyay isaga iyo rag falka kula jiray oo qaarkood qirasha sameeyay.

 

Sabriye Macallin Muuse

sabkaxaaji@hotmail.c om

Minnesota-United States

 

[ May 14, 2009, 12:44 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Cabdi Ow-Maxamuud (Godane) wuxuu u dhashay beesha ugu badan Somaliland ee *****, gaar ahaan jilibka ****, wuxuuna xilligii maxaakiimta noqday xoghayohooda guud, keddibna wuxuu la baxay Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan (Abuu-Zubeyr).

This man bombed Hargaysa thus the country is one even in terror.. :D

 

[ May 14, 2009, 12:45 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaraxyadii Hargeysa waxaa ku dhintay 20 ruux waxaana ku dhaawacmay 31 kale. Madaxtooyada Hargeysa waxaa ku dhintay Saraakiil muhiima oo ay ka mid ahaayeen xogheyntii madaxweyne Reyaale, Beeldaajiye kamid ahaa golaha guurtida iyo rag kale. Waxaa sidoo kale raggii dhaawacmay ku jiray taliyahii nabad-sugidda gobolka Hargeysa Ibrahim Hutu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dukey do you think there will be a day when the chicken will come to roost home, I mean when Shongole and Godane will run havoc in the streets of their native "countries" P&S lands.

 

I heard there are lots of sleeping cells in these two places specially P'land and they are just waiting for the green light from the amiir.

 

Why can't the two co'oporate more on diffence issue, or are they waiting for the Zero hour.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Moonlight. Fuad Shangoole is froma tiny group thus his clan card is not that great. As for sleeper cells, they will be wiped out by the local clans. Even in Galkacyu the hunt for these men is at an all time high.

 

Puntland religious groups have learned their lessons back in the 90s.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Tell Sabriye, Afghani may be mutadharif, but never set a foot in MN :D

 

Sharif you will support him when he wins, that I can count ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^They said godane belongs to the 'largest clan' in Somaliland which is not true. That is what I meant so stop playing with my words.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^hahaha that is crazy talk to say the least. :D:D:D

 

They once formed a union and then became rivals. That is about it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. I am from london dear lad and heard about those weird stories from members of these sub groups. One used to be slaves for the other.

 

Maybe SOL historians can look into it. Yes Goodane's people rebeled and fought for their freedom. :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this