Sign in to follow this  
Cawaale

Mogadishu Bomb Blast Targets Women Street Cleaners

Recommended Posts

Cawaale   

Qarax miino ayaa maanta degmada Boondheere, gaar ahaan agagaarka Daljirka Dahsoon lagula eegtay Haween ka shaqeynayay nadaafada Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxaas uu haweenka ka soo gaaray qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

 

Haweenkan oo gaaraya in ka badan lix haween ayaa lagu qarxiyay meel qashin ay ka qaadayeen oo ku aasneyd miinooyinka meelaha fog fog laga hago, waxaana inta la og yahay ku dhimatay afar haween, halka 10-kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen.

 

Mid ka mid ah haweenkii ka qeyb qaadanayay ololaha nadaafada ayaa sheegtay in qaraxa lala eegtay, iyadoo waday howlaha nadaafada, waxaana iyadoo ilmo ka muuqata ay sheegtay in aanay marna ka shaqeyn doonin.

 

Gudoomiyaha degmada Boondheere C/llaahi Xirsi Wardheere Istakiin ayaa saxaafada u soo bandhigay meydka nin ay dileen Ciidamada Dowladda, kaasoo laga helay aalada wax lagu qarxiyo ee loo yaqaano remote Koontarool.

 

Waxaa uu ku eedeeyay qaraxan inay ka dambeeyaan Xarakada Alshabaab, isagoo ruuxa wax qarxiyay ku sheegay in meesha uu ku aasay qaraxa miinada si uu ula beegsado Ciidamada Dowladda.

 

Qaraxan maanta lala eegtay Haweenka ayaa ku soo aadaysa xilli shalay ay ka soo wareegatay labo sano, markii Haween ka shaqeynayay Olole nadaafadeed lagu qarxiyay sanadkii 2007-dii bishii Agosto 3-deeda wadada Maka Al-Mukarama.

 

Jowhar dot com.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

the end justifies the means aa meeshaan ka socoto.

its more like machiavellianism than wadaanimo Ilaahay ha u naxariisto masaakiinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANTARA   

Allah yar7am masaakiinta, waa rag caqli yar ku waa masaakiinta dhibay.

 

The sad thing is that there are some people who are in the safety of the west witnessing the mayhem from afar yet supporting these charlatans.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^This happened a while back in Mogadishu back in 2007, when a group of cleaning ladies were targeted. The aim is to make sure there is no admin whatsoever other than theirs.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

:mad: :mad: :mad:

 

Illaahay ha u naxariisto dumarka Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxaas. Ehelkoodiina samir iyo immaan.

 

Kuwa qaraxaas geeystay, kuwa taageersan iyo kuwa takulaynayaba illaaha caadilka ahi wuu arkaya. Isaga ayaana ka abaal marin doona maalinta qiyaamaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

AUN dumarka dhintey. Samir iyo iiman Allah ha ka siiyo reerkooda.

 

May AS leaders be wiped clean from the face of the earth.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this