Sign in to follow this  
Emperor

Governer of Hiiraan for the TFG: Ethiopian forces are with us the government knows

Recommended Posts

Emperor   

Aadan Cabdi Garaase ''Ciidamada Itoobiya weey nala socdaan Magaalada Beledweyne baana ku soconnaa Dowladda Soomaaliyana weey nala ogtahay'

 

 

War Deg-Deg ah:-Muqdisho,20,May, 2009,Arboco,(Hillaac .net) Aadan Cabdi Ciise (Garaase) Guddoomiyihii Dowladda u qaabilsanaa Magaalada Beledweyne Xilligii C/llaahi Yuusuf oo u warramayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen Hiiraan oo ay joogaan Kalabayrka iyaguna ay dagenyihiin meel u dhow oo 6 km u jirta halka ay Itoobiyaanku dageen, Isagoo Sidoo kalena Aadan garaase mar la waydiiyay in ay Dowladda cusub ee Shariif ay isku ogyhiin soo galintaankooda Gobolka ku jawaabay ''Haahay, Haahay waanu iska warhaynaa''.

 

Aadan Garaase Waxa kale oo la waydiiyay ujeeddada ay Gobolka u soo gaareen waqtigan wuxuunu sheegay in ay Gobolka wax ka qabanayaan Beledwaynana ku socdaan, Isagoo mar wax laga waydiiyay sida ay ula macaamilayaan maamulka Maxaakiimta ee dowladda hoostaga ee ka arimiya qaybo Beledwayne ka mid ahna yiri:-“Isku hadaf ayaanu nahay wixii dowladda ka socda oo dhan”.

 

Hadalka Garaase ayaa meesha ka saaraya Inkiraaddii ay Dowladda Soomaaliya ku Inkirtay soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya Shacabkana ku Baraarujinaya In Hadalka ay Afka ka sheegayaan Xubnaha Dowladda ku jira uusan ka Tarjumeynin Hadafka ay Cadawgu Soomaaliya ka leeyihiin.

 

Arrintu si kastaba ha'ahaatee Waxaa Marba marka ka dambeysa soo Shaacbaxaya Arrimo badan oo Shacabka Soomaaliyeed ay ku Wareersanaayeen Iyo Ujeeddooyin badan oo Cadawga Soomaaliya uu ka lahaa Deg-degsiimadii loo soo dhisay Dowlad Shacabka Soomaaliyeed Rabitaankiisa aan ku Iman Isla markaana aan lagala tashan Dhammaan Qeybihii ay ka koobneyd Bulshada Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Shacabka Soomaaliyeed oo aad ula yaabay Inkiraadda Dowladda Soomaaliya ee soo Gelitaanka Ciidamada Itoobiya ay ku soo galeen Qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

 

Muqdisho,20,May,2009 ,Arboco,(Hillaac.net ) Farxaan Cali Max’uud oo Dowladda Soomaaliya ugu magacaaban Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in aysan waxba kala socon Dowladda Soomaaliya wararka sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah ay soo galeen Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ka mid yihiin Kalabeyrka, Jawiil, Iyo Ceelgaal, Waxana uu Farxaan ku dooday in Ciidamada Itoobiya ay Xaq u leeyihiin in ay Xudduudahooda Xirtaan oo Ammaankooda Adkeystaan Iskana Ilaaliyaan Kooxo uu ku sheegay Ajaaniib Dagaal doon ah.

 

Shacabkii Guryahooda ka soo cararay ee ku dhaqnaa Deegaannadii ay Tigreegu soo galeen ayaa Inkiraadda Bareerka ah ay Dowladda Soomaaliya Isaga Indhotirtay soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ku Macneeyay Mid Ujeeddada Dowladda Bannaanka soo dhigtay, Waxana ay Shacabkaasi Dowladda Soomaaliya ku Tilmaameen mid Danley ah oo aan Waxba ka Duwaneyn tii hore ee C/llaahi Yuusuf ee Tigreega Dalka ku soo Hoggaamisay Maadaama ay Iyaguna sida muuqata Maciin iyo Hiillo ka raadsadeen isla Tigreegii Dowladdii ka horreysay ay Shacabka u soo kaxeysteen.

 

Sidoo kale Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku kala nool Gudaha iyo Dibedda Soomaaliya ayaa Hadalka Dowladda ka soo yeeray ku Tilmaamay Mid Muujinaya oo Bannaanka keenaya wixii Dowladdan loo soo aasaasay ee la Qarinayey oo Waqtigii la doonayey in bannaanka la keeno ka soo hormaray, Waxana ay Waxgaradku Shaaca ka qaadeen in Shacabka Soomaaliyeed uu iska Difaaci doono Cadawgiisa Kuwan Dowladnimada sheeganayana ay Taariikhda geli doonaan sidii kuwii ka horreeyayba ay Taariikhda u galeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Hadalka Garaase ayaa meesha ka saaraya Inkiraaddii ay Dowladda Soomaaliya ku Inkirtay soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya Shacabkana ku Baraarujinaya In Hadalka ay Afka ka sheegayaan Xubnaha Dowladda ku jira uusan ka Tarjumeynin Hadafka ay Cadawgu Soomaaliya ka leeyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   
Isagoo Sidoo kalena Aadan garaase mar la waydiiyay in ay Dowladda cusub ee Shariif ay isku ogyhiin soo galintaankooda Gobolka ku jawaabay ''Haahay, Haahay waanu iska warhaynaa''.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Waxaa hee? Marba marka ka danbeysa soo shaac baxaya arimo badan oo shacabka madaxa ka jiidhay iyo ujeedooyinka badan ee cadawga Somaliyeed ka leeyahay ciida Somaliyeed.

 

Isla shalay ayey ahayd markii qaar reer SOL ah ku doodayeen in cadawgu uuna taa geerin saaxiibada dawlada Mr.Ahmed madaxa u yahay. Haddaba, ninkii qaba in Ahlusunna Wal Jameeca ayna taageero ka kala helin labada dawladood ee Mr.Ahmed iyo Mr.Melez maamushaan, runtii waa nin xaqiiqyo badan oo wakhti yar gudahood banaanka imaan doona ka indho tiran.

 

Nasiib daro weeye in cadawgeenu qaar inaga mida wato, oo uu sida xun u isticmaalo.

 

Meeye yarkii Recovered Romantic aan digniin siiye?

 

Originally posted by Emperor:

Arrintu si kastaba ha'ahaatee Waxaa Marba marka ka dambeysa soo Shaacbaxaya Arrimo badan oo Shacabka Soomaaliyeed ay ku Wareersanaayeen Iyo Ujeeddooyin badan oo Cadawga Soomaaliya uu ka lahaa Deg-degsiimadii loo soo dhisay Dowlad Shacabka Soomaaliyeed Rabitaankiisa aan ku Iman Isla markaana aan lagala tashan Dhammaan Qeybihii ay ka koobneyd Bulshada Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Maxaa ka jira in Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee degay Kala-baryka ku wajahan yihiin Jowhar & Buulo-barde

 

21_clip_image001_0000.jpg

 

By Somalimirror on 20 May, 2009 5:20 PM in Main, Wararka

 

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee dhawaan fariisinka ka dhigtey Isgoyska Kala-baryka ee Gobolka Hiiraan ayaa holkoodii ku sugan, waxa ayna ka sameysteen dhufeyso, sida uu ku soo waramayo Wariyaha Shabakada Somalimirror ee Gobolka Hiiraan.

 

Saraakiisha Wata Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee Kala-Bayrka degay ayaa xiriiro la soo sameeyay Odayaasha Deegaanka iyo Mas’uuliyiin kale sida aanu Wararka ku heleyno.

 

Saraakiishu waxay Odayaasha Iyo Mas’uuliyiinta kale ee ay la soo xariireen u sheegeen inaaney duulaan ku aheyn Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, balse ay ku jeedaan dhanka Degmooyinka Buulo-barde oo isla Gobolka Hiiraan iyo Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe, sida uu Wariyaheena Gobolka Hiiraan ka soo xigtey qaar ka mid ah Odayaashii lala soo xariirey balse ka gaabsadey in Magacyadooda la baahiyo.

 

Waxay sidoo kale ka codsadeen in wadada loo furo si ay u gudbaan, sida ay sheegayaan wararka Gobolka laga helayo.

 

 

Waxay dhanka kale Odayaasha ka dalbadeen inay u yimaadaan oo la kulmaan balse Odayaashu arintaas way ku gacan seyreen sida aanu Wararka ku heleyno.

 

Balse dhanka kale lama oga jawaabta Odayaashu ka siiyeen codsiga ku aadan in wadada loo furo ee Saraakiisha wadata ciidamada Gumeysiga Itoobiya u soo jeediyeen.

 

Ma jiro cid kale oo ka madax banaan Odayaasha oo arintan xaqiijisey sidoo kale ma jiro hadalo ka soo baxey xoogaga kale ee Muqaawamada ee ku sugan Gobolka oo arintan ku aadan.

 

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee degay Isgoyska kala-baryka ayaa halkaa ka wada baaritaano xoogan oo ay ku hayaan gaadiidka kale duwan ee wadadaas isticmaalaya.

 

 

 

Ciidamadan ayaa ka duwan kuwii horey halkaas u soo degi jirey marka laga eego xaga tirada ciidanka oo lagu qiyaasay ila Kun Askari iyo sidoo kale Gaadiidka dagaal ee ay wataan oo ah mid xoogan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ciidamo Tigree oo ah oo soo dagay duleedka Baladweyne

Published: 19 May 2009

 

KN:Ciidamo Tigree ah oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman ayaa soo gaadhey meesha loo yaqaano Kalabaydhka oo 20KM u jirta magaalada Baladweyne. Ciidamadan Tigreega ah ee soo gaadhey gobolka Hiiraan ayaa waxey kasoo kicitimeen magaalooyinka ku yaalla xad beeneedka dhulka Soomaalida la gumeysto.

 

Ujeedada ka danbeysa imaatinka Tigreega ayaa loo badinayaa iney taageero u yihiin dawladda Sheekh Shariif iyo waliba ciidamada ay hubeeyeen ee ka dagaalamaya gobolada Dhexe sida Maxaas iyo Wabxo.

 

Ciidamada Tigreega ayaa wada qorshe ah iney dagaalka ugu danbeeya isugu dhiibaan Soomaaliada dhexdeeda iyadoo hubeeyey Qabqablayaashii hore uguna magacdaray Ahlu Sunnah Wal Jamaaca".

 

Dhawaan ayay ahayd markii hoggaamiyaha Xizbul Islaam uu sheegey iney 97% gacanta ku hayaan magaalada Muqdisho meesha Sheekh Shariif iyo dawladdiisuna ay kaalmo ka dalbatey dawladaha caalamku iney badbaadiyaan dawladdooda.

 

KismaayoNews

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Emperor:

Ujeedada ka danbeysa imaatinka Tigreega ayaa loo badinayaa iney taageero u yihiin dawladda Sheekh Shariif iyo waliba ciidamada ay hubeeyeen ee ka dagaalamaya gobolada Dhexe sida Maxaas iyo Wabxo.

Taaageerida dawlada Mr.Ahmed iyo hurinta dagaalda ka soo cusboondey gobolada dhexe, gaar ahaan Maxaas iyo Waxbo waa mid ka mida ujeedooyink badan ee cadawga. Laakiin ma ku guulaysan doonaan weeyi su'aashu?

 

Originally posted by Emperor:

Ciidamada Tigreega ayaa wada qorshe ah iney dagaalka ugu danbeeya isugu dhiibaan Soomaaliada dhexdeeda iyadoo hubeeyey Qabqablayaashii hore uguna magacdaray Ahlu Sunnah Wal Jamaaca".

Cadawgaaga oo sidaas oo kale kaaga faa'iidaysto waa guul darada oogu weyn. Hadday tani dhacdo cadawgu wuu guulaystay.

 

Isku jamciyoo qabqable, Ahlusunnah Wal jameeca, Alshabaab iyo Xisbul Islaam iyo dawlada Mr.Ahmed dhamaantood waa caruurtii Somalia kuwii cadawgeeda si wada jir ah ooga difaaci lahaa markaa waa nasiib daro in isla iyagii madxa la isu galiyo, oo cadawgooodu ka faa'iidaysto.

 

Ps. Emeperor, sxb arintu fara laga qaaad in ay noqoto ayaan ka cabsanayaa. Hassa ahaatee bal wixii war ah, eed kolba hesho soo tuur tuur.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farancab shaleytoole baad dhalatey ee bal kaadso meeshaanu Cumar jees iyo hebel truki laga hali maaye. Ahlu Sunnah afkaaga ka leexsho adeerow dadka diinta islaamka uu keeney abka iyo isirkaaba weeye ee wax baro ciyaal saqiir oo hip hop jihaad uu qaloocmey iyo Onlf bidhi bidhi inooma keenin :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Ahlusunnnah anu wax kama sheegin si gooni ah uma garaacin. Bal'e sxb iyaga iyo dhamaaan kuwa kale ee meelahaa boodboodi isku si baan u arka. Dad wareersan oo cadawgoodu kolba dhan ka marayo ayey ii wada yihiin. Adu hadaad kala jeceshahay ani waa iskugu kay mid. Sida ay tahay adeeer tani ciyaalka sidaa doo kale qabiilka iyo cudqada lagu ababiyey way ka weyntahay mana fahmi karaan markaa horay usii soco hana kufin.

 

Originally posted by wacdaraha_aduunka:

Farancab shaleytoole baad dhalatey ee bal kaadso meeshaanu Cumar jees iyo hebel truki laga hali maaye. Ahlu Sunnah afkaaga ka leexsho adeerow dadka diinta islaamka uu keeney abka iyo isirkaaba weeye ee wax baro ciyaal saqiir oo hip hop jihaad uu qaloocmey iyo Onlf bidhi bidhi inooma keenin
:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Farancab:

Haddaba, ninkii qaba in
Ahlusunna Wal Jameeca
ayna taageero ka kala helin labada dawladood ee Mr.Ahmed iyo Mr.Melez maamushaan, runtii waa nin xaqiiqyo badan oo wakhti yar gudahood banaanka imaan doona ka indho tiran.

Adeerow gacaliye hadii lagugu soo naas nuujiyey onlf baa dagaalanta iyo xabaashi baa meel joogta dee adna insha alaah dadka wakhtiyadaan dhow jiqi iyo jirqi la tagi doona baad noqon. Adoo ciyaal ah baad la timid Ahlu sunnah wa sidaa iyo sidaa bal micnaha magacaasi ma mid xabashi soo keeney mise uu mid qorey? Intaad aayar meeshaan uga baxdid ana kugu dari maayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Adeer si baad u laaqantahay ood u jibaysantahay.

 

Wax macno leh oo laga doodi karo iyana meesha kuma haysid,

markaa iska bood bood.

 

Weligaana ha kugu taag naato. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

They'll be bogged down in Somalia as always and desperately seek the exit.And those who thought sh. hotel was sane let this be a lesson to you. The man has no clue of what he doing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this