Sign in to follow this  
Land_Soldier

Silaanyo inviting Generaal Jaamac Qaalib(Somaliland traitor) to Hargeysa

Recommended Posts

General Jaamac Maxamed Qaalib Oo Imanaya Somaliland. Miyuu Cafis Ka Helay Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo 030624_Qaalib_300.jpg

(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 01, 2010

 

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib

(HNW)- Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ah masuuliyiinta mudada dheer ku soo jira siyaasadda mandaqada, ayaa lagu wadaa inuu Ciidda Ramadaan oo ay inaga xigaan maalmo koobani ka soo dego garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

 

Sida Shabakadda Somalilandpress u xaqiijiyay Wiil uu dhalay Jeneraal Qaalib oo ku sugan magaalada Hargeysa, socdaalka uu dalka ku imanayo waxa uu ka dambeeyaa kadib markii is-afgarad uu dhex-maray xukuumadda Somaliland ee dhawaan xilka la wareegtay ee la soo doortay. Isla markaana Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed oo u waramayay weriye Cabdiqani Xuseen Baynax iyo xafiiska Somalilandpress ee Hargeysa, ayaa sheegay in aabihii uu xilligaas si rasmiya u iman doono Hargeysa.

 

Hase yeeshee, ma jiraan warar rasmiya oo cadaynaya imaatinka Jeneraal Jaamac iyo weliba ilaa hada waxyaabaha ay dawladda Madaxweyne Siillaanyo ka wada hadleen.

 

Dadka siyaasada u dhuun-daloola ayaa waxay sheegayaan in Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib iyo Madaxweyne Axmed-Siillaanyo ay ahaayeen saaxiibo isku dhaw, iyada oo Jeneraalku xidhiidh adag la lahaa Md. Siillaanyo waqtigii uu Ururkii SNM hogaaminayay, isla markaana uu siin jiray warbixino siro ahaa oo ku saabsan hadba halkii xaal marayay, xataa isaga oo ka tirsanaa waqtigaas dawladii Maxamed Siyaad Barre, kuna sugnaa magaalada Muqdisho.

 

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo Wasiirkii Arrimaha Guddaha Dawladii Soomaaliya ugu mudada dheeraa, lana sheegay inuu ahaa kii ugu awoodda badnaa, ayaa arrimihii ay isku khilaafeen Maxamed Siyaad Barre waxa ugu waynayd isaga oo lagu eedeeyay kaaimihii uu ka ciyaaray taabo-gelinta Ururkii dib-u-xoraynta dalka ee SNM.

 

Jeneraal Jaamac Yare oo ka tirsan Inter-Poll ama Booliska Caalamiga ah, ayaa sidoo kale xubin ka ahaa Baarlamaankii ugu horeeyay ee Somaliland yeelato waqtigii maamulkii SNM xilka wareejiyay, waxaana uu hada ka mid yahay siyaasiyiinta ugu magaca wayn Somaliland iyo Somalia-ba.

 

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu dambaysay Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo sanadkii 2003-dii, waqtigaas oo uu safar aanu ku guulaysan ku yimi dalka, ka dib markii ay xabsiga u taxaabay xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale, iyada oo weliba dalka laga mastaafuriyay, sidaa aawadeed-na waxa uu u sii gudbay dhinaca dalka Djibouti, halkaasoo marka horeba uu socdaalkiisu ku jeeday si uu uga qaybgalo shir waqtigaa halkaa ka dhacayay.

 

Xigasho: Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

In 2003 Generaal Qaalib was arrested at the airport after he tried to enter the country.

 

 

 

 

Jaamac Maxamed Qaalib oo Hargeysa lagu xiray[/b]

 

qalib.jpg

Axmed Saciid Cigeh - BBCSomali.com

 

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ah siyaasiyiinta u ololeeya midnimada Somaaliya, oo haatanna ka qayb gelayay shirka kooxaha soomaaliya uga socda Nairobi, ayaa shalay maqribkii ay ciidanka boliiska ee Hargeysa jeelka u taxaabeen.

 

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib siday ii sheegeen askarta boliiska ee gegida dayuuradaha ee EGAL INTERNATIONAL AIRPORT waxaa la qabtay isagoo ka soo degay dayaarad ay leedahay sharikadda DALLO AIRLINES shalay maqribkii, duulimaadkaasi oo ka yimid Nairobi, soona maray jabuuti.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada La magac baxaday Somaliland, Ismaaciil Aden Cusmaan oo faahfaahin ka bixiyay xadhiga generaalka wuxuu ii sheegay in jaamac maxamed qaalib-waa siduu hadalka u dhigaye-uu u banbaxay had iyo jeer minjaxaabinta jiritaanka qarannimada Somaliland, taasoo uu marar badan ka qayb galay ayuu yidhi shirarka somaliweyn oo uu kaga dodo inaanay Somaliland marnaba goonni

isutaagi kareyn .

 

Wasiirku wuxuu intaa ku daray inay ka warqabaan in maalmo ka hor uu jaamac maxamed qaalib isagoo dhex fadhiyay genneraalladii xasuuqa ka geystay Somaliland ee moorgan iyo gaanni shirka kooxaha soomaliya ee Nairobi uu kaga doodayay hub ka dhigista Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Ismaaciil Aden Cusmaan wuxuu kaloo sheegay inay muddoba isha ku hayeen dhaqdhaqaaqa jaamac maxamed qaalib, kana warqabeen imaatikiisa hargeysa oo ay usii diyaargaroobeen. Wuxuu sheegay wasiirku in markii boliisku qabteen generaal jaamac la mariyay

nidaamka sharciga u yaalla Somaliland markiiba , iyadoo la mariyay buu yidhi xeer ilaalinta , garsoore maxkamadeedna la horkeenay sidaana xabsiga loogu gudbiyay .

 

Wasiirka oo aan weydiiyay waxa jaamac maxamed qaalib uu kaga duwanyahay dadkii isaga la midka ahaa oo qaar badani ay haatan si xor ah ugu noolyihiin magaalinka Somaliland ? wuxuu ku jawaabay wasiirku inay jiraan dadkaasi laakiin ay markii hore cafis dawladda Somaliland u soo qorteen. Wuxuu intaa ku daray wasiirku ismaaciil aden cismaan in Jaamac Maxamed Qaalib uu iska yimid isagoon wax cafis ah soo qoran.

 

Dhinaca kalena, Guriga Jaamac maxamed qaalib oo maanta aan tegay ayaa waxaan kula kulmay wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed qaalib wuxuuna ii sheegay in loo diiday saaka inuu arko aabihii markii uu doonay inuu jeelka ugu geeyo gogol iyo cunto , ilaa iyo haatanna aanu garaneyn waxa aabihii lagu xidhay ee loo haysto.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in generaal Jaamac Maxamed Qaalib uu u socday magaalada muqdisho laakiin waqtiga oo madow noqday ay diyaaradda noqotay in ay u hoyato hargeysa markii ay dhigtay rakaabkii u socday hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Exiled Former Interior Minister of Siyad Bare regime will return to Somaliland

 

Somalilandpres

 

HARGEISA (SomalilandPress)–A long time politician in Somalia, General Jama Mohamed Qalib is expected to return to Somaliland via Egal International Airport during the Eid festival. It was in 2003 when General Qalib landed in Berbera Airport after his return from Somali reconciliation conference that he was arrested on arrival. Mr. Qalib was held for several days before he was exiled to Djibouti after he told former President Egal that he would not renounce his support for Somali reunification.

 

General Qalib was the longest serving Interior Minister during Siyad Bare era which earned him the nick name “the Iron Minister”. The Minister and his former boss former President Siyad Bare disagreed on the role the General played the development of Somali National Movement (SNM) which at that time was fighting the government. Some believed General Qalib was giving top secrets to SNM because of his tribal lineage, however it was never proven. The General currently works for the International Criminal Police Organization (INTERPOL).

 

SomalilandPress reporter Abdiqani Baynah in Hargeisa was able to confirm with Abdirahman Jama Mohamed the son of General Jama Qalib the rumors that his father is expected to arrive Somaliland next week. Mr. Abdirahm Jama Mohamed told SomalilandPress that his father is expected to arrive in Somaliland sometime next week after his father and Somaliland President Ahmed Siilaanyo where able to have a mutual agreement. Currently there is no official news from the government in this matter.

Political experts in Hargeisa are saying that General Qalib and Somaliland President Ahmed Siilaanyo have a close relationship that dates back to when Mr. Siilanyo was the chairman of SNM and the general was the Interior Minister.

 

Source: SomalilandPress| Friday September 3, 2010

Reported By: Abdiqani Baynah & Isahaq Ahmed edited by Mohamed Ibrahim

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

I don't see the big deal. This guy when needed did his dues for reer Somaliland. He has more right to live and travel Somaliland then all of your western born ********* internet ku dirir regardless of his views of SL as a political entity.

 

P.s. And no I am not related to him either, just pointing out the obvious.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by *Ibtisam:

I don't see the big deal. This guy when needed did his dues for reer Somaliland. He has more right to live and travel Somaliland then all of your western born ********* internet ku dirir regardless of his views of SL as a political entity.

 

P.s. And no I am not related to him either, just pointing out the obvious.

Ibti,

 

Somaliland has laws. And the law says that individuals who have participated in TNG or the TFG are not welcome.

 

Last week, TFG MP's were arrested in Borama. Which I didnt hear you complain about. Its obvious you are some how related to him. That's ok. I like reer Salaxleey too.

 

But we cant make an exception to the law just because you are related or because I like reer Salaxleey. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Ducaysane:

Siilaayo was minister in Siyaad Barre's government too.

So as Riyale farmer CID officer of Siyad (AU) and all many others running Somaliland who brainwashed civilians about the dismemberment from rest of Somalia. Just personal interests at its best but many of them think they are doing for the people's interest.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

SNM was not a personal interest it was the interest of the people of somaliland

Xaji you too naive adeer. Yes, the foot solders have no personal or special interest, but master minders had and still have. See what happened to those who fought, they live miserable life and no one cares. Those who performing this show of somaliland way duushay are all Siyad's partners but when things changed against their own benifits or they lost positions, that is when they started stuffing u cuqdad and hate. Some of those you look as heros up were dancing with uncle siyaad until he fell. Open your eyes and don't buy every lip surface bull-sh!t.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Pure nonsense Muj Silanyo Joined SNM a year after its formation So Did Abulraxmaan tuur in 1982 , this not pure interest of a few individuals these people sacrificed their daily good live for the future and the people of Somaliland. Non of them Are living A miserable life they are living in the land they helped liberate in dignity and honour. The First Chairman of And the founder of The SNM was never part of any Siyad bare regime Mujaheed Axmed Jimcaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaji waxbaa kugu qufulan wax laagaama dhaadhicin karo. Out million of people you chose one or two. Why Tuur went back to Somali weyn then? Isn't that interest?

 

Yes many of mental people are the foot solders of snm and are roaming hargaysa/burco street with lack of care.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by A_Khadar:

quote:Originally posted by Ducaysane:

Siilaayo was minister in Siyaad Barre's government too.

So as Riyale farmer CID officer of Siyad (AU) and all many others running Somaliland who brainwashed civilians about the dismemberment from rest of Somalia.
Lets talk about the reality of TODAY. what Somalia do you have? Its a rubbish state and they're better of on their own. Try to convince the ones that you say are brainwashed back to the union..I dare you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this