Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland No election 29 march

Recommended Posts

Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Sheegay In Aanay Doorashadu Wakhtigeedi Qabsoomi Karin Sababo La Xidhiidha Dhaqaalaha iyo Farsamada

 

-------------------------------------------------- ------------------------------

 

 

 

()

hadhwanaag 2009-02-23 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Komiishanka doorashooyinka Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inaanay doorashada madaxtinimada Somaliland ku qabsoomi karin wakhtigii loo cayimay.

 

Sidaana waxay komiishanku ku sheegeen fadhigii Golaha Wakiillada ee Maanta oo ay warbixin ka siiyeen hawlaha doorashooyinka iyo ilaa hada waxa diyaar ah.

 

"Komishinka Doorashooyinka Qaranku wuxuu imika ka soo baxay hawl juhdi weyn oo ah diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ah hawshaasi oo aan filayo inay taariikhda wadankeena tiir ka mid horumarkiisa ay noqon doonto.Waad og-tihiin Somaliland waxay u ahayd diiwaan gelintu kolkii labaad wadankan dadkiisu muu ka soocnayn dadka kale, ku dheeraan maayo shacbiga dalku ku yar iyo ku weynba si laxaadle ayay uga qeyb qaateen, arintaas deeq bixiyeyaashuna tacab badan bay ku lahaayeen." Ayu yidhi Guddoomiyaha komiishanka doorashooyinka Somaliland Md, Jaamac Maxamuud Cumar(Jaamac Sweden),

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Hawsha imika komishinka u taala ee deeqbixiyeyaasha iyo ha’yadan lacagaha la soo mariyo ee [inter-Peace] noo dhaxaysaa waa in si hufan looga shaqeeyo diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee laga soo ururiyay wadanka oo qiyaastii Milyan Iyo Afar Boqol ku dhawaad ah, si caalamiya oo qawaaniinta caalamiga ah ku salaysan oo la isla wada og-yahay looga saaro wixii is diiwaan geliyay hal mar wax ka badan, taasi waa diyaar Ha’yado caalamiya ayaa eegaya tayada mishiinada Serfarka. ha noqoto inay dhaqaalihii bixiyaan, ha noqoto inaanu ula nimaadno miisaaniyadii doorashada, ha noqoto inaanu heshiis la galno qolyaha lacagtu ay soo marto, taas macnaheedu waa in shuruudaha aasaasiga u ah in lacagta la helo oo ay kow ka tahay inaanu heshiis la galno ciddii lacagtu soo maraysay in miisaaniyad la isla sameeyo doorashada lagu qabto inta aan deeq-bixiyeyaasha looba tagin. Dawladuna ay balan qaadkeedii kharashaadka bixiso si loo ogaado halka ay wax ku baxayeen."

 

Gudoomiyaha Komiiishanka doorashooyinku Jaamac Sweden waxa uu sheegay inaanay kaligood go’aan ka gaadhi Karin mudeynta wakhtiga doorashooyinka la qaban doono

 

Deeq bixiyeyaashu xisbiyada qaranka iyo annagaba [Komishinka ] way na soo mareen, wixii ku lug leh muddaynta doorashada waxa weeyaan wax ay ka tashanayaan dhinacyada ay khusaysaa oo isla eegaya jid wal u dejinta hawlaha doorashada"ayuu yidhi Jaamac Sweden.

 

Hadalka komiishanka doorashooyinku waxa uu ka danbeeyey kadib markii go’aan gole[Parliament Resolution] Golaha Wakiilladu doraad soo saareen ay komiishanka doorshooyinka kaga dalbadeen inay horyimaadaan, isla markaana warbixin ka siiyaan hawl socodka doorashooyinka.

 

Dhawaaq komiishanku kaga dayriyey qabsoomida doorashooyinku waxay ku soo beegantay wakhti ay dalka ka taagan yihiin weedho xanaf siyaasadeed huwan oo ay Xisbiyadu is-dhaafsanayaan, iyada oo ay wakhtigii hore loogu cayimay inay doorashooyinku ku qabsoomaan ay ka hadhsan tahay 34 Maal-mood oo kaliya.

 

Maaha markii ugu horeysay ee doorashooyinka dib loo dhigo, hasayeeshee ugu yaraan dhowr jeer oo kale ayaa dib loo dhigay, iyada oo sababaha dib loogu dhigayeyna ay ugu weynayd in la diwaangeliyo cod bixiyayaasha ka hor inta aan doorashooyinka la gelin.

 

Intaa kadib waxay mudanayaashu xubnaha komiishanka doorashooyinka ku boobeen Su’aalo.

 

S: Md. Axmed Ducaale Bulaale: Doorashadu haddii wakhtigeedii ay Ku dhici weydo maxaa la yeelayaa? Waxa uu CaCali Biikallo kaga jawaabay oo uu yidhi “Doorashada wakhti baynu u qabanay hore oo ahaa heshiiskii markii doorashadii dib u dhacday kal hore, waxay heshiisku ahaa in mudada ka horeysa 6-da bisha April ay doorashadu qabsoonto, haddii ay yimaadaan xaalado si kastaba ha ku yimaadaane keeni kara in mudadaa lagu balamay ay doorashadu ku qabsoomi karin, xaaladaas waxa heshiisku odhanayay waxa wada jir uga go’aan qaadanaya Komsihinka doorashooyinka iyo axsaabta qaranka. Imika sidaas aanu idiin sheegnay mudadaas lagu baahi bixi karo, waanu ka shiraynaa markaa wakhti lagu wada qanacsan yahay ayaa la soo saari doonaa. Laakiin muddo aan ku odhanayo waa wakhtigaasi ma jirto balse gacanta ayaa lagu hayaa”.

 

 

Mustafe-Janaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysaa/Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Waxaa iswaydiin mudan marka dawladnimada la sheeganayo meedey hadaanu dhaqaalo loo hayn hal doorashaba?

 

Mise arrin kala meesha looga gol leeyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Oodweyne:

[QB]
quote:

Originally Posted By Mr. Gabbal
,

 

Waxaa iswaydiin mudan marka dawladnimada la sheeganayo meedey hadaanu dhaqaalo loo hayn hal doorashaba?

40% of the election budget is paid by the Somaliland's government and 60% is paid by the EU.

 

The EU has not completely allocated the whole sum; hence, the delay in organising the latest hiccup of the registration process...

 

All in all; the election will be held long before May of this year (2009) whch is the when the mandate of the extended current government expires. And, there will not be any further extention indeed...

 

Hence, the complete registration, and fraud-proof system of registered votes is a must in here. Hence, the NEC (i.e., the electroral commission) will take it's time to guarentee that there is no hanky-panky in here or even for that matter Gen. Afweyne's 99% public votes in his heyday in here. Be rest assure of that,
dear lad
...

You would be wise to ignore my feigned ignorance there Oodweyne. Money is not the issue here for a mere provincial election and in a place like our home country where people give their services for free in the name of clannish cause. I think the reality is Riyaale is not going to let power go. This is what, the third post-postponement? War jiraba cakaarahu iman. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^LOol, no its a request as in the form of 'please step down', no one can threaten Riyaale wartaa Xiinow, he even prisons the opposition leaders :D ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^lol Please don't tell me you thought Mrs. Gelleh's dinner was free and with no strings attached. :D

 

That was not a threat but a word of advice for the President. If he wants to silence those who think his administration is power-hungry rather than incompetent, that's the solution. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually the Guurti can extend the President's term. So legally Riyaale can still remain in power. But why should Kulmiye accept this delay again? They should make as much noise to insure that they delay will be final and be no more than few months otherwise, they will loose credibility with their supporters.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

It turns out to be technical issues and has nothing to do with udub party. NEC should take their time and need not to rush anything for somaliland to have quality elections. We can wait.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Peace Action:

Actually the Guurti can extend the President's term. So legally Riyaale can still remain in power. But why should Kulmiye accept this delay again? They should make as much noise to insure that they delay will be final and be no more than few months otherwise, they will loose credibility with their supporters.

Kulimey should hire reer puntiland to kick out Riyaale. You guys are in fighting mode it seems :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

didnt i tellya people that this was not gonna happened. Basically, Riyaale aka Busqadhii-Cigal does not have the votes to win.

 

so u gonna see it postponed another year!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this